Dhagar qabe u kala gudbin jiray hubka fudud Alshabaab oo la xukumay.

Muqdisho (Garsoor)- Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse oo magaciisa Afgarashada loo yaqaano  (Xuseen Dheer) ayaa loo xiray Fabruary  sanadkan kamid ahaanshiyaha Maleeshiyada Alshabaab gaar ahaan Koox  u abaabulan u kala gudbinta hubka fudud oo ay dilalka Dhagarta ah ku geystaan maleeshiyada.

 

Sida uu ku sheegtay Caddeymaha ay ka qoreen Hey’adaha Baarista Amniga Alshabaab waxa uu kubiiray bilowgii Augusta sanadkii hore,  Laba kale oo katirsan Ehelkiisa ayuu  sheegay in ay ku qanciyeen kamid ahaanshiyaha Kooxda Alshabaab.

Ilaa sedax jeer ayuu sheegay in uu magaalada u  kala gudbiyay hub uu kasoo geliyay gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu  ugu  kala dhiibayay qeyba kamid ah Xaafada  Towfiiq shaqsiyaad kale oo kalatirsan Maleeshiyada, Carafaad iyo Suuqa-Xoolaha oo u aheyd  markii sedaxaad ay  suura gashay in ay  qabtaan Ciidamada Amniga Eedeysanaha  isagoo si xirfadeysan u qarinayay Hubka lagu soo qabtay oo uu kuwaday  Boorsooyinka Xarragada.

Laba Bistoolad, Sedax Qasnad iyo 23 Xabadood ayaa lagu soo qabtay Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer).

Bishii Afaraad dabayaaqadeedii  ayaa loo soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side, waxa uuna xilligaasi wixii ka dambeeyay xafiiska guda galay dhamaystirka baarista Kiiskan si loo horgeeyo cadaaladda, isla xilligaas ayaa loo gudbiyay Xabsiga dhexe Gar-suge ahaan.

Bil iyo dhowr cisha kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday muddeynta Maxkamadda, waxaana Maxkamadda Mudeysay bartamaha bishii tagtay.

Xafisika Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda u  horkeenay Dambi muujin ahaan hubkii lagu soo qabtay eedaysanaha iyo Boorsadii uu ku qarinaaye, Qiraalka Eedeysanaha iyo Markaatiyaal ay ku jiraan Ciidamadii Amniga ee Soo qabtay.

Xafiiska ayaa ku dooday in Eedeysanahu ahaa keyd hayaha hubka iyo u daabulidda goobaha ay ka geystaan Maleeshiyada dilalka  gaadmada ah ee lala beegsado haldoorada bulshada, sidaas darteed ay weydiisteen Maxkamadda in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada ay ku soo Eedeeyeen.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa ku andacooday in  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) uusan  geysan dil balse lagu soo qabtay hub ay ku qaldeen dad uu ehel ahaan u aaminsanaa, sidaas darteed  aan lagu eedeyn Karin gacan siin maadaama aysan jirin fal dil ah oo lagu soo qabtay Eedeysanaha, waxa ayna Garsoorka Ciidamada Weydiisteen in la siiyo xorriyadiisa.

Garsoorayaasha Maxkamadda oo go’aan ka gaaridda kiiska ay ku qaadatay waqti ayaa ugu dambeyn maanta go’aan kasoo saaray, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Shan iyo Toban Sano oo xabsi Ciidan ah sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Muuse (Xuseen Dheer) ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan.

Shaqsi hubka u iib geyn jiray  Alshabaab oo la xukumay

Muqdisho (Garsoor)- Cadow Cabdulle Axmed (Carab) ayaa loo heystaa u daabulidda hubka iyo rasaasta nuucyadooda kala duwan Maleeshiyada Alshabaab, Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku dhigay, wixii xilligaasi ka dambeeyay Hey’adaha baarista ayaa ka fushaday howlahooda baarista iyadoo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side loo soo gacan geliyay 17-ka bishii April ee Sanadkan xilligaasi oo sidoo kale Xafiiska Garsoorka Ciidamada weydiisteen in loo gudbiyo Eedeysanaha Xabsiga Dhexe Gar-sug ahaan.

Dhowr Cisha kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta  Ciidamada Qalabka Side ayaa codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda.

30-kii April ee Sanadkan ayay Maxkamadda Ciidamada ballamisay dhageysiga Dacwadda, waxaana xilligaasi looga yeeray fadhiga Maxkamadda dhinacyada ay qoseyso.

Xafiiska Xeer Ilaalinta oo kaa shanayay Hey’adaha baarista ayaa fadhiga Maxkamadda kusoo bandhigay Eedeysanahan  Lix iyo Sodon jirka ah, waxa ay Maxkamadda wax ka weydiisay jiritaanka kamid ahaanshiyihiisa Alshabaab iyo U daabulidda Hubka iyo Rasaasta ee uu  maleeshiyada kaga daabuli jiray Suuqyada  Qarsoodiga ah ee Hubka lagu iibiyo.

Si cad ayuu fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in uu u furnaa suuq uu ku iibiyo Hubka oo cid kasta oo daneysa Hubka uu ka iibin jiray laakiin arrinta la yaabka leh  ayaa ahayd in uu safarro ku bixiyay si’uu Alshabaab ugu geeyo Nuucyada Rasaasta iyo Hubka.

Kuunya Barrow, Toorotoorow iyo Mubaarag ayuu geyn  jiray hubka isaga oo ku kala wareejin jiray shaqsiyaad Alshabaab u qaabilsanaa Keydinta Hubka sida uu garsoorka ka hor caddeeyay Cadow.

Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) uusan ahayn dhallinyaro la marin habaabiyay balse uu go’aansaday in uu  hanti ka sameeyo dhiigga Umadda, waxa uu garsoorka u sheegay in Eedeysanaha uu ku qanacsanaa shaqada Alshabaab uu u hayay.

“Dadaal iyo Juhdi ayuu ku bixiyay si’uu Alshabaab ugu geeyo goobaha ay ku dhuumaaleysteen hubka iyo Rasaasta, waxa uu isticmaalay farsamo kasto uu Alshabaab ugu geeyo Hubka “ ayuu Hadalkiisa sii raaciyay  ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida,  garsoorka Maxkamadda ayuu weydiistay isaga iyo kuwa lamidka ah in la marsiiyo ciqaab u dhiganta qodobada sharciga ah oo ay ku soo eedeeyeen.

Qareenada Eedeysanaha ayaa ku dooday in aysan jirin sharci guud oo dowladda dajisay kaasi oo diidaya inaan hub la iibin Karin sidaas darteed uu xaq u leeyahay eedeysanaha in uu ka shaqeysto wixii uu ka dhex arko danihiisa, waxa ay Maxkamada ka codsadeen in la siiyo xurriyadiisa inta dowladda go’aan guud ay kasoo saareyso.

Todobaad kadib Maanta ayay Maxkamadda kasoo saartay go’aan eedeysanaha, waxaana Eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab)   lagu xukumay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa ka  digtay iibinta hubka Qarsoodiga ah (Cir-toogte), waxa ayna Maxkamadda fartay hey’adaha Ammaanka in ay baaris iyo daba gal ku sameeyeen Shqsiyaadka ka ganacsada Hubka.

“Shaqsigii ay ku cadaato in uu gacan ku siiyo cid kasta oo lid ku ah dowladnimada hub iyo Rasaas waxa uu inooga dhigan-yahay sida kooxaha arga-gixisada, waxa uuna heli doonaa ciqaab u dhiganta miisaanka dambi uu galay, Ogaada cid loogu dulqaadan doono ma jirto ficillada nuucaas oo kala ah” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) ayaa heysta fursad uu ku dalban karo rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Burcad ku dhici jiray dadweynaha Shaatiga Ciidamada Amniga oo la xukmay.

Muqdisho (Garsoor)– Dable Axmed Maxamed Xuseen oo katirsan Ciidamada Amniga gaar ahaan Boliska ayaa siyaaba kala duwan dhac ugu geystay  dad rayid ah oo uu u galay waddada xilliya kala duwan qeyba kamid ah degmada Kaaraan gaar ahaan Xaafadda Jamhuuriya.

March Tobankeedii   Sanadkan ayay Ciidamada amniga kasoo qabteen Xaafadda Jamhuuriye xilligaasi oo uu gacmaha kula jiray dhac uu u geysanayay  qaar kamid ah bulshada ku dhaqan xaafadaasi.

Todoba qof oo dhibana u ah ayaa iska diiwaan geliyay  galka cabashada Ciidamada Amniga ee degmada Kaaraan kuwaasi oo ka cabanayay dhac uu u geystay Dable Boliis Axmed Maxamed Xuseen.

$604 agab Teleefoona ah oo kala duwan lacag u dhiganta ayuu qaatay iyo  malyan iyo Shan boqol oo  Shilin Soomaali ah.

12-bishii sedaxaad ayaa loo soo wareejiyay kiiskiisa xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida, wixii xilligaasi ka dambeeyay Garsoorka Ciidamada  ayaa u diray xabsiga dhexe  si loo soo dhameystiro Cadeymaha kiiska eedeysanaha.

Sedaxda  bishii  tagtay ayay xafiiska xeer ilaalinta codsadeen in la horgeeyo Maxkamadda, lix cisha kadib ayay Maxkamadda ballamisay eedeysanaha maxkamadeyntiisa.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa horkeenay Maxkamadda ilaa todoba dhibane oo dhammaan dacwad ka ah eedeysanaha oo siyaaba kala duwan uga qaatay teleefanadooda isaga oo ku labisan dareeska ciidamada amaniga, waxa ay sidoo kale  horkeeneen Maxkamadda qorigii uu dhacca ku  geysan jiray eedeysanaha iyo Qiraalkiisa.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka side ayaa ku dooday in eedeysanaha uu caadeystay jidgooyo oo uu ku dhaco dadka isaga kala goosha qeyba kamid ah degmada kaaraan gaar ahaan Jamhuuriya.

Waxa uu Sidoo kale ku dooday Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada in Eedeysanaha uu beegsan jiray dadka xilliyada dambe Shaqeeyo gaar ahaan kuwa ka shaqeeyo Gowraca Xoolaha.

Qareenada u dooday Eedeysane Dable Axmed Maxamed Xuseen ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in loo naxariisto oo loo eego sifaalaha dambiga fududeeya.

Maxkamadda ayaa kiiskan go’aamisay in aan fadhi  kaliye ku filneyn, waxaa la isugu soo noqoday laba fadhi oo kale 16 iyo 23-ka bishii na dhaaftay ayaa markale la dhageystay Kiiskan.

Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada Go’aan kasoo saartay Eedeysane  Dable Axmed Maxamed Xuseen oo katirsan Ciidamada Amniga, waxa ayna Maxkamadda Ku xukuntay Sideed Sano (8) oo Xabsi Ciidan ah sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad waxaa ka furan Rafcaan hadii  aysan ku qancin dhinacyada dacwadda.

Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida oo go’aan kasoo saartay kiiska Cabdirisaaq Xuseen Tahliil

Muqdisho (Garsoor)- 11-kii November 2018 ayay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabaka Sida Puntland  ayaa ku riday Xukun dil ah Eedeysane Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geelle), wixii xilligaas ka dambeeyay ayay soo qaateen Qareenada difaacayay Eedeysanaha rafcaan kaasi oo la keenay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Side ee heer Federaal Fadhigeeda Muqdisho.

Inkastoo kiiskan muran ka dhex abuuray degmada  Gaalkacyo ee u kala qeybsan maamulada Gelmudug iyo Puntland kiiska Cabdirisaaq hadane Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side ayaa isku howlay baaritaanka eedeymaha loo heysto oo ah arrimo arga-gixisanimo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta oo safar ku bixiyay baarista kiiskan ayaa 24-kii bishii Sedaxaad codsaday in la hor geeyo Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, laba isbuuc kadib Maxkamadda Sare Ciidamada Qalabka Side ayaa sedax jeer oo kala ah  6-13-27 bishii na dhaaftay u fariisatay eedda Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geelle).

Mudda 21-cisha ah oo ay Maxkamadda Sare kiiskan ku dhex jirtay, waxa ay Guddoonka Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida  ku bixiyeen  dadaal fara badan oo ah hubinta Eedda arga-gixisanimo ee Eedeysanaha u xirnaa weliba horay loogu soo xukumay balse buray markii ay aqbashay rafcaanka Maxkamadda Sare.

Xafiiska Xeer Ilaalinta oo codsiyada ugu badan lahaa ee dib u dhigista eedda ayaa 27-kii bishii tagtay soo jeediyay in aysan sii wadi Karin xaggooda eedda ka dhanka ah eedeysanaha, waxa ay sidoo kale soo jeediyeen in tallaabooyin amni oo la dul dhigo eedeysanaha iyadoo la fiirinayo danaha guud ee gobalka Mudug.

Qareenada u doodayay eedeysanaha  ayaa soo dhaweeyay soo jeedinta fadhigii ugu dambeeyay ee Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, waxa ay sheegeen  in ay aqbalayaan wax kasta oo ay ku jirto danta guud ee dowladnimada iyo ilaalinta nabad galyada gaar ahaaneed ee degmada Gaalkacyo.

5-cisha kadib Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Side ayaa go’aan ka soo saartay Cabdirisaaq Xuseen Tahliil, waxaana  ay Maxkamadda Sare amartay in si deg-deg ah looga daayo xabsiga hadii aysan jirin dambiya kale, waxa ay sidoo kale amartay in uusan ka bixi Karin magaalada Muqdisho muddo 2-sano ah, ugu dambeyn Maxkamadda ayaa ku amartay  ciidamada amniga in ay si gaar ah ula socdaan dhaq-dhaqaaqiisa ku dhawaad 5-sano iyo in uu todobaadkiiba mar iska diiwaan geliyo Xarunta Dambi Baarista Boliiska CID, sida uu u sheegay warbaahinta guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida jenaraal Liibaan Cali Yarow.

Kiiska Cabdirisaaq Xuseen Tahliil ayaa soo jiitamayay tan iyo dabayaaqadii July 2017.

 

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dilay Wade BL

Muqdisho (Garsoor)-Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali ayaa loo heysta dilka wada gaari dad-weyne oo marayay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan Siinka Dheer iyo dhaawaca qof rayid ah oo kamid ah rakaabka gaariga, dilkaas oo dhacay 06-01-2019.
12- bishii 1-aad ee sanadkan ayaa lagu soo wareejiyay Kiiska Dable Boliis Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.
AUN Maxamed Ismaaciil Qaboobe ayuu ahaa wadaha gaariga, sidoo kale dhaawac culus oo qeyba kamid ah jirkiisa uu dareen seegay ayaa gaaray Maxamed Cali Xasan oo kamid ahaa rakaabka gaariga darawalkiisa geeriyooday.
kuma qorneen Ilaalada Goobta sidoo kale kamid ma ahayn askarta ilaalada ka heysay halka lagu hubiyo gawaarida qaybahooda kala duwan ee ka baxa iyo kuwa ku soo wajahan Xarunta dalka ee Muqdisho.
Baaris dheeraad ah oo ay sameeyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayay ku soo ogaadeen in Eedeysanaha uu toogtay wadaha gaariga si jees-jees ah, weliba xilliga uu dilka geysanayay uusan tix gelin gaar ah siin wadaha gaari ee u istaagay si’uu aqbalo hubinta sharci ee taala siinka dheer oo uu mari jiray badi waddadaas.
14-kii bishan sii dhamaaneysa ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda eedeysanaha, waxa ay Maxkamadda aqbasha Sideed Cisha kadib.
22-kii bishan ayaa loo fariistay dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali, waxaana ay xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda horkeeneen Qiraalka Eedeysanha, dhibane kamid ah rakaabkii gaariga saarnaa oo qeyb badan oo jirkiisa kamid ah dareen seegay dhaawici gaaray dartiis, sawirka Marxuumka, warqadda dhaawac muujita dhakhtarka.
Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa u sheegay garsoorka in Eedeysane Dable Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali uu u geystay dil bareer ah wadaha gaariga, waxa uu sheegay in aysan jirin sabab qura oo uu marxuumka ku weydiin karay talaabooyin amni maadaama uusan kamid ahayn ciidamada gaarka ah ee hey’adaha amniga uga wakiilka ah bartaas.
Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa dhinacooda ku dooday in loo naxariisto loona fududeeyo maadaama uu iskiisa u qaatay waajibaad aan loo dirsan taasi oo ay ka dhalatay dhimashada wada gaari iyo dhaawaca rakaab kamid ah dadyowgii saarnaa gaariga.
Intaas kadib ayay Maxkamadda go’aamiyeen in lagu xukumo Eedeysane Cabdullaahi Xasan Maxamed Cali dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Maxamed Ismaaciil Qaboobe, sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xuseen Maxamed oo kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Eedeysanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabaka Sida

Burcad isugu jiro Ciidan iyo Maleeshiyo oo la xukumay.

Muqdisho (Garsoor)- Mar 27, 2019-Taliska  Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dadaal ugu jiray sidii la isugu furi lahaa waddooyinka gobalka Shabeelada Hoose oo la sheegay in dhaweydba in ay ka jireen cabashooyin ka imaanayay dadka ee la xiriira jid-gooyooyin ay dhigtaan rag ku labisan dareeska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Iyadoo taasi laga duulayay ayaa Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Odowaa Yuusuf Raage waxa uu bilaabay nadiifinta waddada u dhaxeysa Aafgooye iyo Muqdisho.

Intii uu howlgalka siffeynta ah ku jiray ayuu la kulmay maleeshiyaad isugu  jiro shacab iyo Ciidan oo ku hubeysan hub kala duwan, waxa ayna Ciidamada xoogga dalka ka soo qabtaan shan ruux oo laba kamid ah yihiin Ciidan halka sedaxda kale ay ahaayeen caawiya-yaal hubeysan oo jidgooye u tiilay meel xooga u jirta Mukayga oo ah bar ciidamada dowaladdu leeyihiin taasi oo lagu hubiyo dadka isaga kala goosha halkaas.

Waxa ay shantan eedeysane isticmaalayeen farsamooyin  ay isugu ekeysiinayaan in ay yihiin ciidamo dowladdu u wakiilatay canshuur qaadis balse waxa ay ahaayeen burcad dhuumaaleysi ku joogay halkaasi, 05-01-2019 ayaa  la soo xiray dhammaan eedeysanayaasha, waxaa lagu wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa  uuna xafiiska codsaday 13-01-2019 in eedeysanayaasha la geeyo xabsiga dhexe gar-sug ahaan.

Muddo ayay  ku qaadatay Xafiiska  baarista kiiskan, waxa ayna 12-03-2019  codsadeen xeer ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga dacwadda, iyadoo  laba cisha kadib loo ballamay maxkamadeynta 1- s/le X Maxamed Cali Cabdi Cali Cibaar 2- S/a/le Maxamed Cismaan Camaleey 3- Cabdifitaax Cali Cabdullaahi  4- Axmed Cabdi Rooble  5-Maxamed Cumar Diini.

Xafiiska ayaa horkeenay  Maxkamadda Caddeymo ay kamid yihiin Booono been abuur ah,  sedax qoray AK, RPG, Bistoolad.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in raggan aysan kaliya ahayn burcad balse ay dadaal kasta ku bixiyeen dhacca dad-weynaha, waxa uu ka hor sheegay garsoorka in  dambiga ay galeen ay  ku dareen kala geynta shacabka iyo dowladda maadama ay sameysteen boono been abuur ah taasi oo kalifi kartay dadweynaha iyo dowladda in lagu kala fogeeyo, waxa uu ka codsaday garsoorayaahsa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Side in la mariyo ciqaab adag oo tusaale u noqota kuwa kale in aysan ku dhiiran farsamooyin nuucaas oo kala ah.

Abuukatayaasha u dooday eedeysanayaasha ayaa ku dooday in raggan  loo naxariisto lana mariyo ciqaab dishibliin oo aysan maxkamadda ku fogeyn xukunka.

Doodda dhinacyada dacwadda oo waqti badan qaadatay caddeymaha la horkeenay Maxkamadda iyo qiraalka eedeysanayaasha kadib ayay ugu dambeyn go’aan ka gaartay Maxkamadda Darajada koowaad  eedeysanayaasha, waxa ayna kuwada xukuntay min (8)-Sideed sano oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Eedeysanayaahsa aya heysta fursad ay ku dalban karaa Rafcaan.

Burcad isugu jiro Ciidan iyo Maleeshiyo oo la xukumay.

Muqdisho (Garsoor)- Taliska  Ciidamada Xoogga Dalka ayaa dadaal ugu jiray sidii la isugu furi lahaa waddooyinka gobalka Shabeelada Hoose oo la sheegay in dhaweydba in ay ka jireen cabashooyin ka imaanayay dadka ee la xiriira jid-gooyooyin ay dhigtaan rag ku labisan dareeska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Iyadoo taasi laga duulayay ayaa Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Odowaa Yuusuf Raage waxa uu bilaabay nadiifinta waddada u dhaxeysa Aafgooye iyo Muqdisho.

Intii uu howlgalka siffeynta ah ku jiray ayuu la kulmay maleeshiyaad isugu  jiro shacab iyo Ciidan oo ku hubeysan hub kala duwan, waxa ayna Ciidamada xoogga dalka ka soo qabtaan shan ruux oo laba kamid ah yihiin Ciidan halka sedaxda kale ay ahaayeen caawiya-yaal hubeysan oo jidgooye u tiilay meel xooga u jirta Mukayga oo ah bar ciidamada dowaladdu leeyihiin taasi oo lagu hubiyo dadka isaga kala goosha halkaas.

Waxa ay shantan eedeysane isticmaalayeen farsamooyin  ay isugu ekeysiinayaan in ay yihiin ciidamo dowladdu u wakiilatay canshuur qaadis balse waxa ay ahaayeen burcad dhuumaaleysi ku joogay halkaasi, 05-01-2019 ayaa  la soo xiray dhammaan eedeysanayaasha, waxaa lagu wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa  uuna xafiiska codsaday 13-01-2019 in eedeysanayaasha la geeyo xabsiga dhexe gar-sug ahaan.

Muddo ayay  ku qaadatay Xafiiska  baarista kiiskan, waxa ayna 12-03-2019  codsadeen xeer ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga dacwadda, iyadoo  laba cisha kadib loo ballamay maxkamadeynta 1- s/le X Maxamed Cali Cabdi Cali Cibaar 2- S/a/le Maxamed Cismaan Camaleey 3- Cabdifitaax Cali Cabdullaahi  4- Axmed Cabdi Rooble  5-Maxamed Cumar Diini.

Xafiiska ayaa horkeenay  Maxkamadda Caddeymo ay kamid yihiin Booono been abuur ah,  sedax qoray AK, RPG, Bistoolad.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in raggan aysan kaliya ahayn burcad balse ay dadaal kasta ku bixiyeen dhacca dad-weynaha, waxa uu ka hor sheegay garsoorka in  dambiga ay galeen ay  ku dareen kala geynta shacabka iyo dowladda maadama ay sameysteen boono been abuur ah taasi oo kalifi kartay dadweynaha iyo dowladda in lagu kala fogeeyo, waxa uu ka codsaday garsoorayaahsa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Side in la mariyo ciqaab adag oo tusaale u noqota kuwa kale in aysan ku dhiiran farsamooyin nuucaas oo kala ah.

Abuukatayaasha u dooday eedeysanayaasha ayaa ku dooday in raggan  loo naxariisto lana mariyo ciqaab dishibliin oo aysan maxkamadda ku fogeyn xukunka.

Doodda dhinacyada dacwadda oo waqti badan qaadatay caddeymaha la horkeenay Maxkamadda iyo qiraalka eedeysanayaasha kadib ayay ugu dambeyn go’aan ka gaartay Maxkamadda Darajada koowaad  eedeysanayaasha, waxa ayna kuwada xukuntay min (8)-Sideed sano oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Eedeysanayaahsa aya heysta fursad ay ku dalban karaa Rafcaan.

LABA KA TIRSAN MALEESHIYADA DAACISH OO LA XUKUMAY

 Muqdisho (Garsoor)-Xuseen Cali Maxamed Muudey oo magiciisa afarashadu yahay  Suheyb iyo Cabduqaadir Xaafid Xaaji Cali  oo magiciisa afgarashadu yahay Qudaama ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha maleeshiyada  Daacish.

Labada eedeysane ayaa mar kawada tirsanaa maleeshiyada argagixisada Al-shabaab, waxa ayna  sii doorteen in ay ku biireen kooxda daacish oo ay  sheegeen in ay jireen sababo ku riixayay ku biiristooda kuwaasi oo ku qatoma dana shaqsi sida  aar-gudasho iyo hanti.

Eedeysanaha  koowaad  ayaa sheegay in uu ku biiray kooxda Alshabaab 2014, waxa uu kaga biiray tuulada lagu magacaabo Moordiinle, waxa uu sheegay  in uu ku tashkiiliyay nin uu sheegay in uu qabo gabar abtigii dhalay, waxa uu sheegay in dhowr cisho  loo taba-barayay isticmaalka hubka sida qoriga AK-47.

Intii uu Alshabaab katirsanaa ayaa maleeshiyada gowraceen adeerkiis, intaas kadib ayuu sheegay in ay maleesiyada daacish u soo bandhigeen kamid noqosho ururka, waxa uu sheegay in loo soo diro lacag uu safar ugu baxayo Gaalkacyo si’ halkaasi uu uga sii qaado mid kamid maleeshiyada daacish oo ujeedkiisu ahaa meel ay ku sheegeen buuraha Calmiskaat  oo maleeshiyada Daacish gabaad u ah.

Taba-bar kale oo dheeraad ah ayay maleeshiyada daacish sii-yeen, waxa uu ku sii bartay Ak-47, B.K.M iyo RPG.

Sida uu sheegay waxa uu Daacish kaga soo tegay markii ay dileen saaxiibbo badan oo ka yimid maleeshiyada Alshabaab kuwaasi uu sheegay in loo arkay in ay ka fikiri duwan-yihiin ayna sidoo kale u yihiin maleeshiyada basaa-siin.

Ciidamada amniga ayaa soo qabtay xilli  ay maleeshiyada u soo wakiilatay dhagridda dadka Soomaaliyeed.Eedeysanaha koowaad ayaa la soo xiray 14/11/2018.

Eedeysanaha labaad ayaa sidoo kale ahaa mid katirsan maleeshiyada Alshabaab,  waxa uu kaga biiray maleeshiyada Alshabaab tuulada moordiinle. 2014 horraanteedii, waxa uu sidoo kale ka shaqeeyay tuulooyin kale sida Janaale, Awdhiigle.

Muddo kadib ayuu ku biiray maleeshiyada Daacish 2016, waxa uu kaga biiray Weydow. Waxa uu u baxay dhulkan bari ee Boosaaso, waxa uu tababar ku qaata buuraha gobalka.

Intii uu daacish la joogo waxa uu  la baxay Daahir, waxa uu ka howlgalay Af-Urur sidoo kale meel lagu magacaabo Calmiskaat, Eedeysanaha labaad  ayaa la soo xiray 20/11/2018 isagoo u joogo Muqdisho  sidii uu u fulin lahaa amarrada horjoogayaasha Daacish.

 

Labada eedeysane ayaa isku aqoonsaday halka ay ka socotay baaristooda, waxa ay u sheegeen hey’adaha baarista in ay kawada tirsanaayeen maleeshiyada Daacish.

Ciidamada amniga ayaa u soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta, xeer ilaaalinta ayaa weydiisatay garsoorka xabsi ku heyn inta ay soo dhameystirayaan dacwadda 05-02-2019,  muddo kadib baaristooda waxa ay weydiisteen Maxkamadda Muddeyn Maxkamadeed, xafiiska ayaa codsaday in la muddeyo 02-03-2019.

16-03-2019 ayaa  la muddeeyay dhageysiga dacwadda, sedax cisha kadib ayaa loo faristay, ugu dambeyn maanta ayaa go aan si wada jir ah looga soo saaray, waxaana lagu wada xukumay min lix sano sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Eedeysanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

 

 

 

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dilay wade gaari

Jowhar (Garsoor)- Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali   ayaa loo heystaa dilka Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, dilkaasi oo ka dhacay degmada Mahadeey ee Gobalka Shabeelada Dhexe  26-11-2018.

Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud    ayaa aha wada gaari oo ku safrayay qeyba kamid ah gobalka Shabeelada dhexe, waxa uu caan ka ahaa deeganada gobalkaasi, marxuumka ayaa istaagsanaa halka loogu tala galay hubinte gaadiidka ee ah meesha laga soo galo degmada Mahadeey ee goalka Shabeelada Dhexe, ciidamada amniga ee ku sugnaa goobta ayaa hubinyay gaariga iyo laba qof oo kale oo la  socday balse nasiib xumo Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali    ayaa ka soo toogtay meel fogaan u jirto taasi oo sababtay geerida Marxuumka.

Isla maalintaas ayay ciidamada amniga ku soo wareejiyeen saldhiga Boliska Degmada Jowhar Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali   oo ah eedeysanaha dilka Marxuumka loo heysto.

Ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay hey’adaha dambi baarista, waxa ay sidoo kale hey’adaha ku wareejiyeen Eedeysane Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali  xafiiska Xeer ilaalinta 22-12-aad ee sanadii tagtay, Xafiiska ayaa xilligaas codsaday in loo gudbiyo xabsiga dhexe Gar-suge ahaan.

Muddo kadib baaristooda ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali 12-01-aad ee sanadkan, waxaana loo ballamay fadhiga hore ee maxkamadda 9-ka Bishii 2-aad ee sanadkan.

Garsoorayaasha ayaa  garowsaday in aysan ku filneyn dhageysiga dacwadda fadhi qura, waxa ayna xafiiska xeer ilaalinta amreen in la soo dhameystiro cadeymaha dambi ee loo heysto eedeysanaha.

Afar cisha kadib ayaa markale loo ballamay fadhiga Maxkamadda, waxa ayna xafiiska Xeer Ilaalinta soo bandhigeen , Qiraalka eedeysanah, Markaatiyaal gaariga la saarnaa marxuumka, Warqadda cadeynta dhimashada  oo ku lifaaqan sawirka Marxuuumka iyo qoreygii lagu toogtay Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in eedeysanaha oo ku liif bartay Marxuumka maadaama aysan jirin sabab qasbeyso in uu toogto muwaadin marayay hubinta howlaha nabad-gelyada, waxa uuna weydiistay garsoorayaasha in lagu xukumo dil toogasha ah oo kaga filan abaalka ficilkii uu geystay eedeysanaha.

 

Dhanka kale Qareenada ayaa ku dooday  maadaamaa qiraal uu yahay  eedeysanaha  in loo fududeeyo  oo ay bixiyaan magta marxuumka.

Garsoorayaasha ayaa maalintaas soo xiray fadhiga Maxkaamdda, waxaana ku dhawaad bil kadib ay maanta go’aan kasoo saareen dhageysiga  dacwadda loo heystay, Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay dil-toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.