Xukunka Bamba tuure laga qabtay Ex Control…..

Garsoor (Mogadishu) – Sharma’arke Yuusuf Daa’uud ayaa loo soo xiray ka mid ahaashiyaha Khawaarijta Alshabaab, waxa uu u qaabilsanaa fulinta Dilalka qorsheysan iyo Bambo tuurka, waxaana la soo qabtay isaga oo Bom-gacmeed ku tuurayo koolba waardiyaha taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee Ex-Kontarol Afgooye.

Sharma’arke ayaa maleeshiyada ku biiray 2022 waxaana ku tashkiiliyay Saaxiibkiis, Waxa uuna tagay tuulada Ugunji oo uu sadax cisho ku soo qaatay sida loo tuuro Bambo gacmeedka iyo isticmaalkeeda, kadib ayuuna ku soo laabtay deeganka Weydow ee duleedka Muqdisho.

Waxa uu qayb ka ahaa Dilal ka dhacay Degmada Kaxda, waxa ay wada geesteen isaga iyo laba kale, waxa uu Bambooyin ku tuuray ciidamo ku kala sugnaa Suuqa-Weyn ee Wadajir, Seybiyaano iyo tan hadda lagu soo qabtay oo uu ku tuurayay Taliska Ciidan Astuubta ee Ex-Koontarol Afgooye.

Eedeysanaha Waxaa gacanta ku soo dhigay askar ka tirsan Ciidanka Asluubta oo goobta ku sugnaa, sidaas ayaana lagu qabtay isaga iyo Bambkii uu watay kow iyo labaatankii December 2022.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa Maxkamadda ka codsaday qaadista kiiska Sharmaarke, waxaana laga ogolaaday kow iyo tobankii March ee sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda ciidamada oo siiyay muddo ku filan dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta go’aan ka soo saaray Galka Sharma’arke Yuusuf Daa’uud Aadan, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Xukunka Cali oo Alshabaab u qaabilsanaa diiwaan galinta iyo sahminta ganacsiyada….

Garsoor (Mogadishu) – Cali Abuukar Jimcaale Rooble, ayaa loo soo xiray sadaxdii November ee sanadkii hore ka mid ahaanshaha Khawaarijta Alshabaab, waxa uu u qaabilsanaa qaybta Amniyaadka.

Cali Abuukar Jimcaalle Rooble, waxa ay reerkiisa u safriyeen South Africa 2010-kii Sanad kedib markii uu ku biiray Argagixisada.

Todoba sano oo la islahaa waxa uu ka xuroobay fikirka Khawaarijta ma dhicin balse waxa uu ka soo degay Muqdisho dabayaaqadii 2017 isaga oo xambaarsan isla fikirkii guracnaa ee kooxda.

Waxa ay Argagixisada u wakiilatay Cali diiwaan gelinta ganacsiyada cusub iyo sahmintooda, waxa uuna mushaar ahaan u heli jiray 50 ilaa 100 dollar bishiiba.

Markale ayay Argagixisada ku celisay tababar lagu barayo isticmaalka hubka, waxaana lagu ogaaday baaritaanka hay’adaha Amniga in maalmo uu la qaatay Cali jabhad hareeraha Jilib-Marko ku dhuumaalaysato.

Dalabka xeer ilaalinta ee ahaa maxkamad qaadista Cali Abuukar Jimcaalle ayuu garsoorka Ogolaaday afartii March sanadkan.

Garsoorka ayaa waqti ku filan siiyay dhinacyada Dacwadda, waxa ayna habraacii maxkamadeed kedib ku xukuntay Cali Abuukar Jimcaalle Rooble Sideed Sano oo Xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo heerka Koowaad ee maxkamadda ciidamada ka tirsan.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Xukunka Ayuub oo mar isku soo dhiibay Dowladda ka dibna ku laabtay Maleeshiyada Alshabaab……

Garsoor (Mogadishu)-  Ayuub Cismaan Sheekh Aadan Isxaaq oo ah 24-jir ku dhashay Janaale Shabeellada Hoose ayaa loo soo xiray ka mid ahaan shiyaha Kooxda Argagaxisada ah ee Al Shabaab, waxa uu qaabilsanaa qaybta tuurista Bambooyinka.

Ayuub ayaa horay isugu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya isaga oo soo maray xarunta dhaqan celinta Kuwa ka haray Fikirka kooxda, markii uu dhamaystay habraacyadii dhaqan celinta ayaa laga fasaxay xarunta oo uu Sanad ku jiray, waxa uu Markale dib ugu laabtay Alshabaab bishii November 2022, mushaar ahaaan ayuu u qaadan jiray 30$.

Ayuub ayaa ku soo bartay Bamba tuurista tuulada Siigaale ee Janaale, shaqadii ugu horeysay wuxuu Bombo F1 ku tuuray ciidan roondo ku jiray Janaale, wax qasaara ahna ma geysan, ciidka ayaa daba galay kadibna soo qabtay.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiska Ayuub Cismaan Sheekh Aadan, waxaana laga ogolaaday 28- February-2023.

Maxkamadda ayaa ugu danbayn maanta Go’aan ka soo saartay Ayuub Cismaan Sheekh Aadan Isxaaq, waxa ayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.

Xukunka Shabakad Alshabaab ah oo ay u dhamaystiranaayeen Adeegyadooda Ciidan

Garsoor (Mogadishu) – Maxkamadda Ciidamada ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay Koox loo haystay Argagixisanimo, waxa ay kawada shaqeeyeen Dilal qorshaysan iyo dhacdooyin kale oo Arbushaad ah.

Isku day ay ka sameeyeen 17-kii September Sanadkan Jidmariixaan Howladaag ayay ku fashilmeen, waxaana u sahalanaatay Ciidamada aan Muuqan ee Nabad-Sugidda in ay ku soo simeen gacmaha Sharciga.

Kooxdan ayaa ka koobnaa Koox Jugta Culus ah oo isticmaali jiray RBG, F1, AK-47, waxa ay sidoo kale lahaayeen Madax Maaliyadeed, Madax Caafimaad, Bajaaj iyo Gaari raaxo.

Qaarkood oo gacmaha dhiig ku leh kuwan kalane ay ku jireen Gurya qarsoon oo ay kooxdu ku lahayd Muqdisho Sida Gubta, Xaawa Cabdi, OOd-weyne, Alxayaat-Ceelasha, Ciise-Cabdi iyo Cali-Turcaaye ayay ciidamada amniga soo qabteen.

Dhammaan habraacyadii Maxkamadeed ayay soo dhamaysteen 10-kii December Bishan aynu ku jirno.

Todobaad kadib Maaan ayay Maxkamadda ku kala Xukuntay :-

1- Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Maxamed Xaanshi Faarax oo ku geeriyooday Weerar Arbushaad ah oo uu ka sameeyay Macaani gaari Taraafiko ah oo Jiidayay Bajaaj Shil ku  Gashay Ceelasha September 7-deedii sanadan 20222 balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October Sanadkan.

1- Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama Xukun Dil ah
1- Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama Xukun Dil ah

2- Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu Xukumay Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cabdi Axmed oo ka tirsanaa Military-ga 18 June Sanadkan, waxaana xukunsanaha dhaawacd dhabarka ah ka soo gaaray Xabado iska caabin ah oo uu riday Marxuumka ka hor inta uusan Geeriyoon.

2- Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu Xukumay Xukun Dil
2- Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu Xukumay Xukun Dil

3-4 Caddow Axmed Calasow iyo Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud ayaa lagu wada xukumnay Min Sideed Sano oo Xabsi Ciidan, waxa ayna ahaayeen Madaxa Gaadiidka kooxda iyo Kan Caafimaadka

Caddow Axmed Calasow -  8 sano Xabsi Ciidan ah
Caddow Axmed Calasow – 8 sano Xabsi Ciidan ah
Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud - 8 sano Xabsi Ciidan ah
Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud – 8 sano Xabsi Ciidan ah

5-Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen oo lacag ka badan sedax kun dhex martay oo uu ku dabiibay xukunsaha labaad ayaa lagu xukumay Shan-sano oo xabsi Ciidan ah.

5-Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen - 5 sano oo Xabsi Ciidan ah
5-Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen – 5 sano oo Xabsi Ciidan ah

6-Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle oo ahaa Furaha hayaha Guryaha qarsoon ee kooxda iyo marti geliyaha maleeshiyaadka ka soo dhaawacmo argagixisada ayaa lagu xukumay Sedax Sano oo Xabsi Ciidan ah.

6-Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle -3 sano oo Xabsi Ciidan ah
6-Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle -3 sano oo Xabsi Ciidan ah

7-8 Aadan Nuunow Maxamed Kabiila iyo Dahabo Cabdi Cusmaan Maxamed ayay Maxkamaddu ku wayday wax dambi ah, waxa ayna u celisay Xorriyadooda

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka sida.

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku riday Sarkaal hore oo loo haystay Weerarkii AirPort Aadan Cadd…..

Garsoor (Mogadishu) – Lix iyo Sodon jirkan ku dhashay Jamaame ayaa ka soo mid ahaa Military-ga ilaa Dowladdii Cabdullaahi Yusuf laakiin waxa uu ka haray Liiska Ciidamada Xoogga Dalka Xilligii Dib u habaynta Electronic ahayd Ee Xukuumadii Madaxweyne Farmaxajo 2018.

Sanad ii 2017 kii ayay Xafiiska xeer Ilaalinta iyo Hay’adda Nabad Sugidda Cadeeyeen in uu bilaabay la shaqaynta Alshabaab, waxa uuna Argagixisada u Qaabilsanaa Gudbinta Gawaarida Qaraxyada ah Ee ay Argagixisada ku weerari jirtay Muqdisho.

Waxa uu isticmaalayay Magiciisa iyo Kaarkiisa Aqoonsiga isago oo aan ku jirin Liiska Saraakiisha oo uu mar ka gaaray Laba Xidigle.

Maragyada wax laga waydiiyay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow waxa ay Qireen in shaki badani ka qabeen intuu uu kamid ah Saraakiisha ku Qoran Villa Baydhabo ee aan howlaha Ciidamada ku Jirin .

September 19 keedii 2019 ayaa lagu helay in uu Qarax geeyay Ururka 38 Aad Ee degan Villa Baydhabo.

23 kii March Sanadkan ayuu ku geliyay Gaarigiisa Garoonka Diyaaradaha Laba dhagar Qabe oo ka tirsan Argagixisada, waxaana Abaabulka Biyamaalow ku naf waayay Allah Unaxariisto Cabdirisaaq Aabi Cali oo kamid ah Halyeeyadii soo afjarayay weerarkaas, waxaana jiro khasaara gaaray Saaxiibbo kale oo joogay goobta gaarka ah ay isku fara saareen Maleeshiyada Weerarka ahaa iyo Ciidamada gaarka ah Ee Haramcad.

Sideedii bishan ayay soo gaba gabowday Maxkamadaynta Maxamed Cabdulle Nuur Abkow.

Waxaa Maxkamadda laga Daawad Siiyay Muuqaalka Camerooyinka Amniga Ee CCTV xilligii uu gudbinayay Naftood haligayaashii Arbushay Garoonka.

Maxkamadda ayaa ugu dambayn Maanta Go’aan ka soo saartay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) waxa ayna ku xukuntay Dil toogasha ah oo ah Qosaasta Marxuun Cabdirisaaq Aabi Cali, sida uu Warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Shabaab loo xukumay dhaawac kasoo gaaray Qarax uu isaga Aasay…..

Garsoor – Mogadishu .   Cabdillahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) ayaa loo soo xeray 03-dii Bishii Juun ee sanadkaan in uu ka tirsanaa Maleeshiyada Alshabaab  una qaabilsanaa Qaybta qaraxyada isaga oo 7miino ku aasay kuna qarxiyay Waddooyinka Buufow Bacaad, Wadada Janaale, iyo Wadada Sabiib iyo Caanoole.

August dabayaaqadeedii ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaas ayaa xabsiga dhexe loo diray Garsuge ahaan.

Waxa uu Alshabaab  ku biiray isagoo 15 jir ah waxa uuna tababar ku qaatay tuulada Doolaale ee ka tirsan Gobolka Bay, tababarkii markii uu usoo dhamaadayna waxaa loo wareejiyay sanadii 2016 qaybta qaraxyada, waxaana la baray qaabka loo fuliyo loona isticmaalo Miinooyinka, Waxa uuna mushaar ahaan u qaadan jiray bishii 200$.

Qarax oo uu ku aasay waddada Sabiib iyo Caanoole ayaa dhaawac ka soo gaaray kadib markii uu isku dayay in uu ka bixyo markii uu waayay cid soo marta, waxa uuna kana dhaawacmay Gacanta iyo Lugta Bowdada Midig.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada oo Codsaday Dacwad Qaadista Kiiska Cabdillahi ayaa laga Ogolaaday 12-kii Bishan November ee aan ku jirno, waxa ay Maxkamadda la wadaageen Qiraalka Eedeysanaha.

Fadhiya kala duwan kadib iyo dhegeysiga dhinacyada dacwadda sida Xeer Ilaalinta iyo Qareenada Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Cabdillahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) Xabsi Daa’in  sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunkasanaha haysta Fursad uu ku dalban karo racfaan inta sharciga Ogol yahay.

 

Xukunka Xuseen Cabdiraxmaan oo Khawaarijta u qaabilsanaa…..

Garsoor – Mogadishu.  Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf ayaa loo soo xiray in u Maleeshiyada Alshabaab u qaabilsanaa kala gudbinta hubka waxaana soo qabtay Ciidanka Xooga Dalka. 16-Kii Bishii August ee Sanadkan.

Ciidamada Amniga ayaa ku wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna isla xilligaasi Garsoorka Ciidamada Ogolaadeen in xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan 08-dii September ee sanadkaan.

Xuseen ayaa Alshabaab ku biiray Bishii Maarso ee Sanadkaan waxa uuna kaga biiray Gobalka Shabeellada Hoose deegaanka Faarax Wacays, waxaana ku tashkiiliyay Horjoogihiisii oo isna u qaabilsan Maleeshiyada kala gudbinta hubka, tiro 3jeer ah ayuu rasaas ka soo qaaday Beerta Ilka-Bariis oo ku taal dagmada Awdheegle waxa uuna u geeyay horjoogihiisii.

Baaris dheer kadib 07dii- Bishaan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa Codsaday Dacwad Qaadista Kiiska Xuseen ayaa laga Ogolaaday 16-kii Bishaan ee aan ku jirno, waxa ay Maxkamadda la wadaageen cadeemta Miinadii lagu soo qabtay eedeysanaha iyo qiraalkiisa.

Qareenada u dooday Eedeesane Xuseen Cabdiraxmaan ayaa u sheegay garsoorka in uu ku cusbaa ka mid ahaanshaha maleeshiyada kana codsaday in xukunka loo qafiifiyo.

Kadib Maxkamadda oo waqti ku Filan siisay dhinacyada ayaa 21-kii Bishaan ku xukuntay 15-sano oo xabsi ciidan ah Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Garsoore Axmed Cali Axmed oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Darajada Koowaad.

Xukunkasanaha haysta Fursad uu ku dalban karo racfaan inta sharciga laga Ogol yahay.

 

XUKUNKA ASKAR KU DISHAY BARIIRE CARUUR BEERALEY AH

Garsoor (Mogadishu)- 11-kii June sanadkan deegaanka Bariire ee gobalka Shabellada Hoose waxaa ka dhacay dil fool xun oo lagu Eedeeyay Askar ka tirsan Military-ga Somalia

Kadib, dilkaas waxaa dhacay Banaan-baxyo ay ku Cabanayaan bulshada deegaanka, waxaana ku baxay Isla xilligaas Saraakiisha ugu sarayso Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxaa loo soo xiray dhacdadaas laba Askari oo ka tirsan Gor-gor iyo mid ka tirsanaa Qaybta 60-aad ee Military-ga.

Guuleed Xamse Maxamed iyo Cabdi weli Jaamac xersi oo ku hubaysnaa Qoryaha ay walaalaha Turkey siiyeen Ciidamada ayaa si gaar ah loogu Eedeeyay in ay kala dileen Labada Marxuum ee dhalinyarada ahaa oo xilligaasi Farshaxan isaga baranayay School duq ah oo dhinaca Liinta magaalka kaga yaal, waxaana marxuumiinta lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cabdiladiif Jiir iyo Cabdi Xasan Macalim Isxaaq.

Halka Askariga Sedaxaad Maxamed Isxaaq Guuleed uu Eedeysanayaasha markii hore u soo raacay in dadka ay dhacaan laakiin wax walba ay isku badaleen si ka duwan sidii hore ay ugu soo tashadeen, waxa ayna labada kale Ee la eedeysan xitaa isku dayeen in isaga Dilaan si raadka uu u dhumo, sida Maxkamadda laga Cadeeyay.

Xeer Ilaalinta oo ku soo wareegay kiiskan ayaa ugu damayn Codsatay in la Muddeeyo dhegeysiga Dacwadda ka dhanka Sedaxda Eedeysane August Dabayaaqadeedii.

Fadhigii u dambeeyay ee Maxkamadeed ayay Maxkamadda gaba-gabaysay kowdii bishan.

Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku kala Xukuntay Guuleed Xamse Maxamed iyo Cabdi weli Jaamac xersi Dil toogasha ah oo Qisaasta Marxuumiinta kala ah Maxamed Cabdiladiif Jiir iyo Cabdi Xasan Macalim Isxaaq, halka ay Sedax Sano oo Xabsi Ciidan ah ku xukuntay Maxamed Isxaaq Guuleed sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Guuleed Xamse Maxamed-Dil toogasha ah
Cabdi weli Jaamac xersi- Dil toogasha ah
Maxamed Isxaaq Guuleed- Sedax Sano oo Xabsi Ciidan ah

xukunsa-yaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban Karaan Rafcaan.

Xukunka Askari u Dilay qof Shacab ah Mucaawino

Garsoor (Mogadishu)- Maxamed Aadan Maxamed Cali “Gaduudow” ayaa loo soo xeray Dilka Allah Unaxariiste Marxuum Saciid Xasan Shiiqow 29-kii April Sanadkan.

Galab, Bishii Ramadaan ee ina dhaaftay ayuu marxuumka u dhintay Xabad uu si kas ah ugu Dilay Gaduudow Marxuum Saciid Xasan Sheeqow oo afur u soo raadsaday Xerada Agoonta Boliiska Raashin loogu qaybinayay Bulshada kaalmada u Baahan.

25-kii May sanadkan ayay Ciidamada Amniga ku wareejiyeen Eedeysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaasi ayuu Garsoorka Ciidamada Ogolaaday in Xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan.

Baaris dheeraad ah oo ay wax uga waydiiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Maragyadii goob joogga u ahaa dhacdadan iyo Ehellada Marxuumka kadib, Billowgii Bishan ayaa Xafiiska laga Ogolaaday fadhigii ugu horreeyay Ee Maxakamad Qaadista Dable Maxamed Aadan Maxamed Cali Gaduudow oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururuka 143-aad ee Guutada 14-ka October.

Qareenka U doodayay Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in laga Qaado Magta Marxuumka Maadaama Uu Qiraal yahay.

Fadhiya kala Duwan Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay Maxamed Aadan Maxamed Cali “Gaduudow” Dil-toogasha ah oo ah Qisaasta Marxuum Saciid Xasan Shiiqow, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muunin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa Haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Maxamed Aadan Maxamed Cali “Gaduudow”

 

Daacisho loo xukumay Miino uu u Aasay Ciidamada Haramcad.

Garsoor (Mogadishu)- Cabdullaahi Xaanshi Axmed ayaa loo soo xeray kamid ahaanshiyaha Daacish iyo in uu ku howlanaa Miina Aasid oo uu si gaar ah ugu qorsheeyay Ciidamada Haramcad ee Ilaalada ka haya dhismaha waddada xiriirisa Shabeellada Dhexe iyo Muqdisho May 21-keedii Sanadkan.

June Bartamaheedii ayay Hay’adaha Baarista Amniga ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida oo isna xilligaas codsaday in lagu hayo xabsiga dhexe Gar-suge ahaan.

Cabdullaahi Xaanshi oo magiciisa afgarashada yahay Qaasim ayaa isku maray kooxaha Alshabaab iyo Daacish oo uu kamid ahaa ilaa 2008.

Waxa uu tababarka dilalka qorshaysan iyo Qaraxyada ku soo qaatay buuraha bari ee Puntland sanadkii ina dhaafay.

Ciidamada Haramcad ayaa ka qabtay Suuqa-Xoolaha Hilwaa isaga oo u dhigay qarax goob Fariisin Nasiino u ahayd.

Fariimo ay is dhaafsanayaan isaga iyo horjoogihiisa ka hubinta howlaha loo diray ayaa ay soo bandhigeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ay sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta la yimaadeen Maxkamadda Sawirradii ugu horeeyay ee la helay ka hor Qaraxa iyo kadib Qarixii ay Fashiliyeen ciidamada gaarka ah ee Haramcad.

Abuukataha u dooday Eedeysanaha ayaa u sheegay Garsoorka in Cabdullaahi Xaanshi uusan ku jirin Kooxaha ka dagaalama Soomaaliya muddadaas laakiin uu Alshabaab billowgeeda isaga haray, waxa uuna Maxkamadda ka Codsaday in loo Naxariisto.

Dabayaaqadii June ayay Maxkamadiisa bilaabatay, waxa ayna Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay 15-sano oo Xabsi Ciidan ah sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsaha ayaa haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Cabdullaahi Xaanshi Axmed “Qaasim”