Nala daawo qeybta koowaad ee barnaamijka Gungaar. “Saaxiibbada Garsoor ku xiran ayaan ugu tala galnay”.
Maxkamadda Ciidamada oo xukun kasoo saartay Horjoogihii u qaabilsanaa Alshabaab fulinta dilalka Muqdisho ( Ilkacase) iyo Sideed kale oo isugu jiro maqanayaal iyo goob-joogayaal.
Horjoogihii kooxda Alshabaab ugu magacownaa fulinta dilalka qorsheysan Muqdisho iyo Sideed kale oo Maxkamadeyntooda la soo gaba-gabeeyay.
GABA-GABADA KIISKII LOO HEYSTAY SHABAKAD ALSHABAAB U QAABILSANEYD GALBEEDKA MUQDISHO
Bahda Garsoorka Ciidanka oo tacsi u diray Shuhadadii ku baxday gacanta Arga-gixisada…
Muqdisho (Garsoor)- Allaha u naxariistee Janaraal, Cumar Aaden Dhubbad, (Cumar dheere) oo ahaa Taliyihii qeybta 12-ka April ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, Abaandulahii qeybtaas , Janaraal, Cabdi Cali Jamaame, iyo qaar ka mid ah Askartii la socotay ee ku shahiidday weerarkaasi fulaynimada ah ayay Allah uga baryeyn in Naxariistiisa janno uu ka waraabiyo.
Janaraal Cumar Dheere ayaa ku guda jiray fulinta shaqo uu garsoorka ciidanka u diray, waxaana safarkiisa ku wehliyay saraakiil ka socotay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamad Qalabka Sida.
Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ayaa si wada jir ah Shuhadada uga baryay EEBBE naxariistiisa.
“Cumar dheere waxa uu ahaa Sarkaal Hoolkar ah, xoog furan oo fir-fircoon, waxa uu jeclaa in uu geeriyoodo isaga u shaqeynayo dalkiisa, Allaha Unaxariisto dhamman Sareeya-yaasha iyo askartii ku geeriyootay dhagartii shalay” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Janaraal Cumar Dheere ayaa lagu xasuusan doonaa kaalintii uu ku lahaa xureynta goobaha cadowga Alshabaab ay ku sugnaayeen, waxa uu sidoo kale ahaa taliyihii ugu horreeeyay ee hor kacay ciidan oo isaga masuul ka yahay kuwaasi oo xureeyay dhul ballaaran iyagoo u madax baan howlgalladooda.
Maanta ayaa loo sameeyay aas Qaran oo ay ka qeyb galaan masuuliyiin kala duwan.
Inaan Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun….


Sawirradan waxaa la qaaday 19-November ee sanadkan mar ay booqasho ku saabsan wacyi gelin ugu tageen Ciidamada Xoogga dalka madaxda Garsoorka Ciidamada.
Hoolka dacwadda maxkamadaha oo loo dhisay qaabka hoolalka dacwadaha Caalamka.
Muqdisho (Garsoor)- Tan iyo Markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu ku dhawaaqay Ololaha is Xilqaan ayaa waxaa sii kor dhayay Xarumaha danta guud. ah ee lagu dhisayo mashruucan.
Bahda garsoorka oo shacab iyo ciidan ka kooban ayaa iyagana isku baheystay sidii loo dhisi lahaa hoolka dacwadaha si lamid ah hoolalka Maxkamadaha horumaray.
Lacago ay iska jareen shaqaalaha Ciidanka iyo Rayidka, Madaxda garsoorka qeybahooda kala duwan ayaa suura galisay in dib loo dhiso hoolka, waxaana manta ka qeyb galay xafladda dib u furidda Hoolka Dacwad qaadista Maxkamadaha dalka Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Ciidamada &Rayidka sida Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Baasha Yuusuf Axmed , Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow, Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobalka Abshir Cumar Cabdullahi, Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Niuur Shuute, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir iyo marti sharaf kale oo ka socday qeybaha garsoorka dalka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobalka Abshir Cumar Cabdullahi ayaa ugu horeynba u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha in ujeedka dib casriyeynta ay tahay sidii ay kaga qeyb qaadan lahaayeen kaalintooda kaga aadan dib udhisidda dalka ee ololaha isxilqaan ee uu horay madaxweyna Farmaajo ugu dhawaaqay.
Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa kaga mahad celiyay qof kasta oo ka qeyb qaatay dhismaha hoolka, waxa uuna sii raaciyay in cadaaladda ay qeyb ka tahay Quruxda oo ay ku leedahay doorweyn.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa isna goobta furitaan xafladda ka sheegay in ay farxad u tahay in uu goobjoog ka noqdo furitaanka howlkan ee markii la gaarayay go’aankiisa uu safar shaqo dalka kaga maqnaa.
Guddoomiyaha Maxkamadda SareGaryaqaan Baasha Yuusuf Axmed oo soo xiray furitaanka Xafladan ayaa u sheegay dhamman ka qeyb galayaasha in xafladda xirantahay, waxa uuna ugu baaqay bahda cadaaladda in ay gartaan doorkooda oo ah Hey’adda sedaxaad ee ugu sareeyso hey’adaha dalka in ay uyihiin tiir, waxa uuna ballan qaaday in ay kasii shaqeyn doono hormarka garsoorka.
Hoolka dacwad qaadista Maxkamadaha dalka ayaa hadda loo naqshadeeyay sida hoolalka Maxkamadaha Casriga ah.


Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay Raggii weeraray Hotel Naasa Hablood2
Muqdishu (Garsoor)-28-kii October 2017 ayay aheyd xilli galab gaab ah saacadda Muqdisho markii maleeshiyada ka tirsan Al-sabaab ay weerar isugu jiro Ismiidaan iyo dagaal toos ah ay ku qaadeen Hotel Naasa Hablood Laba ee Magaalada Muqdisho.
Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa eedeysanayaasha kala ah :-
1-Farxaan Maxammed Samatar , 2-C/naasir Dhaqane Xasan, 3-Abshir Xaaji Maxammed Buule
Waxa uu ku soo eedeeyay in raggan la soo qabtay iyagoo isku dayaya in ay ka baxsadaan goobta dagaalka kedib iska cabin xoog leh oo ay kala kulmeen ciidamada ammaanka, sidoo kale xafiiska ayaa soo bandhigay hubka eedeysanaayasha oo isugu jiro bam-booyinka gacanta iyo Ak-47, waxa ayna sidoo kale hor keeneen Maxkamadda Markaatiyaal ay ku jiraan Saraakiisha Ciidamada amniga ee habeenkaas howl-galka wax ka waday, waxa ayna sheegeen in raggan oo iska dhigay ciidamada amniga ay ka soo qabteen, midkoodna dhaawac uu ahaa meel aan ka fogeyn halka ay mashaqadu ka dhacday.
Kooxda weerarka soo qaaday ayaa ka koobneyd 5- xubnood, mid kamid ah ayaa is qarxiyay ka hor dagaalka inta aysan gudaha ugu gelin 4-ta kale, dagaal kedib ayaa 4-tii maleeshiyada aheyd midkood is qarxiyay kaasi oo ku xirneyd walxaha qarxa, waxaana seddaxda kale ay isku dayeen in ay goobta ka baxsadaan hasa ahaate ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigay.
Maxkamadda darajada 1-aad oo dhowr jeer dhageystay kiiskan ayaa ugu dambeyn saakay xukun dil ah ku riday, sida uu subaxii hore ee saakay warbaainta u sheegay guddoomiyah Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.
Weerarkaasi dadka ku dhintay waxa ay isugu jireen Siyaasiin hore oo xil soo qabtay, kuwa hadda qaar oo haayay xilal, saraakiil amni, haween iyo caruur, waxaana inta la xaqiijiyay geeriyooday 18-qof halka ay 47-kale oo ay ku dhaawacmeen.

GUDDOOMIYAHA CUSUB EE MAXKAMADDA SARE OO MAANTA LA DHAARIYAY
Muqdisho, 29ka May, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeybgalay munaasabad lagu dhaarinayay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaanta koowaad siinayso dib-u-habeynta garsoorka dalka.
“Muddooyinkii la soo dhaafay dadkeennu waxa ay ka hadlaayeen caddaalad darro dhinac walba ah oo baahsan. Waxaan ku samaynaynay daraasad meesha dhibku ka taagan yahay iyo xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka. Waxaa noo soo baxday in loo baahan yahay dib-u-habayn, dib-u-habayntaasina maanta ayay bilaabatay, waxaana noogu xigi doona in aan dhisno Golaha Adeegga Garsoorka.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda xilka culus ee uu u magacaaabay, isaga oo ka codsaday laamaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba in ay gacan ku siiyaan sidii uu u gudan lahaa xilka culus ee loo igmaday.
Guddoomiye Baashe oo hadal kooban jeediyay dhaarinta kaddib ayaa yiri: “Helitaanka garsoor hufan, madax-bannaan, dhexdhexaad ah, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeega caddaalad, waxa uu aasaas u yahay in la helo caddaalad oo iyaduna saldhig u ah wax kasta oo saameeya nolosha bini’aadamka.”
“Haddii ay noqoto horumar, haddii ay noqoto amni iyo haddii ay noqoto kor-u-kac dhaqaale dhammaantood waxaa aasaas u ah in la helo caddaalad, helitaanka caddaaladduna waa masuuliyad wadareed saaran qof kasta oo muwaadin ah oo Soomaaliyeed, aniguna waxaan ahay qofka masuuliyadda koowaad ay ka saaran tahay.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu duceeyay Guddoomiyaha cusub inuu Alle u fududeeyo xilka, wuxuuna faray goleyaasha dowladda in ay soo dhameystiraan dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka oo wax weyn ka taraya dib-u-habeynta iyo hufnaanta garsoorka dalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu magacabaayo Guddiga Dib-u-eegista Dacwadaha iyo Cabashooyinka oo si dhaw ula shaqeynaya Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare. Guddigan oo ka kooban sharci yaqaanno iyo culumada diinta ayaa dib u dhegeysanaya dacwadaha lagu muransan yahay iyo xukunnada ay sida khaldan u rideen hay’daha Garsoorka dalka.
Munaasabadda lagu dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan, Guddoomiye K/Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ra’iisul Wasaare K/Xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Wasiirka Caddaalada Mudane Xasan Xaaji, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalax Axmed Jaamac, Garsooreyaasha Maxkamadda Sare, Xeer-ilaaliye K/Xigeenka Qaranka iyo Taliyeyaasha Booliiska iyo Asluubta.
DHAMMAAD

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Taliyeyaasha Hogganada Ciidanka
Muqdisho (Garsoor), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta hoolka shirarka ee Taliska C.B.S kulan kula qaatay dhammaan Taliyeyaasha hoggaamada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Kulankaan, ayaa waxaa looga hadlay dardar gelinta Shaqada Ciidanka Booliska, Adkeynta ammaanka dalka, Wada shaqeynta Ciidanka iyo Bulshadda Soomaaliyeed iyo arrimo kale.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa Taliyeyaasha hoggaamada Ciidanka waxuu kula dardaarmay in si dardar ah lagu wado shaqada Ciidanka Booliska, isaggoo faray in loo naxariisto, lana caawiyo Shacabka Soomaaliyeed ee Sooman.