Sooyaalka iyo isbadallada Dastuuradii ay yeelatay Jamhuuriyadda Soomaaliya (1960-2012)- Qareen, Daahir Maxamed Cali

Muqdisho (GARSOOR)-   Dastuurku  waa sharciga ugu sarreyo shuruucda dal kasta oo ay waajibtahay in dhammaan shuruucda kale  ee la sammeynayo aysan khillaafin, haddii ay khilaaftana lagu duri karo in aanay dastuuri ahayn, sidoo kale dastuurku waa kan qeexayo qaabka ay tahay in ay u dhaqmaan hay’adaha dowladdu, waa buug hagayo tallabooyinka ay tahay in ay qaadaan madaxda  qaranku isla markaana asteennayo xuquuqda muwaadiniinta iyo ajaanibta wadankaas ku nool.

Qormaddan kooban waxaan uga hadli doonaa isbadalladda iyo sooyaalka  dasaatiirta  soomaaliya laga soo bilaabo markii soomaaliya xuriyadda qaadatay ilaa maanta, sidoo kale waxaan si kooban uga hadli doonaa astaamaha dastuur kasta uu leeyahay, laga soo bilaabo dasutukii 1960 ilaa dastuurka FKMG ee maanta dhaqangalka ah.

Sida aan wada oogsoonahay dasaatiirta soomaaliya soo martay waa afar dastuuur oo kala ah:

  • Dastuurkii 1960 oo ah kii ugu horeeyay ee dalku dhigto
  • Dastuurkii 1979, oo ah dastuurkii labaad ee dalku yeesho
  • Dastuurkii soomaaliya ee 1990, oo burburkii uu dhacay asaga oo aan loo qaadin afti
  • Dastuurka federalka KMG ah ee la ansixiyay 1 August 2012, haddana ku jiro dib,ueegis (in review process) Iyo sidoo kale laba axdi qarameed oo KMG ah, oo kalana ah
  • Axdigii KMG ee Carta ee 2000
  • Axdigii KMG ee soomaaliya ee 2004.

Dastuurkii 1960, waa dastuurkii ugu horeeyay  ee soomaliya yeelato kadib xurriyadii, dastuurkaan waxaa lagu meelmariyay afti-dadwayne 20 Juun ee 1961,  wuxuuna sadhig u yahay dhammaan dhaxalka qanuunneed ee soomaaliya, ( the origin of Somali’s legal legacy)  qodobada dastuurkaan waxay ka kooban yihiin 105 qodobka .

Astaamaha dastuurka 1960

Dastuurkaan oo ahaa kii ugu horeeyay ee soomaaliya ay yeelato laguna meelmariyay afti-dadwayne wuxuu lahaa  astaamaha hoos ku xusan:

  • Dastuurkan waa kii ugu horeeyay ee lagu qeexay maba’dida gundhiga u ah dowladnimada sida, Calanka, astaanka qaranka, magaca jamhuuriyadda , dhulka qaranka, iyo WLM.
  • Wuxuu ahaa dastuur dumuquraadi ah oo damaanad qaadayo xuquuqda iyo xuriyaadka
  • Wuxuu ahaa dastuur qeexayo kala baxsanaanta ama kala saarnaanta awoodaha dowladda
  • Wuxuu ahaa dastuur damaanad qaadayo garsoor ka madaxbanaan laamaha kale ee dowladda
  • Dastuurkaani wuxuu qaatay nidaamka daadajinta awoodaha maamul ( regional autonomy system )

Dasturkaan waxaa  laalay kacaankii milatariga ahaa ee dalka ka curtay 21 October 1969, halkaas ayuuna  ku dhaqn beeelay kuna dhamaaday nidaamkii dimuquraadiga ahaa ee soomaaliya ay qaadatay.

Toban sannadood oo bilaa dastuur ah

Kadib curashadii kacaanka 21 october 1969, iyo laalidii dastuurkii dimuquraadiga ahaa wadanku wuxuu isku badalay wadan bilaa dastuur ah oo lagu maamulo dekireetooyin iyo shuruuc aan laheyn saldhig dastuuri ah , taa waxay keentay in madaxda dalku soo saaraan shuruuc iyo dekireetooyin u adeegayo rabitaankooda  maadaama uusan jirin dastuur xaddidayo, halbeegna u ah nidaamka sharci dajinta.

Tobankaa sannadood waxaa la soo saaray boqollaal  sharci oo ku saleysan nidaamkii hanti wadaaga ahaa   ee ciidamadu hogaaminayay, shuruucdaas inteeda badan waa shuruuc aan u adeegeyn xuquuqda  aadanaha iyo xurriyaadka dadwaynaha, balse waxaa loogu tala galay in ay u deegto si waafaqsan danaha madaxdii xiligaas joogtay.Ugu dambeyntii soomaaliya waxay aheyd wadan bilaa dastuur ah muddadaas 10 sannadood ah laga bilaabo curashadii kacaanka 1969  ilaa 1979.

Dastuurkii 1979

Dastuurkaan waxaa loogu talagalay in lagu xalaaleyo shuruucdii la soo saaray muddadii  10 sannadood aheyd ee wadanku ahaa bilaa dastuurka, ujeeddada ugu wayn ee dastuurkaan loo sameeyay waxay aheyd in uu u ageedo madaxdii kacaanka oo xillgaas wadanka ka talineysay .

Dastuurkaan waxaa lagu tirtiray  dhammaan astaamihii dimuquraadiyadda ee lagu qeexayay dastuukii ka horeeyay, sida ka muuqata astaamaha hoos ku xusan,Dastuurkaan wuxuu ka kooban yahay 114 qodob

Astaamaha dastuurka 1979

Astaamaha hoos ku qoran  waa astaamaha ugu muhimsan ee dastuurkii 1979:

  • Mabaadi’da gundhiga u ah jamhuuriyadda waxaa ka mid ah nidaamka hantiwadaaga oo ay hogaaminnayso dabaqadda xoogsatada ahi sida lagu sheegay dastuurka.
  • Dasturkaan wuxuu qeexayaa in Jamhuuriyadda soomaaliya ay tahay mid qaadatay nidaam ku dhisan hal xisbi oo qura, iyo in aan la ogoleyn xisbi kale.
  • Xisbiga iyo hay’adaha qaranku waa isku mid oo majiraan wax ay ku kala gesisan yihiin. Fiiri qeybta 1aad ee dartuurka qodobada ( 1-19).
  • Marka aan u nimaado xuquuqda aadanaha, xuquuqda dhaqaalaha, bulshada iyo hiddaha way ka muhimsan yihiin xuquuqda madaniga iyo siyaasadda, arintaan oo ah astaanta lagu yaqaanno dasaatiirta ay dhigtaan wadamada ku dhaqmi jiray minaadkii hantiwadaagga.  Fiiri qeybaha 2aad iyo 3aad ee dastuurka gaar ahaan qodobada  ( 20-59aad) ee dastuurka.
  • Golaha dhaxe ee xisbiga hantiwadaaga ayaa ka muhimsan kana awood badan golaha shacabka.
  • Majiro garsoor madax-banaan.

 Dastuurkii 1990

Dastuurkaan waxaa lagu daabacay nuqulkiisii ugu horreyay  faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda diduquraadiga soomaaliya 12 october 1990, si afti dadwayne loogu qaado  hase ahaatee  burburkii ayaa dhacay ayada oo aan la hirgelin aftidii dadwaynaha.

Dastuurkan oo ka kooban  119 qodob  waxaa loogu talagay  in dib’uhagaajin lagu sameeyo hannankii dowladnimo ee  wadanku ku jiray muddadii ciidanku hogaaminayay, iyo wadanka loo sammeyo dastuur dimuquraadi ah oo ay ka muuqdaan dhammaaan tiirarka dimuquraadiyada, sida  damaanad qaadka xuquuqda iyo xuriyaadka assasiga ah, kala baxsanaanta awoodaha dowladda, ubuuridda nidaam xisbiyo badan   iyo WLM.

Astaamaha ugu muhimsan ee dastuurkan waxaa ka mid ah kuwan hoos ku qoran:

  • Dastuurkan waxaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda soomaaliya ay qaadatay hannanka xisbiyada badan Fiiri qodobada 8aad iyo 18 aad ee Dastuurkan
  • Wuxuu damaanad qaadayaa xuquuqda aadanaha iyo xurriyaadka dadwaynaha asaga oo tixraac ka dhiganayo baaqa caalamiga ee xuquuqda aadanaha  oo ummadaha midoobay ay gudoonsadeen  10 /Aug 1948.
  • Dastuurkaan wuxuu qaatay mabda’a kala baxsanaanta ama kala soocnaanta awoodah dowladda ( principle of separation of powers)
  • Dastuurkaan wuxuu damaanad qaadayaa garsoor  ka madaxbanaan hay’adaha kale ee dowladda.
  • Wuxuu damaanad qaadayaa fidinta iyo baahinta awoodda Maamulka dalka  ( regional  autonomy and regional  self-governance)

Axddiyadii KMG

Burburkii  kadib waxaa la sameeyay isku dayo kala gedisan oo lagu doonnayo dib’udhiska qarannimadii burburtay,  sanaku markuu ahaa 2000 ayaa magaalada  Carta ee wadanka Djabuuti lagu guddonsaday Axdi qarameedka KMG, sidoo kale 2004, ayaa la qaatay axdiga federalka ee KMG , mid walbo oo laba Axdiga ka mid ah wuxuu ahaa heshiis bulsho oo loogu tala galay in la isticmaalo muddo kooban oo ah muddada wadanku ku jiro KMG.

labada axdi qarameed ma aheyn  dasaatiir laaakin waxay ahaayeen heshiiyo  bulsho oo  ku dhaqankoodu u dhigmo dastuur  mid walba mudda uu dhaqan galka ahaa.

Dastuurka federalka KMG ee 1/Aug 2012

Kadib muddo 12 sannadood ah oo lagu jiay marxalad KMG ah   laga soo bilaabo 2000 ilaa 2012, soomaaliya waxay ka baxday marxaladii KMG aheyd, waxaan  si KMG ah loo ansixiyay Dastuur KMG ah 1/Aug 2012, dastuurkan wuxuu ka koobanyahay 143 qodob iyo 15 Cutub.

15 Cutub ee dastuurkan ka kooban yahay waxay kala yihiin:

  • Cutubka 1aad oo ka hadlayo baaqa Jamhuuriyadda oo u dhigmo mabadi’ada guud ee assaaska u ah qaranimada soomaaliya
  • Cutubka 2aad oo Ku saabsan xuquuqda iyo xurriyaadka assaasiga ah
  • Cutubka 3aad wuxuu ku saabsan yahay Dhulka, Hantida iyo Deegaanka
  • Cutubka 4aad: matalaadda shacabka
  • Cutubka 5aad: Baahsanaanta awoodaha Xukumadaha, waana Cutubka ka hadlayo heerarka Dowladaha, heer federal iyo heer dowladaha xubinta ka ah dowladda federalka
  • Cutubka 6aad; Barlamaanka federalka
  • Cutubka 7aad: madaxwaynaha Jamhuuriyadda federalka soomaaliya
  • Cutubka 8aad: Laanta Fulinta
  • Cutubka 9aad: Awoodaha Garsoorka
  • Cutubka 10: guddiyada madaxbanaan
  • Cutubka 11aad: Shaqaalaha rayidka ee dowladda
  • Cutubka 12Aad: Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda federalka
  • Cutubka 13aad: Maaliyadda guud
  • Cutubka 14aad: Nabadda iyo amniga
  • Cutubka 15aad: Qodobada  kama dambeysta ah iyo kuwa kumeel gaarka ah.

Astaamaha guud ee Dastuurkaan

Astaamaha ugu muhimsan ee dastuurkan waxaa ka mid ah kuwan hoos ku xusan:

  • Wuxuu qeexayaa in Soomaaliya ay qaadatay nidaamka federal ah oo leh laba heer dowladeed
  • Wuxuu dhiira-gelinnayaa xuquuqda aadanaha, talinta sharciga,  ku dhqanka Xeerarka Caalamiga ah, iyo Sarreynta Sharciga
  • Wuxuu damaanad qaadayaa xuquuqda iyo xurriyaadka assasiga ah.
  • Wuxuu asteynayaa baahinta awoodaha heerarka dowladaha
  • Wuxuu asaasayaa markii ugu horreysay Taariikhda soomaaliya barlamaan ka kooban laba aqal.
  • Wuxuu assasayaa markii ugu horreysay maxkamad dastuuri ah oo  gaar u ah  ka garnaqista arimaha dastuuriga ah kana baxsan nidaamka garsoorka caadiga ah
  • Wuxuu damaanad qaadayaa garsoor madax-banaan
  • Wuxuu assaasayaa guddiyo madax-banaan oo gudanayo shaqooyin muhiim ah.

Ugu dambeyntii, dhamman arrimaha aan soo tilmaamay waxay muujinnayaan kana marqaati kacayaan in Soomaaliya leedahay dhaxal qaanuuneed oo muhiim ah, gaar ahaan dhaxal dhinaca qaanuunka dastuuriga ah.

 

Waxaa Diyaariyey: Qareen, Daahir Maxamed Cali

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Taliyeyaasha Hogganada Ciidanka

Muqdisho (Garsoor), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta hoolka shirarka ee Taliska C.B.S kulan kula qaatay dhammaan Taliyeyaasha hoggaamada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulankaan, ayaa waxaa looga hadlay  dardar gelinta Shaqada Ciidanka Booliska, Adkeynta  ammaanka dalka, Wada shaqeynta Ciidanka iyo Bulshadda Soomaaliyeed iyo arrimo kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa Taliyeyaasha hoggaamada Ciidanka waxuu kula dardaarmay in si dardar ah lagu wado shaqada Ciidanka Booliska, isaggoo faray in loo naxariisto, lana caawiyo Shacabka Soomaaliyeed ee Sooman.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta booqday Xerada tababarka Ciidanka Danab ee Balli-doogle

Muqdisho (Garsoor), Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ayaa booqday Xarunta tababorka Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee (DANAB) oo fadhigoodu yahay deegaanka Balli-doogle, Waxuuna xariga ka jaray  qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta tobobarka.

R/wasaare Kheyre, ayaa booqashada waxaa ku wehliyey Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Xasan Cali, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka S/guuto Cabdullaahi Cali Caanood iyo masuuliyiin kale, waxaana mid mid ay u kormeereen dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay Ballidoogle.

“Waxaan booqday xerada Ciidanka Ballidoogle si aan usoo ogaado horumarka ay sameeyeen sannadkii lasoo dhaafay Ciidanka XDS – DANAB ee ku sugan halkaas” ayuu yiri R/wasaaraha Soomaaliya

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika oo maanta lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta ee cape town

Cape Town (Garsoor), Kooxo Hubeysan Ayaa  Cabdulqaadir Nuur Iiman  waxay ku  Toogteen  tuulo hoostagta Magaaladda Cape town  ee Dalka koonfur Africa, waxaana lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta ee magaaladda cape town.

Dadkii ka soo qeyb galay aaska, Ayaa  Tacsi u diray  eheladii iyo Qaraabadii uu ka baxay marxuumkaasi.

Maxamed cumar Talyaani Guddoomiyaha dhalinyarada Soomaliyeed ee  Dalka koonfur Africa,  Ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Dilka aan joogsiga laheyn ee loo geysto Muwaadiniinta Soomaliyeed, Isaggoona Baaq u diray dowladda Soomaaliya.

Mawaadinkan ayaa  noqonayo mawaadintii  5 Naad  ee tan iyo bilowgii Bishaan barakeysan ee Ramadaan lagu dilo Dalkaasi Koonfur Africa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo maanta la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub

Muqdisho (Garsoor), Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa maanta la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hogaaminayay Fulgencio Garrido Ruiz oo ah Madaxa Siyaasadda Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Guddoomiyaha  golaha shacabka JFS, ayaa ugu horeyn wafdigaan uga warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay golaha shacabka iyo qorshayaasha hadda u degsan.

waxyaabaha labada dhinac  ay aadka uga wada hadleen waxaa ka mid ah in Midowga yurub uu golaha Shacabka ka taageero dhinacyada farsamada ,inuu tababaro guddiyada golaha shacabka iyo sidoo kale In la helo qubaro ka qeyb qaata diyaarinta shuruucda Dalka muhiimka u ah.

Sidoo kale guddoomiyaha golaha shacabka, ayaa kulan la qaatay gudiga xeer hoosaadka ee golaha shacabka oo ay ka wada hadleen arrimaha xeer hoosaadka iyo qodobada wax ka bedelka u baahan .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho, 31 May, 2018–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Dawladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Andreas von UexküII, waxana ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada uu dalkiisu siiyo Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yarisow ayaa boggaadiyay kaalinta dawladda Sweden kaga aaddan taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha shaqo abuurka. waxaana uu sheegay in xiriirka labada dal ee xoogan uu horseeday mashaariic iyo kaalmo dhinacyo kala duwan oo mar walba Sweden ay siiso bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa tilmaamay arrimaha sida gaarka ah diiradda loogu saaray kulanka inay kamid tahay horumarinta Caasimadda iyo in dhalinyarada loo helo fursado shaqo, sidoo kale waxaa la isla soo qaaday in la sii xoojiyo kaalmada ay Sweden siiso Gobolka Banaadir.

Labada mas’uul waxay mar kale xaqiijiyeen wada-shaqeynta xoogga leh ee ka dhexeysa Safaaradda Sweden iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo inay ka go’an tahay inay si intaa ka dhow u wada shaqeeyaan.

Wasiirka cusub ee Warfaafinta oo maanta soo gaaray Muqdisho

Muqdisho(Garsoor)–Wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cabdulle Cusmaan Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mudane Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah wasiirrada uu dhowaan magacaabay Ra’iisul wasaare Khayre ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyey, Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, Eng Yariisoow, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Cusub Daahir Maxamuud Geelle ayaa uga mahadceliyey masuuliyiintii soo dhoweysay,wuxuuna sheegayna in ay sii wadi doonaan horumarinta Warfaafinta, isagoo xusay in 8 sano ka hor xilalkii iyo xaaladahii uu kaga tegay ay aad iyo aad uga sarreeyaan.

“Waxaan jeclahay in marka aan imaado aanan hadlin balse marka aan tagayo inaan hadlo, anoo markaasi wax badan qabtay, waxaan hadda sheegayo waxay noqon karaan oo kaliya balanqaadyo iyo waxyaabo riyo ah”ayuu yiri Wasiir Daahir Geelle.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Waxaan ku farax sanahay inaan mar labaad ku soo noqdo Wasaaradda Wafaafinta, waxaana rajeynayaa in wax Dalka iyo dadka anfaca aan sameyno, waxaana idinkula soo noqon daacadnimo iyo waayo aragnimo aan meelo kala ka kasbaday, adinkuna intaasi mid la mid ah aad kasbateen xilliyadaasi, arrimahaasi oo dhan ayaan isku biiri doonnaa”.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa isla maanta kormeeray qaybaha ay ka koobantahay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Qaybaha Warbaahinta sida Radio Muqdisho, TVga Qaranka, Wakaaladda SONNA iyo Wargeyka dalka ayaa ka mid ah goobaha uu booqday Wasiirka, iyadoo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasimayaasha waaxyaha ay Warbixin ka siiyeen Wasiirka sida ay u socoto shaqada Warbaahinta iyo guud ahaan shaqada Wasaaradda.

Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa laga filayaa inuu wax weyn ka qabto howsha baaxadda leh ee ku aadan hormarinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda, isagoo hore uga soo noqday Wasiir muddo haatan laga joogo 8 sano.