Askari Balad xaawo ku dilay qof shacab ah oo la xukumay.

0
2772

Garsoor (Mogadishu)- Cumar Aadan Xuseen ayaa loo soo xiray 05-tii May Sanadkii tegay  dil uu u gaystay AUN Marxuum Abuukar Saalax Xareed Cadow dilkaasi oo ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobalka Gedo.

23-kii August 2020 ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo xilligaas Maxkamaddu ay Ogolaatay in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Gar-suge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Baaritaan dheer kadib soo codsaday in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda ka dhanka ah Dable Xoogga Dalka Cumar Aadan Xuseen 7-dii October Sanadkii ina dhaafay.

Maxkamadda ayaa muddeysay dhageysiga Eedda ka dhanka Cumar Aadan Xuseen dabayaaqadii October, waxa ayna Maxkamadda dhageysatay Sideed Qof oo isugu jiro Ciidan iyo Shacab  goobjoog u ahaa dhacdada uu Marxuumka ku baxay.

Maragyada Maxkamadda joogay ayaa u sheegay Garsoorayaasha in ay jirtay dhacda ay isaga soo horjeedeen Ciidan Boliis ah iyo Kuwa ka tirsan xoogga Dalka laakiin aan xabad la isku furin Balse Cumar uu Marxuumka ku amray in uusan ka Fogaanin Qalalaasha dhici karay oo uu sababay is hortaagga Ciidamada u dhexeeyay markii uu isku dayayne in uu Meesha ka Cararo uu Cumar Marxuumka ku amaray in uusan dhaqaaqi karin.

kadib dhaqaaqa Marxuumka ayuu xabad ku dhuftay taasi oo sababtay in uu U geeriyoodo Marxuumka.

Xeer Ilaalinta ayaa ku dooday in Cumar uu gabaad ka dhigtay Miskiin isaga Xamaasha Moota Bajaaj isaga oo  sidoo kale Carqaleedayay Ciidamada Amniga.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo dil toogasha ah.

Qareenada u dooday Eedeysane Cumar ayaa Codsaday in loo Naxariisto Cumar Aadan Xuseen oo ay ku kaliftay dilkaas difaac uu kaga jiray Ciidamo uu is faham waa soo dhex galay.

Maxkamadda Ciidamada oo kiiskan dhageysigii soo waday lixdankii cisha ee ina dhaafay ayaa ugu dambeyn Maanta Go’aamisay in Dil toogasha ah lagu xukumo Cumar Aadan Xuseen oo ah Qisaasta Marxuum Abuukar Saalax Xareed Cadow sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban Karo Rafcaan muddo ku siman 30-cisho Xukunka kadib.