XUNKA BASAASKII KHAWAARIJTA EE GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE…….

0
1679

Garsoor -(Mogadishu)- Yuusuf Xassan Ibraahim 42 Jir ah ayaa loo soo xiray ka mid ahaanshiyaha maleeshiyada Alshabaab, waxa uu qaabilsanaa qaybta dilalka qorshaysan fulisa.

Ciidanka amaanka ayaa ka soo xiray deeganka Ceelasha biyaha Sagaal iyo tobankii bishii Janaayo ee Sanadkan.

Yuusuf ayaa Argagixisada fikirkeeda ka qaatay Saaxibkiis oo ay wada deganaayeen Ceelasha.

Xog ka bixinta Gaadiidka u gudbaya Gobolka Shabeelaha Hoose iyo kan kasoo galaya ayuu Kooxda u qaabilsanaa dabinadii uu maleegay ayuunaka sheegay Basaasida Sadax iyo Toban Gaadiidka Gaashaaman oo ay lee yihiin Ciidamada Midowga Africa ee ATMIS oo Jidkaas lagu weeraray waxaana mushaar ahaan loo siin jiray Boqol iyo Sodon dollar .

Horjoogihiisii ayaa u sheegay in uu usoo dhiibay alaab, waxaana loo dhigay qurac Dhimbil caag shanlo ah oo kor marka laga eego Masago ku jirto, jiridiisana Bastoolad ay dhex taalo.

Yuusuf oo ku hubeysan Bastoolad ayaa ka dul dhacay ciidan Roondo ku jiray sidaas ayuuna ku soo gacan galay.

Baaris dheer ka dib, Xafiiska xeer ilaalinta maxakamadda ciidamada ayaa codsatay qaadista kiiska Yuusuf waxaana laga aqbalay Sideedii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukumay Yuusuf Xassan Ibraahim 10 sano oo xabsi ciidan ah,

sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Xeriirka Dadweynaha ee Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida mudane Abdulkadir Isse

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu dalban karo Rafcaan.