Koox loo heysto Qaraxyada lagu aaso waddooyinka oo la xukumay

Muqdisho (Garsoor)- Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay si gaar u qaabilsanaayeen aasidda miinooyinka lagu qarxiyo gawaarida gaar ahaan deegnnada bariga ku teedsan ee Caasimadda.

Eedeysanayaasha koowaad iyo labaad ayaa si gaar ah loogu eedeeyay ilaa iyo sagaal miino oo ah nooca gacanta laga hago oo siyaaba kala duwan loola eegtay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM halka eedeysanaha Sedaxaad uu ahaa keyd hayaha agabka loo adeegsado qaraxyada isaga oo gambad ka dhigtay harqaan lagu talo maryaha duugga ah.

Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) ayaa laga soo qabtay xaafadda Suuqa-Xoolaha 29-ka bishii lixaad ee sanadkan, waxaana xooraansi dheer kadib u suura gashay ciidamada amniga in lixda bishii 7-aad gacanta u soo galo Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) oo ahaa key hayaha labada eedeysane ee hore.

August sideedii ayaa eeddooda lagu soo wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta waxa ayna xilligaas codsadeen in loo dhaadhiciyo xabsiga dhexe si’ay u dhamaystiraan howshooda baariseed ee la xiriirta dambiyada ay u xiranyihiin, waxaana xilligaasi garsoorayaasha Maxkamadda darajada koowaad u direen xabsiga dhexe garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa 12-ka bishii tagtay codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysanayaasha kala ah Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) , waxa ay dhammaantood kusoo eedeyeen la shaqeynta Alshabaab iyo in ay si gaar ah ugu diyaarsanaayeen dhigidda miinooyinka gacanta laga hago, Xafiiska ayaa Maxkamadda horkeenay Qiraallo laga qoray labada eedeysane, laba markaati iyo baarihii kiiska oo isna Maxkamadda ka hor sheegay natiijada barista hey’adaha Amniga.

Intii ay maxkamadda socotay ayaa loo ogolaaday eedeysanayaasha in ay ka jawaab celiyaan eedaha ay soo diyaariyeen xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side ee sida gaarka ah loola Xiriirinayo.

Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey) oo ah eedeysanaha koowaad ayaa sheegay in hadda ka hor uu soo galay gacanta ciidamada Amniga isagoo xilligaasi tababar la xiriira sida loogu dhagro miinada gawaarida ku soo qaatay gobalka Shabeellada Dhexe, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in uu Alshabaab ku biiray September 2016.

Cali Maxamuud Cali (Buneyste) ayaa isna Garsoorka u sheegay in uu Alshabaab ku biiray 2017, waxa uu sheegay in uu ka qeyb qaatay weeraro qaraxya miinada dhulka lagu aasa ah isaga iyo eedeysanaha koowaad, waxa uuna intaas ku daray in eedeysanaha sedaxaad uu ahaa meel ay sii dhigtaan agabka qaraxyada ah iyo aaladaha kale ee lagu hago (Remote control) hasa ahaate eedeysanaha sedaxaad ayaa iska diiday in wax lug ah uu ku lahaa dhammaan eedaha loo jeediyay.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada ay kusoo eedeeyeen 3-da eedaysane.

Abuukatayaasha u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda weydiistay in la siiyo xurriyadooda maadaama aysan samayn wax howlgal ah oo guulaystay marka laga soo tago In Alshabaab ay xilliya kala duwan ku biireen balse markii dambe ay iska noqdeen gurya jog, waxa ay si gaar ah Maxkamadda u weydiisteen in eedeysanaha Sedaxaad xurriyadiisa la siiyo.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) lagu wada xukumo min 15-sano oo xabsi ciidan ah, halka Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) ay Maxkamadda amartay in lagu xukumo 5-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Sedaxda xukunsane ayaa heysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo la siman 30-cisho xukunka kadib.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun kasoo saartay Cumar Cabduqaadir….

Muqdisho (Garsoor)- Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa loo heystaa dillka Allaha Unaxariiste Ex. Dalbe Boliis Jamaal  Abuukar Jiinow oo uu ku dilay degmada Waabari 22-kii March ee Sanadkan kadib markii uu ka hor istaagay dhac uu u geysanayay mid kamid ah rayidka ku dhaqan degmada Waabari.

Baaritaanka Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen ayaa qaatay waqti dheer maadaama xilliga uu dhacca geysanayay ay aheyd xilli dambe oo habeen ah, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta usoo gudubtay Eedda eedeysanaha  20-kii July Sanadkan.

Xilligaaas ayuu Codsaday Xafiiska In loo gudbiyo Eedeysanaha Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

Xafiiska oo wixii xilligaas ka dambeeyay isku howlay aruurinta Xogta la xiriirta sida ay wax u dhaceen ayaa  ugu dambeyn codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda Sedaxda bishii ina dhaaftay ee September.

24-kii September ayaa loo ballamay fadhiga Maxkamadda waxaana ugu horreynba  loo jeediyaya eedeysane Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen eed ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalab Sida, waxaana eedeysanaha la weydiiyay jiritaanka eedaha ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa fursad loo siiyaya   soo bandhigidda Cadeymaha la xiriira Qodobada ay kusoo eedeeyeen oo ka koobnaa Dil iyo Dhac.

Laba Xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeen Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor aqriyay Qiraalka eedeysanaha uu ka qoray Garsoorka Ciidamada Qalabka  Sida kaas oo  uu eedeysanaha ku cadeystay in xilliya kala duwan uu  dhac ka geystay degmada  Waabari, waxa ay sidoo kale fadhiga Maxkamadda  xafiiska Xeer Ilaalinta horkeeneen Dhibane uu eedeysanaha ka qaatay Teleefoonkiisa gacanta.

Wax yaaba kale oo ay soo bandhigeen Xafiiska Xeer Ilaalinta waxaa kamid ah intii ay socotay dhageysiga dacwadda laba markaati oo iyagana ka marag kacay in Eedeysanaha uu xabado ku furay Ilaaladii Boliiska iyo dhibanaha taasi oo ugu dambeyn sababtay Geerida Ex. Dalbe Boliis Jamaal  Abuukar Jiinow.

Cadeymaha kale ee la horkeenay Maxkamadda waxaa kamid ah Qorigii uu dhacca ku  geystay oo nuuciisu ahaa AK-47, Sawirka Marxuumka iyo Warqadda dhakhtarka ee cadeynta Dhimashada.

Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab u dhiganta Qodobada ay kusoo eedeeyeen maadaama eedeysanaha uu caadeystay dhacca dadweynaha iyo u bareeridda in uu nolosha dhaafiyo mid kamid ah ciidamada loogu tala galay in ay ilaaliyaan xuquuqda Shacabka.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in  Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur Xuseen uu  iska difaacayay xabado ay kusoo rideen Ciidamada Boliiska, Sidoo kale uusan ku tala gelin dilka Marxuumka, waxa ayna Garsoorayaasha weydiisteen in laga qaado diyo.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan kasoo saartay Eedda loo heysto Dable Xoogga Dalka Cumar Cabduqaadir Sheikh Nuur  Xuseen waxa ayna ku xukuntay diltoogasha ah oo ah qisaasta Ex Dable Boliis  Jamal Abuukar Jiinow sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku eg 30-cisho xukunka Kadib.

Askari dilay Seddax walaalo ah oo la Xukumay

Muqdisho (Garsoor)- Todobadii June  sanadkan ayaa lasoo xiray  dable xoogga  Xaashi Cali Maxamuud oo loo heysto dilka  Xasan Axmed Abuukar,  Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar  oo ahaa walaalo, dilkaas oo  dhacay degmada Kaaraan  gaar ahaan Gumarey, kasoo hor jeedka xarunta xirta xaaji Daa’uud Taariikhdu markay aheyd  17-ka bishii lixaad 2018.

Xilligaas ayuu isaga baxsaday goobta uu dilka ka geystay Eedeysanaha, waxa ayna ciidamada amniga ku qaadatay soo qabashadiisa sanad iyo dhowr cisho.

15-ka bishii todobaad ee  sanadkan ayay ku soo wareegtay xafiiska xeer ilaalinta eedda eedeysanaha,  waxaana xilligaas  ay garsoorka weydiisteen in loo gudbiyo xabsiga dhexe garsuga ahaan.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa isku howlay baarista kiiska uu eedeysanaha ka yahay Dable Xoogga Xaashi Cali Maxamuud, baaritaan dheer kadib waxa ay codsadeen in la muddeeyo dhageyiga dacwad qaadista.

26-ka bishii tagtay ayaa  la isugu yimid fadhigii  koowaad ee dhageysiga dacwadda, waxa ay xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda ka hor sheegeen in uu jiray muran dhuleed oo ay sababsadeen Marxuumiinta balse garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lala yimaado cadeymo intaas kabadan.

Markale ayaa loo ballamay dhageysiga dacwadda eedeysane Dable xoogga Xaashi Cali Maxamuud labadii bishan, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta la yimaadeen cadeyma dheeri ah oo ay kamid yihiin Muwaadiniin ka shaqeynayay geerashka ay mashaqada ka dhacday kuwaasi oo ku marag furay eedeysanaha sheegashadiisa ah in muran dhuleed kala dhaxeeyay marxuumiinta aysan waxba ka jirin, sawirka marxuumiinta, warqadda cadeynta dhimashada iyo baarihii kiiska.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa  ku dooday in eedeysanaha uu nolosha u aqoonsaday isaga oo miir qaba sedax walaalo ah oo midkoodna aan hubeysneen, waxa uu sidoo kale eedeysanaha u baxay dilka marxuumiinta uu uga safray Afisiyooni  degmada Waabari isaga oo ugu tagay cirifka looga baxo magaalada (degmada Kaaraan), wax yaabaha kale ee cajiibka ah oo ay markaatiyaasha ka marag fureen waxaa kamid ah in mid kamid ah Marxuumiinta oo dhaawac  ahaan u baxsaday fogaan uu dhameystiray Eedeysanaha, Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan ayaa sidoo kale iibsaday hantidii dowladda ku aamintay isaga oo muddo gambad ka ahaa hey’adaha amniga ee ku raad joogay.

Qareenka Eedeysanaha ayaa codsaday in ay bixiyaan magta Marxuumka maadaama eedeysanaha ay  reer wadaag ahaayeen Marxuumiinta.

Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in dil lagu xukum Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar,  Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar  oo ahaa walaalo sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku’eg Sodon cisha xukunka kadib.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku riday askari dilay Arday

Muqdisho (Garsoor)- 26 july sanadkan ayuu dable Boliis  Baashi Mustaf Cumar Dhaqane ku dilay Allaha Unaxariiiste Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud  degmada Xamarjajab ee gobalka Banaadir.

Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud oo   ahaa arday dhiganayay  School ayaa marayay meel aan ka fogeyn Ceelgaabta xilli fiid hore ah, waxaana dil u geystay Dable Boliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane oo ay sheegeen markaatiyaal la socday Marxuumka in uu soo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya Askariga dilka geystay.

Isla xilligii  uu geystay dilka ayay Ciidamada amniga xireen,  waxa uuna saldhiga Boliiska Xamarjajab ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta oo ah goobta laga dhaqaajiyo gal dacwadeedka.

Maalin kadib ayay Garsoorayaasha u direen xabsiga dhexe Eedeysanaha garsuge ahaan.

19 bishii tagtay ayay codsadeen xafiiska xeer ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga dacwadda Baashi Mustaf Cumar Dhaqane, 26 bishii sideedaad ayay ballamisay maxkamadda darajada koowaad dhageysiga dacwad ka dhan Baashi Mustaf Cumar Dhaqane.

Xafiiska Xeerilaalinta ayaa Maxkamadda horkeenay  Laba markaati, baarihii kiiska, sawirka marxuumka,  warqadda cadeynta dhimashada ee dhakhtarka iyo Qorigii uu dilka ku geystay oo nuuciisu ahaa AK47.

Markaatiyaasha Maxkamadda hortaagnaa oo laba ahaa ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in askariga dilka geystay uu umuuqday mid isticmaalay wax yaabaha Maanka-dooriya, waxa uu sidoo kale midkood uu sheegay in Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud uu ku dhawaaqay ha idilin, waxaa nolosha ka leeyahay hammi sare balse nasiib xumo uu toogtay Baashi Mustaf Cumar Dhaqane.

Laba xidigle ismaaciil Salaad Maxamed  oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa ku dooday in Eedeysanaha Maxkamadda hortaagan uu ku xadgudbay sharafka ciidanka iyo ilaalinta muwaadinka waxa uu ka codsaday maxkamadda in lagu xukumo diltoogasha ah.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa maxkamadda weydiistay in loo naxariiisto maadaama uu ahaa qof aan  miirkiisa joogin.

Ugu dambeyn maanta ayay Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida kasoo saartay go’aan waxaana ay maxkamadda ku xukuntay diltoogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud,  sida uu u sheegay warbaahinta Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Go’aanka Maxkamadda ayaa ka furan rafcaan muddo la siman bil xukunka kadib.

Burcad ku dhici jiray dadweynaha Shaatiga Ciidamada Amniga oo la xukmay.

Muqdisho (Garsoor)– Dable Axmed Maxamed Xuseen oo katirsan Ciidamada Amniga gaar ahaan Boliska ayaa siyaaba kala duwan dhac ugu geystay  dad rayid ah oo uu u galay waddada xilliya kala duwan qeyba kamid ah degmada Kaaraan gaar ahaan Xaafadda Jamhuuriya.

March Tobankeedii   Sanadkan ayay Ciidamada amniga kasoo qabteen Xaafadda Jamhuuriye xilligaasi oo uu gacmaha kula jiray dhac uu u geysanayay  qaar kamid ah bulshada ku dhaqan xaafadaasi.

Todoba qof oo dhibana u ah ayaa iska diiwaan geliyay  galka cabashada Ciidamada Amniga ee degmada Kaaraan kuwaasi oo ka cabanayay dhac uu u geystay Dable Boliis Axmed Maxamed Xuseen.

$604 agab Teleefoona ah oo kala duwan lacag u dhiganta ayuu qaatay iyo  malyan iyo Shan boqol oo  Shilin Soomaali ah.

12-bishii sedaxaad ayaa loo soo wareejiyay kiiskiisa xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida, wixii xilligaasi ka dambeeyay Garsoorka Ciidamada  ayaa u diray xabsiga dhexe  si loo soo dhameystiro Cadeymaha kiiska eedeysanaha.

Sedaxda  bishii  tagtay ayay xafiiska xeer ilaalinta codsadeen in la horgeeyo Maxkamadda, lix cisha kadib ayay Maxkamadda ballamisay eedeysanaha maxkamadeyntiisa.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa horkeenay Maxkamadda ilaa todoba dhibane oo dhammaan dacwad ka ah eedeysanaha oo siyaaba kala duwan uga qaatay teleefanadooda isaga oo ku labisan dareeska ciidamada amaniga, waxa ay sidoo kale  horkeeneen Maxkamadda qorigii uu dhacca ku  geysan jiray eedeysanaha iyo Qiraalkiisa.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka side ayaa ku dooday in eedeysanaha uu caadeystay jidgooyo oo uu ku dhaco dadka isaga kala goosha qeyba kamid ah degmada kaaraan gaar ahaan Jamhuuriya.

Waxa uu Sidoo kale ku dooday Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada in Eedeysanaha uu beegsan jiray dadka xilliyada dambe Shaqeeyo gaar ahaan kuwa ka shaqeeyo Gowraca Xoolaha.

Qareenada u dooday Eedeysane Dable Axmed Maxamed Xuseen ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in loo naxariisto oo loo eego sifaalaha dambiga fududeeya.

Maxkamadda ayaa kiiskan go’aamisay in aan fadhi  kaliye ku filneyn, waxaa la isugu soo noqoday laba fadhi oo kale 16 iyo 23-ka bishii na dhaaftay ayaa markale la dhageystay Kiiskan.

Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada Go’aan kasoo saartay Eedeysane  Dable Axmed Maxamed Xuseen oo katirsan Ciidamada Amniga, waxa ayna Maxkamadda Ku xukuntay Sideed Sano (8) oo Xabsi Ciidan ah sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad waxaa ka furan Rafcaan hadii  aysan ku qancin dhinacyada dacwadda.

LABA KA TIRSAN MALEESHIYADA DAACISH OO LA XUKUMAY

 Muqdisho (Garsoor)-Xuseen Cali Maxamed Muudey oo magiciisa afarashadu yahay  Suheyb iyo Cabduqaadir Xaafid Xaaji Cali  oo magiciisa afgarashadu yahay Qudaama ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha maleeshiyada  Daacish.

Labada eedeysane ayaa mar kawada tirsanaa maleeshiyada argagixisada Al-shabaab, waxa ayna  sii doorteen in ay ku biireen kooxda daacish oo ay  sheegeen in ay jireen sababo ku riixayay ku biiristooda kuwaasi oo ku qatoma dana shaqsi sida  aar-gudasho iyo hanti.

Eedeysanaha  koowaad  ayaa sheegay in uu ku biiray kooxda Alshabaab 2014, waxa uu kaga biiray tuulada lagu magacaabo Moordiinle, waxa uu sheegay  in uu ku tashkiiliyay nin uu sheegay in uu qabo gabar abtigii dhalay, waxa uu sheegay in dhowr cisho  loo taba-barayay isticmaalka hubka sida qoriga AK-47.

Intii uu Alshabaab katirsanaa ayaa maleeshiyada gowraceen adeerkiis, intaas kadib ayuu sheegay in ay maleesiyada daacish u soo bandhigeen kamid noqosho ururka, waxa uu sheegay in loo soo diro lacag uu safar ugu baxayo Gaalkacyo si’ halkaasi uu uga sii qaado mid kamid maleeshiyada daacish oo ujeedkiisu ahaa meel ay ku sheegeen buuraha Calmiskaat  oo maleeshiyada Daacish gabaad u ah.

Taba-bar kale oo dheeraad ah ayay maleeshiyada daacish sii-yeen, waxa uu ku sii bartay Ak-47, B.K.M iyo RPG.

Sida uu sheegay waxa uu Daacish kaga soo tegay markii ay dileen saaxiibbo badan oo ka yimid maleeshiyada Alshabaab kuwaasi uu sheegay in loo arkay in ay ka fikiri duwan-yihiin ayna sidoo kale u yihiin maleeshiyada basaa-siin.

Ciidamada amniga ayaa soo qabtay xilli  ay maleeshiyada u soo wakiilatay dhagridda dadka Soomaaliyeed.Eedeysanaha koowaad ayaa la soo xiray 14/11/2018.

Eedeysanaha labaad ayaa sidoo kale ahaa mid katirsan maleeshiyada Alshabaab,  waxa uu kaga biiray maleeshiyada Alshabaab tuulada moordiinle. 2014 horraanteedii, waxa uu sidoo kale ka shaqeeyay tuulooyin kale sida Janaale, Awdhiigle.

Muddo kadib ayuu ku biiray maleeshiyada Daacish 2016, waxa uu kaga biiray Weydow. Waxa uu u baxay dhulkan bari ee Boosaaso, waxa uu tababar ku qaata buuraha gobalka.

Intii uu daacish la joogo waxa uu  la baxay Daahir, waxa uu ka howlgalay Af-Urur sidoo kale meel lagu magacaabo Calmiskaat, Eedeysanaha labaad  ayaa la soo xiray 20/11/2018 isagoo u joogo Muqdisho  sidii uu u fulin lahaa amarrada horjoogayaasha Daacish.

 

Labada eedeysane ayaa isku aqoonsaday halka ay ka socotay baaristooda, waxa ay u sheegeen hey’adaha baarista in ay kawada tirsanaayeen maleeshiyada Daacish.

Ciidamada amniga ayaa u soo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta, xeer ilaaalinta ayaa weydiisatay garsoorka xabsi ku heyn inta ay soo dhameystirayaan dacwadda 05-02-2019,  muddo kadib baaristooda waxa ay weydiisteen Maxkamadda Muddeyn Maxkamadeed, xafiiska ayaa codsaday in la muddeyo 02-03-2019.

16-03-2019 ayaa  la muddeeyay dhageysiga dacwadda, sedax cisha kadib ayaa loo faristay, ugu dambeyn maanta ayaa go aan si wada jir ah looga soo saaray, waxaana lagu wada xukumay min lix sano sida uu u sheegay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Eedeysanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

 

 

 

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dilay wade gaari

Jowhar (Garsoor)- Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali   ayaa loo heystaa dilka Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, dilkaasi oo ka dhacay degmada Mahadeey ee Gobalka Shabeelada Dhexe  26-11-2018.

Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud    ayaa aha wada gaari oo ku safrayay qeyba kamid ah gobalka Shabeelada dhexe, waxa uu caan ka ahaa deeganada gobalkaasi, marxuumka ayaa istaagsanaa halka loogu tala galay hubinte gaadiidka ee ah meesha laga soo galo degmada Mahadeey ee goalka Shabeelada Dhexe, ciidamada amniga ee ku sugnaa goobta ayaa hubinyay gaariga iyo laba qof oo kale oo la  socday balse nasiib xumo Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali    ayaa ka soo toogtay meel fogaan u jirto taasi oo sababtay geerida Marxuumka.

Isla maalintaas ayay ciidamada amniga ku soo wareejiyeen saldhiga Boliska Degmada Jowhar Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali   oo ah eedeysanaha dilka Marxuumka loo heysto.

Ciidamada amniga ayaa ku soo wareejiyay hey’adaha dambi baarista, waxa ay sidoo kale hey’adaha ku wareejiyeen Eedeysane Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali  xafiiska Xeer ilaalinta 22-12-aad ee sanadii tagtay, Xafiiska ayaa xilligaas codsaday in loo gudbiyo xabsiga dhexe Gar-suge ahaan.

Muddo kadib baaristooda ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali 12-01-aad ee sanadkan, waxaana loo ballamay fadhiga hore ee maxkamadda 9-ka Bishii 2-aad ee sanadkan.

Garsoorayaasha ayaa  garowsaday in aysan ku filneyn dhageysiga dacwadda fadhi qura, waxa ayna xafiiska xeer ilaalinta amreen in la soo dhameystiro cadeymaha dambi ee loo heysto eedeysanaha.

Afar cisha kadib ayaa markale loo ballamay fadhiga Maxkamadda, waxa ayna xafiiska Xeer Ilaalinta soo bandhigeen , Qiraalka eedeysanah, Markaatiyaal gaariga la saarnaa marxuumka, Warqadda cadeynta dhimashada  oo ku lifaaqan sawirka Marxuuumka iyo qoreygii lagu toogtay Marxuum  Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday in eedeysanaha oo ku liif bartay Marxuumka maadaama aysan jirin sabab qasbeyso in uu toogto muwaadin marayay hubinta howlaha nabad-gelyada, waxa uuna weydiistay garsoorayaasha in lagu xukumo dil toogasha ah oo kaga filan abaalka ficilkii uu geystay eedeysanaha.

 

Dhanka kale Qareenada ayaa ku dooday  maadaamaa qiraal uu yahay  eedeysanaha  in loo fududeeyo  oo ay bixiyaan magta marxuumka.

Garsoorayaasha ayaa maalintaas soo xiray fadhiga Maxkaamdda, waxaana ku dhawaad bil kadib ay maanta go’aan kasoo saareen dhageysiga  dacwadda loo heystay, Dable Xoogga Dalka Cabduqaadir Maxamuud Cali, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay dil-toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cadow Maxamuud, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa heysta Fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

 

Burcad dhac u geysan jirtay ardayda jaamacadaha oo la xukumay.

Muqdisho (Garsoor)- Dable Xoogga Bashiir Muxudiin Jiinow iyo Xasan Maxamuud guure oo ah wada Mooto  ayaa loo heystaa in ay dhac u geysan jireen Ardayda Soomaaliyeed kuwooda u soo aada jaamacadaha qeyba kamid ah degmada Hodan ee  gobalka Banaadir gaar ahaan agagaarka Seybiyaano.

5-bishii tegaty ee sanadkan ayay ciidamada amniga ka soo qabteen isgoyska Seybiyaano ee degmada Hodan, waxaana xilligaas loo gudbiyay Hey’adaha Baarista.

Waxaa jiray cabashooyin ay u gudbiyeen Hey’adaha amniga  Ardayda Dhaca loo gaystay ee dhigta Jaamacadaha Plasma iyo Hornafrik.

01-     Bishii 12-aad ee sanadkan ayay baaritaan dheer kadib codsasdeen xafiiska xeer ilaalinta in la maxkamadeeyo eedeysanayaasha.

18- bishii 12- add ayaa  loo fariistay dacwadda dhanka ah eedeysanayaasha.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa horkeenay maxkamadda sedax kamid ah ardaydii dhaca loo gaystay oo Maxkamadda ka hor cadeeyay in xilliga kala duwan ay dhac u geysteen Dable  Bashiir Muxudiin Jiinow iyo Xasan Maxamuud guure, qorigii dhac lagu geystay, mootadii ay wateen labada eedeysane.

Baarihii kiiskan ayaa Maxkmadda u sheegay in ay ciidamada amniga iyo saldhiga degmada Hodan lasoo gaarsiiyay cabashada labada eedeysane, waxa ayna xilli hore oo waabarigii ah ay ciidamada amnigu qabteen labada eedaysane 5-tii bishii tagtay iyagoo qorsheynaya dhac kale .

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aan ka gaartay, waxa ay ku wada xukuntay min shan sano oo xabsi ciidan ah iyo sidoo kale in ay bixiyaan teleefanno shan ah oo ay ka qaateen  ardayda  oo Maxkamada la hor keenay, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

 

Dable Xoogga Bashiir Muxudiin Jiinow sawirka hore…..

Xasan Maxamuud guure oo ah wada Mooto sawirka 2-aad…

Caadeystayaal Burcad ah oo la xukumay.

Muqdisho (Garsoor)- Aweys Cali  Macalim iyo Ayaanle Axmed Nuur  ayaa si wada jir ah loogu soo qabtay iyagoo dhac u geysanayo muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa degmada Cabdi-caziiz ee gobalka Banaadir.

Labada eedeysane ayaa dhac u geystay Wiil dhallinyara ah oo kamid ah kuwa ku shaqeysto xirfadda sawirrada ee nolal maalmeedka ka raadiyo meelaha dadka isugu yimaadaan sida Xeebta Liido, waxa ay sidoo kale dhac u geysteen gabar wadatay Teleefanada gacanta iyadoo u adeeg doona-neyso suuqa.

Dadka ay dhaceen waxaa sidoo kale kamid ahaa laba wiil oo  xeebta liido ka baadi goobayay meyd qof ka maqan oo ay weysanaayeen kuwaasi oo ay ka qaateen laba teleefoon oo ay wateen.

sidoo kale waxa ay isla xilligaas dhac u geysteen mid kamid ah ciidamada amniga oo xilligaas u socday shaqadiisa amniga balse aan hub wadan iyo dharka ciidamada, waxa ayna taasi dhalisay in uu baadi goob u galo kuwii dhaca u geystay oo uu kula kulmay iyagoo joogo xeebta liido.

Hey’adaha dambi baarista ayaa eedeysanayaasha ku soo wareejiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada kadib markii ay kala wareegeen Saldhiga Boliiska degmada Cabdi-caziiz, waxa uuna xafiiska weydiistay  garsoorayaasha in loo gudbiyo labada eedeysane xabsiga dhexe si gar-suge ahaan ah  13-ka bishii sagaalaad.

Baaritaana dheer oo xafiisku sameeyay ayay ku ogaadeen In labada eedeysane ay horay u galaan dambiya kala duwan, waxaana horey ugu dhacay xukunno iyagoo midi maqana yahay xilligaas.

Aweys ayaa  sheegay in uu dil geystay balse ay si gaar ah u macaamileen reerihii dhibka kala dhexeeyay falkaasi oo ka dhacay degmada Kaaran halka Ayaanle lala soo qabtay afar eedeysane oo ay kuwada eedeysanaayeen dil balse loo qeybiyay in ay bixiyaan magta  marxuumkii geeriyooday ayay horey Maxkamadda ugu xukuntay.

22-ka bishan ayay Codsadeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada in la muddeeyo dacwad qaadista labada eedeysane oo ay sheegeen in ay ku filantahay caddeymaha ay uhayaan kiiska.

Garsoorayaasha ayaa aqbalay soo jeedinta xeer ilaalinta, waxaa loo ballamay in la isugu yimaado Maxkamadda 25-kii bishan, waxa la dhageystay dhinacyada dacwadda  sida xeer ilaalinta iyo Qareenada u doodayay labada eedeysane.

Xeer ilaalinta ayaa fadhiga Maxkamadda hor-keenay  afar dhibane oo loo siiyay fursad in ay ka  hadlaan goobta, qaar kamid ah agabkii ay dhaceen  labada eedeysane oo laga helay xaafad ay ku keydsadeen oo ku taal degmada Kaaraan, baarihii kiiska iyo qiraalka eedeysanayaasha iyo hubkii ay dhacca ku geysteen, halka Qareenada ay ku doodeen in loo fududeeyo loona fiiriyo sifaalaha dambiga fududeeyo, waxa ay sidoo kale weydiisteen in Maxkamadda aysan u fiirin dambiyadii ay horey u galeen maadaama aan hada loo fadhin dacwadooda .

Garsoorayaasha ayaa la tashi  dhexdooda ah kadib go’aan ku  gaaray Aweys Cali  Macalim iyo Ayaanle Axmed Nuur  in si wada jir ah loogu xukumo sideed sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Side.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku wareejisay agabkiisa  wiil dhallinyara ah oo ay ka dhaceen camera uu ku raadsan jiray nolol maalmeedkiisa.

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

Askari dhac geystay oo ay Maxkamadda Ciidamada xukuntay.

Muqdisho (Garsoor)- Dable Boliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi   ayaa laga soo qabtay agagaarka jaamacadaha  degmada Hodan  xilli uu dhac u  geysanayay dadka ka soo baxay salaada subax iyo kuwa  u sii socday masjidyada ku yaallo xaafadaha degmada Hodan.

Dadka degmada ayaa ku war geliyay  gudoomiye waaxeedka xaafadda iyo taliyaha rugta Boliiska, waxa ayna si wada jir ah u sameeyeen howlgal lagu baadi doonayay eedeysanaha, waxa ayna soo qabteen  17-kii  bishii Sagaalaad (9) ee sanadkan.

Isla maalintaas ayay u soo wareejiyeen xafiiska xeer ilaalinta ciidamada dambi baarista Amniga Dable Boliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi, waxaana xafiiska xeer ilaalinta  weydiistay  Garsoorayasha Maxkamadda in loo gudbiyo xabsiga garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa 25-kii Bishii sagaalaad (9) ee sanadkan Baaritaan dheeraad kadib waxa ay   soo dhameystireen galdacwadeedka eedeysane  Dable Boliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi   waxa ayna codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadistiisa.

Maxkamdda ayaa u fariisatay  dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha, waxa ayna dhageysatay dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenka u doodayay eedeysanaha, waxaa sidoo kale Maxkamadda lagu soo bandhigay dhibanayaashii dhacca loo geystay iyagoo laga dhageystay dhammaan cabashadooda.

Mid kamid ah dhibanayaasha ayaa  u sheegay garsoorayaasha Maxkamadda in xilliga dhacca loo geysanayay uu u cararay Masjidka balse nasiib xumo uu eedeysanaha ka soo daba  galay Masjidka sidaasna uu kaga qaatay Teleefoonkiisa.

Xeer ilaalinta  ayaa sidoo kale  soo bandhigtay Teleefanadii uu dhacay eedeysanaha, ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Laba xiidigle Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa ku dooday in eedeysanaha lagu xukumo  xukun tusaala u noqon karo kuwa weli ku mashquulsan dhacca dadweynaha.

Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in laga qafiifiyo xukunka Maxkamadda maadaama uu qiraal u yahay dambiyada lagu soo oogay.

Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan ku gaartay in lagu xukumo Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi    sideed (8)-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhamman dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow.

Maalmahan dambe ayaa waxaa jiray cabashooyin badan oo ay soo gudbinayeen dadka ku dhaqan qaar kamid xaafadaha magaalada, waxaana xukunka Maxkamadda riday uu u yahay fariin kuwa weli ku howlan  dhaca dadweynaha.

Xukunsaha ayaa heysta fursad kale oo  uu ku dalbnan karo rafcaan.