Xukunka Askari Dil ku gaystay Mindi (Toorey)…

0
2383

Garsoor – Mogadishu.   D/le Bol. 513 Maxamed Cabdiqaadir Sheekh Ibraahim oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed gaar ahaan Degmada Afgooye ayaa  lagu soo eedeeyay dembiga dil kas ah oo u adeegsaday Midi (Tooreey) una geysatay Marxuum Cabdifitaax Cabdullahi Cali taarikhda markay ahyd 25-kii April ee Sanadkan falkaas oo ka dhacay dagmada boondheere .

Sababta dilaka keentay ayaa ahyd In eedeesanha iyo marxuumka ay ku murmeen Janta Siigar bishii Ramadaan ee sanadkaan.

Taliska Qeybta Danbi Barista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (CID) ayaa ku wareejiyay eedaysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada,  Baaris dheer ka dib waxa ay isla xilligaasi Garsoorka Ciidamada Ogolaadeen in xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan 22-kii September ee sanadkaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa la wadaagay Maxkamadda  Maragyadii goob joogga u ahaa dhacdadan, Warqada cadeynta Dhimashada Marxuumka iyo Mididii uu ku geestay dilka.

08-dii Bishan ayaa Xafiiska laga Ogolaaday Markale fadhiga Maxakamad Qaadista Dable Maxamed Cabdiqaadir Sheekh Ibraahim oo ka tirsan Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed gaar ahaan Degmada Afgooye.

Qareenka u doodayay Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in laga Qaado Magta Marxuumka Maadaama Uu Qiraal yahay.

Fadhiya kala Duwan Maxkamadda Ciidamada ayaa 21-kii Bishaan ku xukuntay Maxamed Cabdiqaadir Sheekh Ibraahim Dil-toogasha ah oo ah Qisaasta Marxuum Cabdifitaax Cabdullahi, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa Haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan.