Xukunka Dil ka dhacay Kismaayo.

Garsoor – (Mogadishu)-  Ex Dable Nisa Maxamed Buulle Muumin ayaa, lagu soo eedeeyay dilka Alifle Maxamed Kaariye Maxamed (Sharafoow) iyo dhaawaca dhibanayaal Dable Nisa Maxamed Cabdulaahi Maxamed iyo Alife Nisa Cabdullaahi Axmed Cabdiqaadir (Ilkacase), falkaas oo ka dhacay Magaaladda Kismaayo, Labaatankii bishii Jun sanadkii 2023.

Fal dambiyeedkaan, ayaa dhacay habeen Saq dhexe xilli ay Hurdaayeen marxuumka iyo dhibaneyaasha, Eedeesanaha ayaana ku dooday in sababta dilka keentay in ay aheyd muran dhul oo kala dhaxeeyay Marxuumka.
Dilka ka dib Maxamed Buulle ayaa ka baxsaday magaaladda Kismaayo, isaggoo isku-dhiibay Khawaarijta, kuna wareejiyay qorigii Dawladda ay siisay.
 
Eedeysanaha ayaa laga soo qabtay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho, isaggoo ku dhuumaleysanaya Sagaal iyo Tobankii Bishii April ee Sanadkaan.
 
Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Sagaal iyo Tobankii Bishaan .
 
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Nisa Maxamed Buule Muumin Dil toogasho ahna qisaastii Marxuum A/Le Maxamed Kaariye Maxamed (Sharafoow) .
 
Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

Xukunka Shabakad Khawaarijta Makaaniko u ahaa…..

Garsoor (Mogadishu)- Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macalim Xaaji ayaa lagu eedeeyay in uu khawaarijta u sameyn jiray gaadiidka ay qaraxyada Ku fuliyaan iyo kuwa ka ciladooba, isaggoo gawaarida cusubna ka tiri jiray sumadaha aqoonsiga Chassis Number, mid cusubna saari jiray, si tixraac aysan ugu sameyn Hay’addaha ammaanka, tan iyo sanadkii 2018 ayuuna howlahaan u hayey aragixisada.

Dhagarihii uu ka qeyb qaatay waxaa kamid ah qaraxii Soobe 2 oo dhacay sagaal iyo labaantii bishii tobnaad ee Sanadkii 2022, kaasi oo loo adeegsaday mooto kuwa xamuulka qaada ah oo farsameynteeda uu lahaa, sidoo kale qaraxyo ka dhacay Hotel SYL & Hotel Beach View ayuu ka qeyb qaatay.

Eedeysane Cabdinaasir oo hoostagayey horjooge lagu magacaabo Khalid, ayaa mushaar ahaan u qaadan jiray $240 dollar, waxaana loo iibiyey gaari noha ah oo u isctimaali jiray fududeynta howlihiisa khawaarijnimo, sidoo kalana waxaa loo furay garaash uu wakiil uga ahaa Argagaxisada.

Waxa uu la shaqeeyay Xukunsanayaal Ku jira Xabsi Dhexe iyo kuwa lagu dilay Xabsiga, ka dib markii ay isku dayeen iyaggoo dagaalamaya inay baxsadaan Sanadkii 2024.

Horjoogahaan, ayaa Gacanta Ciidamada amniga soo galay sagaal iyo tobankii bishii sagaalaad ee sanadkii hore 2024, iyaddoo lagu soo qabtay gawaari loo diyaarinayey in loo adeegsado Qaraxyo.

Maadeey Cabdi Xuseen oo makaaniknimo ku shaqeysta ayaa xiriirka argagixisada ka helay eedeysanaha 1aad Cabdinaasir, Safar qaatay maalin iyo habeen ayuu ku tagay Kuunya barrow Shabeelada hoose, si uu khawaarijta ugu farsameeyo seddex gaari oo ka ciladeysnaa, waxaana uu horey usii watay Ciise Maadeey Cabdi Xuseen.

Muddo bil ah oo ay halkaasi joogeen kadib waxay kusoo laabteen Ceelasha Biyaha, iyaggoo wata $400 dollar oo khawaarijtu ay kusoo sagootisay, 50 dollar ayuuna ka siiyey Ciise.

Cabdiqaadir Cali Faarax Tabliiq oo hore tiro laba jeer ah loo soo xiray ayaa lagu soo eedeyay inuu kala gudbin jiray dadka u dacwooda Khawaarijta iyo inuu ka iibsan rabay argagixisada gaari isaga uu lahaa, balse isaggoo aan gadan ayey kawar heleen ciidanka amniga, sidaasna lagu qabtay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday sagaal iyo tobankii Bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay.

– Cabdinaasir Maxamed Xasan ayey .maxkamadu ku xukuntay Xabsi Daa’in.

– Maadeey Cabdi Xuseen ayaa lagu xukumay Labo sano oo Xabsi Argagixiso ah.

– Ciisa Maadeey Cabdi Xuseen ayaa isna lagu xukumay Hal sano oo Xabsi Argagixiso ah.

– Halka Cabdiqaadir Cali Faarax Tabliiq ay maxkamaddu dib u siisay xoriyadiisa.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

Xukunka Dil ka dhashay Muran Boosaneer……

Garsoor- (Mogadishu)- Mudane Nisa Cumar Xasan Maxamuud (Booyada Kabaale) oo ah Baxsad ay ku raad-joogaan Hay’addaha ammaanka, ayaa lagu eedeeyey dilka Marxuum Ex- Labo Xidigle Hanad Axmed Muuse, falkaan ayaana ka dhacay degmadda Dharkiinleey Labaatankii Bishii July ee 2024.

Sababta Dilka ayaa aheyd muran sababay gacan ka hadal, kana dhashay Boosaneer ku yaallay wado luuq ah oo la maro, halkaasi oo uu deganaa marxuumka, eedeysanahana uu ku mari jiray Moto Fekon.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waana laga ogolaaday.

Fadhiyo kala duwan ka dib Garsoorka Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn ku xukuntay Ex.Mudane Nisa Cumar Xasan Maxamuud oo ah Baxsad ay ku raadjoogaan hay’adaha amaanka Dil Toogasho oo ah qisaasta Ex- Labo Xidigle Hanad Axmed Muuse.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/dhexe  Muxumad Maxamed Cumar oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada 1aad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

 

Xukunka Ganacsade Rag uu Deyn Ku lahaa Ku Dacweeyey Khawaarijta…..

Garsoor – (Mogadishu)- Cabdifitaax Yuusuf Xersi Cagaweyne, ayaa lagu eedeeyey in Maxkamad Beenaadka Khawaarijta ee deegaanka Gendershe ee gobolka Shabeellaha hoose uu ka dacweeyey Afar qof, kuwaasi oo uu ku lahaa lacago deyn ah.

Eedeysanaha oo ah Ganacsade leh dukaan lagu iibiyo raashinka, ayaa ka hor inta uusan u tagin Khawaarijta, waxa uu afarta qof ka dacweeyey Maxkamadda degmadda Kaxda, taasi oo u xukuntay in lacagaha uu ku lahaa raggaasi ay siiyaan, balse mid kamid ah afartii uu dacweeyey ayaa qaatay racfaan, waxaana kiiskooda loo wareejiyey Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Eedeysanaha ayaan tagin Maxkamadda gobolka Banaadir, taas beddelkeedana waxa uu u dhaqaaqay in Khawaarijta uu u dacwoodo, waxaana markii uu soo laabtay ay Hay’addaha ammaanka ka qabteen degmadda Kaxda Lix iyo Tobanka Bishii kow iyo tobnaad ee sanadkii hore 2024.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Lixdii Bishaan February.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Cabdifitaax Yuusuf Xersi Cagaweyne Lix Bilood oo Xabsi argagixiso ah.

Bahda Garsoorka Ciidanka oo tacsi u diray Shuhadadii ku baxday gacanta Arga-gixisada…

Muqdisho (Garsoor)- Allaha u naxariistee Janaraal, Cumar Aaden Dhubbad, (Cumar dheere) oo ahaa Taliyihii qeybta 12-ka April ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, Abaandulahii qeybtaas , Janaraal, Cabdi Cali Jamaame, iyo qaar ka mid ah Askartii la socotay ee ku shahiidday weerarkaasi fulaynimada ah ayay Allah uga baryeyn in Naxariistiisa janno uu ka waraabiyo.

Janaraal Cumar Dheere ayaa ku guda jiray fulinta  shaqo uu  garsoorka ciidanka  u diray, waxaana safarkiisa ku wehliyay saraakiil ka socotay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamad Qalabka Sida.

Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad  ayaa si wada jir ah Shuhadada uga baryay EEBBE naxariistiisa.

“Cumar dheere waxa uu ahaa Sarkaal  Hoolkar ah,  xoog furan oo fir-fircoon, waxa uu jeclaa in uu geeriyoodo isaga u shaqeynayo dalkiisa, Allaha Unaxariisto dhamman Sareeya-yaasha iyo askartii ku  geeriyootay  dhagartii shalay” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Janaraal Cumar Dheere ayaa lagu xasuusan doonaa kaalintii uu ku lahaa xureynta goobaha cadowga Alshabaab ay ku sugnaayeen, waxa uu sidoo kale ahaa taliyihii ugu horreeeyay ee hor kacay ciidan oo isaga masuul ka yahay kuwaasi oo xureeyay dhul ballaaran iyagoo u madax baan howlgalladooda.

Maanta ayaa loo  sameeyay aas Qaran oo ay ka qeyb galaan  masuuliyiin kala duwan.

Inaan Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun….

 

Sawirradan waxaa la qaaday 19-November ee sanadkan mar ay booqasho ku saabsan wacyi gelin ugu tageen Ciidamada Xoogga dalka madaxda Garsoorka Ciidamada.

Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay Raggii weeraray Hotel Naasa Hablood2

Muqdishu (Garsoor)-28-kii October 2017 ayay aheyd xilli galab gaab ah saacadda Muqdisho markii maleeshiyada ka tirsan Al-sabaab ay weerar isugu jiro Ismiidaan iyo dagaal toos ah ay ku qaadeen Hotel Naasa Hablood Laba ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa eedeysanayaasha kala ah :-

1-Farxaan Maxammed Samatar , 2-C/naasir Dhaqane Xasan, 3-Abshir Xaaji Maxammed Buule

Waxa uu ku soo eedeeyay in raggan la soo qabtay iyagoo isku dayaya in ay ka baxsadaan goobta dagaalka kedib iska cabin xoog leh oo ay kala kulmeen ciidamada ammaanka, sidoo kale xafiiska ayaa soo bandhigay hubka eedeysanaayasha oo isugu jiro bam-booyinka gacanta iyo Ak-47, waxa ayna sidoo kale hor keeneen Maxkamadda Markaatiyaal ay ku jiraan Saraakiisha Ciidamada amniga ee habeenkaas howl-galka wax ka waday, waxa ayna sheegeen in raggan oo iska dhigay ciidamada amniga ay ka soo qabteen, midkoodna dhaawac uu ahaa meel aan ka fogeyn halka ay mashaqadu ka dhacday.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa ka koobneyd 5- xubnood, mid kamid ah ayaa is qarxiyay ka hor dagaalka inta aysan gudaha ugu gelin 4-ta kale, dagaal kedib ayaa 4-tii maleeshiyada aheyd midkood is qarxiyay kaasi oo ku xirneyd walxaha qarxa, waxaana seddaxda kale ay isku dayeen in ay goobta ka baxsadaan hasa ahaate ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigay.

Maxkamadda darajada 1-aad oo dhowr jeer dhageystay kiiskan ayaa ugu dambeyn saakay xukun dil ah ku riday, sida uu subaxii hore ee saakay warbaainta u sheegay guddoomiyah Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Weerarkaasi dadka ku dhintay waxa ay isugu jireen Siyaasiin hore oo xil soo qabtay, kuwa hadda qaar oo haayay xilal, saraakiil amni, haween iyo caruur, waxaana inta la xaqiijiyay geeriyooday 18-qof halka ay 47-kale oo ay ku dhaawacmeen.

GUDDOOMIYAHA CUSUB EE MAXKAMADDA SARE OO MAANTA LA DHAARIYAY

Muqdisho, 29ka May, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeybgalay munaasabad lagu dhaarinayay Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaanta koowaad siinayso dib-u-habeynta garsoorka dalka.

“Muddooyinkii la soo dhaafay dadkeennu waxa ay ka hadlaayeen caddaalad darro dhinac walba ah oo baahsan. Waxaan ku samaynaynay daraasad meesha dhibku ka taagan yahay iyo xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka. Waxaa noo soo baxday in loo baahan yahay dib-u-habayn, dib-u-habayntaasina maanta ayay bilaabatay, waxaana noogu xigi doona in aan dhisno Golaha Adeegga Garsoorka.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda xilka culus ee uu u magacaaabay, isaga oo ka codsaday laamaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba in ay gacan ku siiyaan sidii uu u gudan lahaa xilka culus ee loo igmaday.

Guddoomiye Baashe oo hadal kooban jeediyay dhaarinta kaddib ayaa yiri: “Helitaanka garsoor hufan, madax-bannaan, dhexdhexaad ah, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeega caddaalad, waxa uu aasaas u yahay in la helo caddaalad oo iyaduna saldhig u ah wax kasta oo saameeya nolosha bini’aadamka.”

“Haddii ay noqoto horumar, haddii ay noqoto amni iyo haddii ay noqoto kor-u-kac dhaqaale dhammaantood waxaa aasaas u ah in la helo caddaalad, helitaanka caddaaladduna waa masuuliyad wadareed saaran qof kasta oo muwaadin ah oo Soomaaliyeed, aniguna waxaan ahay qofka masuuliyadda koowaad ay ka saaran tahay.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu duceeyay Guddoomiyaha cusub inuu Alle u fududeeyo xilka, wuxuuna faray goleyaasha dowladda in ay soo dhameystiraan dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka oo wax weyn ka taraya dib-u-habeynta iyo hufnaanta garsoorka dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu magacabaayo Guddiga Dib-u-eegista Dacwadaha iyo Cabashooyinka oo si dhaw ula shaqeynaya Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare. Guddigan oo ka kooban sharci yaqaanno iyo culumada diinta ayaa dib u dhegeysanaya dacwadaha lagu muransan yahay iyo xukunnada ay sida khaldan u rideen hay’daha Garsoorka dalka.

Munaasabadda lagu dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxaa kale oo goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan, Guddoomiye K/Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ra’iisul Wasaare K/Xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Wasiirka Caddaalada Mudane Xasan Xaaji, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Saalax Axmed Jaamac, Garsooreyaasha Maxkamadda Sare, Xeer-ilaaliye K/Xigeenka Qaranka iyo Taliyeyaasha Booliiska iyo Asluubta.

DHAMMAAD

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Taliyeyaasha Hogganada Ciidanka

Muqdisho (Garsoor), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta hoolka shirarka ee Taliska C.B.S kulan kula qaatay dhammaan Taliyeyaasha hoggaamada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulankaan, ayaa waxaa looga hadlay  dardar gelinta Shaqada Ciidanka Booliska, Adkeynta  ammaanka dalka, Wada shaqeynta Ciidanka iyo Bulshadda Soomaaliyeed iyo arrimo kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa Taliyeyaasha hoggaamada Ciidanka waxuu kula dardaarmay in si dardar ah lagu wado shaqada Ciidanka Booliska, isaggoo faray in loo naxariisto, lana caawiyo Shacabka Soomaaliyeed ee Sooman.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta booqday Xerada tababarka Ciidanka Danab ee Balli-doogle

Muqdisho (Garsoor), Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ayaa booqday Xarunta tababorka Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee (DANAB) oo fadhigoodu yahay deegaanka Balli-doogle, Waxuuna xariga ka jaray  qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta tobobarka.

R/wasaare Kheyre, ayaa booqashada waxaa ku wehliyey Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Xasan Cali, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka S/guuto Cabdullaahi Cali Caanood iyo masuuliyiin kale, waxaana mid mid ay u kormeereen dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay Ballidoogle.

“Waxaan booqday xerada Ciidanka Ballidoogle si aan usoo ogaado horumarka ay sameeyeen sannadkii lasoo dhaafay Ciidanka XDS – DANAB ee ku sugan halkaas” ayuu yiri R/wasaaraha Soomaaliya