Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Eedeysane  dhaawac geystay.

Muqdisho (Garsoor)- Is qab-qabsi ku saabsan bedel ayaa sababay in ay murmaan Eedeysane Dable Axmed Cali Cawaale iyo Dhibane Yuusuf Daahir Cali, waxaana  eedeysane Axmed Cali Cawaale uu ku furay dhowr xabadood taasi oo mid kamid ah sababtay in dhaawac uu ka soo gaaro Yuusuf Daahir Cali oo ahaa taliyihiisii.

Axmed Cali Cawaale ayaa loo gudbiyay hey’adda dambi baarista Boliiska (CID)  kadib markii uu dhaawac sababay in lugta laga gooyay uu u geystay taliyihiisii Yuusuf Daahir Cali oo ay ka wada tisanaayeen Ciidamada Boliiska 23-ka bishii lixaad ee sanadkan.

Hey’adda  dambi baarista Boliska CID ayaa in muddo ah heysay eedeysanaha iyadoo ka war sugeysa natiijada dhaawacca oo muddo kadib sababay in lugta laga jaro dhibanaha dhaawaca uu soo gaaray.

13-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayay u soo wareegtay eedda Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamad Qalabka Side, waxa ayna isla xilligaas weydiisteen Maxkamadda  in loo gudbiyo xabsiga dhexe garsuge ahaan.

Xafiiska ayaa isku howlay sii wadidda baarista, waxa ayna 04ta bishan ay codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadista eedda ka dhanka ah Axmed Cali Cawaale oo loo heysto dhaawac  sababay in lugta laga jaro taliyihiisii,  waxa ayna Maxkamadda aqbashay in loo fariisto kiiska dacwadda shan cisha kadib.

09ka bishan ayaa markii ugu horreysay loo fariistay dacwadda, waxaana dood dheer oo u dhaxeysay dhinacyada kadib ay Maxkamadda ka dalbatay  Xafiiska Xeer Ilaalinta in la soo dhameystiro cadeymaha kiiska oo ku filnaan waayay fadhiga hore.

18ka bishan ayaa markale loo ballamay eedda dacwadda ka dhanka ah Dable Boliis Axmed Cali Cawaale, waxaana xafiiska xeer ilaalinta ay horkeeneen fadhiga Maxkamadda  Qiraalka eedeysanaha,  ciidamadii ay kawada tirsanayeen ciidanka Boliiska oo ku  marag furay, warqadda dhaawac muujinta iyo qorigii uu dhibka ku geystay.

Qareenka u doodayay eedeysanaha ayaa isna codsaday in ay bixiyaan magta dhibanaha, waxa uu sidoo kale codsaday in loo naxariisto eedeysanaha oo uu ku dooday in ay kaga fakatay xabadda.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in Axmed Cali Cawaale lagu xukumo Shan sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale uu bixiyo 50-halaad oo ah magta dhibane Yuusuf Daahir Cali, sida uu u sheegay  dhammaan ka qeyb galayaasha fadhiga Maxkamadda  Gaashaanle Dhaxe Xasan Cabdiraxmaan  Aadan Wabiyow.

Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajda koowaad.

Maxkamadda Ciidamada oo sii deysay eedeysanayaal lagu waayay dambi.

Muqdisho (Garsoor)- Saldhiga degmada Dharkenley  ayaa 25ka bishii sagaalaad ee sanadkan u soo gudbiyay xafiisk Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka  Side eed ka dhan ah Dable Cali Maxamuud Axmed, Cabdixaaji  Bashiir, Axamed Cabdirisaaq Axmed iyo Cabdifatax Cabduqaadir Axmed  oo kawada tirsan Ciidamada Asluubta  kuwaasi  oo ay soo gudbiyeen ciidanka deeganka Garsabaaley  oo   sheegay in ay dhac geysanayeen Afartoodaba.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa isla maalintaas weydiistay garsoorayaasha in loo gudbiyo afarta eedeysane xabsiga dhexe  garsuge ahaan si’ ay u soo dhameystiraan caddeymaha  kiiska.

06 bishan ayay xafiiska Xeer Ilaalinta codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadista afarta eedeysane,  waxaana sedax cisha kadib Maxkamadda muddeysay kiiska, fadhiga hore ee Maxkamadda ayaa loo ballamay 11-ka bishan.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigi waayay wax dhaafsan eedda ay soo jeediyeen taliska Saldhiga Boliska Dharkenley iyo Ilaalada deeganka Garsabaaley.

Garsoorayaasha ayaa dalbaday in la keeno  caddeymo dheeraad ah oo markale la isusgu soo noqdo  fadhiga Maxkamadda.

18-ka bishan ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkamadda, waxa ay xafiiska xeer ilaalinta la soo shir tageen  kaliya in ay jirto in xilliya kala duwan dhac loo geysan jiray dadka deegaanka  hasa ahaate xilliga afarta eedeysane la soo qabanayay aysan jirin wax dambi ah oo faraha ay kula jireen.

Qareenka u dooday  afarta eedeysane ayaa fadhiga Maxkmadda ka sheegay  in ay raggan ilaalo indha indheyn ah ay ka  hayeen fadhigooda, waxa uu sidoo kale ku dooday in aysan jirin wax cadeyma ah oo lagu xukumi karo sidaas darteed uu weydiisanayo garsoorayaasha in la siiyo xurriyadooda.

Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhageysiga Maxkamadda laba jeer oo kala duwan ayaa ugu dambeyn go’aan ku  gaaray in la siiyo xurriyadooda afarta eedeysane hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaale Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Rafcaanlayaal  go’aan ay ka gaartay Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Side

Muqdisho (Garsoor)- Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali ayaa si wada jir ah loogu soo eedeeyay in ay rasaas ay rideen ay   ku dhintee    dad rayid ah oo saarnaa gaari Hoomey ah oo marayayay waddada Bacaacow ee  degmada Afgo’e, halka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow uu Beledweyn  uu ku dilay Marxuum Xasan Abshir Warsame todobada bishii labaad ee sanadkan.

Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali  Labadii bishii kow iyo tobneed ee sanadkii tegay ayay Maxkamadda Darajada koowaad ku xukuntay in ay bixiyaan magta Laba boqol oo halaad iyo Qarashkii ku baxay dhibanayaal dhaawac uu  ka soo gaaray rasaasta ay fureen, halka  Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow lagu xukumay dil toogasha ah oo ah qisaastii Marxuum  Xasan Abshir Warsame  26-ka bishii sideedaad ee sanadkan ah.

Wixii xilligaas ka dambeeyay ayuu Yariisow isaga soo baxsaday halka uu dilka ka geystay ee aheyd degmada Beledweyn ee  xarunta gobalka Hiiraan, isagoo soo  gaaray  magaalada Muqdisho.

07/07/2018 ayuu isku dayay in u iska diiwaan  geliyo dugsiga tababarka Boliiska ee Jeneraal Kaahiye xilligaasi uu ku dadaalayay badalka magiciisa iyo ku biiristiisa balse ciidamada boliiska oo haayay xogta Yariisow ayaa gacanta ku soo dhigay iyagoo ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan  qeybta 27-aad  ee ka howlgasha deeganada maamulka Hirshabelle.

10k- bishii tobanaad ee sanadkan ayay Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Side  muddeysay waqtiga dacwad qaadista labada Kiis, waxaana sedax  cisha kadib loo ballamay in loo fariista Maxkamadeynta Sedaxda  eedeysane ee rafcaan ka soo qaatay Xukunkii Maxkamadda Darajada Koowaad.

Dood dheer oo u dhaxeysay dhinacyada Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side iyo Qareenada difaacayay eedeysanayaasha oo qaadatay Subaxnimadii Sabtida ilaa Duhuradii ayay dhageysatay Maxkamadda Sare ee Ciidamada 13/10/2018, waxa ayna dhinac kasta u bandhigeen Garsoorayaasha hadba qodobada ay cuskanayaan difaacca iyo eedeynta eedeysanayaasha.

Xeer Ilaalinta ayaa si wada jir ah labada kiis ugu dooday in ay ahaayeen kuwa ku tala gal ah, waxa ayna Maxkamadda weydiisteen in dil toogasha lagu xukumo sida uu ka sheegay fadhiga Maxkamadda Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenKa Xeer ilaaliyaha  Ciidamada Qalabka Side.

Qareenada u dooday  eedeysanayaasha ayaa iyagana ku dooday in Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali ay ku guda jireen  howlo shaqo oo amni xaqiijin ah, waxa ay weydiisteen garsoorka in loo naxariisto  halka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo isaga qirtay dambigiisa loo fududeeyo xukunka oo  dhammaan eedeysanayaasha si wada jir ah looga qaado diyo.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn  go’aan ku gaaray in Xasan Geedi Cabdulle iyo Maslax Maxamuud Cali lagu  raaco  xukunkii Maxkamadda Darajada koowaad ee ahaa bixinta laba boqol ee halaad ee labada Marxuum  iyo  qarashka ku baxay sedax dhibane ee uu dhaawaca soo  gaaray, waxa ay sidoo kale Maxkamadda ku xukuntay dil toogasha ah Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo ah qisaaasta Marxuum Xasan Abshir Warsame, Sida uu  u sheegay dhammaan dhinacyada ka qeyb  galayay fadhiga dacwadda Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxkamadda Saree ee Ciidamada Qalabka Side.

Askar ka soo  baxay aag dagaal oo la xukumay

Muqdisho (Garsoor)- Laba iyo toban (12) askari oo soo  faarujiyay aagga Dhanaane ayaa loo soo xiray ka bixid aag dagaal iyo amardiido ay ku samaayeen Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka  kowdii bishii sideedaad ee sanadkan.

Askartan ayaa ka soo  baxay aagga Dhanaane ee gobalka Shabeelaha Hoose halkaasi oo ay ku qornaayeen, waxaana sagaal kamid ah ay  wada ahaayeen isku difaac halka sedaxda kale ay iyana ka soo baxeen gooba kale oo ka tirsan aagagga dagaalka ee gobalka Shabeelaha Hoose oo ay dowladda Soomaaliya dhawaanahaanba ka waday  dib u xureyn  deegaanno iyo waddooyin kamid ah gobalka.

20-ka Bishii sagaalaad ee sanadkan ayaa loo soo gudbiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida dacwadda la xiriirta eedeysanayaasha, waxa ayna xilligaas weydiisteen garsoorka in loo gudbiyo xabsiga garsuge ahaan.

23-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayay  Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida dalbadeen in la muddeeyo dacwad  qaadista eedda loo heysto 12-kan askari ee ah amar diidada iyo ka bixid aagga dagaal ee Dhanaane, waxaana maalin kadib codsiga Xeer Ilaalinta loo ballamay in la qaado Maxkamadeynta 12-kan Askari.

24-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayaa loo fariistay fadhiga hore ee  dhageysiga dacwadda la xiriirta 12-ka askari  oo  loo soo xiray ka bixid aag dagaal iyo amar diido, waxaa  xafiiska xeer ilaalinta ku soo bandhigeen Maxkamadda  taliya ururukii iyo abaanduulaha ciidamada xoogga dalka oo si wada jir ah u soo gudbiyay dacwadda eedeysanayasha, sidoo kale maxkamadda ayaa dhageysatay dhammaan  jawaabaha ay ka bixiyeen eedda loo jeediyay oo dhammaantood   isla qiray  in sedax kamid ah maahe intooda kale ay ka soo baxeen agga dhanaane halka kuwa kale ay iyagane loo heysto in ay ka soo baxeen furin dagaal oo ay ku qornaayeen.

Waxaana Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida weydiisteen Garsoorayaasha In lagu xukumo xukunno u daneynayo adkeysiga iyo amar qaadashada ciidamada  dhexdooda si loo ilaaliyo hadaf ciidan oo ku dhisan u adeegidda qaranka.

Qareenada u doodayay  eedeysanayaasha ayaa  ka hor sheegay garsoorka in la siiyo fursad kale oo ay dib ugu noqdaan goobihii ay ka soo baxeen maadama markii hore iyaga ay ahaayeen kuwa  qeybta ka ahaa xureeynta goobaha ay ka soo baxeen.

Garsoorayaasha oo ka baaraan degayay nuxurka dacwadda,  doodda dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenada, ka falciladda jawaabaha ay ka bixiyeen eedeysanayaasha fadhiga maxkamadda  ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in  dhammaantood si wada jir ah loogu xukumo min Shansano oo xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyacda goob joogga u ahaa fadhiga Maxkamadda Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow.

Xukunka Maxkamadda ayaa xoojin karo adkeysiga ciidamada iyo in aysan soo faarujin goobaha ay kala wareegaan maleeshiyada Alshabaab sida horay u dhici jirtay.

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan rafcaan hadii aysan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada koowaad.

Askari dhac geystay oo ay Maxkamadda Ciidamada xukuntay.

Muqdisho (Garsoor)- Dable Boliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi   ayaa laga soo qabtay agagaarka jaamacadaha  degmada Hodan  xilli uu dhac u  geysanayay dadka ka soo baxay salaada subax iyo kuwa  u sii socday masjidyada ku yaallo xaafadaha degmada Hodan.

Dadka degmada ayaa ku war geliyay  gudoomiye waaxeedka xaafadda iyo taliyaha rugta Boliiska, waxa ayna si wada jir ah u sameeyeen howlgal lagu baadi doonayay eedeysanaha, waxa ayna soo qabteen  17-kii  bishii Sagaalaad (9) ee sanadkan.

Isla maalintaas ayay u soo wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta ciidamada dambi baarista Amniga Dable Boliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi, waxaana xafiiska xeer ilaalinta  weydiistay  Garsoorayasha Maxkamadda in loo gudbiyo xabsiga garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa 25-kii Bishii sagaalaad (9) ee sanadkan Baaritaan dheeraad kadib waxa ay   soo dhameystireen galdacwadeedka eedeysane  Dable Boliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi   waxa ayna codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadistiisa.

Maxkamdda ayaa u fariisatay  dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha, waxa ayna dhageysatay dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenka u doodayay eedeysanaha, waxaa sidoo kale Maxkamadda lagu soo bandhigay dhibanayaashii dhacca loo geystay iyagoo laga dhageystay dhammaan cabashadooda.

Mid kamid ah dhibanayaasha ayaa  u sheegay garsoorayaasha Maxkamadda in xilliga dhacca loo geysanayay uu u cararay Masjidka balse nasiib xumo uu eedeysanaha ka soo daba  galay Masjidka sidaasna uu kaga qaatay Teleefoonkiisa.

Xeer ilaalinta  ayaa sidoo kale  soo bandhigtay Teleefanadii uu dhacay eedeysanaha, ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Laba xiidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa ku dooday in eedeysanaha lagu xukumo  xukun tusaala u noqon karo kuwa weli ku mashquulsan dhacca dadweynaha.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in laga qafiifiyo xukunka Maxkamadda maadaama uu qiraal u yahay dambiyada lagu soo oogay.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan ku gaartay in lagu xukumo Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi    sideed (8)-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhamman dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow.

Maalmahan dambe ayaa waxaa jiray cabashooyin badan oo ay soo gudbinayeen dadka ku dhaqan qaar kamid xaafadaha magaalada, waxaana xukunka Maxkamadda riday uu u yahay fariin kuwa weli ku howlan  dhaca dadweynaha.

Xukunsaha ayaa heysta fursad kale oo  uu ku dalbnan karo rafcaan.

Maxkamadda Ciidamada oo go’aano adag ka soo saartay Murankii ka jiray Baraawe.

Baraawe (Garsoor)- Iyadoo ka duuleyso cabashada ka timid bulshada, Odayaasha, maamulka dhawaan uu magacaabay koonfur galbeed ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya waxa ay magaalada Muqdishoa ka dirtay Saraakiil Sare  uu hugaaminayo Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side, Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamadada Qalabka Side Gaashaanle Sare Cabdullaahi Buule Kamey iyo Saraakiil kale oo ka socday qeybaha dambi barista.

Daqiiqada uun kadib ayagoo gudanaya howshooda ayay bilaaween xooraansiga xog-ogaalnimo ee bulshada, waxa ay qaabileen odayaasha  dhaqanka, maamulkii hore ee qaarkood diidanaa xilwareejinta kan dhawaan la soo magacaabay, taliyaha Boliiska degmada, saraakiisha  ciidamada xoogga dalka sida taliyaha Ururka,  abaanduulahiisa iyo u qaabilsanaha AMISOM Baraawe iyo goobaha u dhow.

Go’aanada masiiriga ah ee  laba maalin kedib ayaa noqday in meel  fagaara ah lagu gaaro go’aanno, waxaana sifa sharci lagu kala wareejiyay xilalkii muranka  ka jiray iyadoo sidoo kale  saraakiisha dowladdu dirtay kala xadiday xilal dhawaan ay u magacaabeen maamulka Koonfurgalbeed masuuliyiinta horay u maamuli jiray degmada.

Gaashaanle Sare Cabdullaahi Buula kamey ayaa u sheegay dhammaan masuuliyiintii hore iyo  saraakiisha ciiidamada in lagu maxkamadeyn doono wixii hadda kadib ka hor yimaado  xalka ay dowladda dhexe ka gaartay muranka maamul ee ka jiray Baraawa.

Sidoo kale waxa uu weydiistay Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida in si kumeel gaar ah looga joojiyo shaqada Taliyaha Boliiska degmada kaasi uu mad madow badan soo galay shaqadiisa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa fariin culus u diray dadka ku howlan abuurista dhiilada colaadeed ee ka jirtay Baraawe kuwaasi oo iyaga ku nool dibadaha, waxa uu ugu baaqay in Baraawe ay ka caawiyeen hadii ay dhab ka tahay la dagaalanka argagixisada, dhismaha xarumaha caafimaad iyo waxbarashada degmada oo gaabis badan ka jiro iyo horumarada kale ee degmada, waxa uu ku adkeeyay odayaasha dhaqanka, maamulka iyo saraakiisha ciidamada in ay u midoobaadan danaha degmada oo aysan warkooda maqal kuwa ku nool magaalada ka banaankeeda.

Sidoo kale waxa ay Maxkamadda go’aamisay  shaqa ka joojinta taliyihii saldhiga degmada Baraawe, baarista eedeysanayaal u xiran falal argagixisanimo iyo xilwareejin kama dambeys ah oo dhaqan gashay maalintan.

Masuuliyiinta dowladda dirtay oo ay wehliyaan kuwa degmada iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa soo dhaweeyay cutubkii ugu horreeyay ee Boliis ah oo ay degmadu yeelato  kuwaasi oo ka degay Baraawe, iyagoo sidoo kale kormeeray xarunta taliska Boliska Baraawe, waxa ay sidoo kale socod dheer ku soo mareen fadhiyada ciidamada  ay ku leeyihiin daafaha magaala Xeebeedka Baraawe.

Ugu dambeyn wafdiga dowladda ayaa ku soo laabtay magaalada Muqdisho iyagoo sidoo kale ka hor inta aysan soo duulin  cagta soo mariyay garoonka loo dhisayo magaala Xeebeedka Baraawe oo ah Caasimadda dowlad goboleedka Koonfurgalbeed Soomaaliya.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo gaartay Baraawe.

Muqdisho (Garsoor)- Wefdi uu hugaaminayo guddoomiyaha  Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ay  wehliyaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee  Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Cabdullaahi Buule Kameey iyo Saraakiil kale ayaa u tegay magaala xeebeedka Baraawe ee gobalka Shabeelaha-Hoose howlo shaqo oo dowladda dhex ee Soomaaliya kaga wakiil  yihiin.

Ujeedada wefdiga  ay u gaareen magaala xeebeedka Baraawe ayaa ah sidii loo darsi lahaa isfaham waa u dhaxeeye maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamada, iyadoo sidoo kale wefdigan la filayo in ay go’aan ka gaaraan   maxaabiis ku xiran Xabsiyada Baraawe.

Inta uu jooga guddoomiyaha ayaa la filayaa in uu sidoo kale booqdo xarumaha ciidamada oo u diyaar garowaya howlagallo guud oo dalka looga xureynayo maleeshiyada Alshabaab.

Maamulka degmada, Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa howlgalka AMISOM ayaa garoonka ku soo dhaweeyay wefdiga guddoomiyaha.

Caadeystayaal ka tirsan Alshabaab oo la xukumay

Muqdisho (Garsoor)- Abuukar Cabdi  Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali ayaa lagu eedeeyay in ay kawada tirsanyihiin maleeshiyada Alshabaab, sidoo kale ay kawada tirsan-yihiin Koox gaar ah  oo ay ula baxeen (jugta Culus)  taas oo  loogu tala galay in ay ku weeraraan fariisimaha Ciidama amniga ay ku leeyihiin hareeraha Muqdisho.

Abuukar Cabdi Abiikar (Fanax) oo eedeysanahaa koowaad ayaa ku biiray maleeshiyada Alshabaab 2008, Eedeysanaha ayaa tababar ku soo qaatay degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, balse reerkiisa oo aan ku qanacsaneen fikirka  gurracan ee kooxdaas ayaa ula cararay Nairobi oo uu la deganaa walaashiis hasa ahaate waxa uu go’aansaday in uu ku soo laabto Soomaaliya isaga oo aan ka bixin fikirkii kooxda Alshabaab.

Baar ismaaciil degmada Afgo’e ee gobalka Shabeelaha Hoose ayay Ciidamada Amniga ka soo qabteen, waxaana xilligaas loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada oo shan-sano oo xabsi ciidan ah ku riday balse 2016 oo uu dhammaday xukunka ayuu markale sii waday qorshihiisa Alshabaabnimo, waxaana ciidamada Amniga ka soo qabteen xaafada Carafaad degmada Yaaqshid markale  isaga iyo koox kale oo  xilligan ay kuwada jiraan gacanta dowladda iyagoo xukunsan.

Cabdirisaaq  Shaahid Aadan Kheyrdoon (Cagta) waxa uu  sheegay Alshabaab in uu kaga  biiray Ceelasha biyaha 2008,  ka hor waxa uu ka tirsanaa xizbulislaam, waxaa laga qabtay 2013 agagaarka soona (k) xilligaas ayay ciidamada baarista u soo gudbiyeen Xafiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida,  shan sano xabsi ciidan ah ayay  ku xukuntay Maxkamadda Ciidadamada Qalabka Side, 2017 bishii labaad ayuu dhameystay Xukunkiisa balse Markale ayuu go’aansaday in uu kasii mid ahaado Alshabaab, waxaana lala qabtay Eedeysanayaasha kale ee iyana la xukumay.

Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed 2009 ayuu ku biiray Alshabaab, waxa uu soo dhameystay laba sano oo xabsi ciidan ah, intaas kedib waxa uu  u baxay  Sacuud Carabiya  uu  ku soo bartay Xirfadda Korontada balse mardambe uu soo laabtay ayuu halkiisa kasii waday shaqada kooxda Alshabaab oo ay  isku shabakad noqdeen eedeysanayaasha laga soo wada qabtay Xaafadda Carafaad degmada Yaaqshiid ee gobalka Benaadir.

Hey’adaha Baarista ayaa sidoo kale ku ogaaday In Saleebaan Muxsin uu  tababar marin habaabin ah ku soo qaatay deegaanka Goofgaduud ee gobalka Baay.

Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali oo iyana kawada tirsan Alshabaab ayaa uga duwan eedeysanayaasha kale in ay yihiin markii ugu horreysay oo ay wajahayaan cadaaladda, waxa ay ku sheegeen xiriirka ka dhexeeya mid xaafadeed oo ay wada ciyaari jireen kubadda cagte balse eedeysane kale oo iyaga lala qabtay ayay ku sheegeen in ay ku barteen farsameynta Korontada, waxaasa  Hey’adaha baarista oo isticmaalaya habka barista casriga ay heleen cadeymo  muujinaya  in xiriir ka dhexeeyo weliba ku qotomo mid aad u dhagar badan oo farsamooyin ku hoos qariyeen, farsamooyinkaas waxaa kamid ah magacyada Nambarada ku qoran oo ay kawada xiriir jireen sida jabra, simba, Caluuq iyo Cagta.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa cadeymadaha dambiyada oo qoraal ah iyo markaatiyaal horkeenay Makxamadda Ciidamada, waxaana Sidoo kale Maxkamadda dhageystay Qareenada Eedeysanayaasha oo iyagana ku dooday in loo naxariisto Maadaama Eedeysanayaasha ay ku qasabtay kamid ahaanshiyada kooxda dhaqaale xumo iyo Handadaad ay kala kulmeen kooxda.

Iyadoo ka ambaqaadeyso Nuxurka cadeymaha iyo difaaca qareenada ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Sideed (8)-sano oo xabsi Ciidan ah Seddaxda eedeysane ee markale ku biiray Kooxda Alshabaab Abuukar Cabdi  Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, halka labada eedeysane  ee kale , Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali  ay ku xukuntay min Shan (5)-sano oo xabsi Ciidan ah, Sida uu u sheegay Garsoor guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Eedeysanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaa Rafcaan hadii aysan ku qanacsaneen xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Afar Alshabaab ah oo midi  haween tahay

Garsoor (Muqdisho)- Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow oo ah eedeysanaha koowaad ayaa Ciidamada amniga soo qabteen 22-kii  Bishii 4aad  ee sanadkan, iyadoo xilligaas lala xiriirnayay Maleeshiyada Alshabaab, waxaana Ciidamada amniga oo hayay xogta eedeysanaha ay xilligaas kadib   ku wareejiyeen Hey’adaha Baarista, waxa uuna eedeysanaha fududeeyay in ay gacanta dowladda ay soo galaan Eedeysanayaasha kale:-

Waris Maxamed Cumar,  Xasan Cali  Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe.

Hey’adaha Baarista  ayaa intaas kadib u soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta weydiistteen Maxkamadda in loo gudbiyo  Eedeysanayaasha Xabsiga dhexe   si’ ay  u soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanayaasha loo soo gudbiyay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa intaas kadib sii guda galay baaritaanka eedaha loo heysto Eedeysanayaasha, waxaana eedeysanaha koowaad Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow lagu soo eedeeyay in uu ka tirsanaa Maleeshiyada Alshabaab, waxa uu qirtay in uu ku biiray Alshabaab 2015, waxa ay sidoo kale Xafiiska soo cadeeyeen in Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cadow uu kamid ahaa kun dhallinyara ah oo  shaqaalaha Maamulka gobalka Benaadir   kaga soo biiray degmada Howlwadaag xilligaasi oo ay u suura gashay in uu sii wado dhagridda shacabka uu ku haayay isagoo gudbin jiray liiska magacyada ganacsatada ee bixiya adeegyada dowladdu ku leedahay, waxa  ay sidoo kale baaristooda ku ogaadeen in uu Alshabaab u soo qabtay howlaha Jabhadeynta iyo Wardoonka oo uu isaga ku qiray Qiraalkiisa.

Waris Maxamed Cumar ayaa iyada loo heysta in ay aheyd keyd hayaha Hubka Maleeshiyada Alshabaab sida bam-booyinka gacanta laga tuuro, waxa ay sidoo kale cadeysay in Alsabaab ay ku biirrtay 2011 oo hubka Maleeshiyada gaar ahaan bambooyinka ay isaga gudbin  jirtay Ceelasha iyo Magaaalada Muqdisho.

Xasan Cali  Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe ayaa iyagana loo heystaa kamid ahaansiyada Maleeshiyada, sidoo kale waxaa loo heystaa in ay u soo dagaalameen Alshabaab gaar ahaan kuwooda jid galeenka ah.

Maxkamadda Ciidamada ayaa iyada kiiskan u Fariisatay laba jeer, Markii hore ayaa aheyd 11 bishii 8aad, waxaana xilligaas garsoorayaasha ay Xafiisak Xeer Ilaalinta ka dalbadeen in ay soo dhameystiraan Cadeymaha kiiska.

27 bishii 8aad ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkamadda, waxaana Xafiiska Xeer Ilaalinta soo bandhigeen, cadeymo ay kamid yihiin nin dhaawac uu horey ugu geystaya Maxamed Cabdullahi Maxamed Cadow.

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu dambeyn go’aan ka soo saartay,  kadib Markii ay dhageysteen Qiraalka Eedeysanayaasha, Doodda dhinacyada Dacwadda ee aheyd muujinta dambiyada loo heysto iyo Qareenada oo ku doodayay in loo fududeeyo  xukunnada maadaama ay kala culusyihiin  shaqooyinka ay ka dhex hayeen Alshabaab, sidaas darteed ayay garsoorayaasha go’aan ku gaareen in eedeysnayaasha ay yihiin dambiilayaal galay dambiga  lagu  soo oogay, waxa ayna ku kala xukuntay Maxkamadda.

Maxame Cabdullaahi Maxamed Cadow 15 (Shan iyo Toban ) sano oo Xabsi Ciidan ah

Waris Maxamed Cumar 6 (Lix) sano oo xabsi Ciidan ah, halka Xasan Cali  Maxamuud iyo Aadan Muuse Cadaawe ay kuwada xukuntay min 1(hal) sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda G/dhaxe Xasan Cabdirxmaan Aadan (Wabiyow).

Eedeysanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada koowaad.

Rag dhac isku baheystay oo ay Maxkamadda Ciidamadu xukuntay

Muqdisho (Garsoor)- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku xukuntay Min Shan-sano oo xabsi Ciidan ah kaddib markii ay dhac u geysteen Shirkadda Hormuud xarumaheeda ku kala yaal kaawo godey  degmada Wadajir  iyo Tree-Disha oo ah halka loo yaqaan  (KM13).

Goor hore oo maanta ah ayaa xukunka Maxkamadda waxaa ku dhawaaqay guddoomiyah Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida  Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Halkan Hoose  ka dhageyso Codka Guddoomiyah Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.