Madixii Baadda Argagixisada uga wakiil ka ahaa deegaana ka tirsan Galmudug & Xukunkiisa…..

0
939

Garsoor – (Mogadishu)- Xaashi Garaad Cali Caalin (Yaxye) ayaa lagu soo eedeeyay in uu maleeshiyada Khawaarijta u qaabilsanaa Maaliyadda Lacagaha baadda ah.

Waxa uu Maleeshiyada Alshaabab ku biiray 2013kii, isaga oo u qaabilsanaa Maaliyadda Mudug iyo Galgaduud kana holwgali jiray Xarardheere, Joowle Caad iyo Bacaadweyn.

Waxa laga soo qabtay deeganka Baraak Ciise ee gobolka Mudug Todobadii bisha July ee sanadkan.

Xaashi iyo dhagar qabe kale oo la socday ayaa watay laba qori Ak47 ah iyo mooto Fikon waxa ayna ka yimaadeen Baraak Ciise ee u dhow deeganka Bacaadweyn, balse dhagar qabihii kale ayaa goobta ku geeriyooday ka dib markii ay ciidanka la dagaalameen halka Xaashi uu isna goobta ku dhaawacmay.

Waxa uu mushaar ahaan u qaadan jiray 150-200$ bishii.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Labatankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukumay, Xaashi Garaad Cali Caalin (Yaxye) 10 Sano oo Xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.