XUKUNKA RAG LOO HAYSTO IN LOO DIYAARIYAY WEERAR KA FULINTA GOBALLADA WOQOOYI IYO SOOMAALI GALBEED ETHIOPIA

Mogadishu (Garsoor)- Usaama Cabdi-Nuur Saciid, Cabbdi-Samad Cabbdullaahi Maxamed iyo Sakariye  Axmed Cabdullaahi ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab.

 

Usaama Cabdi-Nuur Saciid iyo Cabbdi-Samad Cabbdullaahi Maxamed waxa ay kuwada dhasheen Burco halka Sakariye Axmed Cabdullaahi uu ku dhashasy Hargaysa.

 

Sedaxda dhalinyarada ah ayaa Loo daaray Muuqaal laga sameeyay Dhulka cagaaran Ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay dhegeysteen Codad laga soo duubay dhalinyara Jidbaysan oo Nolosha adduunka ka doortay in Lafahooda ay Holciyaan.

 

U qaabilsanaha goballada Woqooyin ee Maleeshiyada Alshabaab ayaa u sheegay dhalinyarada inay Nolol wanaagsan ka jirto Howdka, waxa ayna Safar Socdaal ah ku soo mareen inta u dhexeyso Burco iyo Garowe.

 

Garowe oo ay diyaarad ka soo raaceen kadib waxaa laga soo dajiyay Muqdisho, haweenay magaceed Xarakigaha uu ahaa Wiillo ayaa dajisay Hotel, waxaana maalma kadib loo kaxeeyay Jilib, maalmo Nasiino ah kadib waxa ay uga sii gudbeen Bu’aale oo lagu baray tababar 90 Cisha ah Isticmaalka Qoryaha AK47-G3-BKM- F1 & PISTOL.

 

Intii ay tababarka ku jireen waxaa sidoo kale loo fasir xumeeyay dhowr Nas oo kamid ah Kitaabka iyo Sunnaha, waxaana loo raaciyay Oraahya laga soo guuriyay Kuwa Diinta Fasir Wareeriyay oo is gaar siiyay darajada Fatwa.

 

Sedaxdan dhalinyarada ahayaa sidoo kale lala soo qabtay Xasuus Qor ay wateen oo ay ku diiwaan gelin jireen Howl maalmeedkooda.

 

Sidoo kale hay’adaha Amniga ayaa Xafiiska Xeer Ilaalinta la wadaagay Fariimo ay u direen Saaxiibbadooda gabdhaha ahaa, waxaana ay tiriyeen tixo Samir siin ah.

 

U jeedkooda ayay ku koobaan in ay billow u yihiin dhalinyaro loogu tala galay in ay ka howl-galaan Goballada Woqooyi iyo dhulka Soomaali Galbeed Ethiopia

 

USAAMA CABDINUUR SACIID
CABDISAMAD CABDULLAAHI MAXAMED
ZAKARIYE AXMED CABDULLAAHI

Dhammaan dhalinyarada ayaa wada qaatay fikirka kooxda October 2021, 15-kii March Sanadkan ayaa lagu wareejiyay hogaanka baarista NISA.

 

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa la wareegay Eedeysanayaasha April sanadkan, waxa ayna Codsadeen dabayaaqdii April Garsoorka ciidamada Qalabka Sida  in loo Maxkamadeeyo Sedaxda Eedeysane kamid noqoshada Argagixisada.

 

Maxkamadda ayaa fadhiya kala duwan kadib ku xukuntay min 8-sano oo Xabsi Ciidanah, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle  Maxamed Cabdi Muumin.

 

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

 

 

 

 

Xukunka tuugo dhac u gaysatay Carwo ku taal Soobe

Gasoor (Mogadishu)- Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey”  iyo Maxamed Abshir Maxamed “Camey” ayaa markii ugu horraysan ka soo Muuqday Camerada Carwa Kaah Electronic oo ku taal degmada Hodan gaar ahaan  Taleex 29-kii June Sanadkan iyaga oo dhac u gaysanayo Carwada.

Faarax iyo Maxamed ayaa Carwada ka qaaday IPHONE,  SAMSUNG iyo agab kale oo electronic ah oo qiima ahaan ku kacayo $12945 Dollar.

Laba Alifle Boliis Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey”  ayaa u gacan galay Ciidamada Dowladda labadii July oo isla xilligaasi lagu wareejiyay Hay’adda dambi baarista Boliiska CID.

Baaris dheer kadib ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay billowgii August sanadkan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo   xilligaasi ka codsaday garsoorka in loo gudbiyo xabsiga dhexe gar-suge ahaan.

Xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ayaa isku howlay sidii ay u samayn lahaayeen baaris kale oo ay ku xaqiijinayaan eedeymaha Boliiska, waxa ayna billowgii Oktoobar bishan codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwad ka dhan ah Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey” iyo Maxamed Abshir Maxamed “Camey” oo maqana ah.

Maxkamadda ayaa aqbashay dhageysiga dacwadda 12-kii Bishan.

Maxamed Cabdullaahi Khaliif oo kamid ah Xeer Ilaaliyaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku eedeeyay labada eedeysane ee midi baxsadka yahay in ay magaallada dhac baahsan ka  gaysteen balse ay tahay Camerada kaah meesha kaliya ee laga helay cadayntooda, waxa uu sidoo kale soo bandhigay dambiya kale oo uu gaystay eedeysanaha Maxkamadda hor taagan sida dhaawac uu hore dhibane ugu gaystay.

Maxkamadda ayuu ka codsaday in lagu xukumo ciqaab u dhiganto qodobada ay ku soo eedeeyeen.

Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey”
Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey”

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in ay diyaar u yihiin in ay kala xaalaan Carwa Kaah magta qaybtooda, sidaas darteed ay Maxkamadda ka ogolaatay in laga qafiifiyo xukunka.

Dable Asluub Maxamed Abshir Maxamed “Camey” ayay Maxkamadda amar soo qabasho iyo hor keenis maxkamadeed ah u jartay hay’adaha amniga 26-kii September sanadkan.

Maxamed Abshir Maxamed “Camey”- MAQANE

Garsoorayaasha Maxkamadda oo fursad u siiyay dhinacyada dacwadda kaalintooda Maxkamadeeda ayaa ugu dambayn maanta kuwada xukumay Faarax Cabdullaahi Calasow “Faaraxey”  iyo Maxamed Abshir Maxamed “Camey” oo maqana ah min 10 sano oo xabsi ciidan ah iyo bixinta qiimaha lacageed ee ku xusan Dambiga ay galeen sida dhinacyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorayaasha heerka Koowaad ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30 cisho.

Xukunka Daacish loo haysto Lacago

Mogadishu (Garsoor)- Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale  ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab  iyo Daacish oo uu ka tirsanaa tan iyo 2008.

Tababarkiisii ugu horreeyay waxa uu ku qaatay Jilib gaar ahaan Arbaay Cabdi,  waxa uu qayb ka ahaa Jabhado weerar ku ekaayay xamar billowgii dowladdii KMG ahayd.

Intii uu qaybta ka ahaa dagaalladii xamar ka jiray ayuu ku dhaawacmay.

2016 ayuu goostay in uu ku biiro kooxda Daacish, waxa uuna xiriirka kooxda ka helay Bilaal Suudaani oo ay mar kawada tirsanaayeen Argagixisada Alshabaab.

Cabdrisaaq Maxamed Cabdi ayay Daacish u wakiilatay Kala gudbinta lacagta,  waxa uuna ku lahaa diristiisa lacagta qoondo gaar ah oo uu si gaar ah uga heli jiray fududaynta howshaas.

March Sanadkan ayay Ciidamada Amniga la qabteen Eedeysanaha lacag dhan 19-kun oo dollarka Maraykanka ah.

Xeer Ilaalinta ayaa lagu soo wareejiyay Eedeysanaha June dabayaaqadeedii waxa ayna xilligaas Codsadeen in lagu hayo Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

28 June ayay xeer Ilaalinta Codsadeen Maxkamadeynta Cabdirisaaq, waxa ayna Maxkamadda aqbashay July 5 tedii fadhigii ugu horreeyay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku soo Eedeyay Eedeysanaha in uu isku xawilay lacag dhan 400 oo kun dollar ka mareykan intii u dhexeysay 2019 -2020, waxa ay sidoo kale ku Eedeeyeen Xafiiska in uu ahaa nin awood ku leh kooxda Daacish oo gaarsiisnaa in uu la macaamilo horjoogayaasha kooxda sida ku xigeenka koowaad ee kooxda Bilaal Suudaani ahna u qaabilsanahay qaybta faafinta Wararka kooxda iyo Muuqaalladooda.

Dhamme Ismaaciil Saalaad Maxamed ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Maxkamadda in eedeysanah uu xitta u isticmaali jiray warbaahinta gaarka ah lacag si’ ay u faafiyeen wararka kooxda Daacish.

Heeryo trading interprise ayuu u isticmaalay lacagtaas iyo nambarrada lacag dirista Electronica ah oo aysan xadidineen lacagta lagu gudbin karo, waxaa sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda la yimaadeen  Cadaymo muujinayo in lacagtaas Qaaarkeed wadanka laga saaray oo loo diray waddada Dibadda ah sida South Africa oo ay lacagtaas u gacan gashay Muwaadiniin u dhashay Uganda iyo Ethiopia.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Codsaday In loo Naxariisto Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale  maadaama aan lagu haynin Dambi ka baxsan lacag Diris.

Fadhiya kala duwan kadib maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay waxaana lagu xukumay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah, sida ay ka heshay Garsoorka Warbaahinta.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-Cisho.

XUKUNKA ABUUKAR MACALIM OO DHAC IYO DIL KA GAYSTAY DEEGAAN DALXIISEEDKA JASEERA

Mogadishu (Garsoor)- Abuukar Macalin Axmed Hilowle ayaa loo haystaa Dhac iyo Dil uu gaystay  Marxuum Axmed Cali Nuur 19-kii March Sanadkan, Dilkaasi oo ka dhacay deegaanka Jasiira.

Ciidamada deegaanka oo  ku soo wareejiyay Eedeysanaha Hey’adda baarista Boliiska CID  ayaa Iyana Baaritaan dheer kadib ku wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida dabayaaqadii March.

Isla xilligaasi Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday in Eedeysane Abuukar Macalin Axmed Hilowle loo dhaa-dhiciyo xabsiga dhexe garsuge ahaan, waxa ayna Garsoorka Ciidamada Qalabka sida ka aqbaleen xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada dalabkoodii.

Kowdii June  iyo15-kii June sanadkan ayaa loo kala fariistay laba fadhi oo ay dhageysiga Maxkamadda qaadatay, waxa ayna dhinacyada dacwadda ku soo bandhigeen Fadhiga Maxkamadda kaalmaha sharci ay leeyihiin.

Eedeysanaha ayaa Marxuumka  oo u damaashaad tegay Jaseera isku dayay in uu dhac u gaysto laakiin sida Maragyada Qaar ay sheegeen Marxuumka uu ku adkaysatay in uusan teleefoonkiisa dhiibin Maadaama uu Aaminsanaa inaan lagu dhici Karin Xeebta loo dalxiiska tego ee Jaseera.

Waxa ay saaxiibbadiisa maalinkaasi la damaashaad tegay ay u sheegeen Garsoorka in Marxuumka kadib uu eedeysanaha isku dayay Baxsad isaga oo ugu soo riday gadaal xabado raacda reeb ah.

Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoorayaasha in Eedeysanaha uu dilka u gaystay ku tala gal isla markaasna uu isku dayay in uu Baxsado, sidaas darteed ayuu ka codsaday Garsoorka in lagu xukumo Ciqaab u dhiganto Qodobada ay ku soo Eedeeyeen Abuukar Macalim.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Iyana Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto Eedeysanaha  oo laga qaado diyo Maadaama Marxuumka uusan dhacayn balse uu kaga baqay Naftiisa.

Maxkamadda ayaa muddo kadib go’aan ka soo saartay Kiiska Abuukar Macalin Axmed Hilowle maalintan, waxa ayna ku xukuntay Dil toogasha ah oo ah Qisaasta arxuum Axmed Cali Nuur sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa 30 cisho uu Rafcaan ku Qaaadan Karo.

 

 

 

Xukunka U qaabilsanihii Faafinta Fikirka Argagixisada Alshabaab ee Ceelbuur iyo Ceelgaras.

Garsoor (Mogadishu)-Maxamed Cusmaan Maxamed Xasan ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha maleeshiyada Alshabaab oo uu kaga biiray Galgaduud 2013 iyo  in uu u qaabilsanaa kooxda  Faafinta fikirka Gurracan ee Argagixisada.

Billowgii March ayay ku soo wareejiyeen hey’adaha Baarista Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida , xilligaas oo ay Xeer Ilaalinta ka Codsatay Garsoorka in loo gudbiyo Xabsiga Dhexe Garsuge-ahaan.

Maxamed Cusmaan ayaa dhalinyarada Alshabaab ee ku sugnaa CeelGaras iyo CeelBuur u fasir xumayn jiray Diinta Islaamka isaga oo ugu adeegayo fulinta Qorshayaasha Alshabaab, dhowr jeer oo hore ayuu yimid Muqdisho, waxa uuna u sheegay Garsoorayaasha in xilligaasi uu la wadaagi jiray maleeshiyada dhaq-dhaqaaqyada Muqdisho iyo la wadaagidda wararka la xiriira Gobalka ee ay baahiyahaan Idaacada ku yaal Caasimadda.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Maxamed Hiiraan Bartimaha Bishii ina dhaaftay.

Maxkamadda ayaa aqbashay dhageysiga Dacwadda Eedeysanaha dhammaadkii Maarso, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ka dhagaysatay Eedda ka dhanka ah eedeysane Maxamed Cusmaan.

Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab looga baajin karo ka been sheegidda Diinta Islaamka si loo bad baadiyo dhalin fara badan oo halis ugu jirto Fasirka Qaldan ee Diinta.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Garsoorka ka codsaday in loo Naxariisto Eedeysanaha oo aan laga haynin Fasir qaldan oo kayd ahaan meel u yaallo.

Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay waxa ayna Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay SIDEED SANO oo xabsi Ciidan ah, sida dhinacyada uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsahaya ayaa haysta Fursad uu ku dulban karo Rafcaan Sodon Cisha gudahood.

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Nin Watay Boorso Qarax ah…

Mogadishu (Garsoor)- June Todobadeedii Sanadkan  sii dhammaanayo ayay Ciidamada Amniga ka  qabteen Xasan Cabdullaahi Aadan Ex Control Afgooye xilligaasi oo  isu soo diyaariyay Sidii uu isugu Qarxin lahaa Xarunta Murtida iyo Mada-daallada oo uu maalin ka hor sheegay in uu soo fiirsaday “Istidhlaac”.

Diifta ka muuqatay darteed ayay Ciidamada Amniga uga shakiyeen, waxa aysa dhalisay Baaris kadib in laga dhex helo Boorsadiisa Jaakadka Qarax, Isla xilligaasi ayay Ciidamada Amniga  u gacan geliyeen Hogaanka Baarista Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Baaritaan dheer kadib Xasan Cabdullaahi Aadan waxa uu qirtay in Sanad iyo xoogaa uu la soo shaqeeyay Alshabaab, waxa uuna Alshabaab kaga biiray Buur Dhuxunle oo ka tirsan Bakool 2018.

Tuullo la yiraahdo Ugunji oo hoos tagata degmada Jannaale ayaa la keenay kadib markii lagu Qanciyay in uu Naftiisa gooyo isaga oo sii Salfanaya Bulsha aan waxba galabsan.

May 2020 ayaa ugu dambayn loo keenay Jaakada iyo Boorsada uu wada Isticmaali lahaa si’uu isugu Qarxiyo, waxaana la tusiyay Sedax badhan oo mid kastaahi laga qarxin karo Jaakadda iyo Boorso wada jira ee Argagaixisada dhawaan Isticmaalkeeda Billowday .

August Bartamaheeda ayay iska soo wareejiyeen Hey’ada Baarista, wixii xilligaasi ka dambeeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isna hubin ku bilaabay daba galka iyo jiritaanka Eedaha Hey’adaha Amniga Baarista.

Baaritaan dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Codsaday in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda ka dhanka ah Xasan Cabdullaahi Aadan, waxa ayna Maxkamadda ballamisay 26 bishii Tobnaad Sanadkan.

Wixii intaasi ka dambeeyay Maxkamadda ayaa billowday dhageysiga Kiiskan, xilliya kala duwan ayaa la isugu soo noqday si’ay Maxkamadda jawaab waafi ah uga hesho sida lagu qabtay qof Naftiisa haligaya oo agab qarxa wata, waxa ay Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Ciidamada Cadeeyeen In Eedeysanaha uu isku dayay in uu baxsado laakiin ay agabka iyo Eedeysanahaba ay ka wada dajiyeen Gaari Dadweyne.

Eedeysane Xasan Cabdullaahi Aadan ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in uu  u jeedkiisa ahaa in isku Qarxiyo meel loogu sheegay in ay tahay Xarun ay degan yihiin Ciidamo Dhar Cad ah laakiin tilmaamata Cadeymaha ayaa Muujineyso in u jeedkiisu ahaa Tiyaatarka Qaranka.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in Eedeysanaha loo Naxariisto Maadaama ay Alshabaab kaga Faa’ideysteen Aqoon la’aan iyo Duurka uu duruuf kula noolaa.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aamisay in Xasan Cabdullaahi Aadan lagu xukumo Xabsi Daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu Rafcaan ku dalban karo muddo 30 Cisha ah xukunka Kadib.

Maxkamadda Ciidamada ayaa sii Deysay Taliyihii Hore ee Danab

Mogadishu (Garsoor)-Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ku eedeeyay wax is daba Marin “Musuq” iyo Isticmaalka Awood dheeri ah oo uusan la Ogeyn Taliska sida Ku tagrifal Hub cadowga laga soo furtay.

Gen. Odowa Yusuf Raage ayaa shaqa joonin ku sameeyay September Sideedii Sanadkan Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik, Sidoo kale Taliska  ayaa Ismaaciil ku xanibay Xarunta  Military-ga.

Bartimihii October ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Eed ka dhan ah Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik taliyihii hore ee Danab.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo Awood u leh dhaqaajinta Dacwadaha ayaa Gal Dacwadeed Gaashaanle Ismaaciil kala wareegay Hogaanka Baarista Military-ga, waxaana xilligaas loo taxaabay Xabsiga Dhexe ee Xamar Gar-suge ahaan.

Horgeyn kadib 25-kii November ayaa la dhageystay Eeda ka dhanka ah Ismaaciil, Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada Xoogga Dalka oo kamid ah Markhaatiyaashii ay Xeer Ilaalinta la timid ayaa Qiray in Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik uu ku yaqiinay intii uu Hogaanka Danab hayay Asluub wanaag.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa  dalbaday in dib loo dhigo Dacwadda maadaama aysan dhameystirneen duruufa jira Darteed Maragyada ku xusan Gal Dacwadeedka Sarkaalkan.

Lixdii December bishan ayaa la dhageystay Afar markhaati oo ay Ismaaciil shaqa wadaag ahaayeen mana jirin qof Ka markhaati kacay xattooyo xoolo Dadweyne.

Abuukatayaasha u dooday Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik ayaa ku fasiray Isticmaalka Awoodda ee ku xusan Galka in ay aheyd Masuuliyad ay ka gaabiyeen Taliska balse Ismaaciil uu ku dhiiraday dhisidda  Moralka Ciidamada iyo Caafimaadkooda, waxa ayna Garsoorka Ciidamada ka dalbadeen in lagu abaal mariyo howshii qaran ee uu gutay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isna Sidoo kale qiray in Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik uu shaqa wanaagsan ka qabtay howlaha loo igmaday laakiin uusan taliskiisa Ogeysiis ka siin howlahaasi.

Maxkamadda Ciidamada ayaa ugu dambeyn Amartay in Xorriyadiisa dib loogu Celiyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik Taliyihii Danab hadii aysan jirin Dambiya kale oo loo haysto.

 

Maxkamadda Ciidamada oo dib u siisay Xurriyadooda rag uu ku jiro guddoomiye ku xigeenkii Afgooye

Muqdisho (Garsoor)- Ismaaciil Aadan Cadow, Cabbdikariim Nuur Maxamuud, Cabdi Jaamac Cabdi iyo Daahir Cali Cabdi ayaa loo soo xiray in ay ku lug la haayeen Qarax ka dhacay gurigii uu deganaa  guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha bulshada gobalka Shabeellada Hoose Cumar Maxamuud Cilmi kaasi oo sababay Dhimashada Marxuumka Lixdii November sanadkii tegay.

Hey’adaha Ammaanka ayaa soo kala xiray Afarta tuhunsane xilliya kala duwan, waxa ayna ku kala wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida  bartimihii December iyo dabayaaqadii January.

Ismaaciil Aadan Cadow, ayaa ahaa guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada degmada Afgooye, Cabdi Jaamac Cabbdi ayaa ahaa guddoomiyaha waaxda Ceelasha Biyaha, Cabbdikariim Nuur Maxamuud ayaa ahaa beeraley halka Daahir Cali Cabdi uu ka tirsanaa ciidanka ilaalada deegaanka “Minishiibiyo”.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku soo eedeyay Afarta ruux in ay ka mid yihiin Alshabaab iyo in ay ka dambeeyeen Qarax uu ku geeriyooday Allaha Unaxariiste Cumar Maxamuud Cilmi oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii Arrimaha bulshada gobalka Shabeellada Hoose.

Mid kamid ah Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda u sheega in aysan  jirin wax cadeyma ah oo muujinaya in ay ka dambeeyeen raggan qaraxa uu ku geeriyooday guddoomiye ku xigeenkii gobalka Shabeellada hoose, sidaas darteedna ay u cosadeen inaan loo ciqaabin natiijada  tuhun aan buuxin shuruudaha eedda.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aamisay in afarta eedeysane ay xur yihiin hadii aysan jirin eedo kale oo loo haysto sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamad Qalabka Sida.

Yaa loo xukumay ciyaar yahaankii Danaanada loo dilay?

Muqdisho (Garsoor)- Dable xoogga dalka Maxamed Cismaan Maxamed Nuur ayaa loo heysta dilka Allaha Unaxariiste Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan  oo uu ku dilay garoon lagu ciyaaro kubadda cagta  kaas oo ku yaal degmada Kaxda sedaxdii January ee sanadkan.

Maalin kadib  ayay ku guuleysteen ciidamada Amniga ee joogo baraha qaybta galbeed in ay ku wareejiyaan Maxamed Cismaan Maxamed Nuur hey’adaha ku shaqada leh sida laanta dambi baarista Boliiska CID.

Hey’adda    dambi baarista boliiska CID  ayaa  ka gudatay waaajibka kaga aadan ee baaris, waxa ayna ku soo wareejisay Gungaarka eedeysanaha  Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 12/01/2020, Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla  xilligaaasi weydiistay garsoorka in loo gudbiyo eedeysanaha xabsiga dhexe  garsuge ahaan si’ ay u sameeyaan baaris kale oo dheeraad ah.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa isku howlay baarista sida ay wax uga dhaceen garoonka lagu ciyaaaro kubadda cagta ee ku yaal degmada Cirifka jirta ee Kaxda, waxa ayna bilowgii February codsadeen in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Maxamed Cismaan Maxamed Nuur.

Labadii bishan ayay Maxkamadda u fariisatay eedda ka dhanka ah eedeysane Maxamed Cismaan Maxamed Nuur, waxaana ugu horreyn la weydiiyay jiritaanka eedda loo heysto in uu ka jawaabo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dheeraaday sharaxaadda sida ay wax u dhaceen, Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoorayaasha in eedeysane Dable Xoogga Maxamed Cismaan Maxamed Nuur uusan ka mid aheyn dadka ku ciyaarayay garoon ku yaal degmada Kaxda dhinaca Xoosh balse uu garab siin ugu yimid wiil ay isku heyb yihiin, waxa uu meesha ka saaray Xeer Ilaaliyaha in wax wada xaajood ah dhex maray dhalinyaradii kubadda ciyaareysay iyo eedeysanaha balse si’aan ka fiirsasha laheyn uu ugu riday xabado sababay laba kamid ah in ay galaafteen nolosha Marxuumka.

Abuukaataha u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in Dable xoogga dalka Maxamed Cismaan Maxamed Nuur uu u tagay garoonka si’ uu uga fal celiyo walaalkiis oo ciyaarta ku badda looga saaray awood sheegasho balse markii uu meesha tegay isku deygiisa kala eryidda dhalinyaradii ciyaareysay ay sababtay xabadihii uu riday dhimashada Marxuumka.

Garsoorayaasha  ayaa dhageysiga dhinacyada kadib go’aamiyay in lagu xukumo Maxamed Cismaan Maxamed Nuur dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan   sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta  fursad  30-cisho ah oo   uu ku dalban karo Rafcaan .