Muqdisho (Garsoor)– Xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku soo eedeeyay 15-shaqsi oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ka mid ah Ciidamadii horey u taba-bareen Imaaraadka in ay abaabuleen dhac loo geysto keydka dugsiga oo ay ku jireen agabka ciidamada.
Eedeysanayaasha ayaa ahaa saraakiil xigeenada dugsiga iyo bare ka mid ahaa saraakiisha ciidamada ay dowladda Imaaraadka ugu tala gashay in uu barro xirfadda Ciidamada ay ku taba-bari jireen dugsiga Jen, Gordan.
Xafiiska xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda hor keenay markaatiyaal ka mid ah ciidamada & saraakiisha kale ee ku jiray dugsiga, sidoo kale Maxkamadda ayaa dhageystay eedeysanayaasha oo iyaga laftooda la weydiiyay dambiyada ay galeen jiritaankooda.
Qareenada u doodayay eedeysanayaasha ayaa ku dooday in raggan kaliya aan loo ciqaabin dambiyada ay soo jeediyeen xafiiska xeer ilaalinta, waxa ayna sheegeen in abaabulka dambiyada loo heysto ay ka weyn-tahay eedeysanayaasha, sidaas darteed ayay ka codsadeen garsoorayaasha Maxkamadda in loo naxariisto isla markaana la siiyo xurriyadooda.
Maxkamadda oo tix gelineysa cadeymihii horey looga qoray Eedeysanayaasha, Markaatiyaasha iyo Gal-dacwadeedka la horkeenay Maxkamadda ayaa go’aan ku gaaratay xukunnada kala ah ;-
“Seddax Alifle Xoogga dalka Yaasiin Ibraahim Aadan hal-sano oo xabsi Ciidan ah
Maxammed Cabdi Sabriye oo shacab ah hal-sano oo xabsi Ciidan ah.
Halka 5-ta kale oo iyagana isku daraja ah lagu wada xukumay 6-bil oo Xabsi Ciidan ah.
Maqanayaal kale oo uu ku jiro Macalimkii dugsiga lagu wada xukumay 5-sano oo xabsi ciidan ah.
Waxa ayna kala yihiin;-
Seddax Alifle Xoogga dalka Ismaaciil Abuukar Muudey, Cali Maxammed Xasan, Qaaasim Ibraahim Aadan, Xuseen Maxammed Cusmaan, Maxamuud Muuse Yuusuf”- sida uu u sheegay warbaahinta Garsoor Col Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow oo kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Maxkamadda ayaa sii deysay Cabdullaahi Xasan Diiriye oo ahaa shacab da’diisu ay yartahay.
Col Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow ayaa sidoo kale sheegay in ciddii aan ku qanacsaneen xukunka ay u furantahay Racfaan.