Shabaab loo xukumay dhaawac kasoo gaaray Qarax uu isaga Aasay…..

0
3990

Garsoor – Mogadishu .   Cabdillahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) ayaa loo soo xeray 03-dii Bishii Juun ee sanadkaan in uu ka tirsanaa Maleeshiyada Alshabaab  una qaabilsanaa Qaybta qaraxyada isaga oo 7miino ku aasay kuna qarxiyay Waddooyinka Buufow Bacaad, Wadada Janaale, iyo Wadada Sabiib iyo Caanoole.

August dabayaaqadeedii ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaas ayaa xabsiga dhexe loo diray Garsuge ahaan.

Waxa uu Alshabaab  ku biiray isagoo 15 jir ah waxa uuna tababar ku qaatay tuulada Doolaale ee ka tirsan Gobolka Bay, tababarkii markii uu usoo dhamaadayna waxaa loo wareejiyay sanadii 2016 qaybta qaraxyada, waxaana la baray qaabka loo fuliyo loona isticmaalo Miinooyinka, Waxa uuna mushaar ahaan u qaadan jiray bishii 200$.

Qarax oo uu ku aasay waddada Sabiib iyo Caanoole ayaa dhaawac ka soo gaaray kadib markii uu isku dayay in uu ka bixyo markii uu waayay cid soo marta, waxa uuna kana dhaawacmay Gacanta iyo Lugta Bowdada Midig.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada oo Codsaday Dacwad Qaadista Kiiska Cabdillahi ayaa laga Ogolaaday 12-kii Bishan November ee aan ku jirno, waxa ay Maxkamadda la wadaageen Qiraalka Eedeysanaha.

Fadhiya kala duwan kadib iyo dhegeysiga dhinacyada dacwadda sida Xeer Ilaalinta iyo Qareenada Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Cabdillahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) Xabsi Daa’in  sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunkasanaha haysta Fursad uu ku dalban karo racfaan inta sharciga Ogol yahay.