Xukunka Darawalkii lagu Qabtay Bustaha Gabaadka Diyaaradaha…..

0
1933

Jamaal Yaasiin Xasan Yaasiin ayaa ka ahaa darawal gaari ka shaqeeyo Kismaayo iyo Muqdisho, Waxaa Jilib looga soo dhiibay agabka looga dhuuno Diyaaraha arageeda maalintii iyo habneenkii (Night Vision), agabkaas loo yaqaan Emergency Space Blanket si uu ugeeyo Suuqa Bakaaraha, balse waa laga kor baxay oo looma sheegin cida iyo meesha saxda ah uu geenaayo.

Ciidanka aamniga ayaa ka soo xiray deegaanka Ceelasha Biyaha Sideedii Bishii May ee Sanadkan.

Baaris dheer kadib Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudeynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Lix iyo Tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Jamaal Yaasiin Xasan Yaasiin 5 sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.