Xukunka Dil ka dhashay Muran salka ku haayay Siyaasad…..

0
1103

Garsoor – (Mogadishu) – Dable Xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tookiyo) ayaa loo soo xiray dil bareer ah uu u geestay Marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan Labo iyo Tobankii bishii Augost 2022, falkaas oo ka dhacay maqaayad lagu shaaho ee kutaal isgooska Tarabuunka ee degmada Hodan.

Muran salka ku haayay Siyaasad oo soo kala dhaxgalay Marxuumka iyo Cabdiraxmaan ayaa gaartay gacan ka hadal uu midi kaga dhuftay Wadnaha iyo Daanka.

Eedesanaha oo baxsad ka ahaa gacmaha sharciga ayaa soo gacan galay Sideed iyo Labaatankii bishii January ee Sanadkan.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Sideed iyo Tobankii bishii February ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Dable Xoogga Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Tookiyo)  Dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Cabdijabaar Maxamed Xasan.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada.