XUKUNKA TACADIGII KA DHACAY XARUNTA CIIDANKA TARAAFIKO……..

Garsoor (Mogadishu) – Maxkamadda Ciidamada ayaa xukuno ku riday Sedax Askari oo kaalin kala duwan ku lahaa Muuqaal internet lagu baahiyay.

Maxamed Axmed Maxamuud (Carab) ayaa la arkay isago oo jirdil ka baxsan Bini’aadanimada u gaysanayo askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay Taraafikada.

Waxaa lagu xukumay Sedax sano oo xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV, ahaana ninkii la wadagaagay Cabdullaahi Abuukar Cariif ayaa lagu xukumay min laba sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

Waxa ay awoodi kareen in ay la wadaagaan muuqaalka hay’adaha ku shaqada leh CID iyo Xeer Ilaalinta Ciidamada balse badalkeed waxa ay doorteen ceebaynta Qaybta ilaalada Nabad Galyada Waddooyinka, sida uu u sheegay waraahinta, Agaasimaha Xeriirka Dadweynaha ee Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida mudane Abdulkadir Isse

XUKUNKA SHABAKAD ARGAGIXISO OO GAALKACYO DHINACYADEEDA KA HOWL GELI JIRTAY

Garsoor (Mogadishu) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Qeybteeda 21-aad ee Galmudug ayaa Xukuno kala duwan ku riday Shabakad argagixiso oo Dilal qorshaysan iyo qaraxyo ka geystay Magaaladda Gaalkacyo.

Anas Cabduqaadir Cali oo magaciisa afgarashada uu yahay Salmaan iyo Aadan Mursal Maxamed oo magaaladda Gaalkacyo ku dilay Cilmi Cali Guuleed, Maxamed Jaamac Maxamed “Caga-biyood”, Cabdi Aadan Siyaad Cabdi dheere ayey Maxkamadu ku xukuntay Dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuumiinta kor ku xusan.

Ibraahim Madeey Macalin Cabdullaahi oo loo diyaarinayey inuu isku Qarxiyo Xerada Ciidanka Danab ee magaaladda Gaalkacyo  ayaa lagu xukumay 15 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Maxamed Cabdi Yuusuf Hiraabe oo khawaarijta u ahaa Keyd haye iyo Cabdi Jaliil Axmed Shire Raage oo isna qaabilsanaa Daabulidda iyo kala gudbinta xubnaha argagixisada, ayaa labaduba waxaa lagu xukumay min 10 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Maxamed Maxamuud Maxamed “ Beylood” ayey Maxkamadda sii deysay kadib markii lagu waayey eedii lagu soo oogay, waxaa sidaas waraahinta u sheegay guddoomiyaha Maxkamadda Darjada koowaad qayta kow iyo labaatanaad Gaashaanle Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan.

 

 

Anas Cabduqaadir Cali & Aadan Mursal Maxamed - Dil
Anas Cabduqaadir Cali & Aadan Mursal Maxamed – Dil

 

Ibraahim Madeey Macalin Cabdullaahi - 15 sano xukun
Ibraahim Madeey Macalin Cabdullaahi – 15 sano xukun
Maxamed Cabdi Yuusuf Hiraabe & Cabdi Jaliil Axmed Shire Raage - 10 sano xabsi ah
Maxamed Cabdi Yuusuf Hiraabe & Cabdi Jaliil Axmed Shire Raage – 10 sano xabsi ah
Maxamed Maxamuud Maxamed “ Beylood” – xor

ABDULKADIR ISSE OO TABABAR SIIYAY WARIYAYAAL…

Garsoor (Mogadishu)-  Agaasimaha Xeriirka Dadweynaha ee Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida mudane Abdulkadir Isse ayaa tababar u furay wariyayaal loo shaqaaleysiiyay in ay warbixinno ka soo diyaariyaan sida uu u shaqeeyo garsoorka Soomaaliya, wariyayaasha ayaa laga soo xulay maamul gobaleedyada Dalka ka jiro sida Galmudug, Puntlanad, Jubbaland, South West iyo Hirshabeelle.

Wariyayaasha oo ku tababaranayay howlka dacwad qaadista Maxkamadaha dalka ee degmada Xamarwayne ayaa loo diyaariyay sida ay Garsoorka ula howl geli lahaayeen.

Abdulkadri Isse ayaa Garsoorka dalka si gaar ah warbixinno uga soo diyaarinayay 10-kii sana ee tagtay, waxa uuna warbaahinta ku soo dhex jiray 15-kii sana ina dhaafay.

wariyayaasha fursadan helay ayaa u mahad celiyay Agaasimaha Xeriirka Dadweynaha Mudane Abdulkadir Iss

Xukunka Shabaab ku waday RBG Bajaaj iyo Hub kale…

Garsoor (Mogadishu) – Maxamed Farxan Bashiir Khamiis ayaa Khawaarijta Alshabaab kaga biiray Xamar bishii Lixaad ee 2022, waxaana ku tashkiiliyay saxiibkiis, waxa uu tababar sadax maalin socday ku soo qaatay degmada Kuntuwaareey waxaana la soo baray isticmaalka Hubka sida AK47, RBG, Bastoolad iyo Bambo F1.

Maxamed Farxaan ayaa horjoogihiisii amar ku siiyay in uu ku soo laabto Xamar, ka dibna waxaa lagu xiray haweeney lagu magacaabo Faaisa Cali Maxamed waxa ayna u iibisay Mooto Bajaaj celis ah oo laga siiyay lacag dhan 2550$, Maxamed ayaa Mudo 5 bilood ah mushaar ahaan u qaadan jiray 80$ bishii.

Maxamed ayaa xaafadda Macaani ee duleedka Muqdisho ka soo qaaday qori Ak47 ah iyo rasaastiisa oo ay u soo dhiibtay haweeneey, waxa uuna ku wareejiyay marwo kale oo joogatay Suuqa Xoolaha.

Markale ayuu 2 qori Ak47 ah iyo RBG kaso qaaday darbiga COCA-COLA ee Dagmada Yaqshiid , waxa uuna geeyay Meel u dhaw saldhiga Dagmada Kaaraan, waxa halkaas ugu yimid Laba nin ka dibna waxa ay bilaabeen in ay la dagaan hubkii saarnaa mootada si ay u rakibtaan.

Inta ay shaqadaas wadeen ayaa waxaa ka fakaday hal baalooto oo Saban ah waxaa halkaas ku geeriyooday mid ka mid ah maleeshiyada halka midkii kalan uu ku baxsaday gacanta ciidamada, ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay Maxamed Farxaan oo isna baxsad ahaa Sideed iyo tobankii bishii December 2022.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiska Maxamed Farxaan, waxaana laga ogolaaday Sagaal iyo tobankii March ee sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbeyn maanta Go’aan ka soo saaray kiiska Maxamed Farxaan Bashiir Khamiis, waxa ayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.

 

Xukunka Bamba tuure laga qabtay Ex Control…..

Garsoor (Mogadishu) – Sharma’arke Yuusuf Daa’uud ayaa loo soo xiray ka mid ahaashiyaha Khawaarijta Alshabaab, waxa uu u qaabilsanaa fulinta Dilalka qorsheysan iyo Bambo tuurka, waxaana la soo qabtay isaga oo Bom-gacmeed ku tuurayo koolba waardiyaha taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee Ex-Kontarol Afgooye.

Sharma’arke ayaa maleeshiyada ku biiray 2022 waxaana ku tashkiiliyay Saaxiibkiis, Waxa uuna tagay tuulada Ugunji oo uu sadax cisho ku soo qaatay sida loo tuuro Bambo gacmeedka iyo isticmaalkeeda, kadib ayuuna ku soo laabtay deeganka Weydow ee duleedka Muqdisho.

Waxa uu qayb ka ahaa Dilal ka dhacay Degmada Kaxda, waxa ay wada geesteen isaga iyo laba kale, waxa uu Bambooyin ku tuuray ciidamo ku kala sugnaa Suuqa-Weyn ee Wadajir, Seybiyaano iyo tan hadda lagu soo qabtay oo uu ku tuurayay Taliska Ciidan Astuubta ee Ex-Koontarol Afgooye.

Eedeysanaha Waxaa gacanta ku soo dhigay askar ka tirsan Ciidanka Asluubta oo goobta ku sugnaa, sidaas ayaana lagu qabtay isaga iyo Bambkii uu watay kow iyo labaatankii December 2022.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa Maxkamadda ka codsaday qaadista kiiska Sharmaarke, waxaana laga ogolaaday kow iyo tobankii March ee sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda ciidamada oo siiyay muddo ku filan dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta go’aan ka soo saaray Galka Sharma’arke Yuusuf Daa’uud Aadan, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Xukunka Cali oo Alshabaab u qaabilsanaa diiwaan galinta iyo sahminta ganacsiyada….

Garsoor (Mogadishu) – Cali Abuukar Jimcaale Rooble, ayaa loo soo xiray sadaxdii November ee sanadkii hore ka mid ahaanshaha Khawaarijta Alshabaab, waxa uu u qaabilsanaa qaybta Amniyaadka.

Cali Abuukar Jimcaalle Rooble, waxa ay reerkiisa u safriyeen South Africa 2010-kii Sanad kedib markii uu ku biiray Argagixisada.

Todoba sano oo la islahaa waxa uu ka xuroobay fikirka Khawaarijta ma dhicin balse waxa uu ka soo degay Muqdisho dabayaaqadii 2017 isaga oo xambaarsan isla fikirkii guracnaa ee kooxda.

Waxa ay Argagixisada u wakiilatay Cali diiwaan gelinta ganacsiyada cusub iyo sahmintooda, waxa uuna mushaar ahaan u heli jiray 50 ilaa 100 dollar bishiiba.

Markale ayay Argagixisada ku celisay tababar lagu barayo isticmaalka hubka, waxaana lagu ogaaday baaritaanka hay’adaha Amniga in maalmo uu la qaatay Cali jabhad hareeraha Jilib-Marko ku dhuumaalaysato.

Dalabka xeer ilaalinta ee ahaa maxkamad qaadista Cali Abuukar Jimcaalle ayuu garsoorka Ogolaaday afartii March sanadkan.

Garsoorka ayaa waqti ku filan siiyay dhinacyada Dacwadda, waxa ayna habraacii maxkamadeed kedib ku xukuntay Cali Abuukar Jimcaalle Rooble Sideed Sano oo Xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo heerka Koowaad ee maxkamadda ciidamada ka tirsan.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Xukunka Taliye Xigeenkii Hangashta ee sababta geerida u noqday Aadan Gaarac.

Garsoor (Mogadishu)-  Gashaanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble oo ahaa baare ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa dil ka dhashay biyo hafin u geystay Aadan Gaarac Habarwaa 23-kii bishii labaad ee sanadkan, dilka ayaana dhacay intii lagu gudi jiray baarista kiisas argagixiso oo ay ugu horeysay maleegidda Qaraxii lagu dilay Taliyahii Ururka 28 aad ee ciidanka xoogga dalka .

26-kii isla bisha labaad ee sanadkan ayey maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida dhageysatay kiiskan .

Xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in eedeysanaha uu baarayay Alshabaab isla markaana uu hayay waajib shaqo Qaran, sidaas darteed Maxkamadda ayuu waydiistay in la saaro bixinta magta taliska xoogga dalka.

Qareenka eedeysanaha ayaa isna Garsoorka waydiistay in lagu xukumo eedysanaha Diya adag.

Ugu dambayn maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay14-ka bisha Maarso ee sanadkan  2023 ayay  maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka Sida ku xukuntay Gaashaanle Cabdullaahi Maxamed Cosoble  Diya adag  oo ah Qisaasta Marxuum Aadan Gaarac Habarwaa iyo Shan sano oo Xabsi Ciidan ah sida uu warbaainta u sheegay Gaasaanle Sare Xasan Cali Nuur Suute, guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Xukunsanaha ayaa haysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

 

Xukunka Ayuub oo mar isku soo dhiibay Dowladda ka dibna ku laabtay Maleeshiyada Alshabaab……

Garsoor (Mogadishu)-  Ayuub Cismaan Sheekh Aadan Isxaaq oo ah 24-jir ku dhashay Janaale Shabeellada Hoose ayaa loo soo xiray ka mid ahaan shiyaha Kooxda Argagaxisada ah ee Al Shabaab, waxa uu qaabilsanaa qaybta tuurista Bambooyinka.

Ayuub ayaa horay isugu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya isaga oo soo maray xarunta dhaqan celinta Kuwa ka haray Fikirka kooxda, markii uu dhamaystay habraacyadii dhaqan celinta ayaa laga fasaxay xarunta oo uu Sanad ku jiray, waxa uu Markale dib ugu laabtay Alshabaab bishii November 2022, mushaar ahaaan ayuu u qaadan jiray 30$.

Ayuub ayaa ku soo bartay Bamba tuurista tuulada Siigaale ee Janaale, shaqadii ugu horeysay wuxuu Bombo F1 ku tuuray ciidan roondo ku jiray Janaale, wax qasaara ahna ma geysan, ciidka ayaa daba galay kadibna soo qabtay.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiska Ayuub Cismaan Sheekh Aadan, waxaana laga ogolaaday 28- February-2023.

Maxkamadda ayaa ugu danbayn maanta Go’aan ka soo saartay Ayuub Cismaan Sheekh Aadan Isxaaq, waxa ayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.

Xukunka Kiis ka billowday muran Qoys

Garsoor (Mogadishu)- Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed ayaa October 19-keedii u baxay dilka Marxuum Yusuf Cabdi Axmed oo ahaa Beeraley lagu dilay Number 50 beertiisa xilli habeen ah.

Muuse iyo Cumar ayaa ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxa ayna marxuumka dilkiisa ka hor ka qaateen  $17,300 oo dollarka maraykanka ah.

Cali Cumar Axmed
Cali Cumar Axmed

Cali Cumar oo marxuumka aabihiis mar qabi jiray hooyadiis ayaa aaminsan in ay dhaxal wada leeyihiin, waxaana hore u jiray muran u dhexeeyay Cali iyo Marxuum Yusuf.

Muuse Cali Nuur Axmed
Muuse Cali Nuur Axmed

Muuse Cali Nuur oo hore abaal marin ugu helay dilka khawaarij uu si gaar ah u u gaarsaday ayuu isticmaalay Cali Cumar oo qorshaha lahaa, waxaana wadihii mootada geeyay Beerta iyo rag kale oo marxuumka u ahaa shaqaale ay qaraaba hoose yihiin Maxkamadda ka sheegeen 15-kii bishan February in dilka ay wada gaysteen Muuse iyo Cumar.

Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada kuwada xukuntay Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed Dil toogasha ah oo ah Qisaasta marxuum Yusuf Cabdi Axmed, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalaka sida.

Tababare Ciidan oo loo xukumay la Shaqaynta Argagixisada….

Garsoor (Mogadishu)- Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal oo ah 63 jir ah ku dhashay Baydhaba ayaa loo soo xiray in uu ka tirsanyahy Khawaarijta Alshabaab Qeybta Amniyaadka una qaabilsanaa bixinta xogaha Ciidanka Xooga Dalka, waxaana laga soo qabtay gudaha Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

Waxa uu sheegtay darajada Gaashaanle Sare laakiin dowladdii Madaxweyne Farmaajo xilligii diiwaan gelinta Ciidamada ayaa loo helay xidig sax ah, waxaana Cadaatay in inta kale uu iska saartay.

Caradii uu ka qaaday kedib waxa uu la xertay Alshabaab, waxaana hay’adaha barista Amniga iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Ogaadeen In Xidigle CabdiCasiis Xuseen Nuur Musral yahay sarkaal xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga la wadaago Alshabaab.

Habraacca Go’aan ka gaarista iyo dhamaystirka dacwad qaadistiisa ayaa soo socotay ilaa January 22 Keedii Sanadkan.

Maxkamadda ayaa ugu danbeyn maanta Go’aan ka soo saartay Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal, waxa ayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.