Shabaab loo xukumay dhaawac kasoo gaaray Qarax uu isaga Aasay…..

Garsoor – Mogadishu .   Cabdillahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) ayaa loo soo xeray 03-dii Bishii Juun ee sanadkaan in uu ka tirsanaa Maleeshiyada Alshabaab  una qaabilsanaa Qaybta qaraxyada isaga oo 7miino ku aasay kuna qarxiyay Waddooyinka Buufow Bacaad, Wadada Janaale, iyo Wadada Sabiib iyo Caanoole.

August dabayaaqadeedii ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaas ayaa xabsiga dhexe loo diray Garsuge ahaan.

Waxa uu Alshabaab  ku biiray isagoo 15 jir ah waxa uuna tababar ku qaatay tuulada Doolaale ee ka tirsan Gobolka Bay, tababarkii markii uu usoo dhamaadayna waxaa loo wareejiyay sanadii 2016 qaybta qaraxyada, waxaana la baray qaabka loo fuliyo loona isticmaalo Miinooyinka, Waxa uuna mushaar ahaan u qaadan jiray bishii 200$.

Qarax oo uu ku aasay waddada Sabiib iyo Caanoole ayaa dhaawac ka soo gaaray kadib markii uu isku dayay in uu ka bixyo markii uu waayay cid soo marta, waxa uuna kana dhaawacmay Gacanta iyo Lugta Bowdada Midig.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada oo Codsaday Dacwad Qaadista Kiiska Cabdillahi ayaa laga Ogolaaday 12-kii Bishan November ee aan ku jirno, waxa ay Maxkamadda la wadaageen Qiraalka Eedeysanaha.

Fadhiya kala duwan kadib iyo dhegeysiga dhinacyada dacwadda sida Xeer Ilaalinta iyo Qareenada Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Cabdillahi Cabdi Muuse Jimcaale (Sharma’arke) Xabsi Daa’in  sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunkasanaha haysta Fursad uu ku dalban karo racfaan inta sharciga Ogol yahay.

 

Xukunka Xuseen Cabdiraxmaan oo Khawaarijta u qaabilsanaa…..

Garsoor – Mogadishu.  Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf ayaa loo soo xiray in u Maleeshiyada Alshabaab u qaabilsanaa kala gudbinta hubka waxaana soo qabtay Ciidanka Xooga Dalka. 16-Kii Bishii August ee Sanadkan.

Ciidamada Amniga ayaa ku wareejiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxa ayna isla xilligaasi Garsoorka Ciidamada Ogolaadeen in xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan 08-dii September ee sanadkaan.

Xuseen ayaa Alshabaab ku biiray Bishii Maarso ee Sanadkaan waxa uuna kaga biiray Gobalka Shabeellada Hoose deegaanka Faarax Wacays, waxaana ku tashkiiliyay Horjoogihiisii oo isna u qaabilsan Maleeshiyada kala gudbinta hubka, tiro 3jeer ah ayuu rasaas ka soo qaaday Beerta Ilka-Bariis oo ku taal dagmada Awdheegle waxa uuna u geeyay horjoogihiisii.

Baaris dheer kadib 07dii- Bishaan Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa Codsaday Dacwad Qaadista Kiiska Xuseen ayaa laga Ogolaaday 16-kii Bishaan ee aan ku jirno, waxa ay Maxkamadda la wadaageen cadeemta Miinadii lagu soo qabtay eedeysanaha iyo qiraalkiisa.

Qareenada u dooday Eedeesane Xuseen Cabdiraxmaan ayaa u sheegay garsoorka in uu ku cusbaa ka mid ahaanshaha maleeshiyada kana codsaday in xukunka loo qafiifiyo.

Kadib Maxkamadda oo waqti ku Filan siisay dhinacyada ayaa 21-kii Bishaan ku xukuntay 15-sano oo xabsi ciidan ah Xuseen Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Garsoore Axmed Cali Axmed oo ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda Darajada Koowaad.

Xukunkasanaha haysta Fursad uu ku dalban karo racfaan inta sharciga laga Ogol yahay.

 

Xukunka Askari Dil ku gaystay Mindi (Toorey)…

Garsoor – Mogadishu.   D/le Bol. 513 Maxamed Cabdiqaadir Sheekh Ibraahim oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed gaar ahaan Degmada Afgooye ayaa  lagu soo eedeeyay dembiga dil kas ah oo u adeegsaday Midi (Tooreey) una geysatay Marxuum Cabdifitaax Cabdullahi Cali taarikhda markay ahyd 25-kii April ee Sanadkan falkaas oo ka dhacay dagmada boondheere .

Sababta dilaka keentay ayaa ahyd In eedeesanha iyo marxuumka ay ku murmeen Janta Siigar bishii Ramadaan ee sanadkaan.

Taliska Qeybta Danbi Barista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (CID) ayaa ku wareejiyay eedaysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada,  Baaris dheer ka dib waxa ay isla xilligaasi Garsoorka Ciidamada Ogolaadeen in xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan 22-kii September ee sanadkaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa la wadaagay Maxkamadda  Maragyadii goob joogga u ahaa dhacdadan, Warqada cadeynta Dhimashada Marxuumka iyo Mididii uu ku geestay dilka.

08-dii Bishan ayaa Xafiiska laga Ogolaaday Markale fadhiga Maxakamad Qaadista Dable Maxamed Cabdiqaadir Sheekh Ibraahim oo ka tirsan Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed gaar ahaan Degmada Afgooye.

Qareenka u doodayay Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in laga Qaado Magta Marxuumka Maadaama Uu Qiraal yahay.

Fadhiya kala Duwan Maxkamadda Ciidamada ayaa 21-kii Bishaan ku xukuntay Maxamed Cabdiqaadir Sheekh Ibraahim Dil-toogasha ah oo ah Qisaasta Marxuum Cabdifitaax Cabdullahi, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa Haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan.

Xukunka Eeney Ureyn Garaar Dooli….

Garsoor (Mogadishu) Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) ayee Ciidanka HNSQ ayaa ka soo qabtay Dagmada afgooye 13-kii Bishii Juun ee Sanadkaan waxa uu Maleeshiyada Alshabaab u qabilsanaa Qeybta Qaraxyada.

Eeney Ureyn Waxa uu Maleeshiyada Alshabaab ku biiray isaga oo yar, waxa uuna kagaba biiray Deeganka Ceel-Bashiir ee hoostagta Dagmada Buur-hakaba, Waxaana ku qanciyay ka mid ahaanshihiisa Horjoogihiisii.

Horjoogihiisa ayaa u soo dhiibi jiray Miino diyarsan ka dibna waxa uu gayn jiray dagmada Buur-Hakabe  isaga oo isticmaalaya mooto Feekon ka dibna waxa uu dhigi jiray meeshii uu markaas u arko in ay dadka isugu yimadan.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isku howlay sidii uu u soo dhamaystiri lahaa hab raaca Muhiimka u ah horgaynta Maxkamadeed Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) 12-kii Bishaan, waxa ay Maxkamadda la wadaageen Qiraalka Eedeysanaha.

Abuukataha u dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka codsaday in ay Maxkamadda u fiiriso sifaha danbi fududeya Maadaama uu Eedesanaha Qiraal yahay.

Maxkamadda ayaa fadhiya kala duwan ku xukuntay Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) Xabsi Daa’in 21-kii Bishaan, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Axmed Cali Axmed oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.