Xukunka Askari Dilay Taliye Unugiisa.

Garsoor (Mogadishu)- Maxamed Nuur Sheikh Waarre ayaa loo haystaa dil uu u gaystay Allaha Unaxariiste Axmed Cali Cabdi oo ay kawada tirsanaayeen Boliiska Soomaaliyeed, Dilka ayaa ka dhacay Hodan gaar ahaan xarunta Waaxda Kacaan March 17-keedii Sanadkan.

Maalma kadib ayay Ciidamada Amniga ku soo wareejiyeen Eedeysane Maxamed Nuur Sheikh Waarre Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxaana Xabsiga dhexe loo gudbiyay 26-kii March isla bishaas Garsuge ahaan.

Baaritaan dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Codsaday in la Maxkamadeeyo Eedeysane Maxamed Nuur Sheikh Waarre May bartamaheedii.

Maxkamadda Ciidamada ayaa aqbashay dhegeysigii ugu horeeyay ee kiiska 31-May  bishii ina dhaaftay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda keenay ilaa shan marag oo ay kuwada jireen shaqada Qaranka, maragyada ayaa isku raacay In ay Murmeen  Eedeysanahe iyo Taliye Unugii geeriyooday, waxa ay sido kale Maxkamadda ka hor sheegeen in Maxamed Nuur Sheikh Waarre uu dhameystiray Marxuumka oo ku dhaawacmay xabidihii ugu horeeyay.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto Askariga maadaama Muranka ka yimid howl adag oo dheeraad ah oo askariga ka soo bixi waayay, magtana laga qaado Boliiska.

Fadhiya kala duwan kadib Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay waxaana lagu xukumay Maxamed Nuur Sheikh Waarre Xukun Dil ah oo ah Qisaasta taliye Unugiisii Marxuum Axmed Cali Cabdi oo ay kawada tirsanaayeen Boliiska Sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamda Qalabka Sida.

Maxamed Nuur Sheikh Waarre – Boliis- Xukunsane.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Bamba-tuurayaal lagu kala xukumay Xabsi & Dil

Gasoor (Mogadishu)- Cabdi Xasan Rooble Maxamed, Cusmaan Xasan Macalim Aadan, Maxamed Abuukar Ibraahim Abiikar Iyo Mucaad Maxamuud Maxamed ayaa loo haystaa Bambooyin ay mar  qura kuwada tuureen Baro Ciidan iyo kamid ahaanshiyaha Maleeshiyada Alshabaab.

Cabdi Xasan Rooble Maxamed oo magiciisa Afgarashadu yahay “Afay”  ayaa loo haystaa in uu Alshabaab kamid ahaa, waxa uu ka qayb galay dhowr weerar oo ay maleeshiyada ku qaaday Fariisimo ay Ciidamada ku leeyihiin deeganno ka tirsan Gedo iyo Shabeellada Hoose.

Waxa uu sidoo kale ku Eedeysanaa ka qayb galka Dil loo gaystay Allaha Unaxariiste Marxuum Cali Maxamed Xasan “Cali Gaab” oo ka tirsanaa wasaaradda Gaadiidka iyo in uu Bam ku tuuray saldhiga degmada Hodan.

Cusmaan Xasan Macalim Aadan oo Alshabaab ugu howl-galayay “Anas” waxa uu Alshabaab kala qayb galay weeraro ay ka gaysteen qayba kamid ah Jubbooyinka, waxaa sidoo kale lagu soo qabtay Bam uu ku tuuray Warta-Nabadda.

Maxamed Abuukar Ibraahim oo isna isticmaali jiray magaca “Sakariye” Alshabaab dhexdooda ayaa isna ka soo dagaalamay qayba kamid ah Shabeellada Hoose, waxaa lagu soo qabtay kadib Bam uu ku tuuray Saldhiga Boliiska ee Howl-wadaag.

Mucaad Maxamuud Maxamed oo ina magac ahaan Alshaabaab dhexdooda u isticmaali jiray “Ducaale” waxa uu ka dagaalamay Shabeellada Hoose, waxaana loo soo wareejiyay Muqdisho, waxaa la soo qabtay isaga oo Bam ku tuuray saldhiga Yaaqshiid.

Dhammaan afarta Eedeysane ayaa mar qura kuwada tuuray Bam F1- AH saldhigyada Warta-Nabadda, Howl-wadaag, Hodan & Yaaqshiid, February Sanadkan 22-keedii.

30-kii March sanadkan ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxaana isla xilligaas loo gudbiyay xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

Baaris dheer oo ay xafiiska xeer ilaalinta kaalintooda ku qaateen, waxa ay codsadeen in la maxkamadeeyo April billowgeeda, Maxkamadda ayaana Ogolaatay fadhigii koowaad 21 May bishii ina dhaaftay.

Fadhiya kala duwan kadib oo ay qayb ka ahaayeen dhinacyada dacwadda, sida xeer ilaalinta qareenada iyo Caawiya-yaasha  kale sida maragyo iyo dhibanayaal, maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay sida dhinacyada dacwadda uu la wadaagay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorayashaa Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdi Xasan Rooble Maxamed ayaa lagu xukumay Dil-toogasha ah, kadib markii ay Maxkamadda ku heshay dilka Allaha Unaxariistee Marxuum Cali Maxamed Xasan “Cali Gaab” oo ka tirsanaa wasaaradda Gaadiidka, dilkaasi oo ka dhacay Wadajir gaar ahaan Xaawo taako February 20-keedii Sanadkan.

Cabdi Xasan Rooble Maxamed

Cusmaan Xasan Macalim Aadan, Maxamed Abuukar Ibraahim Abiikar Iyo Mucaad Maxamuud Maxamed  ayaa lagu wada xukumay min 15-sano o Xabsi Ciidan ah.

Cusmaan Xasan Macalim Aadan
Maxamed Abuukar Ibraahim Abiikar
Mucaad Maxamuud Maxamed

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo ay Dil ku Xukuntay Maxkamadda Ciidamada.

Gasoor (Mogadishu)- Xasan Maxamuud Dhiblaawe ayaa loo haystaa Dilka Marxuum Maxamed Cawil Jaamac uu u dilay August 2019, Dilkaasi oo  ka d hacay Hodan gaar ahaan Tarabuunka.

Kadib dilkii uu gaystay Xasan waxa uu isaga baxsaday guud ahaan goobaha dowladda, waxaana isla bil kadib September 2019 ay Maxkamadda Ciidamada Waaran soo Qabasha ah u jartay eedeysanaha, Amarka soo Qabashada ayaa lagu socodsiiyay fadhiyadii uu ka tirsanaa iyo cid kasta ee ay qosayso Kiiskan.

Ciidamada Boliika gaar ahaan laanta Dambi baarista CID ayaa ku soo wareejisay Eedeysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 18-kii December Sanadkii tegay kadib markii uu u soo Gacan galay bilowgii Bishaas.

Wixii intaasi ka dambeeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isku howlay isku aadinta Natiijada hay’adaha Baarista iyo Is waafajinta kaalinta kaga aadan ee Horgeynta Maxkamadda Ciidamada, Xafiiska ayaana Codsaday in la mudeeyo dhegysiga Dacwadda ka dhanka ah Eedeysanaha billowgii Janaury Sanadkan.

Maxkamadda ayaa mudaysay dhegeysiga kama dambaysta ah ee kiiskan 25-ka bishii ina dhaaftay.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda la yimid Qiraalka Eedeysanaha, Sedax marag, Baarihii Kiiska, Xaanshida Dhimashada Marxuumka iyo oo ay u dheertahay Waaran uu Xafiiska Xeer Ilaalinta ka Codsaday Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida soo Qabashada Eedeysanaha September 2019-kii.

Maragyadii goobjoogga u ahaa kiiskan waxa ay sheegeen Marxuumka oo Bajaajla ahaa isla markaana iska xaraynayay mootadiisa maadaama ay xilli dambe ahayd uu sababsaday Xabad uu Riday Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo xilligaasi Maqaaxi lagu Qayilo ka baxay.

Maxamed Cabdullaahi Khaliif  oo ka tirsan Xeer Ilaalinta ayaa sidoo kale Maxkamadda hor keenay Eed kale oo ah in Eedeysane Xasan Maxamuud Dhiblaawe uu iibsaday AK47 oo ah Hantidii Qaranka ee lagu aaminay taasi uu eedeysanaha Maxkamadda ka hor Qirtay.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in loo Naxariisto oo ay Maxkamadda U fiiriso Sifaalaha Dambiga Fududeeyo Maadaama Uu Qiraal-yahay Eedeysanaha.

Maxkamadda ayaa ugu dambayn maanta go’aan ka soo saartay waxa ayna ku xukuntay Xasan Maxamuud Dhiblaawe Dil-Toogasha ah oo Qistaasta Marxuum Maxamed Cawil Jaamac, sida uu dhinacyada Dacwadda u Sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

 

Xasan Maxamuud Dhiblaawe

 

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun ku riday Nin Watay Boorso Qarax ah…

Mogadishu (Garsoor)- June Todobadeedii Sanadkan  sii dhammaanayo ayay Ciidamada Amniga ka  qabteen Xasan Cabdullaahi Aadan Ex Control Afgooye xilligaasi oo  isu soo diyaariyay Sidii uu isugu Qarxin lahaa Xarunta Murtida iyo Mada-daallada oo uu maalin ka hor sheegay in uu soo fiirsaday “Istidhlaac”.

Diifta ka muuqatay darteed ayay Ciidamada Amniga uga shakiyeen, waxa aysa dhalisay Baaris kadib in laga dhex helo Boorsadiisa Jaakadka Qarax, Isla xilligaasi ayay Ciidamada Amniga  u gacan geliyeen Hogaanka Baarista Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Baaritaan dheer kadib Xasan Cabdullaahi Aadan waxa uu qirtay in Sanad iyo xoogaa uu la soo shaqeeyay Alshabaab, waxa uuna Alshabaab kaga biiray Buur Dhuxunle oo ka tirsan Bakool 2018.

Tuullo la yiraahdo Ugunji oo hoos tagata degmada Jannaale ayaa la keenay kadib markii lagu Qanciyay in uu Naftiisa gooyo isaga oo sii Salfanaya Bulsha aan waxba galabsan.

May 2020 ayaa ugu dambayn loo keenay Jaakada iyo Boorsada uu wada Isticmaali lahaa si’uu isugu Qarxiyo, waxaana la tusiyay Sedax badhan oo mid kastaahi laga qarxin karo Jaakadda iyo Boorso wada jira ee Argagaixisada dhawaan Isticmaalkeeda Billowday .

August Bartamaheeda ayay iska soo wareejiyeen Hey’ada Baarista, wixii xilligaasi ka dambeeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isna hubin ku bilaabay daba galka iyo jiritaanka Eedaha Hey’adaha Amniga Baarista.

Baaritaan dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Codsaday in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda ka dhanka ah Xasan Cabdullaahi Aadan, waxa ayna Maxkamadda ballamisay 26 bishii Tobnaad Sanadkan.

Wixii intaasi ka dambeeyay Maxkamadda ayaa billowday dhageysiga Kiiskan, xilliya kala duwan ayaa la isugu soo noqday si’ay Maxkamadda jawaab waafi ah uga hesho sida lagu qabtay qof Naftiisa haligaya oo agab qarxa wata, waxa ay Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Ciidamada Cadeeyeen In Eedeysanaha uu isku dayay in uu baxsado laakiin ay agabka iyo Eedeysanahaba ay ka wada dajiyeen Gaari Dadweyne.

Eedeysane Xasan Cabdullaahi Aadan ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in uu  u jeedkiisa ahaa in isku Qarxiyo meel loogu sheegay in ay tahay Xarun ay degan yihiin Ciidamo Dhar Cad ah laakiin tilmaamata Cadeymaha ayaa Muujineyso in u jeedkiisu ahaa Tiyaatarka Qaranka.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in Eedeysanaha loo Naxariisto Maadaama ay Alshabaab kaga Faa’ideysteen Aqoon la’aan iyo Duurka uu duruuf kula noolaa.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aamisay in Xasan Cabdullaahi Aadan lagu xukumo Xabsi Daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu Rafcaan ku dalban karo muddo 30 Cisha ah xukunka Kadib.

Askari  loogu xukumay Dil kufsi uu gaystay !

Muqdisho “Garsoor”-Dable Xoogga Dalka Maxamed Xuseen Cilmi ayaa loo xiray kufsi uu u gaystay Dhibanad Farxiyo Cabdi Shakuur Bootaan oo Afar jir ah, 14-kii May Sanadkan, Kufsigaasi oo ka dhacay  degmada Wadajir.

 

Maxamed Xuseen Cilmi ayaa lagu soo wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xabsiga dhexe loo taxaabay muddo kadib si loo hubiyo jiritaanka dambiga lala xiriiriyay ee uu ugu xirnaa hey’adda dambi barista Boliiska CID.

 

Xafiiska Xeer Ilaainta Ciidamada Qalabka Sida ayaa baaritaan kadib hor geeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, waxaana xilligaasi loo dii  waan geliyay qiraalkii ka dhashay  horgeyntiisa Maxkamadeed.

 

Maxamed Xuseen Cilmi ayaa ay Maxkamadda Ciidamada mudeysay in la dhageysto dacwadda ka dhanka ah bilowgii september, waxaana dhageysiga kama dambeysta ah ee Maxkamadda la soo gaba gabeeyay 24-kii bishan.

 

Intii ay socotay Maxkamadeynta  Maxamed Xuseen Cilmi ayaa la dhageystay baarihii kiiskan, sidoo kale Maxkamadda ayaa lala wadaagay warqadda cadeynta saameynta dhibanaha gaaray.

 

Eedeysanaha oo isna kamid ah dadka fursadda loo siiyay fadhigan Maxkamadeed ayaa markale ku jawaabay in uu isaga qaadanayo masuulliyadda dhibkii dhacay laakiin uusan ka jawaabi Karin sababta ku kaliftay  inuu kufsado gabar ciyaal ah oo ay daris yihiin, waxa uu intaasi ku daray in xilli dambe oo wax walba ay dhaceen ay dib kala xumaatay.

 

Muumin Xuseen Cadullaahi ku xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda weydiistay in ay fariin uga dhigto xukunkeeda in fal dambe oo kufsi ah uusan ku fikirin qof kamid ah Ciidamada Qalabka Sida.

 

Qareenada u dooday eedeysanaha  ayaa ku dacwooday in aan loo qaban qiraalka eedeysanaha xukun ahaan bedlkeedsa ay codsanayaan in Maxkamadda ay siiso fursad ay  kula macaamilaan  ehelka dhibanaha.

 

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute  guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee CQS ayaa la tashi iyo fadhiya Maxkamadeed kadib ku riday xukun Dil ah maanta sida uu la wadaagay dhinacyada dacwadda.

 

Xukunsane Maxamed Xuseen Cilmi ayaa haysto fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

 

Maxkamadda Ciidamada ayaa Xukun Dil ah ku riday Liibaan Cabdi Faarax

Muqdisho (Garsoor)- Liibaan ayaa loo haystay dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Maxamed  Daahir Siyaad, dilkaasi oo ka dhacay degmada Hodan 10-kii December 2019.

Kadib dilka  Marxuumka Sedax Xarigle Liibaan Cabdi Faarax waxa uu u baxsaday gobalka Galgaduud.

Warqad cabasha ah oo ay ehelka Marxuumka ku dalbanayaan in Cadaaladda la hor keeno eedeysanah ayay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida u dirsadeen 15-kii December sedax cisha kadib dhimashad Maxmed Daahir Siyaad.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ka dalbaday Taliska NISA  qaybta Galmudug in ay sharciga hor keenaan Sedax  Xarigle Xoogga Dalka Liibaan Cabdi Faarax.

5-tii April Sanadkan ayaya Ciidamada Amniga NISA ku wareejiyeen Saldhiga Boliiska Garoonka Aadan Cadde oo markaas laga soo dajiyay eedeysanah, waxaana isla xilligaas baaris dheeraad ah ku sameeyay Laanta Dambi Baarista Boliiska CID.

13-kii May ayay la wareegeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida eedeysane Liibaan Faarax Cabdi oo ay Markaas Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida weydiisteen in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta oo isna isku howlay baaritaano kale oo dheeri ah ayaa ugu dambeyn Maxkamadda weydiistay in la muddeeyo eedda ka dhanka ah Liibaan Cabdi Faarax 13-kii June bishii na dhaaaftay.

15-ka bishii na dhaaftay ayaa loo ballamay Fadhiga Maxkamadda, waxaana dhinacyada dacwadda ee kala ah Xeer Ilaalinta iyo Qareenada eedeysanaha  si siman loo siiyay fursado ay ku soo bandhigi karaan doodaha la xiriira difaaca iyo cadeymaha dambi muujin iyo kuwa bari yeelaya eedeysanaha labadaba.

Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha uu isticmaalay awood laga baaqsan karay, waxa uu ka sheegay fadhiga Maxkamadda in Marxuumka uu qalad ka galay eedeysanaha laakiin in dacwad uu la tiigsada ay banaantahay balse sabab uu u dilo aanu jirin mar hadii uu yahay military weliba ka wood roon Marxuumkii gaba-gabada u mareysay wax barashada dugsiga sare, sidaas darteed ayuu weydiistay Garsoor in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobbada ay ku soo eedeeyeen.

Qareennada u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in Marxuumka uu u gafay marwada Eedeysanaha  oo waddada dhinaceeda meherad yar ku laheyd, sidoo kale Marxuumka ayaa isku dayay in uu diido in uu saldhiga u raaco askariga taasina ay keentay dhimashada Marxuumka oo aan ku tala gal aheyn, sidaas darteed ayay Maxkamadda ka codsadeen in loo Naxariista Liibaan Cabdi Faarax.

Ugu dambeyn Maxkamadd ayaa go’aan ka soo saartay maanta, waxa ayna ku xukuntay Liibaan Cabdi Faarax dil toogasha ah oo ah Magta Marxuum Maxamed Daahir Siyaad, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

 

Xukunka Askari u dilay xoogsade in uu ku beer fasho

Muqdisho (Garsoor)- Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle ayaa loo heystaa dilka Allaha Unaxariiste Marxuum Xuseen Axmed Cabdulle iyo  dhaawaca Yaasiin Geedow Xuseen kadib markii ay ka biya diideen in uu ku fasho Beer uu lahaa Eedeysanaha  oo ku taal magaalada Buullo Mareer 31 October sanadkii tegay.

Taliska Ciidanka gaar ahaan Ururuka Lixaad ayaa ku  wareejiyay eedeysanaha Sedaxdii November 2019  Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa uuna Xafiska isla xilligaas weydiistay Garsoorka in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle garsuge ahaan.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isku howlay hubinta sida ay wax uga dhaceen Buullo Mareer, waxa uuna Xafiiska weydiistay in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle 29-kii  January sanadkan.

Maxkamadda ayaa aqbashay dhageysiga kiiskan 27-ka bishii ina dhaaftay, waxa ayna Maxkamadda u ogolaatay Xafiiska Xeer Ilaalinta in ay soo bandhigaan cadeymaha iyo qodobada Sharci oo ay u heysteen Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan kadib jeedinta Maxkamadda.

Xafiiska ayaa ugu horeynba weydiistay Maxkamadda in loo ogolaad dhageysiga Sedax Marag oo uu afar ku yahay Dhibane Yaasiin Geedow Xuseen.Markhaatiyaasha oo ay Maxkamadda mid mid u weydiisay Marag furkooda ayaa si isku mid ah isugu raacay in Eedeysana ay hadda ka hor u shaqeeyeen laakiin uu u  diiday inta ay  ugu lahaayeen xaqa ka xoogsata ahaan, muddo kadib ayuu Eedeysanah ugu yimid iyaga oo ka shaqeysnaya meel aan sidaas uga fogeyn goobta beerta uu ku lahaa Eedeysanaha, waxa uu markale ka dalbaday in ay u shaqeeyaan oo ay u falaan Beertiisa laakiin Xoogsatada ayaa weydiistay in uu u hormariyo khidmada adeega loogu qabanayo, waana taas sababta dhalisay dhimashada Marxuumka iyo dhaawaca mid kamid ah Xoogsatadii.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida  Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ayaa ka sheegay Fadhiga Maxkamadda in Eedeysane Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle uu ula dhaqmay xoogsatada sidii in ay addooma u yihiin oo kale, Damaciisuna ahaa in uu dilo marxuum Xuseen Axmed Cabdulle ita kalane ay ugu shaqeeyaan si qasab ah, sidaas darteedna uu mudan yahay in la dha-dhansiiyo xanuunka Geerida.

Abuukaataha u dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle uu u riday xabadda si’ aysan xoogsatada isugu dhicin maadaama ay ka tira badnaayeen sidaasna ay sababtay dhaawaca Yaasiin iyo dhimashada Xuseen, sidaas darteed uu u codsanayo in loo Naxariisto Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in Dable Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Cabdulle Hilowle lagu xukumo dil toogasha ah  oo ah qisaaasta Marxuum  Xuseen Axmed Cabdulle   sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa heysta Fursad 30-cisha oo ku qaadan Rafcaan Xukunka kadib.

 

Yaa loo xukumay ciyaar yahaankii Danaanada loo dilay?

Muqdisho (Garsoor)- Dable xoogga dalka Maxamed Cismaan Maxamed Nuur ayaa loo heysta dilka Allaha Unaxariiste Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan  oo uu ku dilay garoon lagu ciyaaro kubadda cagta  kaas oo ku yaal degmada Kaxda sedaxdii January ee sanadkan.

Maalin kadib  ayay ku guuleysteen ciidamada Amniga ee joogo baraha qaybta galbeed in ay ku wareejiyaan Maxamed Cismaan Maxamed Nuur hey’adaha ku shaqada leh sida laanta dambi baarista Boliiska CID.

Hey’adda    dambi baarista boliiska CID  ayaa  ka gudatay waaajibka kaga aadan ee baaris, waxa ayna ku soo wareejisay Gungaarka eedeysanaha  Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida 12/01/2020, Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla  xilligaaasi weydiistay garsoorka in loo gudbiyo eedeysanaha xabsiga dhexe  garsuge ahaan si’ ay u sameeyaan baaris kale oo dheeraad ah.

Intaas kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa isku howlay baarista sida ay wax uga dhaceen garoonka lagu ciyaaaro kubadda cagta ee ku yaal degmada Cirifka jirta ee Kaxda, waxa ayna bilowgii February codsadeen in la muddeeyo dhageysiga eedda ka dhanka ah eedeysane Maxamed Cismaan Maxamed Nuur.

Labadii bishan ayay Maxkamadda u fariisatay eedda ka dhanka ah eedeysane Maxamed Cismaan Maxamed Nuur, waxaana ugu horreyn la weydiiyay jiritaanka eedda loo heysto in uu ka jawaabo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dheeraaday sharaxaadda sida ay wax u dhaceen, Dhamme Ismaaciil Salaad Maxamed ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa u sheegay Garsoorayaasha in eedeysane Dable Xoogga Maxamed Cismaan Maxamed Nuur uusan ka mid aheyn dadka ku ciyaarayay garoon ku yaal degmada Kaxda dhinaca Xoosh balse uu garab siin ugu yimid wiil ay isku heyb yihiin, waxa uu meesha ka saaray Xeer Ilaaliyaha in wax wada xaajood ah dhex maray dhalinyaradii kubadda ciyaareysay iyo eedeysanaha balse si’aan ka fiirsasha laheyn uu ugu riday xabado sababay laba kamid ah in ay galaafteen nolosha Marxuumka.

Abuukaataha u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in Dable xoogga dalka Maxamed Cismaan Maxamed Nuur uu u tagay garoonka si’ uu uga fal celiyo walaalkiis oo ciyaarta ku badda looga saaray awood sheegasho balse markii uu meesha tegay isku deygiisa kala eryidda dhalinyaradii ciyaareysay ay sababtay xabadihii uu riday dhimashada Marxuumka.

Garsoorayaasha  ayaa dhageysiga dhinacyada kadib go’aamiyay in lagu xukumo Maxamed Cismaan Maxamed Nuur dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan   sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta  fursad  30-cisho ah oo   uu ku dalban karo Rafcaan .