Xukunka Shabakad Alshabaab ah oo ay Haweeney ku jirto

0
4755

Garsoor (Mogadishu)- Deeqo Maxamed Qeyliye Sabriye, Cabdikariim Maxamuud Cusmaan iyo Maxamed Siid Cali Maxamuud ayaa loo xiray  july 19-keedii la shaqeynta Alshabaab iyo in ay ahaayeen koox wada degan oo ka shaqeysa Gudbinta iyo Keydinta Agabka Ciidan ee loo adeegsado dilalka gaadmada ah ee kooxdu ku wax yeeleyso dadka Soomaaliyeed.

Deeqo Maxamed Qeyliye ayaa sheegtay in ay Alshabaab kaga biirtay  Shabeellada Hoose 2016, waxa ay Gunno ahaan u qaadan jirtay $150 bishiiba.

Bishii Ramadan ayay qaban jirtay howlaha ugu badan ee keydinta Hubka sida Bistooladaha, Bambooyinka Gacanta laga tuuro F1, Qaraxyada lagu xiro Gawaarida, kuwa lagu Aaso waddooyinka iyo Alaabta laga farsameeyo Qaraxyada.

2016 ilaa july Sanadkan waxa ay marti gelisay Nimankii ugu badnaa ee Alshabaab u fulinayay howlahooda Gurracan mana jirin mid kamid ah oo xarig Alle kula joogay Guriga ay Argagixisada ugu kireysay Fulinta danahooda.

Cabdikariim Maxamuud Cusmaan iyo Maxamed Siid Cali Maxamuud si lamid ah labadan eedeysane ayaa Alshabaab kaga biiray Shabeellada Hoose 2016, Muddo la barayay Fasirka Qaldan ee Diinta ugu dambeyn waxaa lagu qanciyay in ay Bartaan farsameynta Qaraxyada.

Deeqo ayaa lagu soo xiray labadaba waxa ayna hoy ka siisay gurigii loo qorsheeyay ee u joogtay sidii Hooyanimo aan la Ogeen dhagarta ku hoos Miliqsan.

Labada Eedeysane oo ku dhaawacmay Qarax uu aasayay dhagar qabe  kale oo iyaga la socday July 2020 degmada Yaaqshiid gaar ahaan SOS ayay Ciidama Amniga ku soo qabteen, waxa ayna sahashay Farsamada kale ee dhalisay in la soo Gacan geliyo Deeqo Maxamed oo u aheyd Horjooge u sameysan Hooyanimo & Oori.

MAXAMED SIID CALI MAXAMUUD 20-SANO XABSI
MAXAMED SIID CALI MAXAMUUD 20-SANO XABSI
CABDIKARIIM MAXAMUUD CUSMAAN GACAL 3-SANO XABSI CIIDAN AH

November Sanadkan ayaa lagu soo wareejiyay sedaxda eedeysane Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna baaritaan dheer kadib Codsadeen Muddeynta Maxkamadeed Bartimihii bishii 11-aad ee Sanadkan.

28-kii November ayay bilaabatay Maxkamadeynta  Deeqo Maxamed Qeyliye Sabriye, Cabdikariim Maxamuud Cusmaan iyo Maxamed Siid Cali Maxamuud.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa cadeyn ahaan Maxkamadda u hor keenay Agab isugu jiro Hub iyo Qaraxya oo lagu soo wada qabtay eedeysanayaasha oo iyaga aasayay Qarax uu mid kamid ah  kaga dhintay Mid kalane kaga dhaawacmay, waxaa sidoo kale la dhageystay Qiraallada Dambiyadii ay galeen.

Qareenada u doodayay Eedeysanayaasha ayaa Codsaday in loo Naxariisto Maadaama an la cadeyn Dambi ka dhashay Dil iyo Dhaawac toonna.

Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay sedaxdan shaqsi, waxaana lagu kala xukumay Deeqo Maxamed Qeyliye Sabriye 15-sano Xabsi Ciidan ah , Cabdikariim Maxamuud Cusmaan 3-sano Cabsi Ciidan ah iyo Maxamed Siid Cali Maxamuud 20-sano oo xarig ah, sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalbka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaan Rafcaan Muddo ku siman 30-Cisho xukunka kadib.