Xukunka Bajaajlihii reerkiisa u dhoofiyeen dibadda balse u soo laabtay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed…..

0
1110

Garsoor (Mogadishu) – Cabdiwahaab Cali Raage (Saadaq) ayaa loo soo xeray ka tirsanaanshiyaha Khawaarijta una qaabilsanaa daabulida qaraxyada iyo kooxaha dhagarta fuliya.

Waa dagaalyahan hore Xisbo ilaa iyo Jabhad kana qeyb qaatay dagaalo lala galay Ciidmada Qaranka iyo weeraro badankood Muqdisho iyo Hiraan ka kala dhacay.

Cabdiwahab reerkiisa ayaa dalka ka dhoofiyay balse waxa uu dalka dib ugu soo laabtay si’ uu u daadiyo dhiiga shacabka Soomaaliyeed, isaga oo dhawac ka so gaaray dagaal ay Maleeshiyada la gashay ciidamada ATMIS.

Waxaa loo arkayay qabiir la qabsan kara mowjadaha magaalo Xamar oo kale ah, xambaarsna qibradaha is bad-badelka isagoona xariif ku ahaa tir tirida raadadka, Muqdisho ayaa loo soo badelay waxaana uu ku shaqa bilaabay moota Bajaaj sida lagu soo eedeyayna ay ku hoos jirto shaqadiisa Khawaarijnimo Sida: Qaadista Xubnaha dhagar qabayaasha ah, kala gudbinta qaraxyada iyo sahminta jidadka caasimadda.

Ciidanka xasilinta caasimadda ee Boolis Militaaro ayaa ka soo qabtay deeganka Ceelasha Biyaha Lix iyo tobankii bishii Augost ee sanadkan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukumay, Cabdiwahaab Cali Raage Toban sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha maxkamda Darajada ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute.

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.