Xukunka Darawalkii lagu Qabtay Bustaha Gabaadka Diyaaradaha…..

Jamaal Yaasiin Xasan Yaasiin ayaa ka ahaa darawal gaari ka shaqeeyo Kismaayo iyo Muqdisho, Waxaa Jilib looga soo dhiibay agabka looga dhuuno Diyaaraha arageeda maalintii iyo habneenkii (Night Vision), agabkaas loo yaqaan Emergency Space Blanket si uu ugeeyo Suuqa Bakaaraha, balse waa laga kor baxay oo looma sheegin cida iyo meesha saxda ah uu geenaayo.

Ciidanka aamniga ayaa ka soo xiray deegaanka Ceelasha Biyaha Sideedii Bishii May ee Sanadkan.

Baaris dheer kadib Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudeynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Lix iyo Tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Jamaal Yaasiin Xasan Yaasiin 5 sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

 

Saaxiibbo isla Cabi jiray Xashiishka oo Argagixiso ahaan Loo xukumay……

Garsoor -(Mogadishu)- Aadan Maxamed Maxamud Qoslaaye iyo Axmed Xassan Jimcaale Nuur Baariyoow ayaa loo xiray ka mid ahaanshaha Maleeshiyada Khawaarijta una u qaabilsan aayeen Istidlaaca iyo arbushaada Caasimadda iyagoona fuliyay weeraro ka dhacay degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Aadan Qoslaaye iyo Xassan Baariyoow ayaa ahaa saaxiibbo ku bahoobay balwadda iyo nooc kasta oo maan dooriye ah.

Axmed Xassan jimcaale Nuur Baariyoow Ayaa Maleeshiyada kaga biiray deegaanka Ceelasha Biyaha 2010 waxuuna muddo bil ah tababar la xiriira sahanka iyo jaasuusnimada ku qaatay isla deeganka Ceelsha Biyaha

Axmed Baariyoow ayaa loo wareejiyay kooxda amniyaadka waxa uuna kaga sii bedeshay kooxda qaabilsan kala gudbinya agabka muhiimka u ah kooxda.

Mar kale ayuu sanadii 2012 u bedeshay qeybta istidlaaca ee Muqdisho isagoo adeegsanaaya Magaca Cubayd.

Waxa uu qeyb ka noqday Sahminta dilal iyo weeraro arbushaad ah oo ka dhacay Caasimadda, waxa uuna mushaar ahaan u qaadan jiray 50$ bishii.

Aadan Maxamed Maxamuud Qoslaaye Ayaa Maleeshiyada khawaarijta kaga biiray Muqdisho sanadkii 2022 waxaana ku tashkiiliyay Baariyoow oo aay saaxiibbo ahaayeen.

Aadan Qoslaaye isagoo aan wax mushaar iyo tababar ah qaadan ayuu saxiibkii Baariyoow kala shaqeenaayay qeybta Sahminta.

Qoslaaye ayaa ku fogaaday isticmaalka maan dooriyaha noocyadiisa kala duwan xitaa isagoo dhaawac ah kama baaqsan cabista Xashiishka oo ay si wadajir ah u wada cabi jireen saxiibkiis Baariyoow.

Waxa uu sahminyay weerar arbushaad ah oo loo adeegsaday qoriga RBG bar koontarool ee ciidanka amniga ku lahaayeen isgoyska Taleex.

Baariyoow iyo Qoslaaye ayaa laga soo kala qabtay Taleex iyo Suuqa Bakaaraha Laba iyo Tabaatankii bishii December ee 2022.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Afar iyo Tobankii a bishii August ee sanadkan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku kala xukuntay. Axmed Xassan Jimcaale Nuur Baariyoow 15 Sano oo Xabsi ciidan ah, halka Aadan Maxamed Maxamud Qoslaaye isna lagu xukumay 5 Sano oo Xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

XUKUNKA DARAWALKA IYO XAASASKII ARGAGIXISADA EE LALA QABTAY ALAABTA QARAXYADA..

Garsoor (Mogadishu)- Kow iyo Labaatankii April sanadkan ayay ciidamada nabad-sugidda ku qabteen Number -50  Gaari Layla Calaawi ah oo Kuunya ka soo shiraacday, waxa uu waday agab laga farsameeyo qaraxyada iyo Xaasas Argagixisada ugu safary Duurka si’ay u soo xaaja gutaan.

Sideedii August ayay Maxkamadda Ciidamada Dhegeysatay kiiskan, waxa ayna dhinacyada dacwadda siisay fursad uu mid kastaahi ku xajisan karo cadeymihiisa

Maanta ayay Maxkamadda ku kala xukuntay kow Yusuf Cali Nuune Aadan Darawalkii gaariga Sedax sano oo Xabsi ciidan ah, waxaana sabab looga dhigay in uu iska hubin waayay rarka uu soo qaaday

Maxkamadda ayaa go’aamisay in ay Muqdisho ka bixi karin Maamooyinkan muddo laba sana ah  oo ah ilku haynta Boliiska, Khadro Maxamed Ciise Warsame, Caaisha Muxudiin Maxamuud Afrax, Sahro Xuseen Ciise Maxamuud, Naciima Faarax Shiiq-Doon Fiidow iyo Khadiijo Socdaal Maxamuud Cadi

waxa ay Maxkamadda sii daysay Maxamed Sandheere Siyaad Barre oo ahaa Kirshboyga, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka sida.

Darawalka - Yusuf Cali Nuune Aadan
Darawalka – Yusuf Cali Nuune Aadan

 

XUKUNKA EEDEYSANIHII DILAY INJINEERKII KENYANKA AHAA.

Garsoor (Mogadisu) – Xasan Cabdiraxman Indha-yare waxaa uu eedeysane u ahaa dilka Fredrick Odhiambo Owino oo kenyan ah iyo ka tagista goob shaqo fasax la’aan.

Labaatankii bisha July ee sanadkan eedeysane Xasan Cabdiraxmaan ayaa xabad uu ka tuuray Bistoolad biljim ah madaxa kaga dhacday Fredrick sagoona is hor istaag ku sameeyay dhismo halkaasi ka socday, waxaana markaas uu ka cabanayay tubo biyo wasaqeysan ku sii dayso guri uu waardiye ka ahaa, Injineerka dhintay ayaana markaas ka howlgalayay dhisidda guri ku yaala agagaarka Airport ka Aden Cadde ee Muqdisho..

Baaris dheer kadib Afar iyo Tobankii bishan xafiiska xeer ilaalinta maxkamada ciidmada qalabka ayaa maxkamdda darajada kowaad ee ciidamda hor keentay kiiskan, si jawaab loogu helo wixii dhacay.

Dhinacyada dacwadda, maragyadii la keenay ayaa isku daraf ka istaagay howlka dacwadda, waxaana ay isku raaceen in kas dhaaf uu ku yimid kiiska dilka ah.

Maanta ayay maxkamadda darajada kowaad ee ciidmada qalabka sida ku xukuntay Xasan Cabdiraxmaan Indha Yare Shan Sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Bixinta Magdhow la siiyo Ehelka Fredrick Odhiambo Owino sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaa Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xasan Cabdiraxman Indha-yare
Xasan Cabdiraxman Indha-yare

XUKUNKA KIIS KA YIMID MURAN LA XERIIRO ISIR ….

Garsoor (Mogadisu) – Xassan Xussen Nuur oo ka Tirsan Xoogga Dalka gaar ahaan ilaalo qarann  ayaa loo soo xiray dhaawac xabadeed oo u geystay Marxuum Xussen Maxamed Xirsi kaasoo ugeeryooday dhaawicii Xabadeed oo u geystay shan iyo tobankii bishii April ee sanadkaan , falkaas oo ka dhacay Dagmada Warta-Nabadda sideed iyo labaatankii bishii Maarso ee Sanadkaan.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiska Xassan Xuseen Nuur waxaana laga ogolaaday sadaxdii bishii Juun ee sanadkaan.

Maragyadii maxkamada la hor keenay ayaa cadeeyay in sababta Dhaawaca uu u dhintay Marxuumka ay eheed muran salka ku hayo jiir naceeb

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukumay Xassan Xuseen Nuur dil toogasho ahna Qasaastii Marxuum Xuseen Maxamed Xirsi.

Sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Xeriirka Dadweynaha ee Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida mudane Abdulkadir Isse

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

XUNKA BASAASKII KHAWAARIJTA EE GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE…….

Garsoor -(Mogadishu)- Yuusuf Xassan Ibraahim 42 Jir ah ayaa loo soo xiray ka mid ahaanshiyaha maleeshiyada Alshabaab, waxa uu qaabilsanaa qaybta dilalka qorshaysan fulisa.

Ciidanka amaanka ayaa ka soo xiray deeganka Ceelasha biyaha Sagaal iyo tobankii bishii Janaayo ee Sanadkan.

Yuusuf ayaa Argagixisada fikirkeeda ka qaatay Saaxibkiis oo ay wada deganaayeen Ceelasha.

Xog ka bixinta Gaadiidka u gudbaya Gobolka Shabeelaha Hoose iyo kan kasoo galaya ayuu Kooxda u qaabilsanaa dabinadii uu maleegay ayuunaka sheegay Basaasida Sadax iyo Toban Gaadiidka Gaashaaman oo ay lee yihiin Ciidamada Midowga Africa ee ATMIS oo Jidkaas lagu weeraray waxaana mushaar ahaan loo siin jiray Boqol iyo Sodon dollar .

Horjoogihiisii ayaa u sheegay in uu usoo dhiibay alaab, waxaana loo dhigay qurac Dhimbil caag shanlo ah oo kor marka laga eego Masago ku jirto, jiridiisana Bastoolad ay dhex taalo.

Yuusuf oo ku hubeysan Bastoolad ayaa ka dul dhacay ciidan Roondo ku jiray sidaas ayuuna ku soo gacan galay.

Baaris dheer ka dib, Xafiiska xeer ilaalinta maxakamadda ciidamada ayaa codsatay qaadista kiiska Yuusuf waxaana laga aqbalay Sideedii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukumay Yuusuf Xassan Ibraahim 10 sano oo xabsi ciidan ah,

sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Xeriirka Dadweynaha ee Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida mudane Abdulkadir Isse

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu dalban karo Rafcaan.

XUKUNKA RAGGII KA DAMBEEYAY DILKA AROOSAD LAGU DILAY…….

Maxkamada ciidmada qalabka sida ayaa Xukuno Kala duwan ku riday eedesanayaal loo haystay dilka gabar aroos ah.

Eedeysanaha koowaad Cabdullaahi Maxamed Axmed oo ah dable ka tirsan NISA ayaa loo soo xiray dambiga dil kas ah iyo dhaawac ka dib markii isagoo ku hubeysan Qori Ak47 ah isbaaro uu u dhigtay Gaari Siday Marxuumad Caasho Daahir Xassan oo uu Dil bareer u gaystay, Sidoo kalana uu dhaawacay dhibane Yuusuf Muuse Axmed shan iyo tobankii bishii September 2022, falka dilka ah ayaa ka dhacay degmada Kaaraan.

Caasha ayaa ahayd aroos maalinkii la dilayay kana timid goobaha lagu qurxiyo dumarka, waxaa loo galbinaayay gurigeeda halka dhibane Yuusuf oo uu dhaawacu gaaray ahaa abtiga marxuumad Caasha.

Eedeysanaha labaad Daahir Cali Aadan oo ahaa dable ka tirsan Ciidanka Xooga ahaa isna loo heystay dambiga ah gacansiin kadib markii uu qorigiisa u dhiibay Eedeysanaha hore ee dilka gaystay isla markaana uu ku dilay Marxuumad Caasho Daahir Xassan Sidoo kalana uu dhaawac ugu ugeystay dhibane Yuusuf Muuse Axmed.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiska Cabdillahi iyo Daahir waxaana laga ogolaaday in la mudeeyo sadaxdii bishii Juun ee sanadkan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xuntay Eedeysanayaasha kala ah.

1- Cabdillahi Maxamed Axmed Dil toogasho ahna qasaastii Marxuumad Caasho Daahir Xassan.

2- Daahir Cali Aadan ayaa Maxkamada ku xukuntay Sideed sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Xeriirka Dadweynaha ee Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida mudane Abdulkadir Isse

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

XUKUNKA YUSUF DUQOW OO BOM F1 – AH TUURAYAY

Garsoor (Mogadishu)- Yusuf Duqow Xuseen Dhicisow, waxa uu Argagixisada kaga biiray Buur-Eylo oo Buur-Hakaba hoos tagta, waxa uu mushaar ahaan u qaadan jiray $70.
Ceeltimir, Dayniile ayaa lala dajiyay Haweeney si’uu uga fuliyo Muqdisho Dilal iyo Qaraxyo.
14 May sanadkan ayaa Yusuf la soo qabtay isaga oo Bom F1 ku tuuray Waaxda Labaad ee degmada Hodan.
Waxa uu sahmin ku sameeyay baro koontarool oo ku kala yaala Shiirkole, Warshada Taraqa iyo Sigaarka, Baar Ubax, iyo kan lagu soo qabtay oo ku tuuray Bam F1 ah.

Baaris dheer ka dib Xafiiska xeer ilaalinta maxakamadda ciidamada ayaa codsatay qaadista kiiska Yuusuf waxaana laga aqbalay Labaatan iyo afartii bishii Juun ee sanadkaan.

Habraacyadii Maxkamadeed kedib, Maanta ayaa lagu xukumay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay warbaahinta Agaasimaha Xeriirka Dadweynaha ee Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida mudane Abdulkadir Isse

XUKUNKA TACADIGII KA DHACAY XARUNTA CIIDANKA TARAAFIKO……..

Garsoor (Mogadishu) – Maxkamadda Ciidamada ayaa xukuno ku riday Sedax Askari oo kaalin kala duwan ku lahaa Muuqaal internet lagu baahiyay.

Maxamed Axmed Maxamuud (Carab) ayaa la arkay isago oo jirdil ka baxsan Bini’aadanimada u gaysanayo askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay Taraafikada.

Waxaa lagu xukumay Sedax sano oo xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV, ahaana ninkii la wadagaagay Cabdullaahi Abuukar Cariif ayaa lagu xukumay min laba sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

Waxa ay awoodi kareen in ay la wadaagaan muuqaalka hay’adaha ku shaqada leh CID iyo Xeer Ilaalinta Ciidamada balse badalkeed waxa ay doorteen ceebaynta Qaybta ilaalada Nabad Galyada Waddooyinka, sida uu u sheegay waraahinta, Agaasimaha Xeriirka Dadweynaha ee Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida mudane Abdulkadir Isse

Xukunka Shabaab ku waday RBG Bajaaj iyo Hub kale…

Garsoor (Mogadishu) – Maxamed Farxan Bashiir Khamiis ayaa Khawaarijta Alshabaab kaga biiray Xamar bishii Lixaad ee 2022, waxaana ku tashkiiliyay saxiibkiis, waxa uu tababar sadax maalin socday ku soo qaatay degmada Kuntuwaareey waxaana la soo baray isticmaalka Hubka sida AK47, RBG, Bastoolad iyo Bambo F1.

Maxamed Farxaan ayaa horjoogihiisii amar ku siiyay in uu ku soo laabto Xamar, ka dibna waxaa lagu xiray haweeney lagu magacaabo Faaisa Cali Maxamed waxa ayna u iibisay Mooto Bajaaj celis ah oo laga siiyay lacag dhan 2550$, Maxamed ayaa Mudo 5 bilood ah mushaar ahaan u qaadan jiray 80$ bishii.

Maxamed ayaa xaafadda Macaani ee duleedka Muqdisho ka soo qaaday qori Ak47 ah iyo rasaastiisa oo ay u soo dhiibtay haweeneey, waxa uuna ku wareejiyay marwo kale oo joogatay Suuqa Xoolaha.

Markale ayuu 2 qori Ak47 ah iyo RBG kaso qaaday darbiga COCA-COLA ee Dagmada Yaqshiid , waxa uuna geeyay Meel u dhaw saldhiga Dagmada Kaaraan, waxa halkaas ugu yimid Laba nin ka dibna waxa ay bilaabeen in ay la dagaan hubkii saarnaa mootada si ay u rakibtaan.

Inta ay shaqadaas wadeen ayaa waxaa ka fakaday hal baalooto oo Saban ah waxaa halkaas ku geeriyooday mid ka mid ah maleeshiyada halka midkii kalan uu ku baxsaday gacanta ciidamada, ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay Maxamed Farxaan oo isna baxsad ahaa Sideed iyo tobankii bishii December 2022.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiska Maxamed Farxaan, waxaana laga ogolaaday Sagaal iyo tobankii March ee sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbeyn maanta Go’aan ka soo saaray kiiska Maxamed Farxaan Bashiir Khamiis, waxa ayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.