XUKUNKA RAGGII KA DAMBEEYAY DILKA AROOSAD LAGU DILAY…….

0
1339

Maxkamada ciidmada qalabka sida ayaa Xukuno Kala duwan ku riday eedesanayaal loo haystay dilka gabar aroos ah.

Eedeysanaha koowaad Cabdullaahi Maxamed Axmed oo ah dable ka tirsan NISA ayaa loo soo xiray dambiga dil kas ah iyo dhaawac ka dib markii isagoo ku hubeysan Qori Ak47 ah isbaaro uu u dhigtay Gaari Siday Marxuumad Caasho Daahir Xassan oo uu Dil bareer u gaystay, Sidoo kalana uu dhaawacay dhibane Yuusuf Muuse Axmed shan iyo tobankii bishii September 2022, falka dilka ah ayaa ka dhacay degmada Kaaraan.

Caasha ayaa ahayd aroos maalinkii la dilayay kana timid goobaha lagu qurxiyo dumarka, waxaa loo galbinaayay gurigeeda halka dhibane Yuusuf oo uu dhaawacu gaaray ahaa abtiga marxuumad Caasha.

Eedeysanaha labaad Daahir Cali Aadan oo ahaa dable ka tirsan Ciidanka Xooga ahaa isna loo heystay dambiga ah gacansiin kadib markii uu qorigiisa u dhiibay Eedeysanaha hore ee dilka gaystay isla markaana uu ku dilay Marxuumad Caasho Daahir Xassan Sidoo kalana uu dhaawac ugu ugeystay dhibane Yuusuf Muuse Axmed.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiska Cabdillahi iyo Daahir waxaana laga ogolaaday in la mudeeyo sadaxdii bishii Juun ee sanadkan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xuntay Eedeysanayaasha kala ah.

1- Cabdillahi Maxamed Axmed Dil toogasho ahna qasaastii Marxuumad Caasho Daahir Xassan.

2- Daahir Cali Aadan ayaa Maxkamada ku xukuntay Sideed sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Xeriirka Dadweynaha ee Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida mudane Abdulkadir Isse

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.