Caadeystayaal ka tirsan Alshabaab oo la xukumay

Muqdisho (Garsoor)- Abuukar Cabdi  Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali ayaa lagu eedeeyay in ay kawada tirsanyihiin maleeshiyada Alshabaab, sidoo kale ay kawada tirsan-yihiin Koox gaar ah  oo ay ula baxeen (jugta Culus)  taas oo  loogu tala galay in ay ku weeraraan fariisimaha Ciidama amniga ay ku leeyihiin hareeraha Muqdisho.

Abuukar Cabdi Abiikar (Fanax) oo eedeysanahaa koowaad ayaa ku biiray maleeshiyada Alshabaab 2008, Eedeysanaha ayaa tababar ku soo qaatay degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, balse reerkiisa oo aan ku qanacsaneen fikirka  gurracan ee kooxdaas ayaa ula cararay Nairobi oo uu la deganaa walaashiis hasa ahaate waxa uu go’aansaday in uu ku soo laabto Soomaaliya isaga oo aan ka bixin fikirkii kooxda Alshabaab.

Baar ismaaciil degmada Afgo’e ee gobalka Shabeelaha Hoose ayay Ciidamada Amniga ka soo qabteen, waxaana xilligaas loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada oo shan-sano oo xabsi ciidan ah ku riday balse 2016 oo uu dhammaday xukunka ayuu markale sii waday qorshihiisa Alshabaabnimo, waxaana ciidamada Amniga ka soo qabteen xaafada Carafaad degmada Yaaqshid markale  isaga iyo koox kale oo  xilligan ay kuwada jiraan gacanta dowladda iyagoo xukunsan.

Cabdirisaaq  Shaahid Aadan Kheyrdoon (Cagta) waxa uu  sheegay Alshabaab in uu kaga  biiray Ceelasha biyaha 2008,  ka hor waxa uu ka tirsanaa xizbulislaam, waxaa laga qabtay 2013 agagaarka soona (k) xilligaas ayay ciidamada baarista u soo gudbiyeen Xafiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida,  shan sano xabsi ciidan ah ayay  ku xukuntay Maxkamadda Ciidadamada Qalabka Side, 2017 bishii labaad ayuu dhameystay Xukunkiisa balse Markale ayuu go’aansaday in uu kasii mid ahaado Alshabaab, waxaana lala qabtay Eedeysanayaasha kale ee iyana la xukumay.

Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed 2009 ayuu ku biiray Alshabaab, waxa uu soo dhameystay laba sano oo xabsi ciidan ah, intaas kedib waxa uu  u baxay  Sacuud Carabiya  uu  ku soo bartay Xirfadda Korontada balse mardambe uu soo laabtay ayuu halkiisa kasii waday shaqada kooxda Alshabaab oo ay  isku shabakad noqdeen eedeysanayaasha laga soo wada qabtay Xaafadda Carafaad degmada Yaaqshiid ee gobalka Benaadir.

Hey’adaha Baarista ayaa sidoo kale ku ogaaday In Saleebaan Muxsin uu  tababar marin habaabin ah ku soo qaatay deegaanka Goofgaduud ee gobalka Baay.

Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali oo iyana kawada tirsan Alshabaab ayaa uga duwan eedeysanayaasha kale in ay yihiin markii ugu horreysay oo ay wajahayaan cadaaladda, waxa ay ku sheegeen xiriirka ka dhexeeya mid xaafadeed oo ay wada ciyaari jireen kubadda cagte balse eedeysane kale oo iyaga lala qabtay ayay ku sheegeen in ay ku barteen farsameynta Korontada, waxaasa  Hey’adaha baarista oo isticmaalaya habka barista casriga ay heleen cadeymo  muujinaya  in xiriir ka dhexeeyo weliba ku qotomo mid aad u dhagar badan oo farsamooyin ku hoos qariyeen, farsamooyinkaas waxaa kamid ah magacyada Nambarada ku qoran oo ay kawada xiriir jireen sida jabra, simba, Caluuq iyo Cagta.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa cadeymadaha dambiyada oo qoraal ah iyo markaatiyaal horkeenay Makxamadda Ciidamada, waxaana Sidoo kale Maxkamadda dhageystay Qareenada Eedeysanayaasha oo iyagana ku dooday in loo naxariisto Maadaama Eedeysanayaasha ay ku qasabtay kamid ahaanshiyada kooxda dhaqaale xumo iyo Handadaad ay kala kulmeen kooxda.

Iyadoo ka ambaqaadeyso Nuxurka cadeymaha iyo difaaca qareenada ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Sideed (8)-sano oo xabsi Ciidan ah Seddaxda eedeysane ee markale ku biiray Kooxda Alshabaab Abuukar Cabdi  Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, halka labada eedeysane  ee kale , Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali  ay ku xukuntay min Shan (5)-sano oo xabsi Ciidan ah, Sida uu u sheegay Garsoor guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Eedeysanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaa Rafcaan hadii aysan ku qanacsaneen xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

Taliye  Saldhig  oo Musuq loo xiray.

Muqdisho (Garsoor)- Gaashaanle  Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen oo ahaa taliyaha    saldhiga Boliska degmada Wartanabadda iyo Alifle Cabdi Cumar Isaaq  Baaraha Dambiyada Saldhiga  iyo Kormeera Labaada Cabdifitaax Maxamuud Cabdi oo ka tirsana Ciidamada saldhiga  degmada  ayaa lagu soo eedeeyay in  ay qaateen lacag laauush ah.

Kowda bishan aynu ku jirno ayaa Ciidamada Amniga soo xireen Eedeysanayaal    Gaashaanle  Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen taliyaha saldhiga degmada Warta-nabadda , baaraha dambiyada saldhiga   Alifle Cabdi Cumar Isaaq  iyo Cabdifitaax Maxamuud Cabdi  oo ka tirsanaa ciidamada saldhiga ayaa  lala xiriirinayaa qaadasho lacag laaluush ah, waxaana markii ay soo xireen Ciidamada Amniga eedeysanayaasha  kadib ku soo wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida .

Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa markii ay soo gaartay eedda ka dhanka ah eedeysanayaasha, waxa ay   maalin kadib horgeeyeen Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xeer Ilaalinta ayaa weydiisatay garsoorayaasha in la xiro si’ ay u soo dhameystiraan  cadeymaha eedda loo heysto  Gaashaanle  Dhaxe Cabdirisaaq Soomana Xuseen oo ahaa taliyaha  Boliska saldhiga  degmada Wartanabadda  iyo labada askari ee kala tirsanaa saldhiga degmada Warta-nabadda.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xabsiga dhigtay taliyihii Boliska Saldhiga  Warta-nabadda iyo laba askari oo kala tirsanaa saldhiga, waxa ayna fareen xafiiska xeer ilaalinta in ay soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanayaasha.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii loo soo afjari lahaa Musuqa, Maxkamadaha rayidka iyo tan ciidamada qalabka sida ayaa la horgeeyay eeddo lala xiriirinayo Musuq-maasuq waxa ayna Maxkamadaha xabsiyada dhigeen  eedeysanayaal loo heysto Laaluush iyo ku tagrifal awoodeed.

 Haweeney Al-shabaaabnimo loo xukumay.

Muqdisho (Garsoor)- Basra Maxamed Cali Warsame  ayaa 21/05, ee sanadkan   ciidamada amniga ka soo qabteen xaafadda Suuqa-xoolaha ee degmada Hilwaa, waxayna xilligaas ciidamada maniga helaan xog  sheegaysa  in haweeneyda ay u aheyd keyd haayaha hubka sida  Bistooladaha iyo Bam-booyinka maleeshiyada amniyaadka ee kooxda arga-gixisada ah ee Alshabaab.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa loo soo gudbiyay eed ka dhan ah eedeysanaha,   wixii xilligaas ka dambeeyay ayay xafiiska Xeer ilaalinta isku howleen  jiritanka eedda ka dhanka ah eedeysanaha, 15/07 ee sanadkan ayay soo gaba-gabeeyeen baaristooda,  waxaana ay weydiisteen garsoorayaasha  Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga  waqti qaadista eedda ka dhanka ah eedeysane Basra Maxamed Cali Warsame.

28/07 ee sanadkan ayay ogolaatay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida in loo fariisto eedda ka dhanka ah eedeysane Basra Maxamed Cali Warsame, waxaana ay dhageysteen  garsoorayaasha eedda ka dhanka ah Basra, waxaa sidoo kale fursad loo siiyay Qareenada difaacayay eedeysanaha in iyana soo bandhigeen sharciyada ay ku diidanaayeen eedda ka dhanka ah Basra Maxamed Cali Warsame.

Gaashaanle Dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow)  oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada ayaa xilligaas u sheegay dhinacyada dacwadda in dib la isugu soo noqon doono oo ay jirto fadhiya  kale xilligaas oo laga dalbaday xafiiska xeer ilaalinta in ay soo dhameystiraan cadeymaha eedeysanaha.

04/ bishan aynu  ku jirno ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkmadda, wax yaabaha dheeraadka oo ay xafiiska xeer ilaalinta  soo bandhigeen waxaa kamid ah In eedeysanaha ninkeeda oo lagu magacaabi jiray Liibaan Maxamed Cabdikariin (Liibaan Jaraaye) uu ahaa Alshabaab, sanad iyo bar ka horna uu ugu  dhintay qarax uu waday degmada Hilwaa, waxaa sidoo kale ay soo bandhigeen cadeymo kale oo muujinayo in wixii xilligaas ka dambeeyay nin lagu magacaabo khaalid uu ku qanciyay shaqada ay u heeysay kooxda Alshabaab.

Ugu dambeyn garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray iyagoo eegaya qiraalka eedeysanaha, ka war-celinta jawaabaha ay ku cadeysay garsooraka hortiisa, dhageysiga markaatiyaal uu kamid yahay baaraha kiiska in Maxkamadda Ciidamada Basra Maxamed Cali  Warsame  ay ku xukuntay Shan-sano oo xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhamman ka qeyb galayaasha Gaashaanle Dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow)  oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Darajada kooweed ee Ciidamada Qalabka Sida.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday laba horjooge oo Daacish ah (Dahgeyso)

Muqdisho (Garsoor)- Dhowr jeer oo fadhi ayay soo martay heerarka maxkamadeynta labadan horjooge ee ka tirsanaa maleeshiyada Daacish kuwooda  dhibka ka wado Soomaaliya.

Mahad Maxa’ud Cabdi Abuu-Yaasiin   oo ah eedeysanaha  1-aad ayaa loo heystaa in uu  ku mashquulsanaa aas-aasidda  koox daacish ah kuwaasi oo ka howl-geli lahaa Koonfurta Soomaaliya, waxa uu xilligaas khilaaf kala dhexeeyay ninka ugu sareeyo daacish kuwooda jooga Soomaaliya ee Cabduqaadir Muumin

Max’ed Daa’uud Daahir Warsame ( Dr raage) ayaa  loo heystay in uu ahaa Horjoogaha Caafimaadka, waxa uu sidoo kale ahaa u qaabilsanihii xagga soo uruurinta lacagaha ay dibadda ka helaan,  waxaa  si gaar ah eeddiisa loogu muujiyay sida uu ugu gamban jiray ka ganacsiga Daawooyinka ee markiisii hore ka bilowday  Suuqa Bakaaraha.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee  Ciidamada Qalabka Sida ayaa u akhriyey warbaahinta xukunka ay ka soo saareen labada horjooge ee ka tirsanaa maleeshiyada Daacish

Eedeysanaha 1-aad ee la xukumay ayaa isaga heysta dhallasha Ruushka,  magaca Abuu-Yaasiin waa wiil ay u dhashay gabar Church Nia, waxa uu sidoo kale qeyb ka mid ah noloshiisa ku soo qaatay waddanka Syria, halka Dr Raage uu ahaa madaxa caafimaadka, waxa uu sidoo kale qeyb kamid ah noloshiisa ku soo qaatay Dalka Koonfur Africa iyo ka  mid ahaanshiyaha Malleeshiyada Al-Shabaab.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA DARAJADA KOOWEED EE CIIDAMADA QALABKA SIDA.

 

 

Filim-qaadihii Daacish oo ay Maxkamadda Ciidamada Xukuntay..

Muqdisho (Garsoor)- Jaamac Xuseen Xasan Nuuni oo ahaa Filim-qaadihii kooxda Daacishta Soomaaliya qala-laasaha ka waddo, sidoo kala  ahaa  mid ka mid ah kuwooda u qaabilsan kooxda qaraxyada ay  ku dhibaateeyaan  shacabka ku dhaqan goballada shabeelaha-Hoose  iyo Benaadir ayaa  maxkamadda darajada 1-aad go’aan ka soo saartay.

Maxkamadda ayaa  u cuskatay xukunkeeda qodobo  kale duwan sida Qiraalka Eedeysanaha,  Caddeymaha laga qoray markaatiyaasha, Kaamiro video uu watay eedeysanaha oo ay kuu duubnaayeen muuqaallo muujinayo ficilada kooxda, Batari, Fiilooyin iyo agab kale oo loo isticmaallo farsamada qaraxyada.

Caddeymaha muuqaal laga duubay Qarax uu aasay eedeysanaha  inta aysan qarxin ciidamada amniga ka hor , codsiga qareenada u doodayay eedeysanaha ee aheyd in loo naxariisto maadaama markii ugu horreysay ee aheyd ee uu geysto ficil nuucaas ah, waxa ay garsoorayaasha go’aamiyeen In jaamac Xuseen Xasan Nuuni uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo eedeeyay waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Xabsi daa’in”- Sida uu u sheegay warbaahinta  G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

Eedeysanah ayaa  ku biiray kooxda  Daacish  kadib markii ay is qabteen kooxda Al-shabaab uu horay uga tirsanaa, waxa uuna cel-celis ahaan ku soo qaatay kooxahaasi in ka badan 5-sano.

Goballada bari ee dhulka  Puntland gaar ahaan qandalla ayuu ka soo dagaalamay balse mar dambe oo ay kooxdu u soo wakiilatay dhibaateynta shacabka ku dhaqan Shabeelaha -Hoose iyo Benaadir ayaa  waxa isaga oo ku jira dhagridda shacabka weliba ku mashquulsan qarxinta miino ay ku aaseen wada-da dhinaceeda,     waxa ay ciidamada amniga ka soo qabteen halka loo yaqaano Bood-boodka  oo ah degmada Afgo’e ee gobalka shabeelaha hoose.

18-Eedeysane oo xabsi iyo ruqsad ay isugu dartay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Muqdisho (Garsoor)- Iyadoo tira dhowr jeer ah ay Maxkamadda Darajada, 1-aad u fariisatay eedda loo heysto 18-qof oo ka tirsan Guutada 14ka October ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xilli hore oo maanta ah ay Maxkamadda D, 1-aad go’aan ka soo saartay dacwadda ka dhanka ah eedeysanayaasha.

Dable Xoogga dalka:- Xuseen Baashi Cawad Canshuur, C/wali Ibraahim Max’d Xasan, Sharmarke Cabdi Max’d Nuur, Ismaaciil Saciid Muuse Xiir, C/wali Faarax Ismaaciil Max’ud, C/shakuur Max’d Xirsi Cali, Fatxi Aadan Cali Yuusuf, Jaaamac Cabdullahi Max’ud Cige, C/kaafi Max’d Diiriye Farweyne, Max’d Axm’d Dhalac Cabdi, C/nuur Cabdullaahi Max’d Cabdi, C/raxmaan Xirsi C/raxmaan Ciise, Daahir Max’ud Gurxan Cali, Ax’d Jaamac Siid Cali, Cabdi Xasan Max’ud jaamac, Jamaal Cabdi Jaamac Cilmi, Cali Max’d Abyan Cilmi iyo Yuusuf Saxardiid Yuusuf jaamac.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay 5-sano oo xabsi ciidan ah keddib markii ay ku cadaatay in si wada jir ah uga qeyb qaateen abaabullo qabyaaladeysan iyo kicinta shoobaro ciidanka dhexdiisa ah, waxa ayna si usku mid ah u diideen amarka taliyahooda oo uu wehliyo abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Sooomalaiyeed- sida uu u sheegay G/dhaxe Xasan Cabdiraxmaan Adan (Wabiyow) oo ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda Darajada 1-aad dhammaan dhinacyada ka qeyb galayay go’aanka Maxkamadda.

Eedeysanayaasha ayaa u doodayay 13-ka tirsan guutada 14-ka October oo horay loo ruqseeyay kuwaasi oo xilli ramadan ah isticmaalay Maandooriye markii hore ka mamnuuc ah ciidankan shuruudaha looga mid noqonayo.

Guutada 14-ka October ayaa ku yimid baaqa madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya keddib dhacdadii xasuuqa aheyd ee argagixisada ka geysteen isgoyska Ex, Soobe oo loogu magac daray 14-ka October, waxa ay guutadan ka mid tahay ciidamada sida gaarka ah ay dadka Soomaaliyeed ugu faani karaan.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida oo sii deysay sarkaal xigeen loo heystay dilka askari.

Muqdisho (Garsoor)-Ciidamamada Danabad oo ah kuwa si gaar ah u fuliyay howlgallada lagula dagaalamayo maleeshiyada Nabad-diidka ah ee Alshabaab ayaa iyaga oo fulinaya mid ka mid ah howlo qorsheysan oo ay ku raad joogaan hor jooge ka tirsan kooxda  Alshabaab, waxa ay la kulmeen Cali Cismaan Ibraahim (sankubaay) oo ka tirsan ciiamada Boliska Soomaaliyeed kedib markii ay gafeen u jeedka halka ay u socdeen.

Intaas kedib Isfahan waa soo kala dhex galay ayaa sababay in is rasaa-seyn dhex marto ciidamadii waday howlgallada qorsheysan iyo sarkaal xigeenkan ka tirsan Ciidamada Booliiska waxa ayna sababtay dhimashada  mid ka mid ah ciidamadii howlgallada waday iyo dhaawaca sarkaal xigeenkan ay maxkamadda sii deysay.

Arrintaas kedib ayaa xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida waxa soo gaaray kiiska la xiriira dhacdadan isgafka ku timid ee u dhaxeysay ciidamada, waxaana fadhiyo maxkamadeyd iyo dodo  dheer kedib horey Maxkamadda D, 1-aad  ugu xukuntay sarkaal xigeenkan in la siiyo xurriyadiisa isla markaana taliska Ciidanka xoogga dalka uu bixiyo magte askarigii ku dhintay isku dhacaasi.

Intaas kedib ayaa qareenka u dooday  askari geeriyooday  ehelkiisa waxa ay qaateen rafcaan iyagoo ku doodaya in aysan ku qanacsaneen xukunka Maxkamadda D, 1-aad eey horay u riday  taariikhdu markey aheyd 04.02.2018 .

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa aqbashay rafcaanka Maxkamadda D,1-aad laga soo qaatay, waxa ayna ugu dambeyn go’aaka ku gaareen Garsoorayaasha Maxkamadda Sare in taliska Ciidanka Xoogga dalka uu bixiyo

  • Diyada Marxuum,,,,
  • In la bixiyo 50-halaad oo geel ah oo ah Megta Isha sarkaal xigeenka iyo
  • 5-kun oo dollar oo lagu qiimeeyay bur-bur hantiyadeed iyo dhaawac jirka kale.

 

Sidoo kale Maxkamadda saree ee ciidamada qalabka side amar ku bixisay K/L Bol. 4225 Cali Cismaan Ibraahim (Sankubaayo) si deg-deg ah xabsiga looga siidaayo hadii uusan u xirneyn Dembi kale.

sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda ka qeyb galayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida S/guuto Liibaan Cali Yarow.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa ah meesha ugu dambeyso ee go’aan looga gaaro kiisaska horey ay u soo xukumeen Maxkamadda D, 1-aad.

 

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasha ah ku  xukuntay Sarkaal  dilay  Askari.

Muqdisho (Garsoor)-Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda Ciidamada hor keenay  dacwad ka dhan ah  Xidigle Xoogga Dalka Mowliid Cali Cabdi oo dil bareer ah u geystay Ex, Dable Axmed Nuur Xuseen oo ay ka wada tirsanaayeen Urur  ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigay Cadeymihii laga qoray eedeysanaha, warqadda dhimashada marxuumka ay qolyaha caafimaadka ku cadeeyeen dhimashada, qorigii lagu dilay iyo laba askari oo goob joog u ahaa falkaasi.

Intaas kedib ayaa waxaa doodda qaatay Qareenkii difaacayay eedeysanaha, waxa uuna maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha dambiga geystay uu difaacayay naftiisa isagoo qiil kaga dhigay in uu ka da’weynaa, balse ay ka xun yihiin wixii dhacay oo dil ah taa bedelkaadna ay diyaar la yihiin Diyada Marxuumka.

Garsoorayaasha Maxkamadda oo eegaya  Eedda Xeer Ilaalinta, Cadeymaha Warqadaha Dhimashada, Markaatiyaasha, Qorigii lagu dilay Marxuumka iyo Qiraalka uu ka hor cadeeyay Maxkamadda aya go’aan ku gaareen In Mowliid Cali Cabdi uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, waxa ayna Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Dil-Toogasha ah  oo ah Qisaasta Ex, Dable Axmed Nuur Xuseen iyadoo sidoo kale ka xayuubisay Darjadii Ciidan uu lahaa, Sida uu u sheegay Warbaahinta Garsoor G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Dambiilaha dil ka geystay waxaa u furan rafcaan oo u qaadan karo Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda.