Dil, Mag, iyo Sanada Xabsiya ah oo ku dhacay Sheegow iyo Maleeshiyadiisa.

0
1783

Garsoor – (Mogadishu)- Dil, Mag, iyo Sanada Xabsiya ah oo ku dhacay Sheegow iyo Maleeshiyadiisa-

  1. Axmed Maxamed Xasan (Abii Axmed)

Waxa uu ahaa taliyaha kooxda Sheegow ka bar-bar dagaalamaysay, waxa uuna February Sadax iyo Tobankeedii Sanadkan ku dilay Jowhar maxkamad ku taal laba Eedeysane oo xilligaas tabasha kala dhexeysay, waxa ayna kala ahaayeen, Cabdifitaax Cabdullaahi Cali & Maxamed Ismaaciil Xasan, sidaas darteed ayaa loogu xukumay Dil-toogasha ah, waxa uu Sidoo kale qayb ka ahaa weerar ay Ciidamada Amniga kala hor tageen koox uu taliye u ahaa oo Gabaad ka helay Sheegow.

  1. Sheegow Axmed Cali, hor joogaha kooxdii Ciidamada kula dagaalantay Kaawa Godey August sagaal iyo tobankeedii Sanadkan, waxaa si gaar ah fal-celintiisa ugu baxay Sakariye Maxamed Cali oo ka tirsanaa Ciidamada Amniga, waxa uu Sidoo kale dhaawacay Sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir, Sheegow Maxkamadda waxa ay ku xukuntay, Magta marxuumka uu Dilay, Magdhow siinta Dhaawaca uu gaystay iyo 10-sano oo Xabsi Ciidan ah.

18 kamid ah kooxda uu horjoogaha u ahaa Sheegow ayay Maxkamadda ku xukuntay min Lix-sano oo Xabsi Ciidan ah iyo in ay bixiyaan Magta labada Marxuum Ee kala ah (Cabdi Axmed Shiiraar & Axmed Xasan Axmed), Waxaa Sidoo kale lagu xukumay bixinta xaq siinta lix Askari oo dhaawacantay.

3. Xasan Cali Maxamuud.

4. Saleeban Ahmed Cali Nuur (Baardees).

5. Cabdirisaaq Aadan Cali.

6. Axmed Cabdulle Abuukar.

7. Xuseen Cismaan Xuseen.

8. Maxamed Cabdulkadir Caamir.

9. Xasan Maxamuud Cusmaan.

10. Axmed Maxamed Cabdullahi.

11. Abuukar Cilmi Jeelow.

12. Axmed Abuukar Xaaji.

13. Maxamed Cali Abuukar.

14. Daahir Maxamed Cabdi.

15. Cabdullahi Xasan Aweys.

16. Saciid Cabdullahi Cabdi.

17. Yuusuf Maxamed Aadan.

18. Cabdiraxmaan Ibrahim Xasan.

19. Cali Abuukar Axmed.

20. Cabdiqaadir Maxamed Xasan.

21. Cabdiraxmaan Ibraahim Baashow (Marshaale).  Iyo 22. Maxamed Abuukar Cabdullahi, labadaba waxa ay ahaayeen kuwii dhaca gaystay ee uu ka bilowday Gacan ka hadalka, waxaana loo xeray sadax iyo tobankii August  ee sandkan iyaga oo dhac u gaystay dhibanayaasha kala ah, Xasan Axmed Xasan & Ciise Cali Muuse, waxa ay Maxkamadda ku xukuntay Shan sano oo xabsi Ciidan ah iyo in loo celiyo Mobile-ladoodii.

Maxamed Cabdi Deeqow(Agaasimaha), waxa uu ahaa maal geliyaha kooxda, waxaana laga helay xeriirka telefoon kiisa ka shaqaynta raadka la qabtay ee ahaa Daabicista Dollarka Madow, waxa ay Maxkamadda ku xukuntay Sedax Sano oo Xabsi Ciidan ah.

– Xukunkan Waxaa la wadaagay Warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukun sanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.