Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay Raggii weeraray Hotel Naasa Hablood2

Muqdishu (Garsoor)-28-kii October 2017 ayay aheyd xilli galab gaab ah saacadda Muqdisho markii maleeshiyada ka tirsan Al-sabaab ay weerar isugu jiro Ismiidaan iyo dagaal toos ah ay ku qaadeen Hotel Naasa Hablood Laba ee Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa eedeysanayaasha kala ah :-

1-Farxaan Maxammed Samatar , 2-C/naasir Dhaqane Xasan, 3-Abshir Xaaji Maxammed Buule

Waxa uu ku soo eedeeyay in raggan la soo qabtay iyagoo isku dayaya in ay ka baxsadaan goobta dagaalka kedib iska cabin xoog leh oo ay kala kulmeen ciidamada ammaanka, sidoo kale xafiiska ayaa soo bandhigay hubka eedeysanaayasha oo isugu jiro bam-booyinka gacanta iyo Ak-47, waxa ayna sidoo kale hor keeneen Maxkamadda Markaatiyaal ay ku jiraan Saraakiisha Ciidamada amniga ee habeenkaas howl-galka wax ka waday, waxa ayna sheegeen in raggan oo iska dhigay ciidamada amniga ay ka soo qabteen, midkoodna dhaawac uu ahaa meel aan ka fogeyn halka ay mashaqadu ka dhacday.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa ka koobneyd 5- xubnood, mid kamid ah ayaa is qarxiyay ka hor dagaalka inta aysan gudaha ugu gelin 4-ta kale, dagaal kedib ayaa 4-tii maleeshiyada aheyd midkood is qarxiyay kaasi oo ku xirneyd walxaha qarxa, waxaana seddaxda kale ay isku dayeen in ay goobta ka baxsadaan hasa ahaate ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigay.

Maxkamadda darajada 1-aad oo dhowr jeer dhageystay kiiskan ayaa ugu dambeyn saakay xukun dil ah ku riday, sida uu subaxii hore ee saakay warbaainta u sheegay guddoomiyah Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Weerarkaasi dadka ku dhintay waxa ay isugu jireen Siyaasiin hore oo xil soo qabtay, kuwa hadda qaar oo haayay xilal, saraakiil amni, haween iyo caruur, waxaana inta la xaqiijiyay geeriyooday 18-qof halka ay 47-kale oo ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kulan la qaatay Taliyeyaasha Hogganada Ciidanka

Muqdisho (Garsoor), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta hoolka shirarka ee Taliska C.B.S kulan kula qaatay dhammaan Taliyeyaasha hoggaamada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulankaan, ayaa waxaa looga hadlay  dardar gelinta Shaqada Ciidanka Booliska, Adkeynta  ammaanka dalka, Wada shaqeynta Ciidanka iyo Bulshadda Soomaaliyeed iyo arrimo kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa Taliyeyaasha hoggaamada Ciidanka waxuu kula dardaarmay in si dardar ah lagu wado shaqada Ciidanka Booliska, isaggoo faray in loo naxariisto, lana caawiyo Shacabka Soomaaliyeed ee Sooman.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta booqday Xerada tababarka Ciidanka Danab ee Balli-doogle

Muqdisho (Garsoor), Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ayaa booqday Xarunta tababorka Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee (DANAB) oo fadhigoodu yahay deegaanka Balli-doogle, Waxuuna xariga ka jaray  qeyb cusub oo lagu soo kordhiyay xarunta tobobarka.

R/wasaare Kheyre, ayaa booqashada waxaa ku wehliyey Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Xasan Cali, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka S/guuto Cabdullaahi Cali Caanood iyo masuuliyiin kale, waxaana mid mid ay u kormeereen dhammaan qeybaha ay ka kooban tahay Ballidoogle.

“Waxaan booqday xerada Ciidanka Ballidoogle si aan usoo ogaado horumarka ay sameeyeen sannadkii lasoo dhaafay Ciidanka XDS – DANAB ee ku sugan halkaas” ayuu yiri R/wasaaraha Soomaaliya

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koofur Afrika oo maanta lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta ee cape town

Cape Town (Garsoor), Kooxo Hubeysan Ayaa  Cabdulqaadir Nuur Iiman  waxay ku  Toogteen  tuulo hoostagta Magaaladda Cape town  ee Dalka koonfur Africa, waxaana lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta ee magaaladda cape town.

Dadkii ka soo qeyb galay aaska, Ayaa  Tacsi u diray  eheladii iyo Qaraabadii uu ka baxay marxuumkaasi.

Maxamed cumar Talyaani Guddoomiyaha dhalinyarada Soomaliyeed ee  Dalka koonfur Africa,  Ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Dilka aan joogsiga laheyn ee loo geysto Muwaadiniinta Soomaliyeed, Isaggoona Baaq u diray dowladda Soomaaliya.

Mawaadinkan ayaa  noqonayo mawaadintii  5 Naad  ee tan iyo bilowgii Bishaan barakeysan ee Ramadaan lagu dilo Dalkaasi Koonfur Africa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo maanta la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub

Muqdisho (Garsoor), Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa maanta la kulmay Wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hogaaminayay Fulgencio Garrido Ruiz oo ah Madaxa Siyaasadda Midowga Yurub ee Soomaaliya, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Guddoomiyaha  golaha shacabka JFS, ayaa ugu horeyn wafdigaan uga warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay golaha shacabka iyo qorshayaasha hadda u degsan.

waxyaabaha labada dhinac  ay aadka uga wada hadleen waxaa ka mid ah in Midowga yurub uu golaha Shacabka ka taageero dhinacyada farsamada ,inuu tababaro guddiyada golaha shacabka iyo sidoo kale In la helo qubaro ka qeyb qaata diyaarinta shuruucda Dalka muhiimka u ah.

Sidoo kale guddoomiyaha golaha shacabka, ayaa kulan la qaatay gudiga xeer hoosaadka ee golaha shacabka oo ay ka wada hadleen arrimaha xeer hoosaadka iyo qodobada wax ka bedelka u baahan .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho, 31 May, 2018–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Danjiraha Dawladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Andreas von UexküII, waxana ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada uu dalkiisu siiyo Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yarisow ayaa boggaadiyay kaalinta dawladda Sweden kaga aaddan taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha shaqo abuurka. waxaana uu sheegay in xiriirka labada dal ee xoogan uu horseeday mashaariic iyo kaalmo dhinacyo kala duwan oo mar walba Sweden ay siiso bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa tilmaamay arrimaha sida gaarka ah diiradda loogu saaray kulanka inay kamid tahay horumarinta Caasimadda iyo in dhalinyarada loo helo fursado shaqo, sidoo kale waxaa la isla soo qaaday in la sii xoojiyo kaalmada ay Sweden siiso Gobolka Banaadir.

Labada mas’uul waxay mar kale xaqiijiyeen wada-shaqeynta xoogga leh ee ka dhexeysa Safaaradda Sweden iyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo inay ka go’an tahay inay si intaa ka dhow u wada shaqeeyaan.

Wasiirka cusub ee Warfaafinta oo maanta soo gaaray Muqdisho

Muqdisho(Garsoor)–Wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cabdulle Cusmaan Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Mudane Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah wasiirrada uu dhowaan magacaabay Ra’iisul wasaare Khayre ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyey, Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho, Eng Yariisoow, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Cusub Daahir Maxamuud Geelle ayaa uga mahadceliyey masuuliyiintii soo dhoweysay,wuxuuna sheegayna in ay sii wadi doonaan horumarinta Warfaafinta, isagoo xusay in 8 sano ka hor xilalkii iyo xaaladahii uu kaga tegay ay aad iyo aad uga sarreeyaan.

“Waxaan jeclahay in marka aan imaado aanan hadlin balse marka aan tagayo inaan hadlo, anoo markaasi wax badan qabtay, waxaan hadda sheegayo waxay noqon karaan oo kaliya balanqaadyo iyo waxyaabo riyo ah”ayuu yiri Wasiir Daahir Geelle.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri, “Waxaan ku farax sanahay inaan mar labaad ku soo noqdo Wasaaradda Wafaafinta, waxaana rajeynayaa in wax Dalka iyo dadka anfaca aan sameyno, waxaana idinkula soo noqon daacadnimo iyo waayo aragnimo aan meelo kala ka kasbaday, adinkuna intaasi mid la mid ah aad kasbateen xilliyadaasi, arrimahaasi oo dhan ayaan isku biiri doonnaa”.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa isla maanta kormeeray qaybaha ay ka koobantahay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Qaybaha Warbaahinta sida Radio Muqdisho, TVga Qaranka, Wakaaladda SONNA iyo Wargeyka dalka ayaa ka mid ah goobaha uu booqday Wasiirka, iyadoo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasimayaasha waaxyaha ay Warbixin ka siiyeen Wasiirka sida ay u socoto shaqada Warbaahinta iyo guud ahaan shaqada Wasaaradda.

Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa laga filayaa inuu wax weyn ka qabto howsha baaxadda leh ee ku aadan hormarinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda, isagoo hore uga soo noqday Wasiir muddo haatan laga joogo 8 sano.

 

Shir looga hadlayay Dimuqraadiyeynta iyo dhismaha Dowladaha hoose oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho(Garsoor);- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa maanta shir-guddoomiyey shirka JPLG oo ay ka soo qeyb galeen Dawlad Gobolleedyada iyo Beesha Caalamka, kaas oo looga hadlayay Dimuqoradiyeynta iyo dhismaha Dawladaha Hoose.

Shirka waxaa sidoo kale khudbado ka jeediyey Wasiirrada Arrimaha Gudaha Maamulkada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxayna warbixin ka dhiibeen dhismaha Golleyaasha deegaanka iyo wax yaabaha lagama maarmaanka u ah si loo hirgeliyo.

Intii uu shirku socday ayay Maamul Gobolleeyada dalku soo bandhigeen habraacooda ku aadan arrimahan.

Danjire Cali Saciid Fiqi oo warbixin Ku saabsan Xaaladda Tahriibayasha siiyay Madaxweynaha JFS.

Muqdisho(Garsoor):-Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Cali Saciid Fiqi ayaa warbixin ku saabsan xaaldda tahriibayaasha Soomaaliyeed siiyay Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Safiirka oo shalay dalka kusoo celiyay maxaabiis gaaraysa 151 qof ayaa sheegay in xaaladda ay ku suganyihiin tabriibayaasha ay aad u liidato, loona baahanyahay in dowladdu labo laabto hawlaha lagu soo celinayo maxaabiista ku jira xabsiyada Libya.

Danjire Fiqi ayaa intaas ku daray in maxaabiista haatan ku jira gacanta dowladda Liibiya iyo kuwa ay magafayaasha ku jira gacan-tooda ay u dhaxeeyaan 5 ilaa 7 kun.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray xafiisyo ay yeelanayaan Guddiyada Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho (GARSOOR)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa maanta kormeer ku sameeyay xafiisyo cusub oo ay yeelanayaan Guddiyada ugu shaqada badan Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Ujeedka kormeerka Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ku tagay xafiisyada cusub ayaa waxay tahay sidii loo dardar gelin lahaa howlaha Guddiyada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo in Guddi kasta uu helo xafiis u gaar ah oo ay shaqooyinka ku gutaan si ay ugu adeegaan Shacabkooda.

Sidoo kale,Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanaka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa dalbaday in muddo Todobaad ah lagu soo gaba gabeeyo Dhismaha iyo qalabeynta Xafiisyadaasi.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waqti badan gelinaya sidii ay ugu adeegi lahaayeen Shacabka ay Wakiilka ka yihiin iyo iney dar dar geliyaan howlaha faraha badan ee horyaala Baarlamaanka.