Garsoor (Mogadishu) – Cali Abuukar Jimcaale Rooble, ayaa loo soo xiray sadaxdii November ee sanadkii hore ka mid ahaanshaha Khawaarijta Alshabaab, waxa uu u qaabilsanaa qaybta Amniyaadka.
Cali Abuukar Jimcaalle Rooble, waxa ay reerkiisa u safriyeen South Africa 2010-kii Sanad kedib markii uu ku biiray Argagixisada.
Todoba sano oo la islahaa waxa uu ka xuroobay fikirka Khawaarijta ma dhicin balse waxa uu ka soo degay Muqdisho dabayaaqadii 2017 isaga oo xambaarsan isla fikirkii guracnaa ee kooxda.
Waxa ay Argagixisada u wakiilatay Cali diiwaan gelinta ganacsiyada cusub iyo sahmintooda, waxa uuna mushaar ahaan u heli jiray 50 ilaa 100 dollar bishiiba.
Markale ayay Argagixisada ku celisay tababar lagu barayo isticmaalka hubka, waxaana lagu ogaaday baaritaanka hay’adaha Amniga in maalmo uu la qaatay Cali jabhad hareeraha Jilib-Marko ku dhuumaalaysato.
Dalabka xeer ilaalinta ee ahaa maxkamad qaadista Cali Abuukar Jimcaalle ayuu garsoorka Ogolaaday afartii March sanadkan.
Garsoorka ayaa waqti ku filan siiyay dhinacyada Dacwadda, waxa ayna habraacii maxkamadeed kedib ku xukuntay Cali Abuukar Jimcaalle Rooble Sideed Sano oo Xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo heerka Koowaad ee maxkamadda ciidamada ka tirsan.
Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.
Garsoor (Mogadishu) – Maxkamadda Ciidamada ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay Koox loo haystay Argagixisanimo, waxa ay kawada shaqeeyeen Dilal qorshaysan iyo dhacdooyin kale oo Arbushaad ah.
Isku day ay ka sameeyeen 17-kii September Sanadkan Jidmariixaan Howladaag ayay ku fashilmeen, waxaana u sahalanaatay Ciidamada aan Muuqan ee Nabad-Sugidda in ay ku soo simeen gacmaha Sharciga.
Kooxdan ayaa ka koobnaa Koox Jugta Culus ah oo isticmaali jiray RBG, F1, AK-47, waxa ay sidoo kale lahaayeen Madax Maaliyadeed, Madax Caafimaad, Bajaaj iyo Gaari raaxo.
Qaarkood oo gacmaha dhiig ku leh kuwan kalane ay ku jireen Gurya qarsoon oo ay kooxdu ku lahayd Muqdisho Sida Gubta, Xaawa Cabdi, OOd-weyne, Alxayaat-Ceelasha, Ciise-Cabdi iyo Cali-Turcaaye ayay ciidamada amniga soo qabteen.
Dhammaan habraacyadii Maxkamadeed ayay soo dhamaysteen 10-kii December Bishan aynu ku jirno.
Todobaad kadib Maaan ayay Maxkamadda ku kala Xukuntay :-
1- Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Maxamed Xaanshi Faarax oo ku geeriyooday Weerar Arbushaad ah oo uu ka sameeyay Macaani gaari Taraafiko ah oo Jiidayay Bajaaj Shil ku Gashay Ceelasha September 7-deedii sanadan 20222 balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October Sanadkan.
1- Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama Xukun Dil ah
2- Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu Xukumay Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cabdi Axmed oo ka tirsanaa Military-ga 18 June Sanadkan, waxaana xukunsanaha dhaawacd dhabarka ah ka soo gaaray Xabado iska caabin ah oo uu riday Marxuumka ka hor inta uusan Geeriyoon.
2- Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu Xukumay Xukun Dil
3-4 Caddow Axmed Calasow iyo Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud ayaa lagu wada xukumnay Min Sideed Sano oo Xabsi Ciidan, waxa ayna ahaayeen Madaxa Gaadiidka kooxda iyo Kan Caafimaadka
Garsoor (Mogadishu) – Lix iyo Sodon jirkan ku dhashay Jamaame ayaa ka soo mid ahaa Military-ga ilaa Dowladdii Cabdullaahi Yusuf laakiin waxa uu ka haray Liiska Ciidamada Xoogga Dalka Xilligii Dib u habaynta Electronic ahayd Ee Xukuumadii Madaxweyne Farmaxajo 2018.
Sanad ii 2017 kii ayay Xafiiska xeer Ilaalinta iyo Hay’adda Nabad Sugidda Cadeeyeen in uu bilaabay la shaqaynta Alshabaab, waxa uuna Argagixisada u Qaabilsanaa Gudbinta Gawaarida Qaraxyada ah Ee ay Argagixisada ku weerari jirtay Muqdisho.
Waxa uu isticmaalayay Magiciisa iyo Kaarkiisa Aqoonsiga isago oo aan ku jirin Liiska Saraakiisha oo uu mar ka gaaray Laba Xidigle.
Maragyada wax laga waydiiyay Maxamed Cabdulle Nuur Abkow waxa ay Qireen in shaki badani ka qabeen intuu uu kamid ah Saraakiisha ku Qoran Villa Baydhabo ee aan howlaha Ciidamada ku Jirin .
September 19 keedii 2019 ayaa lagu helay in uu Qarax geeyay Ururka 38 Aad Ee degan Villa Baydhabo.
23 kii March Sanadkan ayuu ku geliyay Gaarigiisa Garoonka Diyaaradaha Laba dhagar Qabe oo ka tirsan Argagixisada, waxaana Abaabulka Biyamaalow ku naf waayay Allah Unaxariisto Cabdirisaaq Aabi Cali oo kamid ah Halyeeyadii soo afjarayay weerarkaas, waxaana jiro khasaara gaaray Saaxiibbo kale oo joogay goobta gaarka ah ay isku fara saareen Maleeshiyada Weerarka ahaa iyo Ciidamada gaarka ah Ee Haramcad.
Garsoor – Mogadishu . Cabdillahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) ayaa loo soo xeray 03-dii Bishii Juun ee sanadkaan in uu ka tirsanaa Maleeshiyada Alshabaab una qaabilsanaa Qaybta qaraxyada isaga oo 7miino ku aasay kuna qarxiyay Waddooyinka Buufow Bacaad, Wadada Janaale, iyo Wadada Sabiib iyo Caanoole.
August dabayaaqadeedii ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaas ayaa xabsiga dhexe loo diray Garsuge ahaan.
Waxa uu Alshabaab ku biiray isagoo 15 jir ah waxa uuna tababar ku qaatay tuulada Doolaale ee ka tirsan Gobolka Bay, tababarkii markii uu usoo dhamaadayna waxaa loo wareejiyay sanadii 2016 qaybta qaraxyada, waxaana la baray qaabka loo fuliyo loona isticmaalo Miinooyinka, Waxa uuna mushaar ahaan u qaadan jiray bishii 200$.
Qarax oo uu ku aasay waddada Sabiib iyo Caanoole ayaa dhaawac ka soo gaaray kadib markii uu isku dayay in uu ka bixyo markii uu waayay cid soo marta, waxa uuna kana dhaawacmay Gacanta iyo Lugta Bowdada Midig.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada oo Codsaday Dacwad Qaadista Kiiska Cabdillahi ayaa laga Ogolaaday 12-kii Bishan November ee aan ku jirno, waxa ay Maxkamadda la wadaageen Qiraalka Eedeysanaha.
Garsoor – Mogadishu. Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf ayaa loo soo xiray in u Maleeshiyada Alshabaab u qaabilsanaa kala gudbinta hubka waxaana soo qabtay Ciidanka Xooga Dalka. 16-Kii Bishii August ee Sanadkan.
Ciidamada Amniga ayaa ku wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna isla xilligaasi Garsoorka Ciidamada Ogolaadeen in xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan 08-dii September ee sanadkaan.
Xuseen ayaa Alshabaab ku biiray Bishii Maarso ee Sanadkaan waxa uuna kaga biiray Gobalka Shabeellada Hoose deegaanka Faarax Wacays, waxaana ku tashkiiliyay Horjoogihiisii oo isna u qaabilsan Maleeshiyada kala gudbinta hubka, tiro 3jeer ah ayuu rasaas ka soo qaaday Beerta Ilka-Bariis oo ku taal dagmada Awdheegle waxa uuna u geeyay horjoogihiisii.
Baaris dheer kadib 07dii- Bishaan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa Codsaday Dacwad Qaadista Kiiska Xuseen ayaa laga Ogolaaday 16-kii Bishaan ee aan ku jirno, waxa ay Maxkamadda la wadaageen cadeemta Miinadii lagu soo qabtay eedeysanaha iyo qiraalkiisa.
Qareenada u dooday Eedeesane Xuseen Cabdiraxmaan ayaa u sheegay garsoorka in uu ku cusbaa ka mid ahaanshaha maleeshiyada kana codsaday in xukunka loo qafiifiyo.
Kadib Maxkamadda oo waqti ku Filan siisay dhinacyada ayaa 21-kii Bishaan ku xukuntay 15-sano oo xabsi ciidan ah Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Garsoore Axmed Cali Axmed oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Darajada Koowaad.
Xukunkasanaha haysta Fursad uu ku dalban karo racfaan inta sharciga laga Ogol yahay.
Garsoor (Mogadishu)- 11-kii June sanadkan deegaanka Bariire ee gobalka Shabellada Hoose waxaa ka dhacay dil fool xun oo lagu Eedeeyay Askar ka tirsan Military-ga Somalia
Kadib, dilkaas waxaa dhacay Banaan-baxyo ay ku Cabanayaan bulshada deegaanka, waxaana ku baxay Isla xilligaas Saraakiisha ugu sarayso Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Waxaa loo soo xiray dhacdadaas laba Askari oo ka tirsan Gor-gor iyo mid ka tirsanaa Qaybta 60-aad ee Military-ga.
Guuleed Xamse Maxamed iyo Cabdi weli Jaamac xersi oo ku hubaysnaa Qoryaha ay walaalaha Turkey siiyeen Ciidamada ayaa si gaar ah loogu Eedeeyay in ay kala dileen Labada Marxuum ee dhalinyarada ahaa oo xilligaasi Farshaxan isaga baranayay School duq ah oo dhinaca Liinta magaalka kaga yaal, waxaana marxuumiinta lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cabdiladiif Jiir iyo Cabdi Xasan Macalim Isxaaq.
Halka Askariga Sedaxaad Maxamed Isxaaq Guuleed uu Eedeysanayaasha markii hore u soo raacay in dadka ay dhacaan laakiin wax walba ay isku badaleen si ka duwan sidii hore ay ugu soo tashadeen, waxa ayna labada kale Ee la eedeysan xitaa isku dayeen in isaga Dilaan si raadka uu u dhumo, sida Maxkamadda laga Cadeeyay.
Xeer Ilaalinta oo ku soo wareegay kiiskan ayaa ugu damayn Codsatay in la Muddeeyo dhegeysiga Dacwadda ka dhanka Sedaxda Eedeysane August Dabayaaqadeedii.
Fadhigii u dambeeyay ee Maxkamadeed ayay Maxkamadda gaba-gabaysay kowdii bishan.
Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku kala Xukuntay Guuleed Xamse Maxamed iyo Cabdi weli Jaamac xersi Dil toogasha ah oo Qisaasta Marxuumiinta kala ah Maxamed Cabdiladiif Jiir iyo Cabdi Xasan Macalim Isxaaq, halka ay Sedax Sano oo Xabsi Ciidan ah ku xukuntay Maxamed Isxaaq Guuleed sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.
Garsoor (Mogadishu)- November sanadkii tegay bartamaheedii ayay ciidamada Amniga ka soo xeraan xaafadda Oodweyn ee degmada Dayniile Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow oo loo haystaa in uu Alshabaab u qaabilsanaa Howlaha Basaasnimada.
Xilliga ay ciidanka qabanayeen waxa laga helay Agabyada Basaasnimada loo isticmaalo sida, OOkiyaal Camera leh, Boortakiyaabo wax duubi karto, Pro Camera, Drone Camera DJI, Flash Camera, Qalabka dhagoolayaasha balse loo isticmaalo dhegeysiga (Siemens Heraring Aid), Modam Internet iyo Telephono.
Waxa uu lahaa Gaari uu kula shaqeeyo Rikaab, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay 2015 ilaa 2020 Bajaaj, Sedax meel oo lagu kala magacaabo Kaabe Travel Agency, Salaama stationary & Tamaam printing Center oo uu isaga lahaa balse mar dambe uu iska xaraashay.
Waa 28 jir ku dhashay Muqdisho, kana baxay Jaamacadda Jamhuuriy, waxa uuna ka bartay Computer Science.
Waxa ay sidoo kale Hay’adama amniga cadeeyeen xeriir gaar ah oo uu lalahaa u qaabilsanaha Alshabaab Arrimaha Dibadda.
June bishii ina dhaaftay ayay ciidamada Amniga ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna isla xilligaasi Garsoorka Ciidamada Ogolaadeen in xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan.
Baaris dheer kadib Xafiiska xeer Ilaalinta ayaa codsaday in la mudeeyo dhegeysiga dacwadda ka dhanka ah Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow, waxa ayna Maxkamadda aqbashay 16-kii bishan aynu ku jirno.
Fadhiya kala duwan kadib iyo dhegeysiga dhinacyada dacwadda sida Xeer Ilaalinta iyo Qareenada maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed Yarow 15-sano oo xabsi ciidan ah, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.
Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan.
Garsoor (Mogadishu)- Deeqo Maxamed Xuseen Cabdi ayaa loo soo xeray February Sedaxdeedii sanadkan u sahminta howlgallada dilalka Qarsoon ee maleeshiyada Alshabaab iyo Kaydinta hubka fudud sida BamGacmeed iyo Bistoolad.
May dabayaaqadeedii ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaas ayaa xabsiga dhexe loo diray Garsuge ahaan.
Deeqo Alshaab waxaa ku tashkiiliyay nin ay kala tageen mid saaxiib la’ah, waxa ay keedii hore iyo kan dambe kawada tirsan yihiin Alshabaab, laba sano ayaa laga joogaa markii ay ku biirtay kooxda, waxaana lacag ahaan loo siin jiray Boqol dollar bishiiba.
Deeqo Maxamed Cabdi oo magaceeda Afgarashadu yahay Faadumo ayaa laga soo qabtay degmada Kaaraan, waxa ayna xilligaasi joogtay Askari katirsan Dowladda oo ay dileen Argagixisada gurigiisa oo ay daris ahaayeen, waxa ay Qoyska reerka ka shakiyeen sida ay u leedahay dhaqan gaar ah oo ka baxsan dareenka reerka maalintaasi ay qabeen, Ciidamada Amniga oo baaray Deeqo gurigeeda ayaa ka soo helay BamGacmeed iyo Bistoolad wadato Todobo rasaas ah.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada oo Codsaday Dacwad Qaadista Kiiska Deeqo ayaa laga Ogolaaday billowgii Bishan July ee aan ku jirno, waxa ay Maxkamadda la wadaageen Deeqo kaalintii ay ku lahayd Askari lagu Dilay Kaaraan iyo Sida ay Warbixinta Dilka kadib ula wadaagtay Horjoogaheeii Argagixisada ay wakiilka uga ahayd Kaaraan.
Qareenka u dooday Eedeysanaha ayaa Codsaday in loo Naxariisto Deeqo oo ah hooyo Afar Caruur ah u dhashay Cabdullaahi Xasan Yusuf oo isna Alshabaab ka tirsan balse ay kala tageen 2018-kii.
Fadhiya kala duwan kadib Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Deeqo Maxamed Xuseen Cabdi 15-sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu dhincyada dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.
Xukunsaha ayaa haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan.