Xukunka Eeney Ureyn Garaar Dooli….

0
5174

Garsoor (Mogadishu) Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) ayee Ciidanka HNSQ ayaa ka soo qabtay Dagmada afgooye 13-kii Bishii Juun ee Sanadkaan waxa uu Maleeshiyada Alshabaab u qabilsanaa Qeybta Qaraxyada.

Eeney Ureyn Waxa uu Maleeshiyada Alshabaab ku biiray isaga oo yar, waxa uuna kagaba biiray Deeganka Ceel-Bashiir ee hoostagta Dagmada Buur-hakaba, Waxaana ku qanciyay ka mid ahaanshihiisa Horjoogihiisii.

Horjoogihiisa ayaa u soo dhiibi jiray Miino diyarsan ka dibna waxa uu gayn jiray dagmada Buur-Hakabe  isaga oo isticmaalaya mooto Feekon ka dibna waxa uu dhigi jiray meeshii uu markaas u arko in ay dadka isugu yimadan.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isku howlay sidii uu u soo dhamaystiri lahaa hab raaca Muhiimka u ah horgaynta Maxkamadeed Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) 12-kii Bishaan, waxa ay Maxkamadda la wadaageen Qiraalka Eedeysanaha.

Abuukataha u dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka codsaday in ay Maxkamadda u fiiriso sifaha danbi fududeya Maadaama uu Eedesanaha Qiraal yahay.

Maxkamadda ayaa fadhiya kala duwan ku xukuntay Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) Xabsi Daa’in 21-kii Bishaan, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Axmed Cali Axmed oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.