Xukunka dilkii ka bilowday danaano…..

0
1283

Garsoor – (Mogadishu)- Cabdulaahi Cabdi Mustaf ayaa lagu soo eedeeyay dil bareer ah uu u geystay Dable Boolis Cabdikariin Ibraahin Cali (Awdaango) halka Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf losoo xiray gacansiin danbi ka dib markuu dilaaga u dhiibay qoriga uu dilka ku geystay.

Cabdulaahi Cabdi Mustaf oo ka carooday weydiinta Booliska ee warqada fasaxa CID Mooto-Feykoon uu watay ayaa danaano ahaan ugu yeertay walaalkiis Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf oo ka titsan taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir isla markaana uu u dhiibay qorigii lagu dilay marxuum Dable Boolis Cabdikariin Ibraahin Cali ( Awdaango) oo xiligaas ku sugnaa barta gaadiidka lagu hubiyo ee wadada Afisooni Sagaal iyo tobankii bishii December ee 2022.

Garsoorka Maxkamdda Darajada Koowaad ee Ciidmadda oo dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa labo iyo labaatankii bishii February ee sanadkan ku xukuntay Cabdulaahi Cabdi Mustaf Dil toogasho tasoo ah qisaasta marxuum Cabdikariin Ibraahin Cali ( Awdaango) halka Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay Shan sano oo xabsi ciidan ah.

Intaasi kadib Qareenada eedeysanayaasha ayaa racfaan u qaatay Maxkamda Sare ee Ciidmadda oo iyana kiiskan mar kale dhageysatay kowdii bishan, ayaa ugu danbeyn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Cabdulaahi Cabdi Mustaf, halka Dable boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay mar kale Afar sano oo xabsi ciidan ah, Sida uu warbaahinta la wadaagay Janaraal Liibaan CalI Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada.