Xukunka Raggii lagu helay Dilal ka dhacay Gaalkacyo Dhinacyadeeda…..

0
1645

Garsoor -(Mogadishu) – Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) Waxa ay ka mid ahaayeen Shabakad ka kooban lix ruux oo dilalka gaadmada ah iyo qaraxyada ka fulisa Mudug gaar ahaan Gaalkacyo.

Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) ayaa lagu soo eedeeyay dilka Marxuum Maxamed Jaamac Maxamed (Cagabiyood).

Halka Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) oo ahaa horjoogihii shabakada isagana lagu soo eedeeyay dilka marxuumiinta kala ah Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi Dheere) iyo Cilmi Cali Guuleed.

Waxa ayna dhamaan dilalkan dhaceen xili marxuumiinta ay kasoo baxeen Masjid Guriga Allah.

Todoba iyo tobankii bishii April ee sanadkan ayee soo galeen gacmaha ciidamada amniga kadib howlgal looga jawaabayay qarax ay la beegsadeen gaari Cabdi Bille ah oo ay lee yiihiin kumaandooska xoogga dalka ee Danab.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaas, fadhiyo kala duwan ka dib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa Labo iyo labaatankii bishii May ee sanadkan ku xukuntay Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) oo dil toogasho ah.

Qareenada u doodaayay eedeysanayaasha ayaa qaatay racfaan ka dib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qareenada Labaatan iyo afartii bishaan, Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow), sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida.