Tababare Ciidan oo loo xukumay la Shaqaynta Argagixisada….

0
8699

Garsoor (Mogadishu)- Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal oo ah 63 jir ah ku dhashay Baydhaba ayaa loo soo xiray in uu ka tirsanyahy Khawaarijta Alshabaab Qeybta Amniyaadka una qaabilsanaa bixinta xogaha Ciidanka Xooga Dalka, waxaana laga soo qabtay gudaha Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

Waxa uu sheegtay darajada Gaashaanle Sare laakiin dowladdii Madaxweyne Farmaajo xilligii diiwaan gelinta Ciidamada ayaa loo helay xidig sax ah, waxaana Cadaatay in inta kale uu iska saartay.

Caradii uu ka qaaday kedib waxa uu la xertay Alshabaab, waxaana hay’adaha barista Amniga iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Ogaadeen In Xidigle CabdiCasiis Xuseen Nuur Musral yahay sarkaal xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga la wadaago Alshabaab.

Habraacca Go’aan ka gaarista iyo dhamaystirka dacwad qaadistiisa ayaa soo socotay ilaa January 22 Keedii Sanadkan.

Maxkamadda ayaa ugu danbeyn maanta Go’aan ka soo saartay Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal, waxa ayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.