Xukunka Raggii lagu helay Dilal ka dhacay Gaalkacyo Dhinacyadeeda…..

Garsoor -(Mogadishu) – Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) Waxa ay ka mid ahaayeen Shabakad ka kooban lix ruux oo dilalka gaadmada ah iyo qaraxyada ka fulisa Mudug gaar ahaan Gaalkacyo.

Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) ayaa lagu soo eedeeyay dilka Marxuum Maxamed Jaamac Maxamed (Cagabiyood).

Halka Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) oo ahaa horjoogihii shabakada isagana lagu soo eedeeyay dilka marxuumiinta kala ah Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi Dheere) iyo Cilmi Cali Guuleed.

Waxa ayna dhamaan dilalkan dhaceen xili marxuumiinta ay kasoo baxeen Masjid Guriga Allah.

Todoba iyo tobankii bishii April ee sanadkan ayee soo galeen gacmaha ciidamada amniga kadib howlgal looga jawaabayay qarax ay la beegsadeen gaari Cabdi Bille ah oo ay lee yiihiin kumaandooska xoogga dalka ee Danab.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaas, fadhiyo kala duwan ka dib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa Labo iyo labaatankii bishii May ee sanadkan ku xukuntay Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow) oo dil toogasho ah.

Qareenada u doodaayay eedeysanayaasha ayaa qaatay racfaan ka dib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qareenada Labaatan iyo afartii bishaan, Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (iidoow), sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka murankii ka bilowday Gaari Dowladeed oo la wada raaci lahaa…..

Garsoor – (Mogadishu)- Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Saalax Ganeey ayaa lagu soo eedeeyay in uu dil kas u geystay Saaxibkiis marxuum Ex Dable Xoogga Cabdulaahi Maxamed Cabdiqaadir oo ay kawada tirsanaayeen Ururka 22aad guutada 23 aad ee Gungaar falkaas oo ka dhacay aargada degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir Labaatankii bishii Todobaad ee Sanadkan.

Gacan ka hadal dhax maray kadib eedeysanaha ayaa ka hor istaagay marxuumka in uu raaco gaarigii ay ku wada qornaayeen unugta.

Marxuumka ayaa ku adkeystay in gaariga uu yahay gaari dowladeed uuna raacayo, Eedeysanaha oo ka jawaabaya taalaabadaas ayaa qori AK47 kala soo baxay shirka gaariga kadibna madaxa ayuu xabad kaga dhuftay.

Marxuumka oo dhaawac ahaan looga qaaday goobta falka uu ka dhacay ayaa ugu danbayn u geeriyooday dhaawicii Labaatan iyo afartii bishii July ee sanadkan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday qaadista kiiskan waxaana laga ogolaaday Labaatan iyo kowdii bishaan.

Garsoorka Maxkamdda Ciidmada oo dhageystay dhinacyada dacwadda waqti ku filanna siiyay ayaa ugu danbeyn maanta ku xukumay Dable Xoogga Maxamed Cabdixakiin Maxamed Ganeey Dil toogasha ah tasoo ah qisaastii marxuum Ex Dable Xoogga Cabdulaahi Maxamed Cabdiqaadir.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunka Darawalkii lagu Qabtay Bustaha Gabaadka Diyaaradaha…..

Jamaal Yaasiin Xasan Yaasiin ayaa ka ahaa darawal gaari ka shaqeeyo Kismaayo iyo Muqdisho, Waxaa Jilib looga soo dhiibay agabka looga dhuuno Diyaaraha arageeda maalintii iyo habneenkii (Night Vision), agabkaas loo yaqaan Emergency Space Blanket si uu ugeeyo Suuqa Bakaaraha, balse waa laga kor baxay oo looma sheegin cida iyo meesha saxda ah uu geenaayo.

Ciidanka aamniga ayaa ka soo xiray deegaanka Ceelasha Biyaha Sideedii Bishii May ee Sanadkan.

Baaris dheer kadib Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudeynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Lix iyo Tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Jamaal Yaasiin Xasan Yaasiin 5 sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

 

Saaxiibbo isla Cabi jiray Xashiishka oo Argagixiso ahaan Loo xukumay……

Garsoor -(Mogadishu)- Aadan Maxamed Maxamud Qoslaaye iyo Axmed Xassan Jimcaale Nuur Baariyoow ayaa loo xiray ka mid ahaanshaha Maleeshiyada Khawaarijta una u qaabilsan aayeen Istidlaaca iyo arbushaada Caasimadda iyagoona fuliyay weeraro ka dhacay degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Aadan Qoslaaye iyo Xassan Baariyoow ayaa ahaa saaxiibbo ku bahoobay balwadda iyo nooc kasta oo maan dooriye ah.

Axmed Xassan jimcaale Nuur Baariyoow Ayaa Maleeshiyada kaga biiray deegaanka Ceelasha Biyaha 2010 waxuuna muddo bil ah tababar la xiriira sahanka iyo jaasuusnimada ku qaatay isla deeganka Ceelsha Biyaha

Axmed Baariyoow ayaa loo wareejiyay kooxda amniyaadka waxa uuna kaga sii bedeshay kooxda qaabilsan kala gudbinya agabka muhiimka u ah kooxda.

Mar kale ayuu sanadii 2012 u bedeshay qeybta istidlaaca ee Muqdisho isagoo adeegsanaaya Magaca Cubayd.

Waxa uu qeyb ka noqday Sahminta dilal iyo weeraro arbushaad ah oo ka dhacay Caasimadda, waxa uuna mushaar ahaan u qaadan jiray 50$ bishii.

Aadan Maxamed Maxamuud Qoslaaye Ayaa Maleeshiyada khawaarijta kaga biiray Muqdisho sanadkii 2022 waxaana ku tashkiiliyay Baariyoow oo aay saaxiibbo ahaayeen.

Aadan Qoslaaye isagoo aan wax mushaar iyo tababar ah qaadan ayuu saxiibkii Baariyoow kala shaqeenaayay qeybta Sahminta.

Qoslaaye ayaa ku fogaaday isticmaalka maan dooriyaha noocyadiisa kala duwan xitaa isagoo dhaawac ah kama baaqsan cabista Xashiishka oo ay si wadajir ah u wada cabi jireen saxiibkiis Baariyoow.

Waxa uu sahminyay weerar arbushaad ah oo loo adeegsaday qoriga RBG bar koontarool ee ciidanka amniga ku lahaayeen isgoyska Taleex.

Baariyoow iyo Qoslaaye ayaa laga soo kala qabtay Taleex iyo Suuqa Bakaaraha Laba iyo Tabaatankii bishii December ee 2022.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Afar iyo Tobankii a bishii August ee sanadkan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku kala xukuntay. Axmed Xassan Jimcaale Nuur Baariyoow 15 Sano oo Xabsi ciidan ah, halka Aadan Maxamed Maxamud Qoslaaye isna lagu xukumay 5 Sano oo Xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

XUKUN DIL KA DHASHAY DAYN….

Garsoor – (Mogadishu)-  Dable Boolis Ibraahim Cabdi Nuur Ibraahim ayaa lagu soo eedeeyay dil kas ah uu u gaystay Marxuum Ex Sadaxle Xoogga Abuukar Xassan Cusmaan Xaayoow iyo dhaawac oo u gaystay Dhibane Xaajiyo Siidii Shiiq, dhacdadaas oo ka dhacday magaalada Baraawe Labo iyo labaatankii bishii December 2022.

Dilka ayaa sababay muran soo kala dhaxgalay marxuumka iyo Ibraahim kaas oo salka ku haayay lacago dayn ah oo Ibraahim lagu lahaa sidaasna uu labo xabadood ugu dhuftay, inta uusan baxsana uu rasaas kale furay taas oo keentay dhaawaca Dhibane Xaajiyo Shiiq.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxakamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga ogolaaday Labo iyo tobankii bishii August.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Dable Boolis Ibraahim Cabdi Nuur Ibraahim Dil toogasho ah, taasoo ah qisaasta Sadaxle Xoogga Abuukar Xassan Cusmaan Xaayoow,

Sida uu warbaahinta la wadaagay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan

XUNKA BASAASKII KHAWAARIJTA EE GOBOLKA SHABEELAHA HOOSE…….

Garsoor -(Mogadishu)- Yuusuf Xassan Ibraahim 42 Jir ah ayaa loo soo xiray ka mid ahaanshiyaha maleeshiyada Alshabaab, waxa uu qaabilsanaa qaybta dilalka qorshaysan fulisa.

Ciidanka amaanka ayaa ka soo xiray deeganka Ceelasha biyaha Sagaal iyo tobankii bishii Janaayo ee Sanadkan.

Yuusuf ayaa Argagixisada fikirkeeda ka qaatay Saaxibkiis oo ay wada deganaayeen Ceelasha.

Xog ka bixinta Gaadiidka u gudbaya Gobolka Shabeelaha Hoose iyo kan kasoo galaya ayuu Kooxda u qaabilsanaa dabinadii uu maleegay ayuunaka sheegay Basaasida Sadax iyo Toban Gaadiidka Gaashaaman oo ay lee yihiin Ciidamada Midowga Africa ee ATMIS oo Jidkaas lagu weeraray waxaana mushaar ahaan loo siin jiray Boqol iyo Sodon dollar .

Horjoogihiisii ayaa u sheegay in uu usoo dhiibay alaab, waxaana loo dhigay qurac Dhimbil caag shanlo ah oo kor marka laga eego Masago ku jirto, jiridiisana Bastoolad ay dhex taalo.

Yuusuf oo ku hubeysan Bastoolad ayaa ka dul dhacay ciidan Roondo ku jiray sidaas ayuuna ku soo gacan galay.

Baaris dheer ka dib, Xafiiska xeer ilaalinta maxakamadda ciidamada ayaa codsatay qaadista kiiska Yuusuf waxaana laga aqbalay Sideedii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukumay Yuusuf Xassan Ibraahim 10 sano oo xabsi ciidan ah,

sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Xeriirka Dadweynaha ee Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida mudane Abdulkadir Isse

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu dalban karo Rafcaan.

XUKUNKA RAGGII KA DAMBEEYAY DILKA AROOSAD LAGU DILAY…….

Maxkamada ciidmada qalabka sida ayaa Xukuno Kala duwan ku riday eedesanayaal loo haystay dilka gabar aroos ah.

Eedeysanaha koowaad Cabdullaahi Maxamed Axmed oo ah dable ka tirsan NISA ayaa loo soo xiray dambiga dil kas ah iyo dhaawac ka dib markii isagoo ku hubeysan Qori Ak47 ah isbaaro uu u dhigtay Gaari Siday Marxuumad Caasho Daahir Xassan oo uu Dil bareer u gaystay, Sidoo kalana uu dhaawacay dhibane Yuusuf Muuse Axmed shan iyo tobankii bishii September 2022, falka dilka ah ayaa ka dhacay degmada Kaaraan.

Caasha ayaa ahayd aroos maalinkii la dilayay kana timid goobaha lagu qurxiyo dumarka, waxaa loo galbinaayay gurigeeda halka dhibane Yuusuf oo uu dhaawacu gaaray ahaa abtiga marxuumad Caasha.

Eedeysanaha labaad Daahir Cali Aadan oo ahaa dable ka tirsan Ciidanka Xooga ahaa isna loo heystay dambiga ah gacansiin kadib markii uu qorigiisa u dhiibay Eedeysanaha hore ee dilka gaystay isla markaana uu ku dilay Marxuumad Caasho Daahir Xassan Sidoo kalana uu dhaawac ugu ugeystay dhibane Yuusuf Muuse Axmed.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiska Cabdillahi iyo Daahir waxaana laga ogolaaday in la mudeeyo sadaxdii bishii Juun ee sanadkan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xuntay Eedeysanayaasha kala ah.

1- Cabdillahi Maxamed Axmed Dil toogasho ahna qasaastii Marxuumad Caasho Daahir Xassan.

2- Daahir Cali Aadan ayaa Maxkamada ku xukuntay Sideed sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha Xeriirka Dadweynaha ee Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida mudane Abdulkadir Isse

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaan Rafcaan.

XUKUNKA TACADIGII KA DHACAY XARUNTA CIIDANKA TARAAFIKO……..

Garsoor (Mogadishu) – Maxkamadda Ciidamada ayaa xukuno ku riday Sedax Askari oo kaalin kala duwan ku lahaa Muuqaal internet lagu baahiyay.

Maxamed Axmed Maxamuud (Carab) ayaa la arkay isago oo jirdil ka baxsan Bini’aadanimada u gaysanayo askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay Taraafikada.

Waxaa lagu xukumay Sedax sano oo xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV, ahaana ninkii la wadagaagay Cabdullaahi Abuukar Cariif ayaa lagu xukumay min laba sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

Waxa ay awoodi kareen in ay la wadaagaan muuqaalka hay’adaha ku shaqada leh CID iyo Xeer Ilaalinta Ciidamada balse badalkeed waxa ay doorteen ceebaynta Qaybta ilaalada Nabad Galyada Waddooyinka, sida uu u sheegay waraahinta, Agaasimaha Xeriirka Dadweynaha ee Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida mudane Abdulkadir Isse

Xukunka Shabaab ku waday RBG Bajaaj iyo Hub kale…

Garsoor (Mogadishu) – Maxamed Farxan Bashiir Khamiis ayaa Khawaarijta Alshabaab kaga biiray Xamar bishii Lixaad ee 2022, waxaana ku tashkiiliyay saxiibkiis, waxa uu tababar sadax maalin socday ku soo qaatay degmada Kuntuwaareey waxaana la soo baray isticmaalka Hubka sida AK47, RBG, Bastoolad iyo Bambo F1.

Maxamed Farxaan ayaa horjoogihiisii amar ku siiyay in uu ku soo laabto Xamar, ka dibna waxaa lagu xiray haweeney lagu magacaabo Faaisa Cali Maxamed waxa ayna u iibisay Mooto Bajaaj celis ah oo laga siiyay lacag dhan 2550$, Maxamed ayaa Mudo 5 bilood ah mushaar ahaan u qaadan jiray 80$ bishii.

Maxamed ayaa xaafadda Macaani ee duleedka Muqdisho ka soo qaaday qori Ak47 ah iyo rasaastiisa oo ay u soo dhiibtay haweeneey, waxa uuna ku wareejiyay marwo kale oo joogatay Suuqa Xoolaha.

Markale ayuu 2 qori Ak47 ah iyo RBG kaso qaaday darbiga COCA-COLA ee Dagmada Yaqshiid , waxa uuna geeyay Meel u dhaw saldhiga Dagmada Kaaraan, waxa halkaas ugu yimid Laba nin ka dibna waxa ay bilaabeen in ay la dagaan hubkii saarnaa mootada si ay u rakibtaan.

Inta ay shaqadaas wadeen ayaa waxaa ka fakaday hal baalooto oo Saban ah waxaa halkaas ku geeriyooday mid ka mid ah maleeshiyada halka midkii kalan uu ku baxsaday gacanta ciidamada, ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay Maxamed Farxaan oo isna baxsad ahaa Sideed iyo tobankii bishii December 2022.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiska Maxamed Farxaan, waxaana laga ogolaaday Sagaal iyo tobankii March ee sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbeyn maanta Go’aan ka soo saaray kiiska Maxamed Farxaan Bashiir Khamiis, waxa ayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.

 

Xukunka Bamba tuure laga qabtay Ex Control…..

Garsoor (Mogadishu) – Sharma’arke Yuusuf Daa’uud ayaa loo soo xiray ka mid ahaashiyaha Khawaarijta Alshabaab, waxa uu u qaabilsanaa fulinta Dilalka qorsheysan iyo Bambo tuurka, waxaana la soo qabtay isaga oo Bom-gacmeed ku tuurayo koolba waardiyaha taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee Ex-Kontarol Afgooye.

Sharma’arke ayaa maleeshiyada ku biiray 2022 waxaana ku tashkiiliyay Saaxiibkiis, Waxa uuna tagay tuulada Ugunji oo uu sadax cisho ku soo qaatay sida loo tuuro Bambo gacmeedka iyo isticmaalkeeda, kadib ayuuna ku soo laabtay deeganka Weydow ee duleedka Muqdisho.

Waxa uu qayb ka ahaa Dilal ka dhacay Degmada Kaxda, waxa ay wada geesteen isaga iyo laba kale, waxa uu Bambooyin ku tuuray ciidamo ku kala sugnaa Suuqa-Weyn ee Wadajir, Seybiyaano iyo tan hadda lagu soo qabtay oo uu ku tuurayay Taliska Ciidan Astuubta ee Ex-Koontarol Afgooye.

Eedeysanaha Waxaa gacanta ku soo dhigay askar ka tirsan Ciidanka Asluubta oo goobta ku sugnaa, sidaas ayaana lagu qabtay isaga iyo Bambkii uu watay kow iyo labaatankii December 2022.

Baaris dheer kedib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa Maxkamadda ka codsaday qaadista kiiska Sharmaarke, waxaana laga ogolaaday kow iyo tobankii March ee sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda ciidamada oo siiyay muddo ku filan dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta go’aan ka soo saaray Galka Sharma’arke Yuusuf Daa’uud Aadan, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.