Xukunka Cali oo Alshabaab u qaabilsanaa diiwaan galinta iyo sahminta ganacsiyada….

0
1434

Garsoor (Mogadishu) – Cali Abuukar Jimcaale Rooble, ayaa loo soo xiray sadaxdii November ee sanadkii hore ka mid ahaanshaha Khawaarijta Alshabaab, waxa uu u qaabilsanaa qaybta Amniyaadka.

Cali Abuukar Jimcaalle Rooble, waxa ay reerkiisa u safriyeen South Africa 2010-kii Sanad kedib markii uu ku biiray Argagixisada.

Todoba sano oo la islahaa waxa uu ka xuroobay fikirka Khawaarijta ma dhicin balse waxa uu ka soo degay Muqdisho dabayaaqadii 2017 isaga oo xambaarsan isla fikirkii guracnaa ee kooxda.

Waxa ay Argagixisada u wakiilatay Cali diiwaan gelinta ganacsiyada cusub iyo sahmintooda, waxa uuna mushaar ahaan u heli jiray 50 ilaa 100 dollar bishiiba.

Markale ayay Argagixisada ku celisay tababar lagu barayo isticmaalka hubka, waxaana lagu ogaaday baaritaanka hay’adaha Amniga in maalmo uu la qaatay Cali jabhad hareeraha Jilib-Marko ku dhuumaalaysato.

Dalabka xeer ilaalinta ee ahaa maxkamad qaadista Cali Abuukar Jimcaalle ayuu garsoorka Ogolaaday afartii March sanadkan.

Garsoorka ayaa waqti ku filan siiyay dhinacyada Dacwadda, waxa ayna habraacii maxkamadeed kedib ku xukuntay Cali Abuukar Jimcaalle Rooble Sideed Sano oo Xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo heerka Koowaad ee maxkamadda ciidamada ka tirsan.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.