Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo gaartay Baraawe.

Muqdisho (Garsoor)- Wefdi uu hugaaminayo guddoomiyaha  Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ay  wehliyaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee  Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Cabdullaahi Buule Kameey iyo Saraakiil kale ayaa u tegay magaala xeebeedka Baraawe ee gobalka Shabeelaha-Hoose howlo shaqo oo dowladda dhex ee Soomaaliya kaga wakiil  yihiin.

Ujeedada wefdiga  ay u gaareen magaala xeebeedka Baraawe ayaa ah sidii loo darsi lahaa isfaham waa u dhaxeeye maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada, iyadoo sidoo kale wefdigan la filayo in ay go’aan ka gaaraan   maxaabiis ku xiran Xabsiyada Baraawe.

Inta uu jooga guddoomiyaha ayaa la filayaa in uu sidoo kale booqdo xarumaha ciidamada oo u diyaar garowaya howlagallo guud oo dalka looga xureynayo maleeshiyada Alshabaab.

Maamulka degmada, Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa howlgalka AMISOM ayaa garoonka ku soo dhaweeyay wefdiga guddoomiyaha.

Maxkamadda Ciidamada oo xukuna kula duwan ku riday lix eedeysane oo midi maqan yahay.

Beledweyn (Garsoor)- Lixda eedeysane ayaa soo abaabulay weerar ay dad shacab  ku dhinteen 28-ka bishii tegtay iyagoo gacan siinayay  Mahad Xuseen Shiidow oo maalin ka hor wada bajaajle ku dilay degmada Beledweyn ee gobalka Hiiraan.

Khubarro baarayaal ah oo Muqdisho kaga yimid dhacdadan, wakiilna ka ahaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa iyana sii baaray dhacdadan,  waxa ayna baaristooda ku ogaadeen  kaalimihii  ay  kulahaayeen  wixii dhacay eedaysanayaasha loo soo xiray dacwada  iyagoo khubaradu u gudbiyay gabagabada baaristooda  xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa u gudbiyay maxkamadda eedda ka dhanka ah lixda eedaysane iyagoo  soo bandhigay cadaymo laga qoray  eedeysanayaasha, wuxuu sidoo kale Maxkamadda horgeeyay xafiiska xeer ilaalinta  Markaatiyaal deegaanka ah ee goobjoogga u ahaa dhacdada ay ku dhinteen Laba ruux midna uu ku dhaawacmay.

Maxkamadda oo ka duuleysa arrimahaasi ayaa ugu dambeyn go’aan kasoo saartay Lixda eedeysane oo mid maqan yahay.

Cabdisamad Maxamed Cusmaan (Af-dheere)  oo ka tirsanaa guutada Shanaad,  qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayay Maxkamaddu ku heshay in uu ahaa shaqsiga dilka  geystay waxa ayna  ku xukuntay Dil toogasha  halka Aadan cali cilmi,  Burhaan  yusuf nuur, Cabdifitaax bedel qoofiyow iyo  Maxamed cali cilmi ay kuwada xukuntay Min Shan (5)-sano oo Xabsi Ciidan ah.

Maxkamadda ayaa  sidoo kale amartay in xabsiga laga sii  daayo Maxamed yuusuf tifow  hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto, sida uu u sheegay Warbaahinta Dowladda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale  hadii aysan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad.

 

Caadeystayaal ka tirsan Alshabaab oo la xukumay

Muqdisho (Garsoor)- Abuukar Cabdi  Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali ayaa lagu eedeeyay in ay kawada tirsanyihiin maleeshiyada Alshabaab, sidoo kale ay kawada tirsan-yihiin Koox gaar ah  oo ay ula baxeen (jugta Culus)  taas oo  loogu tala galay in ay ku weeraraan fariisimaha Ciidama amniga ay ku leeyihiin hareeraha Muqdisho.

Abuukar Cabdi Abiikar (Fanax) oo eedeysanahaa koowaad ayaa ku biiray maleeshiyada Alshabaab 2008, Eedeysanaha ayaa tababar ku soo qaatay degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, balse reerkiisa oo aan ku qanacsaneen fikirka  gurracan ee kooxdaas ayaa ula cararay Nairobi oo uu la deganaa walaashiis hasa ahaate waxa uu go’aansaday in uu ku soo laabto Soomaaliya isaga oo aan ka bixin fikirkii kooxda Alshabaab.

Baar ismaaciil degmada Afgo’e ee gobalka Shabeelaha Hoose ayay Ciidamada Amniga ka soo qabteen, waxaana xilligaas loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada oo shan-sano oo xabsi ciidan ah ku riday balse 2016 oo uu dhammaday xukunka ayuu markale sii waday qorshihiisa Alshabaabnimo, waxaana ciidamada Amniga ka soo qabteen xaafada Carafaad degmada Yaaqshid markale  isaga iyo koox kale oo  xilligan ay kuwada jiraan gacanta dowladda iyagoo xukunsan.

Cabdirisaaq  Shaahid Aadan Kheyrdoon (Cagta) waxa uu  sheegay Alshabaab in uu kaga  biiray Ceelasha biyaha 2008,  ka hor waxa uu ka tirsanaa xizbulislaam, waxaa laga qabtay 2013 agagaarka soona (k) xilligaas ayay ciidamada baarista u soo gudbiyeen Xafiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida,  shan sano xabsi ciidan ah ayay  ku xukuntay Maxkamadda Ciidadamada Qalabka Side, 2017 bishii labaad ayuu dhameystay Xukunkiisa balse Markale ayuu go’aansaday in uu kasii mid ahaado Alshabaab, waxaana lala qabtay Eedeysanayaasha kale ee iyana la xukumay.

Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed 2009 ayuu ku biiray Alshabaab, waxa uu soo dhameystay laba sano oo xabsi ciidan ah, intaas kedib waxa uu  u baxay  Sacuud Carabiya  uu  ku soo bartay Xirfadda Korontada balse mardambe uu soo laabtay ayuu halkiisa kasii waday shaqada kooxda Alshabaab oo ay  isku shabakad noqdeen eedeysanayaasha laga soo wada qabtay Xaafadda Carafaad degmada Yaaqshiid ee gobalka Benaadir.

Hey’adaha Baarista ayaa sidoo kale ku ogaaday In Saleebaan Muxsin uu  tababar marin habaabin ah ku soo qaatay deegaanka Goofgaduud ee gobalka Baay.

Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali oo iyana kawada tirsan Alshabaab ayaa uga duwan eedeysanayaasha kale in ay yihiin markii ugu horreysay oo ay wajahayaan cadaaladda, waxa ay ku sheegeen xiriirka ka dhexeeya mid xaafadeed oo ay wada ciyaari jireen kubadda cagte balse eedeysane kale oo iyaga lala qabtay ayay ku sheegeen in ay ku barteen farsameynta Korontada, waxaasa  Hey’adaha baarista oo isticmaalaya habka barista casriga ay heleen cadeymo  muujinaya  in xiriir ka dhexeeyo weliba ku qotomo mid aad u dhagar badan oo farsamooyin ku hoos qariyeen, farsamooyinkaas waxaa kamid ah magacyada Nambarada ku qoran oo ay kawada xiriir jireen sida jabra, simba, Caluuq iyo Cagta.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa cadeymadaha dambiyada oo qoraal ah iyo markaatiyaal horkeenay Makxamadda Ciidamada, waxaana Sidoo kale Maxkamadda dhageystay Qareenada Eedeysanayaasha oo iyagana ku dooday in loo naxariisto Maadaama Eedeysanayaasha ay ku qasabtay kamid ahaanshiyada kooxda dhaqaale xumo iyo Handadaad ay kala kulmeen kooxda.

Iyadoo ka ambaqaadeyso Nuxurka cadeymaha iyo difaaca qareenada ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Sideed (8)-sano oo xabsi Ciidan ah Seddaxda eedeysane ee markale ku biiray Kooxda Alshabaab Abuukar Cabdi  Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, halka labada eedeysane  ee kale , Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali  ay ku xukuntay min Shan (5)-sano oo xabsi Ciidan ah, Sida uu u sheegay Garsoor guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Eedeysanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaa Rafcaan hadii aysan ku qanacsaneen xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Afar Alshabaab ah oo midi  haween tahay

Garsoor (Muqdisho)- Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow oo ah eedeysanaha koowaad ayaa Ciidamada amniga soo qabteen 22-kii  Bishii 4aad  ee sanadkan, iyadoo xilligaas lala xiriirnayay Maleeshiyada Alshabaab, waxaana Ciidamada amniga oo hayay xogta eedeysanaha ay xilligaas kadib   ku wareejiyeen Hey’adaha Baarista, waxa uuna eedeysanaha fududeeyay in ay gacanta dowladda ay soo galaan Eedeysanayaasha kale:-

Waris Maxamed Cumar,  Xasan Cali  Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe.

Hey’adaha Baarista  ayaa intaas kadib u soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta weydiistteen Maxkamadda in loo gudbiyo  Eedeysanayaasha Xabsiga dhexe   si’ ay  u soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanayaasha loo soo gudbiyay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa intaas kadib sii guda galay baaritaanka eedaha loo heysto Eedeysanayaasha, waxaana eedeysanaha koowaad Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow lagu soo eedeeyay in uu ka tirsanaa Maleeshiyada Alshabaab, waxa uu qirtay in uu ku biiray Alshabaab 2015, waxa ay sidoo kale Xafiiska soo cadeeyeen in Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow uu kamid ahaa kun dhallinyara ah oo  shaqaalaha Maamulka gobalka Benaadir   kaga soo biiray degmada Howlwadaag xilligaasi oo ay u suura gashay in uu sii wado dhagridda shacabka uu ku haayay isagoo gudbin jiray liiska magacyada ganacsatada ee bixiya adeegyada dowladdu ku leedahay, waxa  ay sidoo kale baaristooda ku ogaadeen in uu Alshabaab u soo qabtay howlaha Jabhadeynta iyo Wardoonka oo uu isaga ku qiray Qiraalkiisa.

Waris Maxamed Cumar ayaa iyada loo heysta in ay aheyd keyd hayaha Hubka Maleeshiyada Alshabaab sida bam-booyinka gacanta laga tuuro, waxa ay sidoo kale cadeysay in Alsabaab ay ku biirrtay 2011 oo hubka Maleeshiyada gaar ahaan bambooyinka ay isaga gudbin  jirtay Ceelasha iyo Magaaalada Muqdisho.

Xasan Cali  Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe ayaa iyagana loo heystaa kamid ahaansiyada Maleeshiyada, sidoo kale waxaa loo heystaa in ay u soo dagaalameen Alshabaab gaar ahaan kuwooda jid galeenka ah.

Maxkamadda Ciidamada ayaa iyada kiiskan u Fariisatay laba jeer, Markii hore ayaa aheyd 11 bishii 8aad, waxaana xilligaas garsoorayaasha ay Xafiisak Xeer Ilaalinta ka dalbadeen in ay soo dhameystiraan Cadeymaha kiiska.

27 bishii 8aad ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkamadda, waxaana Xafiiska Xeer Ilaalinta soo bandhigeen, cadeymo ay kamid yihiin nin dhaawac uu horey ugu geystaya Maxamed Cabdullahi Maxamed Cadow.

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu dambeyn go’aan ka soo saartay,  kadib Markii ay dhageysteen Qiraalka Eedeysanayaasha, Doodda dhinacyada Dacwadda ee aheyd muujinta dambiyada loo heysto iyo Qareenada oo ku doodayay in loo fududeeyo  xukunnada maadaama ay kala culusyihiin  shaqooyinka ay ka dhex hayeen Alshabaab, sidaas darteed ayay garsoorayaasha go’aan ku gaareen in eedeysnayaasha ay yihiin dambiilayaal galay dambiga  lagu  soo oogay, waxa ayna ku kala xukuntay Maxkamadda.

Maxame Cabdullaahi Maxamed Cadow 15 (Shan iyo Toban ) sano oo Xabsi Ciidan ah

Waris Maxamed Cumar 6 (Lix) sano oo xabsi Ciidan ah, halka Xasan Cali  Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe ay kuwada xukuntay min 1(hal) sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda G/dhaxe Xasan Cabdirxmaan Aadan (Wabiyow).

Eedeysanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada koowaad.

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo Maxkamadda Ciidamada Xukuntay

Muqdisho (Garsoor)- 07/08/2018  ayaa la soo gaba-gabeeyay Maxkamadeynta Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)  oo loo heysto dilka AUN  Marxuum Xasan Abshir Warsame oo ka dhacay magaalada  Beladweyn 07/02/2018.

Wixii xilligaas ka dambeeyay ayuu Yariisow isaga soo baxsaday halka uu dilka ka geystay ee aheyd degmada Beledweyn ee  xarunta gobalka Hiiraan, isagoo soo  gaaray  magaalada Muqdisho.

07/07/2018 ayuu isku dayay in u iska diiwaan  geliyo dugsiga tababarka Boliiska ee Jeneraal Kaahiye xilligaasi uu ku dadaalayay badalka magiciisa iyo ku biiristiisa balse ciidamada boliiska oo haayay xogta Yariisow ayaa gacanta ku soo dhigay iyagoo ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan  qeybta 27-aad  ee ka howlgasha deeganada maamulka Hirshabelle.

Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow oo kamid ah  Garsoorayasha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoor in Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)  go’aankiisa loo tiiriyay Qiraalkiisa oo ahaa in ay kaga fakatay xabad Marxuumka , Markaatiyaal goob joog u ahaa dilka weliba cadeeyay in uusan wax gar-gaar ah u fidin kadib dilka balse uu baxsaday iyo doodii qareenada ee aheyd in loo naxariisto loona fududeeyo ciqaabta maadaama uu qirsan-yahay, waxa ayna Garsoorayaasha gaareen in Ex Dable Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, Sidaasna loogu xukumay dil toogasha ah

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)  ayaa heysta fursad kale uu ku dalban karo rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

 

 

Rag dhac isku baheystay oo ay Maxkamadda Ciidamadu xukuntay

Muqdisho (Garsoor)- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku xukuntay Min Shan-sano oo xabsi Ciidan ah kaddib markii ay dhac u geysteen Shirkadda Hormuud xarumaheeda ku kala yaal kaawo godey  degmada Wadajir  iyo Tree-Disha oo ah halka loo yaqaan  (KM13).

Goor hore oo maanta ah ayaa xukunka Maxkamadda waxaa ku dhawaaqay guddoomiyah Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida  Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Halkan Hoose  ka dhageyso Codka Guddoomiyah Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

 

Taliye  Saldhig  oo Musuq loo xiray.

Muqdisho (Garsoor)- Gaashaanle  Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen oo ahaa taliyaha    saldhiga Boliska degmada Wartanabadda iyo Alifle Cabdi Cumar Isaaq  Baaraha Dambiyada Saldhiga  iyo Kormeera Labaada Cabdifitaax Maxamuud Cabdi oo ka tirsana Ciidamada saldhiga  degmada  ayaa lagu soo eedeeyay in  ay qaateen lacag laauush ah.

Kowda bishan aynu ku jirno ayaa Ciidamada Amniga soo xireen Eedeysanayaal    Gaashaanle  Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen taliyaha saldhiga degmada Warta-nabadda , baaraha dambiyada saldhiga   Alifle Cabdi Cumar Isaaq  iyo Cabdifitaax Maxamuud Cabdi  oo ka tirsanaa ciidamada saldhiga ayaa  lala xiriirinayaa qaadasho lacag laaluush ah, waxaana markii ay soo xireen Ciidamada Amniga eedeysanayaasha  kadib ku soo wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida .

Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa markii ay soo gaartay eedda ka dhanka ah eedeysanayaasha, waxa ay   maalin kadib horgeeyeen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xeer Ilaalinta ayaa weydiisatay garsoorayaasha in la xiro si’ ay u soo dhameystiraan  cadeymaha eedda loo heysto  Gaashaanle  Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen oo ahaa taliyaha  Boliska saldhiga  degmada Wartanabadda  iyo labada askari ee kala tirsanaa saldhiga degmada Warta-nabadda.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xabsiga dhigtay taliyihii Boliska Saldhiga  Warta-nabadda iyo laba askari oo kala tirsanaa saldhiga, waxa ayna fareen xafiiska xeer ilaalinta in ay soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanayaasha.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii loo soo afjari lahaa Musuqa, Maxkamadaha rayidka iyo tan ciidamada qalabka sida ayaa la horgeeyay eeddo lala xiriirinayo Musuq-maasuq waxa ayna Maxkamadaha xabsiyada dhigeen  eedeysanayaal loo heysto Laaluush iyo ku tagrifal awoodeed.

 Haweeney Al-shabaaabnimo loo xukumay.

Muqdisho (Garsoor)- Basra Maxamed Cali Warsame  ayaa 21/05, ee sanadkan   ciidamada amniga ka soo qabteen xaafadda Suuqa-xoolaha ee degmada Hilwaa, waxayna xilligaas ciidamada maniga helaan xog  sheegaysa  in haweeneyda ay u aheyd keyd haayaha hubka sida  Bistooladaha iyo Bam-booyinka maleeshiyada amniyaadka ee kooxda arga-gixisada ah ee Alshabaab.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa loo soo gudbiyay eed ka dhan ah eedeysanaha,   wixii xilligaas ka dambeeyay ayay xafiiska Xeer ilaalinta isku howleen  jiritanka eedda ka dhanka ah eedeysanaha, 15/07 ee sanadkan ayay soo gaba-gabeeyeen baaristooda,  waxaana ay weydiisteen garsoorayaasha  Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga  waqti qaadista eedda ka dhanka ah eedeysane Basra Maxamed Cali Warsame.

28/07 ee sanadkan ayay ogolaatay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in loo fariisto eedda ka dhanka ah eedeysane Basra Maxamed Cali Warsame, waxaana ay dhageysteen  garsoorayaasha eedda ka dhanka ah Basra, waxaa sidoo kale fursad loo siiyay Qareenada difaacayay eedeysanaha in iyana soo bandhigeen sharciyada ay ku diidanaayeen eedda ka dhanka ah Basra Maxamed Cali Warsame.

Gaashaanle Dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow)  oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada ayaa xilligaas u sheegay dhinacyada dacwadda in dib la isugu soo noqon doono oo ay jirto fadhiya  kale xilligaas oo laga dalbaday xafiiska xeer ilaalinta in ay soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanaha.

04/ bishan aynu  ku jirno ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkmadda, wax yaabaha dheeraadka oo ay xafiiska xeer ilaalinta  soo bandhigeen waxaa kamid ah In eedeysanaha ninkeeda oo lagu magacaabi jiray Liibaan Maxamed Cabdikariin (Liibaan Jaraaye) uu ahaa Alshabaab, sanad iyo bar ka horna uu ugu  dhintay qarax uu waday degmada Hilwaa, waxaa sidoo kale ay soo bandhigeen cadeymo kale oo muujinayo in wixii xilligaas ka dambeeyay nin lagu magacaabo khaalid uu ku qanciyay shaqada ay u heeysay kooxda Alshabaab.

Ugu dambeyn garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray iyagoo eegaya qiraalka eedeysanaha, ka war-celinta jawaabaha ay ku cadeysay garsooraka hortiisa, dhageysiga markaatiyaal uu kamid yahay baaraha kiiska in Maxkamadda Ciidamada Basra Maxamed Cali  Warsame  ay ku xukuntay Shan-sano oo xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhamman ka qeyb galayaasha Gaashaanle Dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow)  oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Darajada kooweed ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday laba horjooge oo Daacish ah (Dahgeyso)

Muqdisho (Garsoor)- Dhowr jeer oo fadhi ayay soo martay heerarka maxkamadeynta labadan horjooge ee ka tirsanaa maleeshiyada Daacish kuwooda  dhibka ka wado Soomaaliya.

Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin   oo ah eedeysanaha  1-aad ayaa loo heystaa in uu  ku mashquulsanaa aas-aasidda  koox daacish ah kuwaasi oo ka howl-geli lahaa Koonfurta Soomaaliya, waxa uu xilligaas khilaaf kala dhexeeyay ninka ugu sareeyo daacish kuwooda jooga Soomaaliya ee Cabduqaadir Muumin

Max’ed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr raage) ayaa  loo heystay in uu ahaa Horjoogaha Caafimaadka, waxa uu sidoo kale ahaa u qaabilsanihii xagga soo uruurinta lacagaha ay dibadda ka helaan,  waxaa  si gaar ah eeddiisa loogu muujiyay sida uu ugu gamban jiray ka ganacsiga Daawooyinka ee markiisii hore ka bilowday  Suuqa Bakaaraha.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee  Ciidamada Qalabka Sida ayaa u akhriyey warbaahinta xukunka ay ka soo saareen labada horjooge ee ka tirsanaa maleeshiyada Daacish

Eedeysanaha 1-aad ee la xukumay ayaa isaga heysta dhallasha Ruushka,  magaca Abuu-Yaasiin waa wiil ay u dhashay gabar Church Nia, waxa uu sidoo kale qeyb ka mid ah noloshiisa ku soo qaatay waddanka Syria, halka Dr Raage uu ahaa madaxa caafimaadka, waxa uu sidoo kale qeyb kamid ah noloshiisa ku soo qaatay Dalka Koonfur Africa iyo ka  mid ahaanshiyaha Malleeshiyada Al-Shabaab.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA DARAJADA KOOWEED EE CIIDAMADA QALABKA SIDA.

 

 

Horjoogayaal Daacish ah oo la maxkamadeeyay

Muqdisho (Garsoor)– Mahad Max’ud Cabdi oo magacyadiisa afgarashada yihiin  ( Abtidoon, Abuu-yaasiin) iyo Max’ed Daa’uud Daahir Warsame  oo isagana loo yaqaanno  (Dr,raage)  ayaa loo heystaa in ay ka mid ahaayeen hor-joogayaasha kooxda Daacish.

Mahad Max’ud Cabdi  ayaa isaga dadaal ugu jiray sidii uu aas-aasi lahaa koox kale oo Daacish ah  kuwaasi oo ka madax banaan kooxda Daacishta ah ee uu hugaamiyo Cabduqaadir Muumin.

Safar dheer ayuu u soo galay sidii uu soomaaliya ku soo gaari lahaa, waxa uuna heysta dhalashada Ruushka oo uu muddo ku maqnaa waddankaas, waxa uu sidoo kale ku soo qaatay qeyb ka mid ah noloshiisa waddanka Syria,  isagoo ugu dambeyn ku biiray  kooxda Daacish   uu ka mid noqday kuwa ugu sarreeyo balse mar dambe oo ay is qabteen hor-joogaha kooxda Daacish   ayuu  go’aansaday in uuu aas-aaso  koox kale, wax yaabaha gaarka ah oo ay xafiiska xeer ilaalinta soo bandhigeen waxaa ka mid ah warqad uu u qoray horjoogaha ugu sarreeyo kooxda daacish taasi uu  ku gudbinaya cabashada ay ka wadaan  horjooge Cabduqaadir muumin, wax yaabaha ku qornaa waxaa ka mid ah;-

Hugaan xumida hugaamiyaha kooxda, Qorsha la’aanta howlahooda iyo Howl-galladooda, ku baahid la’aanta dhul ballaaran sida Koonfurta Soomaaliya iyo arrimo kale.

Max’d Daa’uud Daahir Warsame  oo magiciisa afgarashada yahay  (Dr,raage)  ayaa isna lagu eedeeyay in uu ahaa madaxa maaliyadda kooxda sidoo kale  ahaa caawiye  xagga caafimaadka ah  ayaa  cadeymaha maxkamadda lala keenay waxaa ka mid ahaa Akoonada lacageed ee uu isticmaalay iyo shirakidihii uu isticmaali jiray lacagaha.

Farsoomyinka ay ka mid yihiin kala badalidda xawaaladaha, Sameynta akoonno kala duwan oo loo  sameeyay qaab-caawimaad iyo iska daba wareejinta sharikadaha in uu cadeeyo Hey’adaha uu sheeganayo shaqadooda iyo sharciyadda ay ku shaqeeyeen balse uu arrintaasi ah ka leex-leexday.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Ciidamada qalabka Sida Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa maxkamdda ka codsaday in la mar-siiyo ciqaab u dhiganto  qodobada ay ku soo eedeeyeen, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in dil-toogasha ah.

Qareenada u doodayay eedeysanayaasha  ayaa  maxkamadda ka hor sheegay  in aysan wakiiladooda   diidaneyn ka mid ahaanshiyaha kooxda Daacish balse ay ka  laabteen fikirkaas, sida mid ka mid ah qoraalkiisa cadeymaha uu ku cadeeyay hor-joogayaashan.

Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida  G/sare  Xasan Cali Nuur Shuute ayaa  soo xiray fadhiga Maxkamadda, waxa uuna u sheegay dhammaan ka qeyb-galayaasha in Maxkamadda ay go’aanka dib ka soo saari doonaan.

Horjoogeyaashan oo aan aheyn dad dhallinyaro lamarin habaabiyey ayaa doonayey in ay maskaxda dhallinyaro Soomaaliyeed   lumiyaan si ay ugu adeeggaan argagixiso aan arxan iyo aragti toona  lahayn.