Xukunka Ayuub oo mar isku soo dhiibay Dowladda ka dibna ku laabtay Maleeshiyada Alshabaab……

0
1394

Garsoor (Mogadishu)-  Ayuub Cismaan Sheekh Aadan Isxaaq oo ah 24-jir ku dhashay Janaale Shabeellada Hoose ayaa loo soo xiray ka mid ahaan shiyaha Kooxda Argagaxisada ah ee Al Shabaab, waxa uu qaabilsanaa qaybta tuurista Bambooyinka.

Ayuub ayaa horay isugu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya isaga oo soo maray xarunta dhaqan celinta Kuwa ka haray Fikirka kooxda, markii uu dhamaystay habraacyadii dhaqan celinta ayaa laga fasaxay xarunta oo uu Sanad ku jiray, waxa uu Markale dib ugu laabtay Alshabaab bishii November 2022, mushaar ahaaan ayuu u qaadan jiray 30$.

Ayuub ayaa ku soo bartay Bamba tuurista tuulada Siigaale ee Janaale, shaqadii ugu horeysay wuxuu Bombo F1 ku tuuray ciidan roondo ku jiray Janaale, wax qasaara ahna ma geysan, ciidka ayaa daba galay kadibna soo qabtay.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiska Ayuub Cismaan Sheekh Aadan, waxaana laga ogolaaday 28- February-2023.

Maxkamadda ayaa ugu danbayn maanta Go’aan ka soo saartay Ayuub Cismaan Sheekh Aadan Isxaaq, waxa ayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.