Xukunka Axmed Barre Ka yimid Burco Jillibna usocday…

0
1113

Garsoor-(Mogadishu)- Axmed Barre Maxamuud Guuleed ayaa loo soo xiray ka mid ahaanshiyaha Khawaarijta Alshabaab, Waxaana Ku biirista Maleeshiyada uu uga yimid Gar-Adag oo ka tirsan Gobalka Sanaag.

Waxaa Ku biirista Khawaarijta ku tashkiiliyay Aadan Yaroow oo ay isla ahaayeen Reer Gar-adag balse jooga Jilib, isagoo u sheegay in uu maalintii mushaar ahaan u qaadan doono lacag dhan Malyan iyo Shan Boqol oo Shilling Soomaali ah (1,500,000Sh Somaali ah), bishiina uu qaadan doono $1,200 Dollar uuna la shaqeyn doono Maleeshiyada.

Waxaa lagu soo xiray Nin ganacsade ah oo Bakhaar bagaashka lagu iibiyo kuleh Burco, laguna magacaabo Axmed, kaas oo soo saaray gawaarida soo aada Buuhoodle.

Waxa uu soo galay Xamar oo kaga sii gudbay Ceelasha Biyaha, Halkaas uu doonaayay inuu ka sii aado Jilib.

Ciidanka Qarsoon ee NISA ayaa ka soo xiray Ceelasha Biyaha, Lix iyo Labaatankii bishii November ee Sanadkii tagay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga ogolaaday Afar iyo Tobankii bishii February ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Axmed Barre Maxamuud Guulled , 5 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.