Caadeystayaal Burcad ah oo la xukumay.

0
994

Muqdisho (Garsoor)- Aweys Cali  Macalim iyo Ayaanle Axmed Nuur  ayaa si wada jir ah loogu soo qabtay iyagoo dhac u geysanayo muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa degmada Cabdi-caziiz ee gobalka Banaadir.

Labada eedeysane ayaa dhac u geystay Wiil dhallinyara ah oo kamid ah kuwa ku shaqeysto xirfadda sawirrada ee nolal maalmeedka ka raadiyo meelaha dadka isugu yimaadaan sida Xeebta Liido, waxa ay sidoo kale dhac u geysteen gabar wadatay Teleefanada gacanta iyadoo u adeeg doona-neyso suuqa.

Dadka ay dhaceen waxaa sidoo kale kamid ahaa laba wiil oo  xeebta liido ka baadi goobayay meyd qof ka maqan oo ay weysanaayeen kuwaasi oo ay ka qaateen laba teleefoon oo ay wateen.

sidoo kale waxa ay isla xilligaas dhac u geysteen mid kamid ah ciidamada amniga oo xilligaas u socday shaqadiisa amniga balse aan hub wadan iyo dharka ciidamada, waxa ayna taasi dhalisay in uu baadi goob u galo kuwii dhaca u geystay oo uu kula kulmay iyagoo joogo xeebta liido.

Hey’adaha dambi baarista ayaa eedeysanayaasha ku soo wareejiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada kadib markii ay kala wareegeen Saldhiga Boliiska degmada Cabdi-caziiz, waxa uuna xafiiska weydiistay  garsoorayaasha in loo gudbiyo labada eedeysane xabsiga dhexe si gar-suge ahaan ah  13-ka bishii sagaalaad.

Baaritaana dheer oo xafiisku sameeyay ayay ku ogaadeen In labada eedeysane ay horay u galaan dambiya kala duwan, waxaana horey ugu dhacay xukunno iyagoo midi maqana yahay xilligaas.

Aweys ayaa  sheegay in uu dil geystay balse ay si gaar ah u macaamileen reerihii dhibka kala dhexeeyay falkaasi oo ka dhacay degmada Kaaran halka Ayaanle lala soo qabtay afar eedeysane oo ay kuwada eedeysanaayeen dil balse loo qeybiyay in ay bixiyaan magta  marxuumkii geeriyooday ayay horey Maxkamadda ugu xukuntay.

22-ka bishan ayay Codsadeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada in la muddeeyo dacwad qaadista labada eedeysane oo ay sheegeen in ay ku filantahay caddeymaha ay uhayaan kiiska.

Garsoorayaasha ayaa aqbalay soo jeedinta xeer ilaalinta, waxaa loo ballamay in la isugu yimaado Maxkamadda 25-kii bishan, waxa la dhageystay dhinacyada dacwadda  sida xeer ilaalinta iyo Qareenada u doodayay labada eedeysane.

Xeer ilaalinta ayaa fadhiga Maxkamadda hor-keenay  afar dhibane oo loo siiyay fursad in ay ka  hadlaan goobta, qaar kamid ah agabkii ay dhaceen  labada eedeysane oo laga helay xaafad ay ku keydsadeen oo ku taal degmada Kaaraan, baarihii kiiska iyo qiraalka eedeysanayaasha iyo hubkii ay dhacca ku geysteen, halka Qareenada ay ku doodeen in loo fududeeyo loona fiiriyo sifaalaha dambiga fududeeyo, waxa ay sidoo kale weydiisteen in Maxkamadda aysan u fiirin dambiyadii ay horey u galeen maadaama aan hada loo fadhin dacwadooda .

Garsoorayaasha ayaa la tashi  dhexdooda ah kadib go’aan ku  gaaray Aweys Cali  Macalim iyo Ayaanle Axmed Nuur  in si wada jir ah loogu xukumo sideed sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Side.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku wareejisay agabkiisa  wiil dhallinyara ah oo ay ka dhaceen camera uu ku raadsan jiray nolol maalmeedkiisa.

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.