Xukunka Shabaab ku waday RBG Bajaaj iyo Hub kale…

0
1417

Garsoor (Mogadishu) – Maxamed Farxan Bashiir Khamiis ayaa Khawaarijta Alshabaab kaga biiray Xamar bishii Lixaad ee 2022, waxaana ku tashkiiliyay saxiibkiis, waxa uu tababar sadax maalin socday ku soo qaatay degmada Kuntuwaareey waxaana la soo baray isticmaalka Hubka sida AK47, RBG, Bastoolad iyo Bambo F1.

Maxamed Farxaan ayaa horjoogihiisii amar ku siiyay in uu ku soo laabto Xamar, ka dibna waxaa lagu xiray haweeney lagu magacaabo Faaisa Cali Maxamed waxa ayna u iibisay Mooto Bajaaj celis ah oo laga siiyay lacag dhan 2550$, Maxamed ayaa Mudo 5 bilood ah mushaar ahaan u qaadan jiray 80$ bishii.

Maxamed ayaa xaafadda Macaani ee duleedka Muqdisho ka soo qaaday qori Ak47 ah iyo rasaastiisa oo ay u soo dhiibtay haweeneey, waxa uuna ku wareejiyay marwo kale oo joogatay Suuqa Xoolaha.

Markale ayuu 2 qori Ak47 ah iyo RBG kaso qaaday darbiga COCA-COLA ee Dagmada Yaqshiid , waxa uuna geeyay Meel u dhaw saldhiga Dagmada Kaaraan, waxa halkaas ugu yimid Laba nin ka dibna waxa ay bilaabeen in ay la dagaan hubkii saarnaa mootada si ay u rakibtaan.

Inta ay shaqadaas wadeen ayaa waxaa ka fakaday hal baalooto oo Saban ah waxaa halkaas ku geeriyooday mid ka mid ah maleeshiyada halka midkii kalan uu ku baxsaday gacanta ciidamada, ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay Maxamed Farxaan oo isna baxsad ahaa Sideed iyo tobankii bishii December 2022.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiska Maxamed Farxaan, waxaana laga ogolaaday Sagaal iyo tobankii March ee sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbeyn maanta Go’aan ka soo saaray kiiska Maxamed Farxaan Bashiir Khamiis, waxa ayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.