Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Shabaab lagu qabtay dagaal

Muqdisho (Garsoor)- Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle oo magiciisa afgarashadu yahay Xamza ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha maleeshiyada  Alshabaab gaar ahaan in uu kamid ahaa kooxda sida dhuumaaleysiga u weerarta fariisimaha Ciidamada.

26-kii September 2019  ayaa laga soo qabtay Baladul-Amiin isaga oo dhaawac ah, waxa ayna ciidamada xoogga ku wareejiyeen ciidamada Amniga oo iyagana la tacaalay dhaawac kasoo gaaray weerar fashilmay oo ay maleeshiyada isku dayeen in ay kamiin u galeen ciidamada Xoogga dalka.

Ina Cumar Cabdi Dawaale ayaa waayay mid kamid ah lugihiisa oo ay ka fursan waayay howlwadeenada caafimaad in laga jaro

Caafimaad kadib ayaa markale loo gacan geliyay hey’adaha baarista, waxa ayna baaritaan dheer kadib ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida horraantii November sanadkii hore.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa isku howlay baarista kiiskan markiisii hore ka soo galay hey’adaha Amniga, waxa ayna 3-dii February sanadkan dalbadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwad ka dhan ah Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle.

Maxkamadda ayaa go’aamisay 17-kii February in la galo dhageysiga dacwadda ka dhan ah Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle, Xafiiska Xeer Ilaalinta oo isaga iska leh fursadda hore ee hab raaca dacwadda ayaa Garsoorayaasha u sheegay in Eedeysanaha la soo qabtay isaga oo dagaal ku jira, waxa ay intaas ku dareen in uu ka qeyb galay weeraro kale oo ka kala dhacay Bariire, Buulo Mareer, Baraawe, Golweyn laga soo bilaawo xilligii uu Alshabaab kaga biiray degmada Walla-weyn ee gobalka Shabeellada Hoose sanadii  2010 .

Eedeysanaha oo fursad loo siiyay in uu ka hor hadlo Garsoorka ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadama ay ku biirista Alshabaab uusan diidaneen.

Qareenka Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in Eedeysanaha uu aad u yaraa xilligii uu Alshabaab ku biirayay, sidaas darteed ayuu garoosrayaasha weydiistay in loo fiiriyo qodobada fududeyn karo ciqaabtiisa.

Garsoorayaasha ayaaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle lagu xukumo xabsi daa’in sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

Koox ka qaatayaal ah oo lagu xukumay xukunno kala duwan

Muqdisho-Garsoor- Maxamed Cabduqaadir  Maxamed Cumar, Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame iyo Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre ayaa loo heystaa in ay yihiin koox ka qaatayaal ah oo loola jeedo koox dhac ku geysata Bistoolado iyaga oo isticmaalaya Bajaaj, waxa ayna dilaan qofkii isku dhajiya agabka ay xilligaas ka dhacayaan side Teleefoonada  iyo Kombiitarrada.

23-kii August Sanadkii tegay ayay weerar furasha ah ku qaadeen Askari ka  tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo xilligaas ka yimid Jaamacad, waxa uuna maareeyay isku daygoodii isaga oo ay u suura gashay in uu dhaawaco mid kamid ah kooxdan ka qaatayaasha halka kuwa kalane ay ka baxsadeen xilligaasi balse mar dambe oo ay dabagal ku sameeyaan hey’adaha Amniga ay soo qabteen Sedaxda eedeysane bishii sagaalaad ee sanadkaas.

Hey’adaha baarista ciidamada amniga ayaa ka gutay waajibaadkooda Baariseed, waxa ayna Xafiiska Xeer ilaalinta ku soo wareejiyeen kiiska Sedaxda eedeysane.

Xafiiska oo ka duulayo waajibkiisa baaris iyo kiisa horgeynta Maxkamadeed ayaa weydiistay Garsoorsayaasha in  eedeysanayaasha loo gudbiyo Xabsiga Dhexe garsug ahaan 25-kii November sanadkii ina dhaafay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday in la muddeeyo 18-kii  January ee sanadkan dhageysiga dacwad ka dhan ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cumar, Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame iyo Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre,  waxa ayna Maxkamadda ogolaatay dalabka xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sedaxda bishan aynu ku jirno.

Sedaxda eedeysane ayaa mid kastaahi fursad loo siiyay in ay ka jawaabaan eedda ay u jeedisay Maxkamadda oo ay horey u soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta ciidamada qalabka Sida.

Eedeysanaha koowaad Maxamed Cabbduqaadir Maxamed Cumar Xalane ayaa u sheegay garsoorayaasha in uu bixiyay laba dollar oo mid kamid ah labada eedeysane weydiistay kaasi oo ayaqoon hore ka dhaxeysay balse aysan jirin wax fal dambi ah oo uu kala qeyb qaatay labada eedeysane.

Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame oo ah eedeysannaha labaad, sidoo kalane ahaa eedeysanaha isku dayay in uu dilo Askariga maraya xaafadda  taleex ee degmada Hodan ayaa Maxkamadda u sheegay in  uu jiro shaqsi kale oo isna kamid ah kooxdan oo xilligaasi kula jiray howlaha Burcadnimada ah, waxa uu sheegay in uu ku hubeysnaa Bistoolad Taate ah sidoo kale hadda ka hor  saldhiga degmada Wadajir loogu xiray tuuganim.

Eedeysanaha Sedaxaad Cabdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre ayaa ahaa milkiilaha mootada, waxa uuna u dhiibi jiray sida uu qirtay eedeysanaha labaad mana jirin wax kale oo xiriir ah oo ka dhexeeyay marka laga yimaado in ay is fahansayeen sida uu u sheegay Garsoorayaasha.

Xafiiska ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobbada ay ku soo eedeeyeen Sedaxda  eedeysane oo dhaqan ahaa shabahaa kuwa wax dhagra ee ka tirsan Argagixisada.

Qareennada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda weydiistay in la siiyo xurriyadiisa eedeysanaha koowaad oo ay xafiiska xeer ilaalinta ku waayeen wax dambi ah marka laga reebo in uu caawiyay yar saaxiibkiis ah halka labada kale uu codsaday in loo fiiriyo qodobbada dambiga fududeeyo.

Garsoorayaasha oo ka baaran degaya nuxurka dacwada iyo mugga kiiska ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in Maxamed Cabduqaadir  Maxamed Cumar la siiyo xurriyadiisa hadii uusan jirin dambi kale halka Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame lagu xukumay 8-sano oo xabsi ciidan ah, sidoo kale Maxkamadda ayaa ku xukuntay Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre 5-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle  Sare xasan Cali Nuur  Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Xukunsayaasha ayaa heysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaab muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Horjoogayaal iyo Wariye Alshabaab ah

Muqdisho (Garsoor)- Cabbduqaadir Suufi Muunye  & Saciid Cumar Cabbdullaahi  ayaa loo  heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay ahaayeen u qaabilsanayaaal xagga maamulka iyo maaliyadda uga wakiil ah maleeshiyada Alshabaab Tuulada Mareerey oo hoos tagta degmada Afgooye ee gobalka Shabeellada Hoose.

Eedeysanaha koowaad ayaa ahaa  horjoogaha tuullada halka eedeysanaha labaad uu ahaa u qaabilsanaha xagga Uruurinta baadda ay ka qaataan dadka deegaanka.

Cabbduqaadir oo magiciisa afgarashadu yahay Amiir Gaabbow ayaa laga soo qabtay  degmada Dharkeenley ee gobalka Banaadir  sideedii October sanadkii ina dhaaafay halka Saciid oo magiciisa afgarashadu yahay Macallim Saciid  laga soo qabtay  xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda 29-kii  September Sanadkii hore.

Xafiiska Xeer Ilaalinta  ayaa Shantii November codsaday in labada eedeysane loo dhaa dhiciyo xabsiga dhexe gar-suge ahaann, waxa ayna markale baaritaan dheer kadib codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda 21-ka January sanadkan.

Horaantii February ayay Maxkamadda u fariisatay dhageyisga dacwadda labada eedeysane.

Cabduqaadir iyo Saciid  ayaa ka sheegay fadhiga Maxkamadda in ay labadooda hoos tegi jireen Dakhare oo isna  dhuumaaleysi ka ah gacmaha sharciga.

Ibraahim Aadan Dakhare ayaa ah horjoogaha tobanka tuullo  ee kala ah Yunbis, Buulle-kulan, Bangaleey, Baladul-Amiin, Moor-diinle, Sabiid, Mareerey, Gaalle-wer, Cumar-beerre iyo Sagaalaad, waxa ayna labada xukunsane ahaayeen kuwa ku xigeen iyo wakiil uga ah Tuullada Mareerey.

Maxkamadda ayaa wada tashi  dheer kadib go’aan ka soo saartay labada shaqsi ee kala ah Cabbduqaadir Suufi Muunye  & Saciid Cumar Cabbdullaahi   waxa ayna ku wada xukuntay min 10-sano oo xabsi ciidan, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare  Xasan Cali Nuur Shuute.

Dhanka kale Xasan Luqmaan Xuseen Ibraahim oo magacyadiisu afgarashadu yihiin Tabliiq iyo Luqmaan ayaa laga qabtay degmada Howlwadaag ee        gobalka Banaadir 28  August sanadkii ina dhaafay.

Xasan waxaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in uu si gaar ah ugu  ahaa wakiil wareed  mid kamid ah warbaahinta ku hadasho Afka Alshabaab.

Xafiiska xeer  ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda Ciidamada weydiistay in eedeysanaha loo gudbiyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan 10-kii December sanadkii tegay.

Baaris kale ayuu isku howlay xafiiaska  xeer ilaalinta Ciidamada oo leh awoodda horgeynta Maxkamadda eedeysanaha marka ay u arkaan in ay  jiraan eedo mudan in Maxkamad lala tiigsado eedeysanaha.

Maxkamadda ayaa 25-kii bishii ina dhaaftay ee sanadkan   ogolaatay soo jeedinta Xafiiska Xeer Ilaalinta ee aheyd dhageysiga eedda loo heysto Xasan  luqmaan.

Xasan oo fursad loo siiyay in uu ka hadlo fadhiga Maxkamadda ayaa sheegay in uu ka shaqeyn jiray kaliya ka war bixinta dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee suuqyada Muqdisho si gaar ah suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.

Xafiiska ayaa sidoo kale la wadaagay garsoorayaasha Maxkamadda fariimo maqal iyo qoraal isugu jiro taasi oo muujineysa howshiisa wardoonimo oo uu shirkada kula ahaa kooxda Alshabaab.

Qareenka eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in loo fududeeyo xukunka maadaama uu eedeysanaha kaliya ku sinaa sii deynta dhacda maalmeedka suuqa sida isagaba uu qirtay

Garsoorayaasha ayaa iyagane ugu dambeynta go’aan ka soo saaray waxaana lagu xukumay sideed sano oo xabsi ciidan ah sida uu  la wadeegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare  Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo  ay ku  dalban karaan Rafcaan.

Maxkamadda Ciidamada oo xukunno ku riday sagaal Shabaab ah oo ay mid haween tahay

Muqdisho (Garsoor)– Axmed Cabduqaadir Axmed Xuseen (Khadiira), Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow (Fiildher), Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale (Maanka), Saafi Ciise Aweys Arwaax, Yaasiin Maxamed Axmed Abtidoon (Ejey), CabdiShakuur Cali Maxamuud (Shakra), Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye (Gaabow), CabdiKhadar Mire Axmed Faarax iyo Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar ayaa dhammaantood loo heystaa kamid ahaanshiyaha maleeshiyada Alshabaab gaar ahaan qeyb ay ula baxeen Amniyaadka oo ay ula jeedaan kuwa dadka gaadmada ku dila ee sida gaarka ah kaga howlgala magaalada Muqdisho.

Dhammaan eedeysanayaasha ayaa soo galay gacanta ciidamada amniga 14/03/2019.

08/07/2019 ayaa loo diray xabsiga dhexe kadib markey codsaden xafiiska xeer ilaalinta in xabsiga dhexe lagu haaayo garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa isku howlay barista Shabakadan u qaabilsaneyd Alshabaab deegnnada cirifka jire ee degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, waxa ayna Maxkamadda Ciidamada weydiisteen dhageysiga dacwadda 06/10/2019 xilligaas oo ay garsoorayaasha go’aamiyeen in uu dhaco fadhigii ugu horreeyay.

Guddoonka fadhiga dacwadan ayaa ugu horreynba u jeediyay eedeysanayaasha eedaha ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxaana mid kasta fursad loo siiyay in uu ka jawaab celiya jiritaanka eedda.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka sheekeeyay dhammaan eedeysanayaasha xilliyadii kala duwanaa oo ay Alshabaab kusoo qaateen iyo howlaha ay hayeen oo u badnaa tuuridda bambooyinka, Handadaada shacabka degan Bariga Muqdisho iyo daba galka dhaqdhaqaaqyada xarumaha iyo baraha ciidamada ee magaalada dhexdeeda.

Eedeysanaha koowaad Axmed Cabduqaadir Axmed Xuseen (Khadiira) ayaa Alshabaab ku biiray 2017, meela kamid ah Shabeellada Hoose ayuu tababarkiisii ugu horreeyay soo qaatay.

Farxaan Faarax Maxamuud oo ah eedeysanaha labaad ayaa ahaa shaqsi Alshabaab u iibin jiray gawaarida ay u adeegsadaan howlahooda argagixisanimo.

Cabdiraxmaan Nuur Maxamed ayaa ahaa madaxa wardoonka kooxdan, waxa uu ku biiray Shabaab 2018, dhowr goobo ayuu sahan u ahaa oo siyaaba kala duwan bambooyin loogu tuuray, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in kal hore Bariire u aaday tababar iyo is diiwaan gelinta kooxda, eedeysanaha labaad ayuu sheegay in uu ku tashkiiliyay kooxda.

Saafi Ciise Arwaax 2018 Alshabaab ayay ku biirtay waxa ay aheyd kala gudbiyaha hubka fudud oo ay maleeshiyada Alshabaab ku howl-galaan, waxa ay sheegtay in ay ugu yeertay ku biirista kooxda haweeney ay daris la ahayd oo ninkeedu ku geeriyooday Qarax uu farsameynayay, duruufa kala duwan oo ay kamid ahaayeen in laba nin kala tageen ayay ku sheegtay in ay ugu biirtay kooxda, xaafada badan oo cirifyada magaalada jira ayay u kala gudbin jirtay Bistooladaha, Bamka gacanta laga tuuro, qoryaha fudud sida AK-47 iyo suumanka qaraxyada, waxa ay sheegtay Saafi in xiriiriyaha shabakaddan uu ka hagayay banaanka magaalada gaar ahaan Mubaarak.

Yaasiin Maxamed Axmed waxa uu Alshabaab ku biiray 2013, waxa uu katirsanaa jabhadaha dadka ku dhibaateeyo Ceelbuur, waxa uu sheegay in uu isaga tago Alshabaab laakiin CabdiShakuur ayaa uu sheegay in uu u hanjabi jiray.

CabdiShakuur Cali Maxamuud ayaa ku biiray Alshabaab 2016, waxa uu sheegtay in uu qeyb weyn ka qaatay tuurista Bambooyinka, waxa uu sidoo kale sheegay kaalinta eedeysanayaasha kale qaarkood ay ku lahaayeen kooxda ay kawada tirsanyihiin.

Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye ayaa isna Alshabaab ku biiray 2016, lix billod ayuu tabbar ku qaatay Jilib, tababarka ayaa ku saabsanaa Qaraxyada, waxa uu sidoo kale ahaa wardoon kasoo warrama dhaq-dhaqaaqa ciidan ee Ex, Control Balcad.

Xasan Seekh Cabdullaahi ayaa iska diiday kamid ahaanshiyaha Alshabaab, waxa uusa sheegay in in badan oo kamid ah kuwa la xiran ay is yaqaaneen, halka iyaga laftooda ay ku marag fureen.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa is dul taagay sharraxaad Eeedeysanaha koowaad ee Axmed Cabduqaadir Axmed oo magiciisa Afgarashadu yahay Khadiira, waxa uu maxkamadda u sheegay in uu ahaa Khadiira isku duwaha iyo horjoogaha kooxdan, waxa uu abaabulay weerraro dhowr ah oo isugu jiro bambooyinka gacanta lagu tuuro iyo dilal Fashilmay, halka Saafi Ciise Arwaax ay aheyd xubin firfircoon oo kaga faa’ideysatay ixtiraamka ay haweenka u hayaan hey’adaha Amniga, Maxkamadda ayuu way weydiistay in dhamaan eedaysanayaasha lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada lagu soo eedeeyay.

Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa iyagana Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanayaasha ay Alshabaab ku biireen hasa ahaate ay isaga soo tageen kooxda, qaarkooda ayay Alshabaab handadaad ku shaqa geliyeen, waxa ay Maxkamadda weydiisteen in loo naxariisto kuwa kale ee mar hore isaga soo tegay Alshabaabna la cafiyo oo xurriyadooda la siiyo.

Garsoorayaasha oo dhageysi kiiskan waqti badan geliyay ayaa ku kala xukumay sagaal eedeysane:- Axmed Cabduqaadir Axmed Xabsi Daa’in, waxa ay sidoo kale Maxkamadda kuwada xukuntay min Shan iyo Toban (15)-sano 1-Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale, 2- Saafi Ciise Arwaax, 3-Yaasiin Maxamed Abtidoon, 4- CabdiShakuur Cali Maxamuud iyo Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye, halka ay Maxkamadda min Sideed (8)-sano ku kala xukuntay:- 1-Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow iyo 2-Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar.

Maxkamadda ayaa amartay in la sii daayo CabdiKhadar Mire Axmed hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto, sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku siman 30-cisho ah.

Koox loo heysto Qaraxyada lagu aaso waddooyinka oo la xukumay

Muqdisho (Garsoor)- Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay si gaar u qaabilsanaayeen aasidda miinooyinka lagu qarxiyo gawaarida gaar ahaan deegnnada bariga ku teedsan ee Caasimadda.

Eedeysanayaasha koowaad iyo labaad ayaa si gaar ah loogu eedeeyay ilaa iyo sagaal miino oo ah nooca gacanta laga hago oo siyaaba kala duwan loola eegtay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM halka eedeysanaha Sedaxaad uu ahaa keyd hayaha agabka loo adeegsado qaraxyada isaga oo gambad ka dhigtay harqaan lagu talo maryaha duugga ah.

Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) ayaa laga soo qabtay xaafadda Suuqa-Xoolaha 29-ka bishii lixaad ee sanadkan, waxaana xooraansi dheer kadib u suura gashay ciidamada amniga in lixda bishii 7-aad gacanta u soo galo Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) oo ahaa key hayaha labada eedeysane ee hore.

August sideedii ayaa eeddooda lagu soo wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta waxa ayna xilligaas codsadeen in loo dhaadhiciyo xabsiga dhexe si’ay u dhamaystiraan howshooda baariseed ee la xiriirta dambiyada ay u xiranyihiin, waxaana xilligaasi garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad u direen xabsiga dhexe garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa 12-ka bishii tagtay codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysanayaasha kala ah Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) , waxa ay dhammaantood kusoo eedeyeen la shaqeynta Alshabaab iyo in ay si gaar ah ugu diyaarsanaayeen dhigidda miinooyinka gacanta laga hago, Xafiiska ayaa Maxkamadda horkeenay Qiraallo laga qoray labada eedeysane, laba markaati iyo baarihii kiiska oo isna Maxkamadda ka hor sheegay natiijada barista hey’adaha Amniga.

Intii ay maxkamadda socotay ayaa loo ogolaaday eedeysanayaasha in ay ka jawaab celiyaan eedaha ay soo diyaariyeen xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side ee sida gaarka ah loola Xiriirinayo.

Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey) oo ah eedeysanaha koowaad ayaa sheegay in hadda ka hor uu soo galay gacanta ciidamada Amniga isagoo xilligaasi tababar la xiriira sida loogu dhagro miinada gawaarida ku soo qaatay gobalka Shabeellada Dhexe, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in uu Alshabaab ku biiray September 2016.

Cali Maxamuud Cali (Buneyste) ayaa isna Garsoorka u sheegay in uu Alshabaab ku biiray 2017, waxa uu sheegay in uu ka qeyb qaatay weeraro qaraxya miinada dhulka lagu aasa ah isaga iyo eedeysanaha koowaad, waxa uuna intaas ku daray in eedeysanaha sedaxaad uu ahaa meel ay sii dhigtaan agabka qaraxyada ah iyo aaladaha kale ee lagu hago (Remote control) hasa ahaate eedeysanaha sedaxaad ayaa iska diiday in wax lug ah uu ku lahaa dhammaan eedaha loo jeediyay.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada ay kusoo eedeeyeen 3-da eedaysane.

Abuukatayaasha u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda weydiistay in la siiyo xurriyadooda maadaama aysan samayn wax howlgal ah oo guulaystay marka laga soo tago In Alshabaab ay xilliya kala duwan ku biireen balse markii dambe ay iska noqdeen gurya jog, waxa ay si gaar ah Maxkamadda u weydiisteen in eedeysanaha Sedaxaad xurriyadiisa la siiyo.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) lagu wada xukumo min 15-sano oo xabsi ciidan ah, halka Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) ay Maxkamadda amartay in lagu xukumo 5-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Sedaxda xukunsane ayaa heysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo la siman 30-cisho xukunka kadib.

Askari dilay Seddax walaalo ah oo la Xukumay

Muqdisho (Garsoor)- Todobadii June  sanadkan ayaa lasoo xiray  dable xoogga  Xaashi Cali Maxamuud oo loo heysto dilka  Xasan Axmed Abuukar,  Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar  oo ahaa walaalo, dilkaas oo  dhacay degmada Kaaraan  gaar ahaan Gumarey, kasoo hor jeedka xarunta xirta xaaji Daa’uud Taariikhdu markay aheyd  17-ka bishii lixaad 2018.

Xilligaas ayuu isaga baxsaday goobta uu dilka ka geystay Eedeysanaha, waxa ayna ciidamada amniga ku qaadatay soo qabashadiisa sanad iyo dhowr cisho.

15-ka bishii todobaad ee  sanadkan ayay ku soo wareegtay xafiiska xeer ilaalinta eedda eedeysanaha,  waxaana xilligaas  ay garsoorka weydiisteen in loo gudbiyo xabsiga dhexe garsuga ahaan.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa isku howlay baarista kiiska uu eedeysanaha ka yahay Dable Xoogga Xaashi Cali Maxamuud, baaritaan dheer kadib waxa ay codsadeen in la muddeeyo dhageyiga dacwad qaadista.

26-ka bishii tagtay ayaa  la isugu yimid fadhigii  koowaad ee dhageysiga dacwadda, waxa ay xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda ka hor sheegeen in uu jiray muran dhuleed oo ay sababsadeen Marxuumiinta balse garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lala yimaado cadeymo intaas kabadan.

Markale ayaa loo ballamay dhageysiga dacwadda eedeysane Dable xoogga Xaashi Cali Maxamuud labadii bishan, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta la yimaadeen cadeyma dheeri ah oo ay kamid yihiin Muwaadiniin ka shaqeynayay geerashka ay mashaqada ka dhacday kuwaasi oo ku marag furay eedeysanaha sheegashadiisa ah in muran dhuleed kala dhaxeeyay marxuumiinta aysan waxba ka jirin, sawirka marxuumiinta, warqadda cadeynta dhimashada iyo baarihii kiiska.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa  ku dooday in eedeysanaha uu nolosha u aqoonsaday isaga oo miir qaba sedax walaalo ah oo midkoodna aan hubeysneen, waxa uu sidoo kale eedeysanaha u baxay dilka marxuumiinta uu uga safray Afisiyooni  degmada Waabari isaga oo ugu tagay cirifka looga baxo magaalada (degmada Kaaraan), wax yaabaha kale ee cajiibka ah oo ay markaatiyaasha ka marag fureen waxaa kamid ah in mid kamid ah Marxuumiinta oo dhaawac  ahaan u baxsaday fogaan uu dhameystiray Eedeysanaha, Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan ayaa sidoo kale iibsaday hantidii dowladda ku aamintay isaga oo muddo gambad ka ahaa hey’adaha amniga ee ku raad joogay.

Qareenka Eedeysanaha ayaa codsaday in ay bixiyaan magta Marxuumka maadaama eedeysanaha ay  reer wadaag ahaayeen Marxuumiinta.

Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in dil lagu xukum Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar,  Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar  oo ahaa walaalo sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku’eg Sodon cisha xukunka kadib.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku riday askari dilay Arday

Muqdisho (Garsoor)- 26 july sanadkan ayuu dable Boliis  Baashi Mustaf Cumar Dhaqane ku dilay Allaha Unaxariiiste Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud  degmada Xamarjajab ee gobalka Banaadir.

Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud oo   ahaa arday dhiganayay  School ayaa marayay meel aan ka fogeyn Ceelgaabta xilli fiid hore ah, waxaana dil u geystay Dable Boliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane oo ay sheegeen markaatiyaal la socday Marxuumka in uu soo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya Askariga dilka geystay.

Isla xilligii  uu geystay dilka ayay Ciidamada amniga xireen,  waxa uuna saldhiga Boliiska Xamarjajab ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta oo ah goobta laga dhaqaajiyo gal dacwadeedka.

Maalin kadib ayay Garsoorayaasha u direen xabsiga dhexe Eedeysanaha garsuge ahaan.

19 bishii tagtay ayay codsadeen xafiiska xeer ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga dacwadda Baashi Mustaf Cumar Dhaqane, 26 bishii sideedaad ayay ballamisay maxkamadda darajada koowaad dhageysiga dacwad ka dhan Baashi Mustaf Cumar Dhaqane.

Xafiiska Xeerilaalinta ayaa Maxkamadda horkeenay  Laba markaati, baarihii kiiska, sawirka marxuumka,  warqadda cadeynta dhimashada ee dhakhtarka iyo Qorigii uu dilka ku geystay oo nuuciisu ahaa AK47.

Markaatiyaasha Maxkamadda hortaagnaa oo laba ahaa ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in askariga dilka geystay uu umuuqday mid isticmaalay wax yaabaha Maanka-dooriya, waxa uu sidoo kale midkood uu sheegay in Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud uu ku dhawaaqay ha idilin, waxaa nolosha ka leeyahay hammi sare balse nasiib xumo uu toogtay Baashi Mustaf Cumar Dhaqane.

Laba xidigle ismaaciil Salaad Maxamed  oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa ku dooday in Eedeysanaha Maxkamadda hortaagan uu ku xadgudbay sharafka ciidanka iyo ilaalinta muwaadinka waxa uu ka codsaday maxkamadda in lagu xukumo diltoogasha ah.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa maxkamadda weydiistay in loo naxariiisto maadaama uu ahaa qof aan  miirkiisa joogin.

Ugu dambeyn maanta ayay Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida kasoo saartay go’aan waxaana ay maxkamadda ku xukuntay diltoogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud,  sida uu u sheegay warbaahinta Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Go’aanka Maxkamadda ayaa ka furan rafcaan muddo la siman bil xukunka kadib.

Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun Riday

Go’aan Qoraaleedka ka Soo baxay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa U qornaa Sidan:-                                                                                 “MARKAY ARAGTAY: Rafcaanka ay usooo gudbiyeen   Xukunsaneyaal:-

  1.Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) 21 jir ah ina Faadumo Aadan Cusmaan ku dhashay Sh/dhexe.

 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) 25 ina Xaawo Cawil Mursal ku dhashay Baydhabo.

 

MARKAY ARAGTAY: Aayada 178aad Suartul Baqara iyo aayadaha 33, 45aad suuratul Maa’ida iyo Qodobada 221,222,434/71 XCS. iyo Qodobka  koowaad XCCQS. oo lid ku ah Rafcaanlayaasha.                          

 

MARKAY ARAGTAY: Xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida  ee 20.03.2019 kuna xukuntay Dil Toogasho ah Racfanlayaasha.

MAXKAMADDU                                                                         

MARKAY ARAGTAY: Maxkamaddu Qiraalka Eedaysane Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad)  oo uu ka hor qoray  garsooraha hortiisa kuna cadeeyay  in uu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab kana soo shaqeeyay qaybo kala duwan oo ay ka mid tahay weerarada lagu fuliyo baabuurta asigoo  qayb ka ahaa weeraro ay ka mid ahaayeen weerarkii 15/08/2017 degmada Hodan lagula beegsaday    gaari Hartoop langaruusal ah oo ay saarnaayeen hal qoys oo uu ku geeriyooday hal ruux kuna dhaawacmeen 5 ka mid qosykii gaariga saarnaa,

  sidoo kale wuxuu eedaysanuhu sheegay in uu qayb ka ahaa weerarkii lagu qaaday gaari Saruf ah oo marayay isgoyska via Roma ee degmmada Xamar-wayne 27/09/2017 oo ay ku geeriyoodeen labadii ruux ee saarnaa gaariga , sidoo kale eedaysanuhu wuxuu garsoorka u cadeeyay in uu ahaa sahmiyihii weerar iyo qaraxyo lala beegsaday  09/11/2018,   Hotel Sahafi weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen 32 ruux kuna dhaawacmeen 69 ruux oo kale, iyadoo ciidanka amniga ay soo qabteen kadib markii uu ka degay gaarigii labaad ee ku qarxay 22/12/2018 agagaarka Daljirka daahsoon , qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen labo macalin oo ka tirsanaa iskuulka Yaasiin Cusmaan.

 

MARKAY ARAGTAY: Qiraalka eedeysane 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) uu ka hor bixiyay Garsoorka Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida in uu ka tirsanyahay kooxda Alshabaab gaar ahaan qeybta qaraxyada isaguna sahmiye ka ahaa qaraxii ka dhacay Degmada Howl-wadaag 02.09.2018 sidoo kalane  uu ka mid ahaa weerarkii lagu qaaday tiyaatarka qaranka 22.12.2018, waxa ay  ciidanka amnigana  gacanta ku dhigeen kadib markii uu ka dagay gaarigi labaad ee ku qarxay Taalada Daljirka Daahsoon.

MARKAY DHAGEYSATAY: markhaatiyaasha   la horkeenay maxkamadda sare Ciidamada Qalabka Sida  mid midna ay u waydiisay marag furkooda waxay maxkamadda ka hor cadeeyeen in ay dad shacab ah u sheegeen in labada Racfaanle ay ka degeen gaari ay dhigeen agagaarka Daljirka dahsoon sidaasna ay ku qabteen  intii ay waraysanayeena uu qarxay gaarigii ay ka degeen, qaraxaas oo sababay dhimashada 3 ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen macalimin iskuul.   

MARKAY DHAGEYSATAY: doodii dhinacyada Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Qareenaka difaaca Racfaanlayaasha.

 

MAXKAMADDA SARE CIIDAMADA QALABKA SIDA  WAXAA U CADAATAY IN:                                        

1.Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) in ay yihiin dembiilayaal galay dembiyadii lagu soo oogay.  

WAXAYNA KU RAACDAY

 Xukunkii Maxkamadda Darajada 1-aad CQS oo ahaa  DIL TOOGASHO AH, oo ah  qisaasta Marxuumiintii ku geeriyooday qaraxyadii iyo weeraradii ay geysteen.” Sida uu u sheegay Warbaahinta Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxamadd Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

 

Shaqsi hubka u iib geyn jiray  Alshabaab oo la xukumay

Muqdisho (Garsoor)- Cadow Cabdulle Axmed (Carab) ayaa loo heystaa u daabulidda hubka iyo rasaasta nuucyadooda kala duwan Maleeshiyada Alshabaab, Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku dhigay, wixii xilligaasi ka dambeeyay Hey’adaha baarista ayaa ka fushaday howlahooda baarista iyadoo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side loo soo gacan geliyay 17-ka bishii April ee Sanadkan xilligaasi oo sidoo kale Xafiiska Garsoorka Ciidamada weydiisteen in loo gudbiyo Eedeysanaha Xabsiga Dhexe Gar-sug ahaan.

Dhowr Cisha kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta  Ciidamada Qalabka Side ayaa codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda.

30-kii April ee Sanadkan ayay Maxkamadda Ciidamada ballamisay dhageysiga Dacwadda, waxaana xilligaasi looga yeeray fadhiga Maxkamadda dhinacyada ay qoseyso.

Xafiiska Xeer Ilaalinta oo kaa shanayay Hey’adaha baarista ayaa fadhiga Maxkamadda kusoo bandhigay Eedeysanahan  Lix iyo Sodon jirka ah, waxa ay Maxkamadda wax ka weydiisay jiritaanka kamid ahaanshiyihiisa Alshabaab iyo U daabulidda Hubka iyo Rasaasta ee uu  maleeshiyada kaga daabuli jiray Suuqyada  Qarsoodiga ah ee Hubka lagu iibiyo.

Si cad ayuu fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in uu u furnaa suuq uu ku iibiyo Hubka oo cid kasta oo daneysa Hubka uu ka iibin jiray laakiin arrinta la yaabka leh  ayaa ahayd in uu safarro ku bixiyay si’uu Alshabaab ugu geeyo Nuucyada Rasaasta iyo Hubka.

Kuunya Barrow, Toorotoorow iyo Mubaarag ayuu geyn  jiray hubka isaga oo ku kala wareejin jiray shaqsiyaad Alshabaab u qaabilsanaa Keydinta Hubka sida uu garsoorka ka hor caddeeyay Cadow.

Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) uusan ahayn dhallinyaro la marin habaabiyay balse uu go’aansaday in uu  hanti ka sameeyo dhiigga Umadda, waxa uu garsoorka u sheegay in Eedeysanaha uu ku qanacsanaa shaqada Alshabaab uu u hayay.

“Dadaal iyo Juhdi ayuu ku bixiyay si’uu Alshabaab ugu geeyo goobaha ay ku dhuumaaleysteen hubka iyo Rasaasta, waxa uu isticmaalay farsamo kasto uu Alshabaab ugu geeyo Hubka “ ayuu Hadalkiisa sii raaciyay  ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida,  garsoorka Maxkamadda ayuu weydiistay isaga iyo kuwa lamidka ah in la marsiiyo ciqaab u dhiganta qodobada sharciga ah oo ay ku soo eedeeyeen.

Qareenada Eedeysanaha ayaa ku dooday in aysan jirin sharci guud oo dowladda dajisay kaasi oo diidaya inaan hub la iibin Karin sidaas darteed uu xaq u leeyahay eedeysanaha in uu ka shaqeysto wixii uu ka dhex arko danihiisa, waxa ay Maxkamada ka codsadeen in la siiyo xurriyadiisa inta dowladda go’aan guud ay kasoo saareyso.

Todobaad kadib Maanta ayay Maxkamadda kasoo saartay go’aan eedeysanaha, waxaana Eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab)   lagu xukumay Sideed Sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa ka  digtay iibinta hubka Qarsoodiga ah (Cir-toogte), waxa ayna Maxkamadda fartay hey’adaha Ammaanka in ay baaris iyo daba gal ku sameeyeen Shqsiyaadka ka ganacsada Hubka.

“Shaqsigii ay ku cadaato in uu gacan ku siiyo cid kasta oo lid ku ah dowladnimada hub iyo Rasaas waxa uu inooga dhigan-yahay sida kooxaha arga-gixisada, waxa uuna heli doonaa ciqaab u dhiganta miisaanka dambi uu galay, Ogaada cid loogu dulqaadan doono ma jirto ficillada nuucaas oo kala ah” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Eedeysane Cadow Cabdulle Axmed (Carab) ayaa heysta fursad uu ku dalban karo rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.