Sarkaal qori  Dhashiika ah ku dilay  qof rayid ah  oo la xukumay

Muqdisho (Garsoor)– Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ayaa loo  heysta in uu dil bareer ah u geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasan  21-ka bishii sagaalaad 2018, dilkaasi oo ka dhacay aga-gaarka Seybiyaano  degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada amniga ayaa soo qabtay Eedeysanaha, waxaana lagu  wareejiyay Hey’adaha Baarista.

Marxuum Dayax Iimaan Xasan ayaa ahaa wiil dhallinyara ah, waxa uu sidoo kale ahaa wade gaari raaxo isagoo sidoo kale soo dhameeyay heerka wax barashada koowaad  ee jaamacadda Plasma.

Iyadoo jimco ay tahay xilliyadii salaadda kadib ayuu sababsaday qorey Dhasiika ah uu gacantiisa ku riday sida uu sheegtay Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud).

Eeda Kumbud ayaa lagu soo wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Xilligaasi   waxa ayna  codsadeen Xafiiska in garsoorka ay ku hayaan xabsiga dhexe gar-suge ahaan.

Muddo baaristooda kadib  ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud), waxa  ayna Maxkamadda aqbashay in la muddeeyo 10-ka Bishii 12-aad ee sanadkii tegay.

Sedax Cishe kadib ayay bilaabatay Maxkamadeynta Kumbud, waxaana dhageysiga dacwadda  u dhammaa  dhinacyada dacwadda la isku ballamiyay in markale dib la isugu soo noqdo.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isla xilligaasi xooraansi dheeraad ah ugu jiray dhacdada sidii loogu dhameystiri lahaa dambi muujinada eedeysanaha, waxa ayna sidoo kale fadhigii  labaad la yimaadeen   oo aheyd laba todobaad kadib  cadeyma dheeri ah sida Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka  ku cadeeyay  dhimashada Marxuumka iyo markaatiyaal shan ah oo ay qaarkood wada saarnaayeen gaariga eedeysanaha la maxkamadeeyay ee Kumbud.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Qalabka Side ayaa fadhiga ka sheegay in eedeysanaha uu u adeegsaday  qori Dhashiika ah  meel ciriiri  badan ka jiro balse qoriga loogu tala galay furumaha dagaalka.

Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) ayaa sheegay in u jeedkiisu ahaa sidii uu u furi lahaa waddada oo aheyd Baarta jaadka halka loo yaqaano xilligaasi oo ay saxmad ka jirtay balse lagu war geliyay in ay sabatay xabadii uu riday dhimashada Marxuum Dayax Iimaan Xasan.

Qareenada ayaa ku dooday in loo naxariisto sarkaalka loona fududeeyo  xukunka maadama uu goobta fal ka dhacay ay aheyd goob Saxmad ah.

Ugu dambeyn maanta ayaa go’aan laga gaaray, waxaana lagu xukumay eedeysane  Ex, Laba xidigle xoogga dalka  Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud) dil toogasha ah oo ah  qisaastii Marxuum Dayax Iimaan Xasan, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute

Maxkamadda Ciidamada ayaa horay digniin uga dirtay in aan lagu xad gudbin muwaadiniinta isaga kala goosha magaalada, waxa ayna sheegtay in ciddii geysata dil ku tala gal ah aan looga waaban doonin sharciga.

Sarkaal xukunsanaha ah  ayaa heysta fursad  kale  uu uga qaadan karo rafcaan Xukunka Maxkmadda Darajada koowaad.

 

 

 

Burcad dhac u geysan jirtay ardayda jaamacadaha oo la xukumay.

Muqdisho (Garsoor)- Dable Xoogga Bashiir Muxudiin Jiinow iyo Xasan Maxamuud guure oo ah wada Mooto  ayaa loo heystaa in ay dhac u geysan jireen Ardayda Soomaaliyeed kuwooda u soo aada jaamacadaha qeyba kamid ah degmada Hodan ee  gobalka Banaadir gaar ahaan agagaarka Seybiyaano.

5-bishii tegaty ee sanadkan ayay ciidamada amniga ka soo qabteen isgoyska Seybiyaano ee degmada Hodan, waxaana xilligaas loo gudbiyay Hey’adaha Baarista.

Waxaa jiray cabashooyin ay u gudbiyeen Hey’adaha amniga  Ardayda Dhaca loo gaystay ee dhigta Jaamacadaha Plasma iyo Hornafrik.

01-     Bishii 12-aad ee sanadkan ayay baaritaan dheer kadib codsasdeen xafiiska xeer ilaalinta in la maxkamadeeyo eedeysanayaasha.

18- bishii 12- add ayaa  loo fariistay dacwadda dhanka ah eedeysanayaasha.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa horkeenay maxkamadda sedax kamid ah ardaydii dhaca loo gaystay oo Maxkamadda ka hor cadeeyay in xilliga kala duwan ay dhac u geysteen Dable  Bashiir Muxudiin Jiinow iyo Xasan Maxamuud guure, qorigii dhac lagu geystay, mootadii ay wateen labada eedeysane.

Baarihii kiiskan ayaa Maxkmadda u sheegay in ay ciidamada amniga iyo saldhiga degmada Hodan lasoo gaarsiiyay cabashada labada eedeysane, waxa ayna xilli hore oo waabarigii ah ay ciidamada amnigu qabteen labada eedaysane 5-tii bishii tagtay iyagoo qorsheynaya dhac kale .

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aan ka gaartay, waxa ay ku wada xukuntay min shan sano oo xabsi ciidan ah iyo sidoo kale in ay bixiyaan teleefanno shan ah oo ay ka qaateen  ardayda  oo Maxkamada la hor keenay, sida uu u sheegay warbaahinta Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

 

Dable Xoogga Bashiir Muxudiin Jiinow sawirka hore…..

Xasan Maxamuud guure oo ah wada Mooto sawirka 2-aad…

Bahda Garsoorka Ciidanka oo tacsi u diray Shuhadadii ku baxday gacanta Arga-gixisada…

Muqdisho (Garsoor)- Allaha u naxariistee Janaraal, Cumar Aaden Dhubbad, (Cumar dheere) oo ahaa Taliyihii qeybta 12-ka April ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, Abaandulahii qeybtaas , Janaraal, Cabdi Cali Jamaame, iyo qaar ka mid ah Askartii la socotay ee ku shahiidday weerarkaasi fulaynimada ah ayay Allah uga baryeyn in Naxariistiisa janno uu ka waraabiyo.

Janaraal Cumar Dheere ayaa ku guda jiray fulinta  shaqo uu  garsoorka ciidanka  u diray, waxaana safarkiisa ku wehliyay saraakiil ka socotay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamad Qalabka Sida.

Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad  ayaa si wada jir ah Shuhadada uga baryay EEBBE naxariistiisa.

“Cumar dheere waxa uu ahaa Sarkaal  Hoolkar ah,  xoog furan oo fir-fircoon, waxa uu jeclaa in uu geeriyoodo isaga u shaqeynayo dalkiisa, Allaha Unaxariisto dhamman Sareeya-yaasha iyo askartii ku  geeriyootay  dhagartii shalay” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Janaraal Cumar Dheere ayaa lagu xasuusan doonaa kaalintii uu ku lahaa xureynta goobaha cadowga Alshabaab ay ku sugnaayeen, waxa uu sidoo kale ahaa taliyihii ugu horreeeyay ee hor kacay ciidan oo isaga masuul ka yahay kuwaasi oo xureeyay dhul ballaaran iyagoo u madax baan howlgalladooda.

Maanta ayaa loo  sameeyay aas Qaran oo ay ka qeyb galaan  masuuliyiin kala duwan.

Inaan Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun….

 

Sawirradan waxaa la qaaday 19-November ee sanadkan mar ay booqasho ku saabsan wacyi gelin ugu tageen Ciidamada Xoogga dalka madaxda Garsoorka Ciidamada.

Hoolka dacwadda maxkamadaha oo loo dhisay qaabka hoolalka dacwadaha Caalamka.

Muqdisho (Garsoor)- Tan iyo Markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee  Soomaaliya  uu ku dhawaaqay Ololaha is Xilqaan ayaa waxaa sii kor dhayay Xarumaha danta guud. ah ee  lagu dhisayo  mashruucan.

Bahda garsoorka oo shacab iyo ciidan ka kooban ayaa iyagana isku baheystay sidii loo dhisi lahaa hoolka dacwadaha si lamid ah hoolalka Maxkamadaha horumaray.

Lacago ay iska jareen shaqaalaha Ciidanka iyo Rayidka, Madaxda garsoorka qeybahooda kala duwan ayaa suura galisay in dib loo dhiso hoolka, waxaana manta ka qeyb galay xafladda dib u furidda  Hoolka Dacwad qaadista Maxkamadaha dalka Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Ciidamada &Rayidka sida Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan  Baasha Yuusuf Axmed , Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow, Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobalka Abshir Cumar Cabdullahi, Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Niuur Shuute, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir  iyo marti sharaf kale oo ka socday qeybaha garsoorka dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobalka  Abshir Cumar Cabdullahi  ayaa ugu horeynba u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha in ujeedka dib casriyeynta ay tahay sidii ay kaga qeyb qaadan lahaayeen kaalintooda kaga aadan dib udhisidda dalka ee ololaha isxilqaan ee uu horay madaxweyna Farmaajo ugu dhawaaqay.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa kaga mahad celiyay qof kasta oo ka qeyb qaatay dhismaha hoolka, waxa uuna sii raaciyay in cadaaladda ay qeyb ka tahay Quruxda oo ay ku leedahay doorweyn.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa isna goobta furitaan xafladda ka sheegay in ay farxad u tahay in uu goobjoog ka noqdo furitaanka howlkan ee markii la gaarayay  go’aankiisa uu safar shaqo dalka kaga maqnaa.

Guddoomiyaha Maxkamadda SareGaryaqaan  Baasha Yuusuf Axmed oo soo xiray furitaanka Xafladan ayaa u sheegay dhamman ka qeyb galayaasha in xafladda xirantahay, waxa uuna ugu baaqay bahda cadaaladda in ay gartaan doorkooda oo ah Hey’adda sedaxaad ee ugu sareeyso hey’adaha dalka in ay uyihiin tiir, waxa uuna ballan qaaday in ay kasii shaqeyn doono hormarka garsoorka.

Hoolka dacwad qaadista Maxkamadaha dalka ayaa hadda loo naqshadeeyay sida hoolalka Maxkamadaha Casriga ah.

Xukunka Askari isku darsaday dhac iyo ka bixid aag dagaal

Muqdisho (Garsoor)- Xukun Xasan Abshir ayaa ka so baxay si dhuumaaleysi ah  aagga dhanaane ee gobalka shabeelaha Hoose.

Ujeedada qarsoon ee kasoo tagista goobtiisa shaqo ayaa ahayd inuu dhac ka gaysto  mid ka mid suuqyada magaalada .

Markii uu soo gaaray magaalada Muqdisho ayay si wada jir ah dhac ugu baraareen isaga, marxuum Saleebaan Cali Maxamed iyo askari kale oo baxsad ah ee uu Saleebaan Yaqiinay.

Xukun Xasan Abshir ayay ciidamada amniga ka soo qabteen suuqa weyn Bakaaraha, waxaana xilligaasi uu Ku guda jiray dhac uu ugeysanayay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee usoo shaqa tegay Suuqa Bakaaraha.

Shacabka ayaa Ku war geliyay ciidamada Amiga in suuqa uu ka socdo dhac ay geysanayaan rag ku hubaysan qoray Ak47 iyo   Bistoolad.

Ciidamada Amiga degmada Howlwadaag ayay isaga hor yimaadeen suuqa markii lagu amray in ay isdhiibaan ayuu bilaabay xabad Xukun Xasan Abshir taasi oo sababtay in uu geeriyoodo Saaxiibkiisa saleebaan halka sidoo kale uu baxsaday shaqsi kale oo la socday kaasi oo Ku hubeysnaa Bistoolad.

Intaas kadib ayuu is dhiibay Xukun Xasan sidaana ay ciidamada amniga ugu soo wareejiyeen Hey’adaha Baarista.

15-10 ee sanadkan ayaa loo soo gudbiyay xafiiska xeer ilaalinta, isla xilligaas ayay garsoorka weydiisteen in loo dhaa dhiciyo xabsiga inta ay ka soo dhameystirayaan eedda eedeysanaha.

Baaristooda kadib ayay 22 – bishii 11 ee sanadkan ayay codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda.

Maxkamadda ayaa aqbashay 4 cisha uun kadib in la dhageysto dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha.

Laba xidigle Ismaaciil Salaad Axmed oo ah Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha ciidamada qalabka sida ayaa fadhiga  hor keenay laba shaqsi oo shaqa joojin Ku sameeyeen intii ay dhacca wadeen xukun iyo saaxibbadiiis, afar kamid ah  ciidamada amniga ee soo qabtay eedeysanaha, warqad muujineyso lacagta baadda ah oo ay  ka qaateen masuul ka tirsan Shirkadda BaalGore iyo ID Card, ay u isticmaaleen baadda dadka, qoriga  dhacca lagu geystay iyo Qiraal laga qoray eedeysane Xukun Xasan Abshir.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Ku dooday in loo naxariisto, loona fiiriyo sifaalaha dambiga fududeeyo.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan Ku gaaray in lagu xukumo Xukun Xasan Abshir 8-sano oo Xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha dacwadda Dhamme Maxamed Cabdi Muumin.

Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale hadii uusan Ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Alshabaab isku ekeysiiyay ciidamada dowladda oo la xukumay

Muqdisho (Garsoor)- Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim Aadan wuxuu Alshabaab Kaga biiray degmada Saakow sanadii 2013.

Waxa uu sheegay in uu qaabilsanaa qaybta ku qaadda weerarada fariisimaha ciiidamada ay ku leeyihiin gobalka Shabeelaha Hoose .

Waxa uu qiraalkiisa ku sheegay in uu taba-bar ku qaatay muddo Afar bilood ah qoryaha AK, BKM iyo RBG oo lagu baray xero  ay ula baxeen Cuteybah.

Cali Maxamed Cabdullaahi Macallim ayaa  codsaday kamid ahaanshiyaha qeyb ay ugu yeeraan Amniyaadka kuwaasi oo loogu tala galay in ay gaadmo ku dilaan dadka indhaha u ah bulshada, waxa uu sheegay in Alshabaab ay ka aqbaleen sidaasna loogu qaaday taba-bar lagu baranayo dilka gaadmada ah deegaanka Kuunya-barow.

Waxa uu  raaciyay  in uu qorsheynayay in uu dilo Askari katirsan ciidamada, isaga oo qorshihiisa wata oo aysan u suura gelin xaqiijinta qofka uu raadinayay ayay ciidmada amniga ka qabteen Isgoyska Shaqaalaha ee gobalka Banaadir  20-may 2018.

Sababta uu u doortay amniyaadka ayuu ku sheegay in aysan ka aheyn fikir balse uu doorbiday sida uu sheegay dhaqaala badan oo lagu bixiyo kuwa gaadmada wax ku dilo oo ay Alshabaab u yaqaanaan Amniyaadka.

12-11  ee sanadkan ayay xafiiska xeer ilaalinta ciidamada codsadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwad qaadista eedeysanayaal Cali Aadan Cabduulaahi, C/casiis Idriis Sheikh Cali, Cabdullaai Subeyr Cumar iyo Cabaas Idriis Sheikh Cali.

Maxkamadda ayaa aqbashay 20-11 ee sanadkan in la qaado kiiska ay soo gudbiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta.

Maxkamadda ayaa dhageystay eedda xafiiska ay soo gudbiyeen Qiraalka eedeysanaha, waxa ay sidoo kale la wareegeen cadeymo dambi muujin oo ay soo gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta sida Qori AK-47, Labo Babmo F1 iyo boosh ay ku jireen sedax qasanadood oo rasaas ah taasi oo ay u dheertahay in uu ku labisnaa dharka ciidanka.

Garsoorayaasha ayaa ugu dambeyn go’aan ka  gaaray kiiska maalintan, waxa ayna Maxkamadda ku  kala xukuntay

1-       Cali Maxamed Cabdullaahi 15-sano oo Xabsi ciidan ah halka sidoo kale ay Maxkamadda sii deysay

a-       Cabdicasiis Idriis Sheikh Cali

b-       Cabdullaahi Subeyr cumar iyo

C-    cabaas idiris sheekh cali kadib markii ay ku waysay wax dambi ah  , Sida uu u sheegay dhamman dhinacyada dacwadda Dhamme Maxamed Cabdi Muumin oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada.

Xukunsaha koowaad ayaa heysta fursad kale  uu ku dalban karo Rafcaan hadii  uusan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidaamda Qalabka Sida.

AUN Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxman Adan Wabiyow oo Muqdisho lagu aasay

Muqdisho (Garsoor)- Allaha Unaxariisto waxaa lagu aasay magaalada Muqdisho Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxman Adan Wabiyow oo u geeriyooday xanuun hayay.
Wabiyow ayaa garsoorka Ciidamada Qalabka Side ku jiray tan iyo dowladii dhexe, waxa uu soo noqday kaaliye, Karaani ilaa uu ugu dambeyn noqday garsoore katirsan Maxkamadda Ciidamada.
Waxa uu waqtigiisa badi ku qaatay garsoorka dhexdiisa, weliba waxa uu kamid ahaa dad yar oo u baraarey qatirihii dalka ka jiray oo uu ku dhiiraday in uu u shaqeeyo qarankiisa.
Sareeye guuto Liibaan Cali Yarow guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada iyo Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darjada koowaad ayaa si wada jir ah uga tacsiyeeyay Qaranka iyo Ehelkiisa geerida Marxuumka, waxa ayna Allah uga baryeen Naxariistiisa Janno.
Allaha Unaxariisto Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow ayaa lagu xasuusan doonaa u adeegidda qaranka iyo u hiilinta cadaaladda.

Maxkamadda Ciidamada oo xukunno riday

Muqdisho (Garsoor)- Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay)  ayaa loo heystaa in uu dil bareer ah u geystay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed oo ay kawada tirsanaayeen  Ciidamada Amniga  dilkaasi oo ka dhacay dugsiga taba-barka  Jen. Shirbow 30-ka bishii sideedaad ee sanadkan.

Hey’adda dambi baarista Boliiska CID ayaa codsatay in la siiyo waqti ku filan oo ay ku soo  dhameystiraan eedda loo heysto Oday Daalay, waxa  ayna Shan Cisha  Kadib  ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side.

Xeer Ilaalinta ayaa weydiistay garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada in loo gudbiyo  xabsiga dhexe  gar-suge ahaan Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay)  6-da bishii sagaalaad si’ay u soo dhameystireen baarista eedda ka dhanka ah eedeysanaha ee xafiiska soo gaartay.

18-ka bishii tagtay ayay markale weydiisteen Garsoorayaasha in la muddeeyo waqtia dacwad qaadisata eedeysane Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay) oo ay sheeeen in ay ku filantahay caddeymaha ay u hayeen kiiskiisa, waxa ayna Maxkamadda aqbashay laba maalin uun  kadib.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa fadhiga Maxkamadda hor keenay Afar markaati oo dhammaantood isku raacay in Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble  Oday Daalay uu si bareer ah u dilay Marxuum Saciid Cusmaan Maxamed kadib markii uu isku dayay in uu carqaladeeyo shaqo amni uu haayay Marxuumka isla markaasna uu isku dayay in uu baxsado balse ay ciidamada oo ka tir badnaa ay hareereeyeen sidaasna qoriga uu dilka ku  geystay looga qaaday.

Abuukatayaasha u dooday eedeysane Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay)   ayaa iyagana ku dooday in loo fududeeyo ciqaabta  lagana qaado magta Marxuumka.

Cabdirisaaq Maxamed Jimcaale ayaa isagana loo heystaa dilka Qeys Khaliif Salaad oo ay kawda tirsanaayeen Ciidamada Xooga Dalka, dilkaasi oo ka dhacay xirada Laanta-buure 27-ka bishii todobaad ee sanadkan.

30-bishii todobaad ayay ku soo wareegtay eediisa  xafiiska xeer ilaalinta, waxaana xilligaas ay maxkamadda u ugudbisay xabsiga dhexe gar-suge ahaan.

10-ka bishii tatay  ayay  xeer ilaalinta codsatay in la muddeyo dacwad qaadista eedeysane Cabdirisaaq Maxamed Jimcaale 15-ka bishaas ayay aqbashay Maxkamadda, waxaana shan cisha kadib loo fariistay dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysanaha.

Laba markaati,  Warqadda dhimashada,  sawrika marxuumka iyo qorigiis uu dilka ku geystay ayay ku soo bandhigeen xeer ilaalinta, waxa ayna markaatiyaasha  oo ay kawada tirsanaayeen ciidanka xoogga dalka ee isku goobta ay yihiin cadeyn in  si jees-jees ah uu u dilay Marxuumka halka dhanka qareenada ay ku doodeen in laga qaado diyo maadaama ay wada kaftamayeen  marxuumka sidaasna ay sababtay dhimashadiisa.

Garsoorayaasha ayaa si wada jir ah ugu xukumay dil Maxamed  Xaashi  Waasuge Cosoble (Oday Daalay)    &  Cabdirisaaq Maxamed Jimcaale  kadib markii ay ku qanceen cadeymaha labada kiis ee Maxkamaddal la hor keenay sida uu u sheegay dhamman dhinacyada ka qeyb galayay dacwadda Gaashaanle dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan (Wabiyow) oo kamid ah garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada.

Xukunsanayaasha ayaa heysta Fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qancin xukunka Maxkamadda Darajada koowaad.

 

Caadeystayaal Burcad ah oo la xukumay.

Muqdisho (Garsoor)- Aweys Cali  Macalim iyo Ayaanle Axmed Nuur  ayaa si wada jir ah loogu soo qabtay iyagoo dhac u geysanayo muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa degmada Cabdi-caziiz ee gobalka Banaadir.

Labada eedeysane ayaa dhac u geystay Wiil dhallinyara ah oo kamid ah kuwa ku shaqeysto xirfadda sawirrada ee nolal maalmeedka ka raadiyo meelaha dadka isugu yimaadaan sida Xeebta Liido, waxa ay sidoo kale dhac u geysteen gabar wadatay Teleefanada gacanta iyadoo u adeeg doona-neyso suuqa.

Dadka ay dhaceen waxaa sidoo kale kamid ahaa laba wiil oo  xeebta liido ka baadi goobayay meyd qof ka maqan oo ay weysanaayeen kuwaasi oo ay ka qaateen laba teleefoon oo ay wateen.

sidoo kale waxa ay isla xilligaas dhac u geysteen mid kamid ah ciidamada amniga oo xilligaas u socday shaqadiisa amniga balse aan hub wadan iyo dharka ciidamada, waxa ayna taasi dhalisay in uu baadi goob u galo kuwii dhaca u geystay oo uu kula kulmay iyagoo joogo xeebta liido.

Hey’adaha dambi baarista ayaa eedeysanayaasha ku soo wareejiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada kadib markii ay kala wareegeen Saldhiga Boliiska degmada Cabdi-caziiz, waxa uuna xafiiska weydiistay  garsoorayaasha in loo gudbiyo labada eedeysane xabsiga dhexe si gar-suge ahaan ah  13-ka bishii sagaalaad.

Baaritaana dheer oo xafiisku sameeyay ayay ku ogaadeen In labada eedeysane ay horay u galaan dambiya kala duwan, waxaana horey ugu dhacay xukunno iyagoo midi maqana yahay xilligaas.

Aweys ayaa  sheegay in uu dil geystay balse ay si gaar ah u macaamileen reerihii dhibka kala dhexeeyay falkaasi oo ka dhacay degmada Kaaran halka Ayaanle lala soo qabtay afar eedeysane oo ay kuwada eedeysanaayeen dil balse loo qeybiyay in ay bixiyaan magta  marxuumkii geeriyooday ayay horey Maxkamadda ugu xukuntay.

22-ka bishan ayay Codsadeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada in la muddeeyo dacwad qaadista labada eedeysane oo ay sheegeen in ay ku filantahay caddeymaha ay uhayaan kiiska.

Garsoorayaasha ayaa aqbalay soo jeedinta xeer ilaalinta, waxaa loo ballamay in la isugu yimaado Maxkamadda 25-kii bishan, waxa la dhageystay dhinacyada dacwadda  sida xeer ilaalinta iyo Qareenada u doodayay labada eedeysane.

Xeer ilaalinta ayaa fadhiga Maxkamadda hor-keenay  afar dhibane oo loo siiyay fursad in ay ka  hadlaan goobta, qaar kamid ah agabkii ay dhaceen  labada eedeysane oo laga helay xaafad ay ku keydsadeen oo ku taal degmada Kaaraan, baarihii kiiska iyo qiraalka eedeysanayaasha iyo hubkii ay dhacca ku geysteen, halka Qareenada ay ku doodeen in loo fududeeyo loona fiiriyo sifaalaha dambiga fududeeyo, waxa ay sidoo kale weydiisteen in Maxkamadda aysan u fiirin dambiyadii ay horey u galeen maadaama aan hada loo fadhin dacwadooda .

Garsoorayaasha ayaa la tashi  dhexdooda ah kadib go’aan ku  gaaray Aweys Cali  Macalim iyo Ayaanle Axmed Nuur  in si wada jir ah loogu xukumo sideed sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Side.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku wareejisay agabkiisa  wiil dhallinyara ah oo ay ka dhaceen camera uu ku raadsan jiray nolol maalmeedkiisa.

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad.

Maxkamadda Ciidamada oo sii deysay eedeysanayaal lagu waayay dambi.

Muqdisho (Garsoor)- Saldhiga degmada Dharkenley  ayaa 25ka bishii sagaalaad ee sanadkan u soo gudbiyay xafiisk Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka  Side eed ka dhan ah Dable Cali Maxamuud Axmed, Cabdixaaji  Bashiir, Axamed Cabdirisaaq Axmed iyo Cabdifatax Cabduqaadir Axmed  oo kawada tirsan Ciidamada Asluubta  kuwaasi  oo ay soo gudbiyeen ciidanka deeganka Garsabaaley  oo   sheegay in ay dhac geysanayeen Afartoodaba.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa isla maalintaas weydiistay garsoorayaasha in loo gudbiyo afarta eedeysane xabsiga dhexe  garsuge ahaan si’ ay u soo dhameystiraan caddeymaha  kiiska.

06 bishan ayay xafiiska Xeer Ilaalinta codsadeen in la muddeeyo dacwad qaadista afarta eedeysane,  waxaana sedax cisha kadib Maxkamadda muddeysay kiiska, fadhiga hore ee Maxkamadda ayaa loo ballamay 11-ka bishan.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigi waayay wax dhaafsan eedda ay soo jeediyeen taliska Saldhiga Boliska Dharkenley iyo Ilaalada deeganka Garsabaaley.

Garsoorayaasha ayaa dalbaday in la keeno  caddeymo dheeraad ah oo markale la isusgu soo noqdo  fadhiga Maxkamadda.

18-ka bishan ayaa markale la isugu soo noqday fadhiga Maxkamadda, waxa ay xafiiska xeer ilaalinta la soo shir tageen  kaliya in ay jirto in xilliya kala duwan dhac loo geysan jiray dadka deegaanka  hasa ahaate xilliga afarta eedeysane la soo qabanayay aysan jirin wax dambi ah oo faraha ay kula jireen.

Qareenka u dooday  afarta eedeysane ayaa fadhiga Maxkmadda ka sheegay  in ay raggan ilaalo indha indheyn ah ay ka  hayeen fadhigooda, waxa uu sidoo kale ku dooday in aysan jirin wax cadeyma ah oo lagu xukumi karo sidaas darteed uu weydiisanayo garsoorayaasha in la siiyo xurriyadooda.

Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhageysiga Maxkamadda laba jeer oo kala duwan ayaa ugu dambeyn go’aan ku  gaaray in la siiyo xurriyadooda afarta eedeysane hadii aysan jirin dambiya kale oo loo heysto sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaale Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.