Xukunka Bamba tuure laga qabtay Ex Control…..

Garsoor (Mogadishu) – Sharma’arke Yuusuf Daa’uud ayaa loo soo xiray ka mid ahaashiyaha Khawaarijta Alshabaab, waxa uu u qaabilsanaa fulinta Dilalka qorsheysan iyo Bambo tuurka, waxaana la soo qabtay isaga oo Bom-gacmeed ku tuurayo koolba waardiyaha taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee Ex-Kontarol Afgooye.

Sharma’arke ayaa maleeshiyada ku biiray 2022 waxaana ku tashkiiliyay Saaxiibkiis, Waxa uuna tagay tuulada Ugunji oo uu sadax cisho ku soo qaatay sida loo tuuro Bambo gacmeedka iyo isticmaalkeeda, kadib ayuuna ku soo laabtay deeganka Weydow ee duleedka Muqdisho.

Waxa uu qayb ka ahaa Dilal ka dhacay Degmada Kaxda, waxa ay wada geesteen isaga iyo laba kale, waxa uu Bambooyin ku tuuray ciidamo ku kala sugnaa Suuqa-Weyn ee Wadajir, Seybiyaano iyo tan hadda lagu soo qabtay oo uu ku tuurayay Taliska Ciidan Astuubta ee Ex-Koontarol Afgooye.

Eedeysanaha Waxaa gacanta ku soo dhigay askar ka tirsan Ciidanka Asluubta oo goobta ku sugnaa, sidaas ayaana lagu qabtay isaga iyo Bambkii uu watay kow iyo labaatankii December 2022.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa Maxkamadda ka codsaday qaadista kiiska Sharmaarke, waxaana laga ogolaaday kow iyo tobankii March ee sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda ciidamada oo siiyay muddo ku filan dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta go’aan ka soo saaray Galka Sharma’arke Yuusuf Daa’uud Aadan, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Xukunka Cali oo Alshabaab u qaabilsanaa diiwaan galinta iyo sahminta ganacsiyada….

Garsoor (Mogadishu) – Cali Abuukar Jimcaale Rooble, ayaa loo soo xiray sadaxdii November ee sanadkii hore ka mid ahaanshaha Khawaarijta Alshabaab, waxa uu u qaabilsanaa qaybta Amniyaadka.

Cali Abuukar Jimcaalle Rooble, waxa ay reerkiisa u safriyeen South Africa 2010-kii Sanad kedib markii uu ku biiray Argagixisada.

Todoba sano oo la islahaa waxa uu ka xuroobay fikirka Khawaarijta ma dhicin balse waxa uu ka soo degay Muqdisho dabayaaqadii 2017 isaga oo xambaarsan isla fikirkii guracnaa ee kooxda.

Waxa ay Argagixisada u wakiilatay Cali diiwaan gelinta ganacsiyada cusub iyo sahmintooda, waxa uuna mushaar ahaan u heli jiray 50 ilaa 100 dollar bishiiba.

Markale ayay Argagixisada ku celisay tababar lagu barayo isticmaalka hubka, waxaana lagu ogaaday baaritaanka hay’adaha Amniga in maalmo uu la qaatay Cali jabhad hareeraha Jilib-Marko ku dhuumaalaysato.

Dalabka xeer ilaalinta ee ahaa maxkamad qaadista Cali Abuukar Jimcaalle ayuu garsoorka Ogolaaday afartii March sanadkan.

Garsoorka ayaa waqti ku filan siiyay dhinacyada Dacwadda, waxa ayna habraacii maxkamadeed kedib ku xukuntay Cali Abuukar Jimcaalle Rooble Sideed Sano oo Xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo heerka Koowaad ee maxkamadda ciidamada ka tirsan.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Xukunka Taliye Xigeenkii Hangashta ee sababta geerida u noqday Aadan Gaarac.

Garsoor (Mogadishu)-  Gashaanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble oo ahaa baare ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa dil ka dhashay biyo hafin u geystay Aadan Gaarac Habarwaa 23-kii bishii labaad ee sanadkan, dilka ayaana dhacay intii lagu gudi jiray baarista kiisas argagixiso oo ay ugu horeysay maleegidda Qaraxii lagu dilay Taliyahii Ururka 28 aad ee ciidanka xoogga dalka .

26-kii isla bisha labaad ee sanadkan ayey maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida dhageysatay kiiskan .

Xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in eedeysanaha uu baarayay Alshabaab isla markaana uu hayay waajib shaqo Qaran, sidaas darteed Maxkamadda ayuu waydiistay in la saaro bixinta magta taliska xoogga dalka.

Qareenka eedeysanaha ayaa isna Garsoorka waydiistay in lagu xukumo eedysanaha Diya adag.

Ugu dambayn maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay14-ka bisha Maarso ee sanadkan  2023 ayay  maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka Sida ku xukuntay Gaashaanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble  Diya adag  oo ah Qisaasta Marxuum Aadan Gaarac Habarwaa iyo Shan sano oo Xabsi Ciidan ah sida uu warbaainta u sheegay Gaasaanle Sare Xasan Cali Nuur Suute, guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Xukunsanaha ayaa haysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

 

Xukunka Ayuub oo mar isku soo dhiibay Dowladda ka dibna ku laabtay Maleeshiyada Alshabaab……

Garsoor (Mogadishu)-  Ayuub Cismaan Sheekh Aadan Isxaaq oo ah 24-jir ku dhashay Janaale Shabeellada Hoose ayaa loo soo xiray ka mid ahaan shiyaha Kooxda Argagaxisada ah ee Al Shabaab, waxa uu qaabilsanaa qaybta tuurista Bambooyinka.

Ayuub ayaa horay isugu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya isaga oo soo maray xarunta dhaqan celinta Kuwa ka haray Fikirka kooxda, markii uu dhamaystay habraacyadii dhaqan celinta ayaa laga fasaxay xarunta oo uu Sanad ku jiray, waxa uu Markale dib ugu laabtay Alshabaab bishii November 2022, mushaar ahaaan ayuu u qaadan jiray 30$.

Ayuub ayaa ku soo bartay Bamba tuurista tuulada Siigaale ee Janaale, shaqadii ugu horeysay wuxuu Bombo F1 ku tuuray ciidan roondo ku jiray Janaale, wax qasaara ahna ma geysan, ciidka ayaa daba galay kadibna soo qabtay.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiska Ayuub Cismaan Sheekh Aadan, waxaana laga ogolaaday 28- February-2023.

Maxkamadda ayaa ugu danbayn maanta Go’aan ka soo saartay Ayuub Cismaan Sheekh Aadan Isxaaq, waxa ayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.

Tababare Ciidan oo loo xukumay la Shaqaynta Argagixisada….

Garsoor (Mogadishu)- Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal oo ah 63 jir ah ku dhashay Baydhaba ayaa loo soo xiray in uu ka tirsanyahy Khawaarijta Alshabaab Qeybta Amniyaadka una qaabilsanaa bixinta xogaha Ciidanka Xooga Dalka, waxaana laga soo qabtay gudaha Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

Waxa uu sheegtay darajada Gaashaanle Sare laakiin dowladdii Madaxweyne Farmaajo xilligii diiwaan gelinta Ciidamada ayaa loo helay xidig sax ah, waxaana Cadaatay in inta kale uu iska saartay.

Caradii uu ka qaaday kedib waxa uu la xertay Alshabaab, waxaana hay’adaha barista Amniga iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Ogaadeen In Xidigle CabdiCasiis Xuseen Nuur Musral yahay sarkaal xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga la wadaago Alshabaab.

Habraacca Go’aan ka gaarista iyo dhamaystirka dacwad qaadistiisa ayaa soo socotay ilaa January 22 Keedii Sanadkan.

Maxkamadda ayaa ugu danbeyn maanta Go’aan ka soo saartay Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal, waxa ayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.

 

Xukunka Taliye Ururkii loo haystay Qaraxyo Argagixisanimo

Mogadishu (Garsoor)- Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle, waxaa loo soo xeray  in Gawaari qaraxya ah uu Muqdisho soo geliyay, waxa uu Gawaaridaas ku Baakimay dhowr goobood oo ganacsi sida, Village Hotel and Restaurant Afar iyo Tobankii January 2019, Baar Italia agagaarka Mall-ka Xamar-weyne February 4-teedii 2019-kii, Maqaayadda Cagaweyne Ex Bilsan Restaurant 28 March 2019, Xeebta Liido agagaarka Aargada May 27-keedii 2019.

ilaa 27 qof oo isugu jiro qaybaha Bulshada ayaa ku geeriyooday Qaraxyadaas inta Diiwaanka Dowladda ku jirto, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tira intaas ka badan.

Eedaha kale ee loo haystay waxaa kamid ah iibinta laba Hoobiye oo 60-ah iyo 40-xabo oo ah Rasaastiisa.

Xeriirka technologyada ayaa laga tix raacay soo qabashadiisa kedib weerarkii garoonka Diyaaradah Aadan Cade 23-kii March Sanadkii tegay 2022 balse waxaa la waysnaa ilaa  November 19-kedii 2022 markaas uu soo galay gacanta Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Marinta habraacyadii Dacwadda kedib, Maxkamadda Ciidamada ayaa dhegeysiga fadhigii ugu dambeeyay gashay 7-dii January Sanadkan 2023.

Maanta ayay Maxkamadda Darajada Koowaad ku xukuntay Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle Dil toogasha ah oo ah Qisaasta marxuumiinta ku naf waayay Gawaaridii Qaraxyada ahaa ee uu dhigay, waxaa sidaas Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle
Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle

Xukunsanaha ayaa ka soo mid ahaa Ciidamada ilaa Dowladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxa uu ka gaaray Ciidanka Darajada Kabtan, waxa uuna soo noqday taliye Urur, waxa uuna la soo shaqeeyay General Cabdikariim Yuusuf Adan (Dhaga-badan) Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ciidamada Xoogga Dalka oo uu noqday Darawalkiisa gaarka ahaa.

Sedax iyo Konton Jir ku dhashay Mudug waaye.

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku riday Sarkaal hore oo loo haystay Weerarkii AirPort Aadan Cadd…..

Garsoor (Mogadishu) – Lix iyo Sodon jirkan ku dhashay Jamaame ayaa ka soo mid ahaa Military-ga ilaa Dowladdii Cabdullaahi Yusuf laakiin waxa uu ka haray Liiska Ciidamada Xoogga Dalka Xilligii Dib u habaynta Electronic ahayd Ee Xukuumadii Madaxweyne Farmaxajo 2018.

Sanad ii 2017 kii ayay Xafiiska xeer Ilaalinta iyo Hay’adda Nabad Sugidda Cadeeyeen in uu bilaabay la shaqaynta Alshabaab, waxa uuna Argagixisada u Qaabilsanaa Gudbinta Gawaarida Qaraxyada ah Ee ay Argagixisada ku weerari jirtay Muqdisho.

Waxa uu isticmaalayay Magiciisa iyo Kaarkiisa Aqoonsiga isago oo aan ku jirin Liiska Saraakiisha oo uu mar ka gaaray Laba Xidigle.

Maragyada wax laga waydiiyay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow waxa ay Qireen in shaki badani ka qabeen intuu uu kamid ah Saraakiisha ku Qoran Villa Baydhabo ee aan howlaha Ciidamada ku Jirin .

September 19 keedii 2019 ayaa lagu helay in uu Qarax geeyay Ururka 38 Aad Ee degan Villa Baydhabo.

23 kii March Sanadkan ayuu ku geliyay Gaarigiisa Garoonka Diyaaradaha Laba dhagar Qabe oo ka tirsan Argagixisada, waxaana Abaabulka Biyamaalow ku naf waayay Allah Unaxariisto Cabdirisaaq Aabi Cali oo kamid ah Halyeeyadii soo afjarayay weerarkaas, waxaana jiro khasaara gaaray Saaxiibbo kale oo joogay goobta gaarka ah ay isku fara saareen Maleeshiyada Weerarka ahaa iyo Ciidamada gaarka ah Ee Haramcad.

Sideedii bishan ayay soo gaba gabowday Maxkamadaynta Maxamed Cabdulle Nuur Abkow.

Waxaa Maxkamadda laga Daawad Siiyay Muuqaalka Camerooyinka Amniga Ee CCTV xilligii uu gudbinayay Naftood haligayaashii Arbushay Garoonka.

Maxkamadda ayaa ugu dambayn Maanta Go’aan ka soo saartay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) waxa ayna ku xukuntay Dil toogasha ah oo ah Qosaasta Marxuun Cabdirisaaq Aabi Cali, sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Shabaab loo xukumay dhaawac kasoo gaaray Qarax uu isaga Aasay…..

Garsoor – Mogadishu .   Cabdillahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) ayaa loo soo xeray 03-dii Bishii Juun ee sanadkaan in uu ka tirsanaa Maleeshiyada Alshabaab  una qaabilsanaa Qaybta qaraxyada isaga oo 7miino ku aasay kuna qarxiyay Waddooyinka Buufow Bacaad, Wadada Janaale, iyo Wadada Sabiib iyo Caanoole.

August dabayaaqadeedii ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaas ayaa xabsiga dhexe loo diray Garsuge ahaan.

Waxa uu Alshabaab  ku biiray isagoo 15 jir ah waxa uuna tababar ku qaatay tuulada Doolaale ee ka tirsan Gobolka Bay, tababarkii markii uu usoo dhamaadayna waxaa loo wareejiyay sanadii 2016 qaybta qaraxyada, waxaana la baray qaabka loo fuliyo loona isticmaalo Miinooyinka, Waxa uuna mushaar ahaan u qaadan jiray bishii 200$.

Qarax oo uu ku aasay waddada Sabiib iyo Caanoole ayaa dhaawac ka soo gaaray kadib markii uu isku dayay in uu ka bixyo markii uu waayay cid soo marta, waxa uuna kana dhaawacmay Gacanta iyo Lugta Bowdada Midig.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada oo Codsaday Dacwad Qaadista Kiiska Cabdillahi ayaa laga Ogolaaday 12-kii Bishan November ee aan ku jirno, waxa ay Maxkamadda la wadaageen Qiraalka Eedeysanaha.

Fadhiya kala duwan kadib iyo dhegeysiga dhinacyada dacwadda sida Xeer Ilaalinta iyo Qareenada Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Cabdillahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) Xabsi Daa’in  sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunkasanaha haysta Fursad uu ku dalban karo racfaan inta sharciga Ogol yahay.

 

Xukunka, Xukunsane ku Dilay Daraawal BL Balcad Isbaaro tiilay

Garsoor (Mogadishu)-  “Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed ayaa lagu xukumay xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Saylax Cabdulle Axmed oo uu Dilay Shilimaad uusan Xaq ugu lahayn 29-kii November bishii tagtay” Sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsane Cabdiraxmaan waxa uu joogay Isbaaro tiilay Balcad meesha looga baxo.

Maragyadii saarnaa Gaariga shacabka ah waxa ay sheegeen in Xukunsanaha uu  si ku tala gal ah u dilay Marxuumka.

Marxuumka ayaa ahaa Darowal si wayn looga yaqaano tuulooyinka iyo degmooyinka Shabeelada Dhexe oo uu muddo ku safrayay.

Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed ayaa maalin ka hor ka soo Muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed - Xukun Dil ah
Cabdiraxmaan Cadow Ciise Maxamed -Xukun Dil ah

 

 

Xukunka Xuseen Cabdiraxmaan oo Khawaarijta u qaabilsanaa…..

Garsoor – Mogadishu.  Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf ayaa loo soo xiray in u Maleeshiyada Alshabaab u qaabilsanaa kala gudbinta hubka waxaana soo qabtay Ciidanka Xooga Dalka. 16-Kii Bishii August ee Sanadkan.

Ciidamada Amniga ayaa ku wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna isla xilligaasi Garsoorka Ciidamada Ogolaadeen in xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan 08-dii September ee sanadkaan.

Xuseen ayaa Alshabaab ku biiray Bishii Maarso ee Sanadkaan waxa uuna kaga biiray Gobalka Shabeellada Hoose deegaanka Faarax Wacays, waxaana ku tashkiiliyay Horjoogihiisii oo isna u qaabilsan Maleeshiyada kala gudbinta hubka, tiro 3jeer ah ayuu rasaas ka soo qaaday Beerta Ilka-Bariis oo ku taal dagmada Awdheegle waxa uuna u geeyay horjoogihiisii.

Baaris dheer kadib 07dii- Bishaan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa Codsaday Dacwad Qaadista Kiiska Xuseen ayaa laga Ogolaaday 16-kii Bishaan ee aan ku jirno, waxa ay Maxkamadda la wadaageen cadeemta Miinadii lagu soo qabtay eedeysanaha iyo qiraalkiisa.

Qareenada u dooday Eedeesane Xuseen Cabdiraxmaan ayaa u sheegay garsoorka in uu ku cusbaa ka mid ahaanshaha maleeshiyada kana codsaday in xukunka loo qafiifiyo.

Kadib Maxkamadda oo waqti ku Filan siisay dhinacyada ayaa 21-kii Bishaan ku xukuntay 15-sano oo xabsi ciidan ah Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Garsoore Axmed Cali Axmed oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Darajada Koowaad.

Xukunkasanaha haysta Fursad uu ku dalban karo racfaan inta sharciga laga Ogol yahay.