XUKUNKA DIL KA DHASHAY MURAN GACAN KA HADAL XIGAY.

0
1294

Garsoor – (Mogadishu) – Dable NISA Badri Cabdiraxmaan Kaahin Ismaaciil ayaa loo soo xiray Dil bareer ah uu u gaystay Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed dilkaas oo ka dhacay laamiga Xoosh ee degmada Dharkenlay Kow iyo Labaatankii Bishii November ee sanadkii 2023.

Muran isku bedelay gacan ka hadal oo dhaxmaray Marxuumka iyo Taliye unugii ciidanka ilaalada shacabka ee ku qornaa barta koontarool kedib Badri ayaa soo dhexgalay kedibna dilay maxruumka.

Baaris dheer dabadeed Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Tobankii bishii February ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Ex Dable NISA Badri Cabdiraxmaan Kaahin Ismaaciil Dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Cabdullahi Yuusuf Axmed.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada.