Askar dhac iyo dil geysatay oo la xukumay.

0
1225

Muqdisho (Garsoor)- Eedeysanayaal Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle iyo Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale ayaa loo heystaa in ay dileen Marxuumiin Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmed  oo si wada jir ah ugu safrayay waddada agfooye taarikhdu  markey aheyd 25-ka bishaii 9-aad  Sanadii 2018.

Eedeysanayaal  Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle iyo Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale ayaa dhigtay jid-gooyo ay kaga qaadaan baad shacabka ku safraya wadada dheer ee Afgooye, Marxuumiin Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmed ayaa ahaa wadaha gaariga iyo qof dhinac fadhiyay, waxaana  wadaha gaariga lagu amray in uu bixiyo baad oo markii hore ku cusleyd balse  Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale uu amray in uusan dhaqaaqi Karin ilaa uu ka bixiyo lacagta laga rabo, waxa uu go’aansaday wadihii gaariga in uu isfurto laakiin Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle oo ahaa shaqsiga sida gaarka ah gaariga u hortaagnaa ee weydiiyay baadda ayaa  sabab u noqday xabad uu riday in ay isku  marto  labada marxuum taasi oo ay ka dhalatay geeridooda.

Isla xilligaas ayaa laga soo qabtay goobta dilka ka dhacay  kadib markii ay dadka shacabka ee ku dhaqan deeganadaasi ku war-geliyaaan ciidamada amniga in labada eedeysane ee dil geysteen, waxaana laba cisha  kadib  lagu wareejiyay hey’adda dambi baarista Boliiska CID.

Xilligaasi wixii ka dambeeyay ayaa lagu soo wareejiyay kiiska  Xafiiska       Xeer-Ilaalinta, waxaana 1-10-aad 2018  loo gudbiyay xabsia dhexe garsuga ahaan.

Muddo kadib baaristooda ayay xafiiska weydiisteen garsoorka  2-dii bishii 1-aad ee sanadkan  ayaa loo ballamay dhageysia  dacwadda  waxaana maaalin kadib lagu ballamay dhageysiga  dhinacyada Maxkamadda.

Fadhiga hore ayaa  ku filnaan waayay dhageysiga dacwadda, waxaana markale la muddeeyay 8-deedii  bishan  1-aad  iyadoo 2 cisha kadib lagu ballamay fadhi kale.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa soo bandhiga markaatiyaal wax laga weydiiyay  dhibaatadii dhacday, waxa ayna  sheegeen dadkii ka hor hadlay fadhiga maxamadda in laba eedeysane midkood uu amray in uusan dhaqaaqin gaariga inta ay bixinayaan baad ay ka doonayeen, markii arrintaas timid ayaa darawalka gaariga  garowsaday in uu iska bixiyo waxa laga rabo si noloshiisa uu bad-baadiyo.

Nasiib xumo  eedeysane Xasan Maxamed Cabdulle ayaa go’aansaday in uu nolosha u aqoonsado darawalka gaariga iyo qof rakaabka kamid ah oo dhiniciisa fadhiyay.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday  in aysan qaban qof bixiyay baaddii laga rabay oo dambi kale aheyd in nolosha la dhaafiyo taasi oo  muujineysa  in Xasan Maxamed Cabdulle uu u bareeray daadinta dhiigga labada muwaadin.

Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale ayaa isaga ahaa caawiye,  Sidoo kale lahaa qoriga dhacca lagu geystay, waxaana dadka markaatiyaasha ah sheegeen in uu bixiyay amarka ah in gaariga uusan dhaqaaqi Karin ilaa uu ka bixinayo baadda laga rabay.

Qareenada u dooday laba eedeysane ayaa ku dooday in loo naxariisto loona fududeeyo  ciqaabta labada eedeysane oo ay iska bixiyaan magta marxuumiinta.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ayaa u sheegay dhamman dhinacyada dacwadda in  Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay waxa ayna maxkmadda ku xukuntay dil toogasha  ah oo ah qistaasta marxuumiinta  Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmed   halka  Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale lagu xukumay sideed sano oo xabsi ciidan ah.

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay  ku dalban karaan rafcaan hadii aysan ku qancin xukunka maxkamadda darajada koowaad.

Sawirka Hore Gacan Ku dhiigle :- Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle 

Sawirka Dambe :-  Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale