Xukunka Xuseen Cabdiraxmaan oo Khawaarijta u qaabilsanaa…..

0
1744

Garsoor – Mogadishu.  Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf ayaa loo soo xiray in u Maleeshiyada Alshabaab u qaabilsanaa kala gudbinta hubka waxaana soo qabtay Ciidanka Xooga Dalka. 16-Kii Bishii August ee Sanadkan.

Ciidamada Amniga ayaa ku wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna isla xilligaasi Garsoorka Ciidamada Ogolaadeen in xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan 08-dii September ee sanadkaan.

Xuseen ayaa Alshabaab ku biiray Bishii Maarso ee Sanadkaan waxa uuna kaga biiray Gobalka Shabeellada Hoose deegaanka Faarax Wacays, waxaana ku tashkiiliyay Horjoogihiisii oo isna u qaabilsan Maleeshiyada kala gudbinta hubka, tiro 3jeer ah ayuu rasaas ka soo qaaday Beerta Ilka-Bariis oo ku taal dagmada Awdheegle waxa uuna u geeyay horjoogihiisii.

Baaris dheer kadib 07dii- Bishaan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa Codsaday Dacwad Qaadista Kiiska Xuseen ayaa laga Ogolaaday 16-kii Bishaan ee aan ku jirno, waxa ay Maxkamadda la wadaageen cadeemta Miinadii lagu soo qabtay eedeysanaha iyo qiraalkiisa.

Qareenada u dooday Eedeesane Xuseen Cabdiraxmaan ayaa u sheegay garsoorka in uu ku cusbaa ka mid ahaanshaha maleeshiyada kana codsaday in xukunka loo qafiifiyo.

Kadib Maxkamadda oo waqti ku Filan siisay dhinacyada ayaa 21-kii Bishaan ku xukuntay 15-sano oo xabsi ciidan ah Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Garsoore Axmed Cali Axmed oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Darajada Koowaad.

Xukunkasanaha haysta Fursad uu ku dalban karo racfaan inta sharciga laga Ogol yahay.