XUKUN DIL KA DHASHAY DAYN….

0
1421

Garsoor – (Mogadishu)-  Dable Boolis Ibraahim Cabdi Nuur Ibraahim ayaa lagu soo eedeeyay dil kas ah uu u gaystay Marxuum Ex Sadaxle Xoogga Abuukar Xassan Cusmaan Xaayoow iyo dhaawac oo u gaystay Dhibane Xaajiyo Siidii Shiiq, dhacdadaas oo ka dhacday magaalada Baraawe Labo iyo labaatankii bishii December 2022.

Dilka ayaa sababay muran soo kala dhaxgalay marxuumka iyo Ibraahim kaas oo salka ku haayay lacago dayn ah oo Ibraahim lagu lahaa sidaasna uu labo xabadood ugu dhuftay, inta uusan baxsana uu rasaas kale furay taas oo keentay dhaawaca Dhibane Xaajiyo Shiiq.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxakamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga ogolaaday Labo iyo tobankii bishii August.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Dable Boolis Ibraahim Cabdi Nuur Ibraahim Dil toogasho ah, taasoo ah qisaasta Sadaxle Xoogga Abuukar Xassan Cusmaan Xaayoow,

Sida uu warbaahinta la wadaagay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan