AUN Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxman Adan Wabiyow oo Muqdisho lagu aasay

0
998

Muqdisho (Garsoor)- Allaha Unaxariisto waxaa lagu aasay magaalada Muqdisho Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxman Adan Wabiyow oo u geeriyooday xanuun hayay.
Wabiyow ayaa garsoorka Ciidamada Qalabka Side ku jiray tan iyo dowladii dhexe, waxa uu soo noqday kaaliye, Karaani ilaa uu ugu dambeyn noqday garsoore katirsan Maxkamadda Ciidamada.
Waxa uu waqtigiisa badi ku qaatay garsoorka dhexdiisa, weliba waxa uu kamid ahaa dad yar oo u baraarey qatirihii dalka ka jiray oo uu ku dhiiraday in uu u shaqeeyo qarankiisa.
Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada iyo Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darjada koowaad ayaa si wada jir ah uga tacsiyeeyay Qaranka iyo Ehelkiisa geerida Marxuumka, waxa ayna Allah uga baryeen Naxariistiisa Janno.
Allaha Unaxariisto Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow ayaa lagu xasuusan doonaa u adeegidda qaranka iyo u hiilinta cadaaladda.