Askar dhac iyo dil geysatay oo la xukumay.

Muqdisho (Garsoor)- Eedeysanayaal Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle iyo Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale ayaa loo heystaa in ay dileen Marxuumiin Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmed  oo si wada jir ah ugu safrayay waddada agfooye taarikhdu  markey aheyd 25-ka bishaii 9-aad  Sanadii 2018.

Eedeysanayaal  Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle iyo Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale ayaa dhigtay jid-gooyo ay kaga qaadaan baad shacabka ku safraya wadada dheer ee Afgooye, Marxuumiin Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmed ayaa ahaa wadaha gaariga iyo qof dhinac fadhiyay, waxaana  wadaha gaariga lagu amray in uu bixiyo baad oo markii hore ku cusleyd balse  Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale uu amray in uusan dhaqaaqi Karin ilaa uu ka bixiyo lacagta laga rabo, waxa uu go’aansaday wadihii gaariga in uu isfurto laakiin Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle oo ahaa shaqsiga sida gaarka ah gaariga u hortaagnaa ee weydiiyay baadda ayaa  sabab u noqday xabad uu riday in ay isku  marto  labada marxuum taasi oo ay ka dhalatay geeridooda.

Isla xilligaas ayaa laga soo qabtay goobta dilka ka dhacay  kadib markii ay dadka shacabka ee ku dhaqan deeganadaasi ku war-geliyaaan ciidamada amniga in labada eedeysane ee dil geysteen, waxaana laba cisha  kadib  lagu wareejiyay hey’adda dambi baarista Boliiska CID.

Xilligaasi wixii ka dambeeyay ayaa lagu soo wareejiyay kiiska  Xafiiska       Xeer-Ilaalinta, waxaana 1-10-aad 2018  loo gudbiyay xabsia dhexe garsuga ahaan.

Muddo kadib baaristooda ayay xafiiska weydiisteen garsoorka  2-dii bishii 1-aad ee sanadkan  ayaa loo ballamay dhageysia  dacwadda  waxaana maaalin kadib lagu ballamay dhageysiga  dhinacyada Maxkamadda.

Fadhiga hore ayaa  ku filnaan waayay dhageysiga dacwadda, waxaana markale la muddeeyay 8-deedii  bishan  1-aad  iyadoo 2 cisha kadib lagu ballamay fadhi kale.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa soo bandhiga markaatiyaal wax laga weydiiyay  dhibaatadii dhacday, waxa ayna  sheegeen dadkii ka hor hadlay fadhiga maxamadda in laba eedeysane midkood uu amray in uusan dhaqaaqin gaariga inta ay bixinayaan baad ay ka doonayeen, markii arrintaas timid ayaa darawalka gaariga  garowsaday in uu iska bixiyo waxa laga rabo si noloshiisa uu bad-baadiyo.

Nasiib xumo  eedeysane Xasan Maxamed Cabdulle ayaa go’aansaday in uu nolosha u aqoonsado darawalka gaariga iyo qof rakaabka kamid ah oo dhiniciisa fadhiyay.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday  in aysan qaban qof bixiyay baaddii laga rabay oo dambi kale aheyd in nolosha la dhaafiyo taasi oo  muujineysa  in Xasan Maxamed Cabdulle uu u bareeray daadinta dhiigga labada muwaadin.

Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale ayaa isaga ahaa caawiye,  Sidoo kale lahaa qoriga dhacca lagu geystay, waxaana dadka markaatiyaasha ah sheegeen in uu bixiyay amarka ah in gaariga uusan dhaqaaqi Karin ilaa uu ka bixinayo baadda laga rabay.

Qareenada u dooday laba eedeysane ayaa ku dooday in loo naxariisto loona fududeeyo  ciqaabta labada eedeysane oo ay iska bixiyaan magta marxuumiinta.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ayaa u sheegay dhamman dhinacyada dacwadda in  Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay waxa ayna maxkmadda ku xukuntay dil toogasha  ah oo ah qistaasta marxuumiinta  Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmed   halka  Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale lagu xukumay sideed sano oo xabsi ciidan ah.

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay  ku dalban karaan rafcaan hadii aysan ku qancin xukunka maxkamadda darajada koowaad.

Sawirka Hore Gacan Ku dhiigle :- Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle 

Sawirka Dambe :-  Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale

Sarkaal  Xaaskiisa  dilay oo la xukumay

Muqdisho (Garsoor)- Xidigle NISA  Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax oo aheyd Xaaskiisii hore, dilkaas oo ka dhacay degmada Yaaqshiid taariikhdu markey aheyd 19-12 sanadkii tegay.

Xidigle NISA  Maxamed Cabdiraxmaan Cali iyo Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax   ayaa  horey u ahaa qoys balse mar dambe ayay kala tageen, wixii xilligaas ka dambeeyay ayay u baxday dhankaas Doolow oo u deganaa eheladeeda.

Muddo kadib ayay soo noqotay waxa ayna guurstay nin kale, Xidigle NISA  Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa isna dadaal ugu jiray sidii uu markale u heli lahaa xaaskiisii hore, waxa uu isticmaalay xeelado kala duwan oo ku heli karo markale, waxa uuna ogaaday in ay reer kale leedahay.

Halkii ay daganeyd ayuu ugu tegay isagoo isku dayay in uu xoog ku soo kaxeysto balse dadka deegaanka iyo ninkii qabay ayaa ku soo baxay, waxa uuna go’aansaday in uu dhaafiyo nolosha isagoo ku dilay Toorey (Mindi).

Ciidamada Amniga degmada Yaaqshiid  ayaa isla xilligaas oo aheyd habeen  soo qabtay eedeysanaha, waxa ayna ku wareejiyeen Hey’adda baarista  dambiyada ee CID.

Baaristooda kadib ayay ku soo wareejiyeen 23 bishaas Xafiiska Xeer-Ilaalinta, waxa ayna codsadeen Xeer-Ilaalinta  in loo gudbiyo xabsiga dhexe si loo soo dhameystiro cadeymaha dambi ee lagu soo eedeeyay Xidigle NISA  Maxamed Cabdiraxmaan Cali.

Muddo kadib ayay codsadeen xafiiska Xeer-ilaalinta  5- bishan aynu ku jirno, waxa ayna shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga Maxkamadda.

Xafiiska Xeer-Ilaalinta ayaa hor keenay fadhiga Maxkamadda Qiraalka eedeysanah, markaatiyaal sedax shaqsi ah oo goob joog u ahaa dhacdada, Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka ee cadeyneysa dhimashada.

Laba xidigle  Ismaaciil Salaad Maxamed oo kamid ah xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku dooday in eedeysanaha uu u bareeray dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax, waxa uu sidoo kale fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha uu dadaal badan geliyay dilka Marxuumadda.

Qareenada u doodayay eedeysnayaha ayaa weydiistay Garsoor in loo naxariisto eedeysanaha maadaama uu jiray rabitaan uu u qabay xaaskiisii hore.

Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lagu xukumo Xidigle NISA  Maxamed Cabdiraxmaan Cali  dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side.

Xukunsaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side.

 

 

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim 

Muqdisho (Garsoor)-Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim  ayaa loo heystaa dilka  Marxuum  Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed dilkaas oo ka dhacay Ex, Kontorool Afgooye 06-bishii 10-aad ee sanadii tagtay.

Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim   ayaa si jees-jees ah u dilay AUN Ex, Alifle Boliis  Salaad Xasan Maxamed, waxa ayna dad goob joogayaal ah sheegeen in marxuumka loogu yimid gootiisa shaqada oo aheyd Ex, Kontorool Afgooye  iyadoo  markaatiyaasha ku dareen in Marxuumka uu horay ninkan u handadi jiray sida marar kala duwan uu ugudbiyay madaxda ka sarreysa.

Intaas kadib ayay u suura gashay in uu baxsado Eedeysane Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim   isagoo gaaray degmada Wanla-weyn ee gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu garowsanaa inaan la soo qaban Karin uu ka dheeraday gacmaha Hey’adaha amniga ee dowladda balse ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanaha 28-ka bisii 10-aad sandii 2018.

Ciidamada amniga  ayaa  ku wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta waxa ayna  24-ka bishii  12-aad ee sanadii tagtay dalbadeen  in la muddeeyo dhageysiga dacwadda.

Maxkamadda ayaa muddeysay dhageyiga dacwadda 29-ka bishii 12-aad ee sanadii 2018, iyadoo laba cisha uun kadib loo fariistay dhageysia dacwadda.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo bandhiga sedax markaati, sawirka Marxuumka, warqadda Dhakhtarka ee  caddeyneysa dhimashada iyo qiraalka eedeysanaha.

Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed  oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliya Ciidamada Qalabka Side ayaa ku dooday in Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim   uu ku kacay fal dil ah weliba isagoo muujinaya Isla-weynin, waxa uuna marxuumka kula mur-muray in uusan jirin sharci gacmaha qaban karo.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in ay iska bixiyaan magta marxuumka, sidoo kale waxa ay codsadeen in loo naxariisto.

Maanta ayaa ugu dambey Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim   lagu xukumay dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum  Ex, Alifle Bol Salaad Xasan Maxamed, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side.

Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

Maxkamadda Sare oo xukunno kala duwan ku riday laba askari.

Muqdisho (Garsoor)- Sedax Alifle Boliis. Cali Mahdi Maxamed iyo Tahliil Cali Maxamed ayaa loo xiray  dilka Marxuum  Ex Kormeera Sedaxaad Boliis.  Xasan Aadan Ibraahim, dilkaasi oo ka dhacay gudaha Saldhiga degmada Hilwaa ee gobalka Banaadir 13-10-aaad sandkii tegay.

Sedax Alifle Boliis. Cali Mahdi Maxamed  ayaa loo heystaa in qoreygiisa  uu kaga tagay meel cidla ah halka Tahliil oo loo diyaarinayay ciidanimo uu riday xabado sababay dhimashada Marxuum Ex Kormeera Sedaxaad Boliis.  Xasan Aadan Ibraahim.

Ciidamada amniga degmada ayaa isla xilligaasi ku wareejiyay labada eedeysane Hey’adda  baarista Dambiyada CID.

Kadib markii ay ka guteen waajibaadkooda  baarista ayay u soo wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada  Qalabka Side, waxa ayna xafiiska weydiisteen Garsoorka Maxkamadda Ciidamada in loo gudbiyo xabsiga dhexe eedeysanayaasha gar-sugo ahaan 22-ka 10-aad sanadii 2018.

Baaritaan kale oo dheerad ayay sameeyeen xafiiska xeer ilaalinta, waxa ayna weydiisteen garsoorka in la muddeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah labada eedeysane.

Maxkamadda Darajada koowaad ciidamada Qalabka Side ayaa muddeysay dhageysiga dacwadda 15-12 ee   2018, waxaana lagu ballamay laba cisha kadib fadhiga hore ee Maxkamadda.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa maxkamadda horkeenay laba markaati, baaraha dacwadda oo si wada jir ah loo weydiiyay dhammaan su’aalo ku saabsan dilka,  sawirka marxuumka iyo warqadda dhakhtarka ee muujinta dhimashada.

Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha ayaa ku dooday in Tahliil Cali Maxamed uu yahay qaan-gaar miir qaba sidaas darteed loo ciqaabo dambiga  halka Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed uu dayacay qoreygiisa loogu tala galay in uu ku difaaco cadowga.

Sedax Alifle Boliiska Cali Mahdi Maxamed ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in uusan ku tala galin dayac balse qadarta ay ku dhacday in Tahliil Cali Maxamed oo aan aqoon badan u laheyn qoreyga sabab u noqday geerida Marxuum Xasan Aadan Ibraahim.

Qareenada u dooday laba eedeysane ayaa xilligaas ku dooday in wax walba ay ku dhaceen aqoon darro sidaas darteed lagu xukumo diya gaf ah.

Maxkamadda Darajada koowaad ayaa horay ugu soo  kala xukuntay in Tahliil Cali Maxamed uu bixiyo Diyo boqol halaad ah oo ah magta  Ex Kormeera Sedaxaad Boliis Xasan Aadan Ibraahim iyo laba sano oo xarig ah  halka Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed lagu xukumay  laba sano oo xarig ah.

Xukunsayaasha ayaa ku qanci waayay xukunka waxa ayna rafcaan u qaateen Maxkamadda Sare 31-12-2018.

Markale ayaa dib loo furay galka labada eedeysane iyadoo la marinayo marinka cadaaladda, waxaana markale loo ballamay fadhiga Maxkamadda 8-bishan aynu ku jirno, waxaana shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga Maxkamadeynta Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed iyo Tahliil Cali Maxamed.

Doodda u dhexeeysay dhinacyada dacwadda ayaa si isku mid ah fursada loo siiyay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa si lamid ah soo bandhiga dhammaan qodobada eeddooda, waxaana sidoo kale Qareenada laba eedeysane ku doodeen in loo naxariisto.

Ugu dambeyn Maxkamadda Sare ayaa ku kala xukuntay

  • Tahliil Cali Maxamed diyo 100-halaad ah oo ah magta Marxuum Kormeer Sedaxaad Boliis   Xasan Aadan Ibraahim iyo laba sano oo xabsi ciidan ah.
  • Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed ayaa isna lagu xukumay Sedax sano oo xabsi Ciidan ah.

Maxkamadda Sare ayaa ah halka ugu dambeyso oo uu ula Laabto xukunsanaha hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

Sarkaal qori  Dhashiika ah ku dilay  qof rayid ah  oo la xukumay

Muqdisho (Garsoor)– Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ayaa loo  heysta in uu dil bareer ah u geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasan  21-ka bishii sagaalaad 2018, dilkaasi oo ka dhacay aga-gaarka Seybiyaano  degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada amniga ayaa soo qabtay Eedeysanaha, waxaana lagu  wareejiyay Hey’adaha Baarista.

Marxuum Dayax Iimaan Xasan ayaa ahaa wiil dhallinyara ah, waxa uu sidoo kale ahaa wade gaari raaxo isagoo sidoo kale soo dhameeyay heerka wax barashada koowaad  ee jaamacadda Plasma.

Iyadoo jimco ay tahay xilliyadii salaadda kadib ayuu sababsaday qorey Dhasiika ah uu gacantiisa ku riday sida uu sheegtay Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud).

Eeda Kumbud ayaa lagu soo wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Xilligaasi   waxa ayna  codsadeen Xafiiska in garsoorka ay ku hayaan xabsiga dhexe gar-suge ahaan.

Muddo baaristooda kadib  ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud), waxa  ayna Maxkamadda aqbashay in la muddeeyo 10-ka Bishii 12-aad ee sanadkii tegay.

Sedax Cishe kadib ayay bilaabatay Maxkamadeynta Kumbud, waxaana dhageysiga dacwadda  u dhammaa  dhinacyada dacwadda la isku ballamiyay in markale dib la isugu soo noqdo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla xilligaasi xooraansi dheeraad ah ugu jiray dhacdada sidii loogu dhameystiri lahaa dambi muujinada eedeysanaha, waxa ayna sidoo kale fadhigii  labaad la yimaadeen   oo aheyd laba todobaad kadib  cadeyma dheeri ah sida Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka  ku cadeeyay  dhimashada Marxuumka iyo markaatiyaal shan ah oo ay qaarkood wada saarnaayeen gaariga eedeysanaha la maxkamadeeyay ee Kumbud.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side ayaa fadhiga ka sheegay in eedeysanaha uu u adeegsaday  qori Dhashiika ah  meel ciriiri  badan ka jiro balse qoriga loogu tala galay furumaha dagaalka.

Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ayaa sheegay in u jeedkiisu ahaa sidii uu u furi lahaa waddada oo aheyd Baarta jaadka halka loo yaqaano xilligaasi oo ay saxmad ka jirtay balse lagu war geliyay in ay sabatay xabadii uu riday dhimashada Marxuum Dayax Iimaan Xasan.

Qareenada ayaa ku dooday in loo naxariisto sarkaalka loona fududeeyo  xukunka maadama uu goobta fal ka dhacay ay aheyd goob Saxmad ah.

Ugu dambeyn maanta ayaa go’aan laga gaaray, waxaana lagu xukumay eedeysane  Ex, Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) dil toogasha ah oo ah  qisaastii Marxuum Dayax Iimaan Xasan, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute

Maxkamadda Ciidamada ayaa horay digniin uga dirtay in aan lagu xad gudbin muwaadiniinta isaga kala goosha magaalada, waxa ayna sheegtay in ciddii geysata dil ku tala gal ah aan looga waaban doonin sharciga.

Sarkaal xukunsanaha ah  ayaa heysta fursad  kale  uu uga qaadan karo rafcaan Xukunka Maxkmadda Darajada koowaad.

 

 

 

Burcad dhac u geysan jirtay ardayda jaamacadaha oo la xukumay.

Muqdisho (Garsoor)- Dable Xoogga Bashiir Muxudiin Jiinow iyo Xasan Maxamuud guure oo ah wada Mooto  ayaa loo heystaa in ay dhac u geysan jireen Ardayda Soomaaliyeed kuwooda u soo aada jaamacadaha qeyba kamid ah degmada Hodan ee  gobalka Banaadir gaar ahaan agagaarka Seybiyaano.

5-bishii tegaty ee sanadkan ayay ciidamada amniga ka soo qabteen isgoyska Seybiyaano ee degmada Hodan, waxaana xilligaas loo gudbiyay Hey’adaha Baarista.

Waxaa jiray cabashooyin ay u gudbiyeen Hey’adaha amniga  Ardayda Dhaca loo gaystay ee dhigta Jaamacadaha Plasma iyo Hornafrik.

01-     Bishii 12-aad ee sanadkan ayay baaritaan dheer kadib codsasdeen xafiiska xeer ilaalinta in la maxkamadeeyo eedeysanayaasha.

18- bishii 12- add ayaa  loo fariistay dacwadda dhanka ah eedeysanayaasha.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa horkeenay maxkamadda sedax kamid ah ardaydii dhaca loo gaystay oo Maxkamadda ka hor cadeeyay in xilliga kala duwan ay dhac u geysteen Dable  Bashiir Muxudiin Jiinow iyo Xasan Maxamuud guure, qorigii dhac lagu geystay, mootadii ay wateen labada eedeysane.

Baarihii kiiskan ayaa Maxkmadda u sheegay in ay ciidamada amniga iyo saldhiga degmada Hodan lasoo gaarsiiyay cabashada labada eedeysane, waxa ayna xilli hore oo waabarigii ah ay ciidamada amnigu qabteen labada eedaysane 5-tii bishii tagtay iyagoo qorsheynaya dhac kale .

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aan ka gaartay, waxa ay ku wada xukuntay min shan sano oo xabsi ciidan ah iyo sidoo kale in ay bixiyaan teleefanno shan ah oo ay ka qaateen  ardayda  oo Maxkamada la hor keenay, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

 

Dable Xoogga Bashiir Muxudiin Jiinow sawirka hore…..

Xasan Maxamuud guure oo ah wada Mooto sawirka 2-aad…

Bahda Garsoorka Ciidanka oo tacsi u diray Shuhadadii ku baxday gacanta Arga-gixisada…

Muqdisho (Garsoor)- Allaha u naxariistee Janaraal, Cumar Aaden Dhubbad, (Cumar dheere) oo ahaa Taliyihii qeybta 12-ka April ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, Abaandulahii qeybtaas , Janaraal, Cabdi Cali Jamaame, iyo qaar ka mid ah Askartii la socotay ee ku shahiidday weerarkaasi fulaynimada ah ayay Allah uga baryeyn in Naxariistiisa janno uu ka waraabiyo.

Janaraal Cumar Dheere ayaa ku guda jiray fulinta  shaqo uu  garsoorka ciidanka  u diray, waxaana safarkiisa ku wehliyay saraakiil ka socotay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamad Qalabka Sida.

Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad  ayaa si wada jir ah Shuhadada uga baryay EEBBE naxariistiisa.

“Cumar dheere waxa uu ahaa Sarkaal  Hoolkar ah,  xoog furan oo fir-fircoon, waxa uu jeclaa in uu geeriyoodo isaga u shaqeynayo dalkiisa, Allaha Unaxariisto dhamman Sareeya-yaasha iyo askartii ku  geeriyootay  dhagartii shalay” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Janaraal Cumar Dheere ayaa lagu xasuusan doonaa kaalintii uu ku lahaa xureynta goobaha cadowga Alshabaab ay ku sugnaayeen, waxa uu sidoo kale ahaa taliyihii ugu horreeeyay ee hor kacay ciidan oo isaga masuul ka yahay kuwaasi oo xureeyay dhul ballaaran iyagoo u madax baan howlgalladooda.

Maanta ayaa loo  sameeyay aas Qaran oo ay ka qeyb galaan  masuuliyiin kala duwan.

Inaan Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun….

 

Sawirradan waxaa la qaaday 19-November ee sanadkan mar ay booqasho ku saabsan wacyi gelin ugu tageen Ciidamada Xoogga dalka madaxda Garsoorka Ciidamada.

Hoolka dacwadda maxkamadaha oo loo dhisay qaabka hoolalka dacwadaha Caalamka.

Muqdisho (Garsoor)- Tan iyo Markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee  Soomaaliya  uu ku dhawaaqay Ololaha is Xilqaan ayaa waxaa sii kor dhayay Xarumaha danta guud. ah ee  lagu dhisayo  mashruucan.

Bahda garsoorka oo shacab iyo ciidan ka kooban ayaa iyagana isku baheystay sidii loo dhisi lahaa hoolka dacwadaha si lamid ah hoolalka Maxkamadaha horumaray.

Lacago ay iska jareen shaqaalaha Ciidanka iyo Rayidka, Madaxda garsoorka qeybahooda kala duwan ayaa suura galisay in dib loo dhiso hoolka, waxaana manta ka qeyb galay xafladda dib u furidda  Hoolka Dacwad qaadista Maxkamadaha dalka Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Ciidamada &Rayidka sida Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan  Baasha Yuusuf Axmed , Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow, Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobalka Abshir Cumar Cabdullahi, Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Niuur Shuute, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir  iyo marti sharaf kale oo ka socday qeybaha garsoorka dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobalka  Abshir Cumar Cabdullahi  ayaa ugu horeynba u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha in ujeedka dib casriyeynta ay tahay sidii ay kaga qeyb qaadan lahaayeen kaalintooda kaga aadan dib udhisidda dalka ee ololaha isxilqaan ee uu horay madaxweyna Farmaajo ugu dhawaaqay.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa kaga mahad celiyay qof kasta oo ka qeyb qaatay dhismaha hoolka, waxa uuna sii raaciyay in cadaaladda ay qeyb ka tahay Quruxda oo ay ku leedahay doorweyn.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa isna goobta furitaan xafladda ka sheegay in ay farxad u tahay in uu goobjoog ka noqdo furitaanka howlkan ee markii la gaarayay  go’aankiisa uu safar shaqo dalka kaga maqnaa.

Guddoomiyaha Maxkamadda SareGaryaqaan  Baasha Yuusuf Axmed oo soo xiray furitaanka Xafladan ayaa u sheegay dhamman ka qeyb galayaasha in xafladda xirantahay, waxa uuna ugu baaqay bahda cadaaladda in ay gartaan doorkooda oo ah Hey’adda sedaxaad ee ugu sareeyso hey’adaha dalka in ay uyihiin tiir, waxa uuna ballan qaaday in ay kasii shaqeyn doono hormarka garsoorka.

Hoolka dacwad qaadista Maxkamadaha dalka ayaa hadda loo naqshadeeyay sida hoolalka Maxkamadaha Casriga ah.

Xukunka Askari isku darsaday dhac iyo ka bixid aag dagaal

Muqdisho (Garsoor)- Xukun Xasan Abshir ayaa ka so baxay si dhuumaaleysi ah  aagga dhanaane ee gobalka shabeelaha Hoose.

Ujeedada qarsoon ee kasoo tagista goobtiisa shaqo ayaa ahayd inuu dhac ka gaysto  mid ka mid suuqyada magaalada .

Markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho ayay si wada jir ah dhac ugu baraareen isaga, marxuum Saleebaan Cali Maxamed iyo askari kale oo baxsad ah ee uu Saleebaan Yaqiinay.

Xukun Xasan Abshir ayay ciidamada amniga ka soo qabteen suuqa weyn Bakaaraha, waxaana xilligaasi uu Ku guda jiray dhac uu ugeysanayay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee usoo shaqa tegay Suuqa Bakaaraha.

Shacabka ayaa Ku war geliyay ciidamada Amiga in suuqa uu ka socdo dhac ay geysanayaan rag ku hubaysan qoray Ak47 iyo   Bistoolad.

Ciidamada Amiga degmada Howlwadaag ayay isaga hor yimaadeen suuqa markii lagu amray in ay isdhiibaan ayuu bilaabay xabad Xukun Xasan Abshir taasi oo sababtay in uu geeriyoodo Saaxiibkiisa saleebaan halka sidoo kale uu baxsaday shaqsi kale oo la socday kaasi oo Ku hubeysnaa Bistoolad.

Intaas kadib ayuu is dhiibay Xukun Xasan sidaana ay ciidamada amniga ugu soo wareejiyeen Hey’adaha Baarista.

15-10 ee sanadkan ayaa loo soo gudbiyay xafiiska xeer ilaalinta, isla xilligaas ayay garsoorka weydiisteen in loo dhaa dhiciyo xabsiga inta ay ka soo dhameystirayaan eedda eedeysanaha.

Baaristooda kadib ayay 22 – bishii 11 ee sanadkan ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda.

Maxkamadda ayaa aqbashay 4 cisha uun kadib in la dhageysto dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha.

Laba xidigle Ismaaciil Salaad Axmed oo ah Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida ayaa fadhiga  hor keenay laba shaqsi oo shaqa joojin Ku sameeyeen intii ay dhacca wadeen xukun iyo saaxibbadiiis, afar kamid ah  ciidamada amniga ee soo qabtay eedeysanaha, warqad muujineyso lacagta baadda ah oo ay  ka qaateen masuul ka tirsan Shirkadda BaalGore iyo ID Card, ay u isticmaaleen baadda dadka, qoriga  dhacca lagu geystay iyo Qiraal laga qoray eedeysane Xukun Xasan Abshir.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Ku dooday in loo naxariisto, loona fiiriyo sifaalaha dambiga fududeeyo.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan Ku gaaray in lagu xukumo Xukun Xasan Abshir 8-sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha dacwadda Dhamme Maxamed Cabdi Muumin.

Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale hadii uusan Ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Alshabaab isku ekeysiiyay ciidamada dowladda oo la xukumay

Muqdisho (Garsoor)- Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim Aadan wuxuu Alshabaab Kaga biiray degmada Saakow sanadii 2013.

Waxa uu sheegay in uu qaabilsanaa qaybta ku qaadda weerarada fariisimaha ciiidamada ay ku leeyihiin gobalka Shabeelaha Hoose .

Waxa uu qiraalkiisa ku sheegay in uu taba-bar ku qaatay muddo Afar bilood ah qoryaha AK, BKM iyo RBG oo lagu baray xero  ay ula baxeen Cuteybah.

Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim ayaa  codsaday kamid ahaanshiyaha qeyb ay ugu yeeraan Amniyaadka kuwaasi oo loogu tala galay in ay gaadmo ku dilaan dadka indhaha u ah bulshada, waxa uu sheegay in Alshabaab ay ka aqbaleen sidaasna loogu qaaday taba-bar lagu baranayo dilka gaadmada ah deegaanka Kuunya-barow.

Waxa uu  raaciyay  in uu qorsheynayay in uu dilo Askari katirsan ciidamada, isaga oo qorshihiisa wata oo aysan u suura gelin xaqiijinta qofka uu raadinayay ayay ciidmada amniga ka qabteen Isgoyska Shaqaalaha ee gobalka Banaadir  20-may 2018.

Sababta uu u doortay amniyaadka ayuu ku sheegay in aysan ka aheyn fikir balse uu doorbiday sida uu sheegay dhaqaala badan oo lagu bixiyo kuwa gaadmada wax ku dilo oo ay Alshabaab u yaqaanaan Amniyaadka.

12-11  ee sanadkan ayay xafiiska xeer ilaalinta ciidamada codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwad qaadista eedeysanayaal Cali Aadan Cabduulaahi, C/casiis Idriis Sheikh Cali, Cabdullaai Subeyr Cumar iyo Cabaas Idriis Sheikh Cali.

Maxkamadda ayaa aqbashay 20-11 ee sanadkan in la qaado kiiska ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta.

Maxkamadda ayaa dhageystay eedda xafiiska ay soo gudbiyeen Qiraalka eedeysanaha, waxa ay sidoo kale la wareegeen cadeymo dambi muujin oo ay soo gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta sida Qori AK-47, Labo Babmo F1 iyo boosh ay ku jireen sedax qasanadood oo rasaas ah taasi oo ay u dheertahay in uu ku labisnaa dharka ciidanka.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ka  gaaray kiiska maalintan, waxa ayna Maxkamadda ku  kala xukuntay

1-       Cali Maxamed Cabdullaahi 15-sano oo Xabsi ciidan ah halka sidoo kale ay Maxkamadda sii deysay

a-       Cabdicasiis Idriis Sheikh Cali

b-       Cabdullaahi Subeyr cumar iyo

C-    cabaas idiris sheekh cali kadib markii ay ku waysay wax dambi ah  , Sida uu u sheegay dhamman dhinacyada dacwadda Dhamme Maxamed Cabdi Muumin oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada.

Xukunsaha koowaad ayaa heysta fursad kale  uu ku dalban karo Rafcaan hadii  uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidaamda Qalabka Sida.