Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Maleeshiya Alshabaab ah oo ku soo dhaawacmay Bacaadweyn

Mogadishu (Garsoor)- Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil oo caan kaga ahaa Alshabaab Maxamed Carab iyo Maxamed Xuseen Xasan Abuukar ayaa loo haystaa kamid ahaanshiyaha maleeshiyada Alshabaab gaar ahaa in ay  ka kala tirsanaayeen qaybaha Caafimaad iyo Jabhadaha gobalka Mudug.

March Sanadkan ayay Labada Eedeysane ka soo qabteen ciidamada xoogga dalka deegaanka Bacaadweyn oo kamid ah goobaha sida wayn loogu jabiyay maleeshiyada isku dayadii ay ku soo qaadeen dhowr jeer oo kala duwan.

Eedeysanayaasha oo lagu soo wareejiyay hey’adaha Dambi Baarista ayaa Gungaar kadib ku soo wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida billowgii April, xilligaasi oo ay xeer ilaalinta codsatay in loo gudbiyo Eedeysanayaasha Xabsiga dhexe gar-suge ahaan.

Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo magiciisu Afgarashadu yahay Maxamed Carab ayaa Alshabaab kaga biiray Xudur 2016, waxaa loo diyaariyay in uu Daweeyo dhaawacyada maleeshiyada, waxa uu ka shaqeeyay Ceel Cadow iyo Galhareeri oo ka kala tirsan Galgaduud iyo Shabeellada Hoose,

Isaga oo u safaryo sidii uu u dabiibi lahaa dhaawacyo maleeshiyada Alshabaab ka gaaray Bacaadweyn oo la geeyay xilligaasi Camaara ayay waddada isku heleen Military-ga Soomaaliya is rasaaseyn kadib isaga ayaa la qabtay isaga oo dhaawac ah.

Maxamed Xasan Abuukar, waxa uu Alshabaab kaga biiray Bay 2018, Hiiraan ayuu tababar ku qaatay, waxaana isla xilligaasi lagu wareejiyay TuuladaCaad oo mudug ka tirsan si’uu uga mid noqday maleeshiya ku dhuumaaleysato halkaasi oo mararka qaar  weerar qarsoodi ah u tegi jiray qaybaha kale ee Gobalka.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee Bacaadweyn ka dhacay ayuu ku dhaawacmay, waxa ayna Ciidamada Xoogga Dalka ku soo wareejiyeen hey’adaha Baarista.

April bartamaheedii ayay Codsadeen Xafiiska Xeer Ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda, waxa ayna Maxkamadda Aqbashay in loo fariista Dacwadda ka dhanka ah labada Eedeysane 19 April Sanadkan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda ka codsaday labada Eedeysane in loo Ciqaabo dambiga ay galeen Maadaama Ciidamada Amniga ay kala hor tageen hub wax dila balse ay Ciidamada doorteen in la mariyo Nidaamka Cadaaladda.

Qareenada u dooday labada Eedeysane ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto maadaama aysan ka dhalan khasaaro weeraradii ay qaybta ka ahaayeen isla markaan ay iyga dhaawacya ka soo gaareen.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo fadhiya kala duwan ka yeeshay kiiskan ayaa ugu dambeyn kuwada xukumay 1- Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil & 2- Maxamed Xuseen Xasan Abuukar Xabsi Daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

Askari Balad xaawo ku dilay qof shacab ah oo la xukumay.

Garsoor (Mogadishu)- Cumar Aadan Xuseen ayaa loo soo xiray 05-tii May Sanadkii tegay  dil uu u gaystay AUN Marxuum Abuukar Saalax Xareed Cadow dilkaasi oo ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobalka Gedo.

23-kii August 2020 ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo xilligaas Maxkamaddu ay Ogolaatay in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Gar-suge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Baaritaan dheer kadib soo codsaday in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda ka dhanka ah Dable Xoogga Dalka Cumar Aadan Xuseen 7-dii October Sanadkii ina dhaafay.

Maxkamadda ayaa muddeysay dhageysiga Eedda ka dhanka Cumar Aadan Xuseen dabayaaqadii October, waxa ayna Maxkamadda dhageysatay Sideed Qof oo isugu jiro Ciidan iyo Shacab  goobjoog u ahaa dhacdada uu Marxuumka ku baxay.

Maragyada Maxkamadda joogay ayaa u sheegay Garsoorayaasha in ay jirtay dhacda ay isaga soo horjeedeen Ciidan Boliis ah iyo Kuwa ka tirsan xoogga Dalka laakiin aan xabad la isku furin Balse Cumar uu Marxuumka ku amray in uusan ka Fogaanin Qalalaasha dhici karay oo uu sababay is hortaagga Ciidamada u dhexeeyay markii uu isku dayayne in uu Meesha ka Cararo uu Cumar Marxuumka ku amaray in uusan dhaqaaqi karin.

kadib dhaqaaqa Marxuumka ayuu xabad ku dhuftay taasi oo sababtay in uu U geeriyoodo Marxuumka.

Xeer Ilaalinta ayaa ku dooday in Cumar uu gabaad ka dhigtay Miskiin isaga Xamaasha Moota Bajaaj isaga oo  sidoo kale Carqaleedayay Ciidamada Amniga.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo dil toogasha ah.

Qareenada u dooday Eedeysane Cumar ayaa Codsaday in loo Naxariisto Cumar Aadan Xuseen oo ay ku kaliftay dilkaas difaac uu kaga jiray Ciidamo uu is faham waa soo dhex galay.

Maxkamadda Ciidamada oo kiiskan dhageysigii soo waday lixdankii cisha ee ina dhaafay ayaa ugu dambeyn Maanta Go’aamisay in Dil toogasha ah lagu xukumo Cumar Aadan Xuseen oo ah Qisaasta Marxuum Abuukar Saalax Xareed Cadow sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban Karo Rafcaan muddo ku siman 30-cisho Xukunka kadib.

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Nin Watay Boorso Qarax ah…

Mogadishu (Garsoor)- June Todobadeedii Sanadkan  sii dhammaanayo ayay Ciidamada Amniga ka  qabteen Xasan Cabdullaahi Aadan Ex Control Afgooye xilligaasi oo  isu soo diyaariyay Sidii uu isugu Qarxin lahaa Xarunta Murtida iyo Mada-daallada oo uu maalin ka hor sheegay in uu soo fiirsaday “Istidhlaac”.

Diifta ka muuqatay darteed ayay Ciidamada Amniga uga shakiyeen, waxa aysa dhalisay Baaris kadib in laga dhex helo Boorsadiisa Jaakadka Qarax, Isla xilligaasi ayay Ciidamada Amniga  u gacan geliyeen Hogaanka Baarista Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Baaritaan dheer kadib Xasan Cabdullaahi Aadan waxa uu qirtay in Sanad iyo xoogaa uu la soo shaqeeyay Alshabaab, waxa uuna Alshabaab kaga biiray Buur Dhuxunle oo ka tirsan Bakool 2018.

Tuullo la yiraahdo Ugunji oo hoos tagata degmada Jannaale ayaa la keenay kadib markii lagu Qanciyay in uu Naftiisa gooyo isaga oo sii Salfanaya Bulsha aan waxba galabsan.

May 2020 ayaa ugu dambayn loo keenay Jaakada iyo Boorsada uu wada Isticmaali lahaa si’uu isugu Qarxiyo, waxaana la tusiyay Sedax badhan oo mid kastaahi laga qarxin karo Jaakadda iyo Boorso wada jira ee Argagaixisada dhawaan Isticmaalkeeda Billowday .

August Bartamaheeda ayay iska soo wareejiyeen Hey’ada Baarista, wixii xilligaasi ka dambeeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isna hubin ku bilaabay daba galka iyo jiritaanka Eedaha Hey’adaha Amniga Baarista.

Baaritaan dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Codsaday in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda ka dhanka ah Xasan Cabdullaahi Aadan, waxa ayna Maxkamadda ballamisay 26 bishii Tobnaad Sanadkan.

Wixii intaasi ka dambeeyay Maxkamadda ayaa billowday dhageysiga Kiiskan, xilliya kala duwan ayaa la isugu soo noqday si’ay Maxkamadda jawaab waafi ah uga hesho sida lagu qabtay qof Naftiisa haligaya oo agab qarxa wata, waxa ay Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Ciidamada Cadeeyeen In Eedeysanaha uu isku dayay in uu baxsado laakiin ay agabka iyo Eedeysanahaba ay ka wada dajiyeen Gaari Dadweyne.

Eedeysane Xasan Cabdullaahi Aadan ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in uu  u jeedkiisa ahaa in isku Qarxiyo meel loogu sheegay in ay tahay Xarun ay degan yihiin Ciidamo Dhar Cad ah laakiin tilmaamata Cadeymaha ayaa Muujineyso in u jeedkiisu ahaa Tiyaatarka Qaranka.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in Eedeysanaha loo Naxariisto Maadaama ay Alshabaab kaga Faa’ideysteen Aqoon la’aan iyo Duurka uu duruuf kula noolaa.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aamisay in Xasan Cabdullaahi Aadan lagu xukumo Xabsi Daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu Rafcaan ku dalban karo muddo 30 Cisha ah xukunka Kadib.

Maxkamadda Ciidamada ayaa sii Deysay Taliyihii Hore ee Danab

Mogadishu (Garsoor)-Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ku eedeeyay wax is daba Marin “Musuq” iyo Isticmaalka Awood dheeri ah oo uusan la Ogeyn Taliska sida Ku tagrifal Hub cadowga laga soo furtay.

Gen. Odowa Yusuf Raage ayaa shaqa joonin ku sameeyay September Sideedii Sanadkan Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik, Sidoo kale Taliska  ayaa Ismaaciil ku xanibay Xarunta  Military-ga.

Bartimihii October ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Eed ka dhan ah Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik taliyihii hore ee Danab.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo Awood u leh dhaqaajinta Dacwadaha ayaa Gal Dacwadeed Gaashaanle Ismaaciil kala wareegay Hogaanka Baarista Military-ga, waxaana xilligaas loo taxaabay Xabsiga Dhexe ee Xamar Gar-suge ahaan.

Horgeyn kadib 25-kii November ayaa la dhageystay Eeda ka dhanka ah Ismaaciil, Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada Xoogga Dalka oo kamid ah Markhaatiyaashii ay Xeer Ilaalinta la timid ayaa Qiray in Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik uu ku yaqiinay intii uu Hogaanka Danab hayay Asluub wanaag.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa  dalbaday in dib loo dhigo Dacwadda maadaama aysan dhameystirneen duruufa jira Darteed Maragyada ku xusan Gal Dacwadeedka Sarkaalkan.

Lixdii December bishan ayaa la dhageystay Afar markhaati oo ay Ismaaciil shaqa wadaag ahaayeen mana jirin qof Ka markhaati kacay xattooyo xoolo Dadweyne.

Abuukatayaasha u dooday Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik ayaa ku fasiray Isticmaalka Awoodda ee ku xusan Galka in ay aheyd Masuuliyad ay ka gaabiyeen Taliska balse Ismaaciil uu ku dhiiraday dhisidda  Moralka Ciidamada iyo Caafimaadkooda, waxa ayna Garsoorka Ciidamada ka dalbadeen in lagu abaal mariyo howshii qaran ee uu gutay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isna Sidoo kale qiray in Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik uu shaqa wanaagsan ka qabtay howlaha loo igmaday laakiin uusan taliskiisa Ogeysiis ka siin howlahaasi.

Maxkamadda Ciidamada ayaa ugu dambeyn Amartay in Xorriyadiisa dib loogu Celiyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik Taliyihii Danab hadii aysan jirin Dambiya kale oo loo haysto.

 

Xukunka  Rag loo haysto weerar ka dhacay Xabsiga Dhexe.

Mogadishu (Garsoor)- Weerar loo adeegsaday Bambooyin gacanta iyo Bistoolada ayaa waxa uu ka dhacay August tobankeedii sanadkan Xabsiga Dhexe ee Muqdisho.

Ilaa 11-Eedeysane oo isugu jiro Ciidamada Asluubta , Xunkusanayaal iyo Garsugayaal ayaa lala xariiryay weerarkaasi, waxa ayna hey’adaha Baarista Ciidamada Amniga iyo Guddi ay u saartay baaridda dhacdadaasi Xukummadda ay ugu dambeyn ku wareejiyeen Gungaarka dhacdada Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo  awood u leh dhaqaajinta Gal-dacwadeedkaas.

Mubarak Ibraahiim Iidle oo horay ugu xukunaa 10 sano oo xabsi Ciidan ah ayaa ahaa Gacanta hore weerarka, waxa uuna Nolosha u aqoonsaday Maxamed Yusuf Toxow iyo Muqtar Cabdullaahi Muuse, sidaas ayuuna kaga baxsaday dhabarka dambe ee Xabsiga.

Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) oo isaga ahaa dadkii loo xiray lacaga Online ka ah ee Soomaali badan ka gaartay qasaaraha waxa uu ahaa qofka sida gaarka ah Maxaabiista kaga iibiya Qudaarta laakiin mid kamid ah raggi qorsheeyay weerarka uu soo dhex marsiistay Hubkiisa.

Heerar kala duwan oo Maxkamadeed iyo Baaritaanno muddo dheer qaatay Maanta ayay Maxamadda Go’aan ka soo saartay, waxaana lagu kala xukumay

1-Mubarak Ibraahiim Iidle waxaa lagu xukumay Dil-toogasha ah isaga oo Maqan

2-Cabdullaahi Macalim Xuseen, 3-Maxamed Daahir Maxamed 4-cabdi Jire Yusuf waxaa lagu wada xukumay Min 5-sano oo xabsi Ciidan ah iyo ka saaridda Ciidamada Asluubta  oo ay ka wada tirsanaayeen.

5-Cali Barre Cali Maxamed oo ka tirsan Asluubta ayaa isna lagu xukumay 3-sano oo xabsi Ciidan ah.

6- Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) ayaa lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah.

7-Maxamed Nuur Maadeey8-Maxamed Maxamuud Mataan 9-Cumar Xasan Abtidoon iyo 10-Isaaq Geedi Ibraahim oo Iyana kawada tirsanaa Asluubta ayaa lagu xukumay min 6-bil oo xabsi Ciidan ah halka 11- Cabdi Axmed Maxamuud oo Asluuta aha ay Maxkamaddu dambi ku weyday, Sida uu nala wadaagay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa  haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

Sagaal kamid eedeysanayaasha ayaa ahaa Ciidamada Asluubta ee shaqa lahaa si guud iyo si gaar ah maalintaas ay mashaqada ka dhacday Xabsiga Dhexe, waxaana loo xukumay in ay ka gaabiyeen howshooda hadba heerka xukunka ay u arkeen Garsoorayaasha ay saareen  halka Maxamuud Forex oo isaga lahaa Agab wax lagu qariyay loo xukumay in uu adeegay Shabaabka qorsheeyay weerarka ee baxsadka ah Mubarik iyo raggii kala qayb galay oo intii howlgalka socday  ay toogteen Ciidamada Amniga.

Askari  loogu xukumay Dil kufsi uu gaystay !

Muqdisho “Garsoor”-Dable Xoogga Dalka Maxamed Xuseen Cilmi ayaa loo xiray kufsi uu u gaystay Dhibanad Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo Afar jir ah, 14-kii May Sanadkan, Kufsigaasi oo ka dhacay  degmada Wadajir.

 

Maxamed Xuseen Cilmi ayaa lagu soo wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xabsiga dhexe loo taxaabay muddo kadib si loo hubiyo jiritaanka dambiga lala xiriiriyay ee uu ugu xirnaa hey’adda dambi barista Boliiska CID.

 

Xafiiska Xeer Ilaainta Ciidamada Qalabka Sida ayaa baaritaan kadib hor geeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xilligaasi loo dii  waan geliyay qiraalkii ka dhashay  horgeyntiisa Maxkamadeed.

 

Maxamed Xuseen Cilmi ayaa ay Maxkamadda Ciidamada mudeysay in la dhageysto dacwadda ka dhanka ah bilowgii september, waxaana dhageysiga kama dambeysta ah ee Maxkamadda la soo gaba gabeeyay 24-kii bishan.

 

Intii ay socotay Maxkamadeynta  Maxamed Xuseen Cilmi ayaa la dhageystay baarihii kiiskan, sidoo kale Maxkamadda ayaa lala wadaagay warqadda cadeynta saameynta dhibanaha gaaray.

 

Eedeysanaha oo isna kamid ah dadka fursadda loo siiyay fadhigan Maxkamadeed ayaa markale ku jawaabay in uu isaga qaadanayo masuulliyadda dhibkii dhacay laakiin uusan ka jawaabi Karin sababta ku kaliftay  inuu kufsado gabar ciyaal ah oo ay daris yihiin, waxa uu intaasi ku daray in xilli dambe oo wax walba ay dhaceen ay dib kala xumaatay.

 

Muumin Xuseen Cadullaahi ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda weydiistay in ay fariin uga dhigto xukunkeeda in fal dambe oo kufsi ah uusan ku fikirin qof kamid ah Ciidamada Qalabka Sida.

 

Qareenada u dooday eedeysanaha  ayaa ku dacwooday in aan loo qaban qiraalka eedeysanaha xukun ahaan bedlkeedsa ay codsanayaan in Maxkamadda ay siiso fursad ay  kula macaamilaan  ehelka dhibanaha.

 

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute  guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee CQS ayaa la tashi iyo fadhiya Maxkamadeed kadib ku riday xukun Dil ah maanta sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda.

 

Xukunsane Maxamed Xuseen Cilmi ayaa haysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

 

Qarax dhajiye la xukumay

Muqdisho (Garsoor)- Xudeyfa Daa’uud Yuusuf Ibraahim ayaa Alshabaab kaga biiray deegaanka  Janaale ee  gobalka Shabeellada Hoose ka hor inta aysan gacan ku haynteeda la wareegin Ciidamada Xoogga Dalka.

Mid ay ehel wadaag yihiin ayaa ku tashkiilay ku biiirista Alshabaab, waxaana la baray Sida gawaarida loogu  Xiro Qaraxyada.

Isku daygiisii ugu horreeyay waxa ay kaga fashilantay degmada Kaaraan, waxaana isku deygiisa labaad isaga oo ku dhajinaya  Gaari hor yiiley Meherad Ganacsi oo ku taal Isgoyska Zoobe ay ku qabteen Ciidamada Amniga ee Ilaalada ka haya Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

25-kii November  sanadkii tegay ayaa lagu soo wareejiyay Xarnta dambi baarista NISA.

Wixii intaas ka dambeeyay NISA ayaa  baaritaan dheer oo la xiriir shaqadeeda ka guduatay, waxa ayna horreenta bishii Sedaxaad Sanadkan ku soo wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida.

Xafiiska ayaa Maxkamadda weydiistay in Eedeysane Xudeyfa Daa’uud Yuusuf loo gudibiyo Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

Baaritaana kale oo uu Xafiiska Xeer Ilaalinta ku go’aaminayo horgeyn Maxkamadeed ayay halkaas ka bilaabeen, waxa ayna ugu dambeyn  ka codsadeen Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Xudeyfa Daa’uud Yuusuf  20-kii June bishii ina dhaaftay.

Shan cisha kadib Maxkamadda ayaa Ogolaatay in loo fariisto  Garmaqalka Eedda ka dhanka ah Xudeyfa, waxa ayna Maxkamadda Ogolaatay 25-kii June Sanadkan.

Dhinacyada dacwadda oo ugu horreeyo Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa la siiyay Fursad ay ku soo bandhigi karaan cadeymaha dambi Muujin ee Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan sida uu qabo hab raaca Sharciga Dacwadda.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in Eedeysanaha lagu soo qabtay isaga oo falka gacanta kula jiray Halka Qareenada ay ku dodeen in loo Naxariisto maadama ay tahay shaqadiisii ugu horreysay ee uu ku fashilmay cidina aysan wax ku noqon marka laga reebo bur bur hantiyadeed.

Ugu dambey Maxkamadda ayaa ku Xukuntay 15-Sano oo Xabsi Ciidan ah Xudeyfa Daa’uud Yuusuf Ibraahim sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursada kale oo uu ku dalban karo Rafcaan Muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

 

Maxkamadda Ciidamada ayaa Xukun Dil ah ku riday Liibaan Cabdi Faarax

Muqdisho (Garsoor)- Liibaan ayaa loo haystay dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Maxamed  Daahir Siyaad, dilkaasi oo ka dhacay degmada Hodan 10-kii December 2019.

Kadib dilka  Marxuumka Sedax Xarigle Liibaan Cabdi Faarax waxa uu u baxsaday gobalka Galgaduud.

Warqad cabasha ah oo ay ehelka Marxuumka ku dalbanayaan in Cadaaladda la hor keeno eedeysanah ayay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida u dirsadeen 15-kii December sedax cisha kadib dhimashad Maxmed Daahir Siyaad.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ka dalbaday Taliska NISA  qaybta Galmudug in ay sharciga hor keenaan Sedax  Xarigle Xoogga Dalka Liibaan Cabdi Faarax.

5-tii April Sanadkan ayaya Ciidamada Amniga NISA ku wareejiyeen Saldhiga Boliiska Garoonka Aadan Cadde oo markaas laga soo dajiyay eedeysanah, waxaana isla xilligaas baaris dheeraad ah ku sameeyay Laanta Dambi Baarista Boliiska CID.

13-kii May ayay la wareegeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida eedeysane Liibaan Faarax Cabdi oo ay Markaas Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida weydiisteen in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta oo isna isku howlay baaritaano kale oo dheeri ah ayaa ugu dambeyn Maxkamadda weydiistay in la muddeeyo eedda ka dhanka ah Liibaan Cabdi Faarax 13-kii June bishii na dhaaaftay.

15-ka bishii na dhaaftay ayaa loo ballamay Fadhiga Maxkamadda, waxaana dhinacyada dacwadda ee kala ah Xeer Ilaalinta iyo Qareenada eedeysanaha  si siman loo siiyay fursado ay ku soo bandhigi karaan doodaha la xiriira difaaca iyo cadeymaha dambi muujin iyo kuwa bari yeelaya eedeysanaha labadaba.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha uu isticmaalay awood laga baaqsan karay, waxa uu ka sheegay fadhiga Maxkamadda in Marxuumka uu qalad ka galay eedeysanaha laakiin in dacwad uu la tiigsada ay banaantahay balse sabab uu u dilo aanu jirin mar hadii uu yahay military weliba ka wood roon Marxuumkii gaba-gabada u mareysay wax barashada dugsiga sare, sidaas darteed ayuu weydiistay Garsoor in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobbada ay ku soo eedeeyeen.

Qareennada u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in Marxuumka uu u gafay marwada Eedeysanaha  oo waddada dhinaceeda meherad yar ku laheyd, sidoo kale Marxuumka ayaa isku dayay in uu diido in uu saldhiga u raaco askariga taasina ay keentay dhimashada Marxuumka oo aan ku tala gal aheyn, sidaas darteed ayay Maxkamadda ka codsadeen in loo Naxariista Liibaan Cabdi Faarax.

Ugu dambeyn Maxkamadd ayaa go’aan ka soo saartay maanta, waxa ayna ku xukuntay Liibaan Cabdi Faarax dil toogasha ah oo ah Magta Marxuum Maxamed Daahir Siyaad, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

 

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay askar xabado ku furtay Bajaaj

Muqdisho (Garsoor)- Xasan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed ayaa loo heystaa in ay si bareer ah  ugu fureen rasaas laba gabdhood oo wada saarnaa Bajaaj  mareysay bar kontorool oo ay  ku qornaayeen  07-da bishii  sagaalaad ee Sanadkan.

Xasan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed ayaa ka wada tirsanaa ciidamada Boliiska, waxaana isla xilligii ay geysteen dhaawaca iyo dhimashada la wareegay hey’adaha  baarista.

Hey’adda dambi  baarista Boliiska CID  ayaa ku soo wareejiyay labada eedeysane Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxa uuna xafiiska  weydiistay Maxkamadda  15-ka bishii  Sagaalaad ee sanadkan in loo dhaa-dhiciyo xabsiga dhexe garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo eedeeyay labada eedeysane baaritaan dheer kadib 16-ka bishii tegtay, waxa ayna Maxkamadda weydiisteen in la muddeeyo dacwad qaadista Xasan Xuseen Maxamed iyo Xasan Muuse Warsame oo  loo heysto dilka Marxuumada Istar Axmed Cabdulle iyo Dhaawaca Dhibane Faadumo Axmed Cabdulle oo ahaa walaalo marayay  agagaarka Isbitaalka  Masaarida ee degmada Hodan.

Shan cisha kadib ayay Maxkamaddu ballamisay dhageysiga dacwadooda.

Maxkamadda ayaa ugu horeynba u jeedisay eedaha loo heysto labada eedeysane, waxaana fursad loo siiyay in ay ka jawaab celiyaan.

Dable Boliis Xasan Xuseen Maxamed oo ka jawaabayay  eedda loo  heysto ee  ah dilka  iyo dhaawaca  ay u geysteen gabdho walaalo ah oo  Bajaaj wada saarnaa ayaa Maxkamadda u sheegay in  ay si wada jir ah xabada u rideen isaga iyo eedeysanaha labaad ee Maxkamadda hor taagan.

 

Dable Boliis Xasan Muuse Warsame oo isna fursad loo siiyay in uu ka jawaab celiyo eedda ay Maxkamadda u jeedisay ayaa u sheegay Garsoorayaasha in si wada jir ah ay xabada u rideen  iyagoo oo kaga dan leh in ay ku kala fududeeyaan  Jaamka ka jiray Isgoyska Maseerida ee degmada Hodan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo ugu horeynba lahaa hab raacca dacwadda ayaa Maxkamadda weydiistay in la dhageysto markaatiyaal uu ku jiray wadihii gaariga, waxa uu Maxkamadda u cadeeyay in si wada jir ah ay xabada kas ah ugu rideen Bajaajta uu wadaha ka ahaa taasina ay dhalisay In gabdha walaalo ah midna geeriyootay midna dhaawacantay.

Qoryihii dhaawacca ay ku geysteen, warqadaha dhaawacca iyo dhimasha muujinta iyo markaatiyaal kale ayay Maxkamadda dhageysatay.

Xeer ilaaliya ku xigeenka Ciidamada Qalabka Sida Dhamme  Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa Maxkamadda u sheegay in labada eedeysane ay ku tala galeen dilka wadaha Mootada balse xabad uu riday Xasan Xuseen Maxamed xabad  uu riday ay sababtay geerida Marxuumad Istar Axmed Cabdulle, halka Xasan Muuse  Warsame uu  dhaawac u geysatay Faadumo Axmed Cabdulle.

Qareenka labada eedeysane ayaa Maxkamadda u sheegay in ay ku wada jireen labada eedeysan howl shaqo oo lagu ogyahay, waxa uuna Maxkamadda weydiistay in magta dhibanayaasha lagu xukumo taliska Boliiska.

 

Dable Boliis Xasan Xuseen Maxamed  ayay Maxkamaddu ku xukuntay diltoogasho oo ah qisaasta Marxuumad Istar Axmed Cabdulle halka  Dable Boliis Xasan Muuse  Warsame  ay Maxkamaddu ku xukuntay Shan Sano oo xabsi ciidan ah iyo  in uu bixiyo magta dhaawicii uu u geystay Faadumo Axmed Cabdulle sida uu  u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Xukunka waxaa ka furan Rafcaan ku siman Sodon Cisha xukunka kadib.

Maxkamadda Ciidamada oo xukunno ku riday sagaal Shabaab ah oo ay mid haween tahay

Muqdisho (Garsoor)– Axmed Cabduqaadir Axmed Xuseen (Khadiira), Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow (Fiildher), Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale (Maanka), Saafi Ciise Aweys Arwaax, Yaasiin Maxamed Axmed Abtidoon (Ejey), CabdiShakuur Cali Maxamuud (Shakra), Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye (Gaabow), CabdiKhadar Mire Axmed Faarax iyo Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar ayaa dhammaantood loo heystaa kamid ahaanshiyaha maleeshiyada Alshabaab gaar ahaan qeyb ay ula baxeen Amniyaadka oo ay ula jeedaan kuwa dadka gaadmada ku dila ee sida gaarka ah kaga howlgala magaalada Muqdisho.

Dhammaan eedeysanayaasha ayaa soo galay gacanta ciidamada amniga 14/03/2019.

08/07/2019 ayaa loo diray xabsiga dhexe kadib markey codsaden xafiiska xeer ilaalinta in xabsiga dhexe lagu haaayo garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa isku howlay barista Shabakadan u qaabilsaneyd Alshabaab deegnnada cirifka jire ee degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, waxa ayna Maxkamadda Ciidamada weydiisteen dhageysiga dacwadda 06/10/2019 xilligaas oo ay garsoorayaasha go’aamiyeen in uu dhaco fadhigii ugu horreeyay.

Guddoonka fadhiga dacwadan ayaa ugu horreynba u jeediyay eedeysanayaasha eedaha ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxaana mid kasta fursad loo siiyay in uu ka jawaab celiya jiritaanka eedda.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka sheekeeyay dhammaan eedeysanayaasha xilliyadii kala duwanaa oo ay Alshabaab kusoo qaateen iyo howlaha ay hayeen oo u badnaa tuuridda bambooyinka, Handadaada shacabka degan Bariga Muqdisho iyo daba galka dhaqdhaqaaqyada xarumaha iyo baraha ciidamada ee magaalada dhexdeeda.

Eedeysanaha koowaad Axmed Cabduqaadir Axmed Xuseen (Khadiira) ayaa Alshabaab ku biiray 2017, meela kamid ah Shabeellada Hoose ayuu tababarkiisii ugu horreeyay soo qaatay.

Farxaan Faarax Maxamuud oo ah eedeysanaha labaad ayaa ahaa shaqsi Alshabaab u iibin jiray gawaarida ay u adeegsadaan howlahooda argagixisanimo.

Cabdiraxmaan Nuur Maxamed ayaa ahaa madaxa wardoonka kooxdan, waxa uu ku biiray Shabaab 2018, dhowr goobo ayuu sahan u ahaa oo siyaaba kala duwan bambooyin loogu tuuray, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in kal hore Bariire u aaday tababar iyo is diiwaan gelinta kooxda, eedeysanaha labaad ayuu sheegay in uu ku tashkiiliyay kooxda.

Saafi Ciise Arwaax 2018 Alshabaab ayay ku biirtay waxa ay aheyd kala gudbiyaha hubka fudud oo ay maleeshiyada Alshabaab ku howl-galaan, waxa ay sheegtay in ay ugu yeertay ku biirista kooxda haweeney ay daris la ahayd oo ninkeedu ku geeriyooday Qarax uu farsameynayay, duruufa kala duwan oo ay kamid ahaayeen in laba nin kala tageen ayay ku sheegtay in ay ugu biirtay kooxda, xaafada badan oo cirifyada magaalada jira ayay u kala gudbin jirtay Bistooladaha, Bamka gacanta laga tuuro, qoryaha fudud sida AK-47 iyo suumanka qaraxyada, waxa ay sheegtay Saafi in xiriiriyaha shabakaddan uu ka hagayay banaanka magaalada gaar ahaan Mubaarak.

Yaasiin Maxamed Axmed waxa uu Alshabaab ku biiray 2013, waxa uu katirsanaa jabhadaha dadka ku dhibaateeyo Ceelbuur, waxa uu sheegay in uu isaga tago Alshabaab laakiin CabdiShakuur ayaa uu sheegay in uu u hanjabi jiray.

CabdiShakuur Cali Maxamuud ayaa ku biiray Alshabaab 2016, waxa uu sheegtay in uu qeyb weyn ka qaatay tuurista Bambooyinka, waxa uu sidoo kale sheegay kaalinta eedeysanayaasha kale qaarkood ay ku lahaayeen kooxda ay kawada tirsanyihiin.

Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye ayaa isna Alshabaab ku biiray 2016, lix billod ayuu tabbar ku qaatay Jilib, tababarka ayaa ku saabsanaa Qaraxyada, waxa uu sidoo kale ahaa wardoon kasoo warrama dhaq-dhaqaaqa ciidan ee Ex, Control Balcad.

Xasan Seekh Cabdullaahi ayaa iska diiday kamid ahaanshiyaha Alshabaab, waxa uusa sheegay in in badan oo kamid ah kuwa la xiran ay is yaqaaneen, halka iyaga laftooda ay ku marag fureen.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Sida ayaa is dul taagay sharraxaad Eeedeysanaha koowaad ee Axmed Cabduqaadir Axmed oo magiciisa Afgarashadu yahay Khadiira, waxa uu maxkamadda u sheegay in uu ahaa Khadiira isku duwaha iyo horjoogaha kooxdan, waxa uu abaabulay weerraro dhowr ah oo isugu jiro bambooyinka gacanta lagu tuuro iyo dilal Fashilmay, halka Saafi Ciise Arwaax ay aheyd xubin firfircoon oo kaga faa’ideysatay ixtiraamka ay haweenka u hayaan hey’adaha Amniga, Maxkamadda ayuu way weydiistay in dhamaan eedaysanayaasha lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobada lagu soo eedeeyay.

Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa iyagana Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanayaasha ay Alshabaab ku biireen hasa ahaate ay isaga soo tageen kooxda, qaarkooda ayay Alshabaab handadaad ku shaqa geliyeen, waxa ay Maxkamadda weydiisteen in loo naxariisto kuwa kale ee mar hore isaga soo tegay Alshabaabna la cafiyo oo xurriyadooda la siiyo.

Garsoorayaasha oo dhageysi kiiskan waqti badan geliyay ayaa ku kala xukumay sagaal eedeysane:- Axmed Cabduqaadir Axmed Xabsi Daa’in, waxa ay sidoo kale Maxkamadda kuwada xukuntay min Shan iyo Toban (15)-sano 1-Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale, 2- Saafi Ciise Arwaax, 3-Yaasiin Maxamed Abtidoon, 4- CabdiShakuur Cali Maxamuud iyo Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye, halka ay Maxkamadda min Sideed (8)-sano ku kala xukuntay:- 1-Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow iyo 2-Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar.

Maxkamadda ayaa amartay in la sii daayo CabdiKhadar Mire Axmed hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto, sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku siman 30-cisho ah.