Xukunka Dil ka dhacay Xiro Ciidan……

Garsoor – (Mogadishu)- Dable Xoogga Cabdiqaadir Xaaji Yuusuf, ayaa loo soo xiray dilka saaxiibkiis kala tirsanaa Ururka 222 aad, Guutada 22aad ee Boliis milataara Marxuum Ex dable Xoogga Ismaaciil Xasan Ibrahim Macawiisleey.

Dilkaan, ayaa  ka dhashay Muran ka billowday Xabad sigaar ah, waxaana uu ka dhacay xerada dhista ee degmadda Deyniile, Toban iyo Todobadii bishii Labaad ee Sanadkaan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Seddex iyo Tobankii Bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Dable Xoogga C/qaadir Xaaji Yuusuf Dil toogasho ahna qisaasta Marxuum Ex dable Xoogga Ismaaciil Xasan Ibrahim Macawiisleey.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

Xukunka Askari u gacan qaaday Walaashiis soo korisay ka dibana dilay Taliye koox…….

Garsoor – (Mogadishu) –  Xuseen Xasan Maxamuud Macda oo ka tirsan Ururka 214-aad Guutada 21-aad Qeybta 27-aad ee Ciidanka Dhulka XDS ayaa lagu soo eedeeyay  dilka Marxuum S/le Shaafici Maxamed Xaanshi Cali oo ahaa Taliye Koox.

Dilka ayaa yimid ka dib markii Xuseen uu u awood sheegtay walaashiis soo korisay. Wiil ay dhashay walaashiis ayaa qeylo dhaan ugu tagay Ciidamada Boliis Military ee waajibka ka lahaa Xaafadda Al-cadaala Ee Dagmada Heliwaa, si loo joojiyo Eedeysane Macda oo walaashiis ka weyn u gacan  qaadaya.

Marxuum S/le Shaafici Maxamed Xaanshi Cali iyo Seddex askari oo uu watay ayaa u dhaqaaqay Joojinta eedeysanaha, Isagoona Eedeysanaha ka dalbaday in uu ku Wareejiyo qoriga.

Xuseen oo ka biya diiday in uu wareejiyo qoriga ayaa baas ooda kaga qaaday Marxuumka, waana Toban iyo Todobadii Bishii November ee sanadkii tagay.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Sideed iyo Tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Xoogga Xuseen Xasan Maxamuud Macda dil toogasho oo ah Qisaasta marxuum Ex S/le Xoogga Shaafici Maxamed Xaanshi Cali.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Dhexe Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Ganacsade Rag uu Deyn Ku lahaa Ku Dacweeyey Khawaarijta…..

Garsoor – (Mogadishu)- Cabdifitaax Yuusuf Xersi Cagaweyne, ayaa lagu eedeeyey in Maxkamad Beenaadka Khawaarijta ee deegaanka Gendershe ee gobolka Shabeellaha hoose uu ka dacweeyey Afar qof, kuwaasi oo uu ku lahaa lacago deyn ah.

Eedeysanaha oo ah Ganacsade leh dukaan lagu iibiyo raashinka, ayaa ka hor inta uusan u tagin Khawaarijta, waxa uu afarta qof ka dacweeyey Maxkamadda degmadda Kaxda, taasi oo u xukuntay in lacagaha uu ku lahaa raggaasi ay siiyaan, balse mid kamid ah afartii uu dacweeyey ayaa qaatay racfaan, waxaana kiiskooda loo wareejiyey Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Eedeysanaha ayaan tagin Maxkamadda gobolka Banaadir, taas beddelkeedana waxa uu u dhaqaaqay in Khawaarijta uu u dacwoodo, waxaana markii uu soo laabtay ay Hay’addaha ammaanka ka qabteen degmadda Kaxda Lix iyo Tobanka Bishii kow iyo tobnaad ee sanadkii hore 2024.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Lixdii Bishaan February.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Cabdifitaax Yuusuf Xersi Cagaweyne Lix Bilood oo Xabsi argagixiso ah.

Xukunka Shabakad Xogaha Kunteenarada Dekadda ka soo daga u dusin jirtay Khawaarijta………

Garsoor – (Mogadishu) – Cabdi Cabdulle Cumar Cabdi yare”, Cabdullaahi Axmed Cabdi “Dhoobey” iyo Maxamed Maxamuud Cabdi, ayaa loo soo xiray

kamid ahaanshiyaha Khawaarijta, gaar ahaan qeybta soo gudbinta Xogaha ganacsatada iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee dekadda Muqdisho.

Shaqooyinkii ay Khawaarijta u qabteen ayaa waxaa kamid ah Xogaha Sagaal markab oo si PDF ahaan ah ay whatsapp-ka ugu direen Cabdi Qafaar “Ugaas” oo Khawaarijta u qaabilsan Qeybta Xogaha Maraakiibta iyo Maaliyadda Ee Dekadda Muqdisho, bil kasta ayeyna la wadaagayeen xogaha iyo dhaq-dhaqaaqyada ganacsi ee Dekadda, si Khawaarijta ay u handadaan ganacsatada oo ay uga qaataan lacago baad ah.

Seddexdaan Eeddeysane, ayaa Gacmaha Hay’addaha ammaanka waxay soo galeen Tobankii bisha Lixaad ee Sanadkaan 2024.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Labo iyo Labaatankii Bishaan Oktoobar.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay.

Cabdi Cabdulle Cumar Cabdi yare” iyo Maxamed Maxamuud Cabdi ayey Maxkamadu ku xukuntay min Siddeed Sano oo Xabsi Ciidan ah, halka Cabdullaahi Axmed Cabdi “Dhoobey lagu xukumay Afar sano oo Xabsi ciidan ah.

Xukunka dil ka dhashay muran ay sababeen Kaararka Barakacayaasha…..

Garsoor – (Mogadishu) – Dable Xoogga Maxamud Cabdulle Geesood “AJ” oo ka tirsan Guutada 7-aad ee XDS, ayaa loo soo xiray dil bareer ah oo degmadda Xarardheere ee gobolka Mudug uu u geystay Marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed “Qeylo”, Taariikhdu markii ay aheyd Sagaal iyo Tobankii Bisha Labaad ee sanadkaan 2024.

Dilka ayaa yimid kadib markii la isku qabsaday qeybinta Kaararka ay bixiyaan hay’addaha caawiyo dadka danta yar, muran iyo Isqab-qabsi kadibna waxaa xigtay in Eedeysanaha uu rasaas ku furo Marxuumka, halkaas ayuuna ku geeriyooday Xasan Cabdullaahi Axmed.

Eedeysanaha oo dilka kadib Baxsaday, ayaa gacanta Hay’addaha ammaanka waxa uu soo galay labaatankii bisha afaraad ee Sanadkaan 2024.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Seddexdii bishaan September 2024.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Xoogga Maxamud Cabdulle Geesood “AJ” dil toogasho oo ah Qisaasta marxuum Xasan Cabdullaahi Axmed “Qeylo”

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

 

Xukunka Askar Dishay Sargaal ay dhaceen……

Garsoor – (Mogadishu) – Dable Asluub Maxamed Axmed Cabdi “Musiibo Qaran” , Dable Xoogga Jaamac Cabdiqani Jaamac( oo maqane ah) iyo Axmed Daahir Cabdi “Shiiqaal” (oo maqane ah), ayaa lagu soo eedeeyey Jidgooyo iyo dhac ay ka dhalatay Dhimashada Ex Labo Xidigle Cabuqaadir Muxudiin Aadan oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka, falkaasi oo dhacay Habeen ku Tariikheysan Lix iyo Tobanka bisha labaad ee Sanadkaan.

Marxuumka iyo mid ka mid ah saaxibadiisa ciidmada oo ka soo baxay goobtooda shaqo oo aheyd Xerada Damaanyo ayaa ku soo dhex dhacay Eedeysanayaasha oo isbaaro u taalla laamiga dheer ee Xoosh ee degamdda Garasbaaley.

Eedeysane Maxamed Musiibo Qaran oo ku hubeysnaa qoray Ak 47 ayaa labo Xabad ku dhuftay Marxuumka, isaggoona ka qaatay Bistooladii uu watay.

Hay’addaha Ammaanka oo ku raad-joogay Eedeysaneyaasha, ayaa gacanta ku dhigay Dable AsluubMaxamed Axmed Cabdi “Musiibo Qaran” Afar iyo Tobankii Bishii April ee Sanadkaan, waxaana baxsad ah Dable Xoogga Jaamac Cabdiqani Jaamac iyo Axmed Daahir Cabdi “Shiiqaal”.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Tobankii Bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay.

1- Maxamed Axmed Cabdi “Musiibo Qaran” dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Cabuqaadir Muxudiin Aadan.

Halka 2- Jaamac Cabdiqani Jaamac iyo 3- Axmed Daahir Cabdi “Shiiqaal” oo labaduba maqane ah ay Maxkamadu ku xukuntay min sideed sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

 

Xukunka Askari lagu Eedeeyey inuu dhaawac Culus geeystay…

Garsoor – (Mogadisho)- Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida, ayaa maanta Go’aan kasoo saartay kiiska Dable Xoogga Mursal Abuukar Maxamed oo lagu eedeeyey inuu dhaawacay dhibane Mascuud Axmed Xasan taariikhdu markii ay aheyd sodonka Bishii August ee 2023, kaasi oo u naafoobay dhaawicii gaaray.

Xafiiska Xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida, ayaa racfaan ka qaatay xukun ay horey u riday Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada QS Dable Xoogga Mursal Abuukar Maxamed, kaasi oo eedeysanaha xoriyadiisa ay dib ugu siisay, kadib markii lagu waayey eedihii Xafiiska Xeer ilaalinta.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda QS oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Dable Mursal Abuukar Maxamed ayey Maxakamadda sare ee Ciidamada QS amartay in si deg deg ah Xabsiga looga sii daayo kadib markii ay maxkamadu ku weysay eedihii loo heystay.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sarreeye guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Xukunka Xasan Laari iyo Kooxdiisii…..

Garsoor – (Mogadishu)- Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukunno kala duwan kasoo saartay kiiska Eedeysanaal gaaraya Todobo, kuwaasi oo loo heysto dil, qal-qal gelin amin iyo ku takrifal dhul dowladeed.

Eedeysaneyaasha oo kala ah Dable Xoogga Mahdi Colaad Xiireey, Dable Xoogga Nuur Daahir Xersi, Dable xoogga Xasan Cabdulle Samatar Dable Xoogga Maxamed Khaliif Xuseen, Dable xoogga C/qani Cali Xaaji, Dable xoogga Nuur Cabdi Maxamed iyo Dable Xoogga Axmed Xasan Maxamed, ayaa racfaan kasoo qaatay Xukun ay horey ugu riday Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Afartii Bishii August ee Sanadkaan, balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda QS oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

1- Dable Xoogga Mahdi Colaad Xiireey iyo 2-Dable Xoogga Nuur Daahir Xersi ayey Maxkamadda sare ku xukuntay inay bixiyaan Boqol Halaad oo geel ah “Diyo Muqalado ah” ahna Magta Marxuum Cabdullaahi Maxamed Ibraahim iyo Min shan sano oo Xabsi Ciidan ah.

3- Dable Xoogga Xasan Cabdulle Samatar ayey maxkamadu ku xukuntay Todobo sano oo Xabsi Ciidan ah.

4- Dable Xoogga Maxamed Khaliif Xuseen 5- Dable Xoogga Cabdiqani Cali Xaaji 6- Dable Xoogga Nuur Cabdi Maxamed 7- Dable Xoogga Axmed Xasan Maxamed, ayey Maxkamadda sare ee Ciidamada QS ku xukuntay min seddex Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Xukunka Dil ka dhashay Haweeney mareysay Bar Hubin ah….

Garsoor – (Mogadishu)-  Maxkamadda Ciidmada Qalabka Sida, ayaa maanta go’aan ka soo saartay kiiska Dable Nisa Mahad Cali Cabdi “ Madaxeey” iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed oo ka wada howlgalayay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla isgoyska Taleex ee degmadda Hodan, kuwaasi oo ku eedeysan dil ka dhashay Is qab-qabsi ka bilowday Deysmada mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha iyo Cida is ka leh ka gudashada waajibka hubinta iyo amarka fasaxida.

Arrintaan, ayaa markii dambe isku beddeshay  in hub la isku adeegsado, Waxaana Todobo iyo labaatankii bisha lixaad ee sanadkaan Is rasaaseen xaafadda Taleex ee Degmadda Hodon ku dhex martay Dable Nisa Mahad Cali  Cabdi “Madaxeey”  iyo Dable Bol. Cadnaan Muuse Maxamed ku dhintay Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse oo ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhex jiray labadooda.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday toban iyo todobadii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Mahad Cali Cabdi “Madaxeey” shan sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Magta Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse halka Cadnaan Muuse Maxamed lagu xukumay hal sano oo Xabsi Ciidan ah..

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Askari u dilay muwadin Bastoolad sharciyeysan…….

Garsoor – (Mogadishu)- Mahad Cali Maxamuud Madoobe oo ka tirsan ciidanka deegaanka ee degmadda Deyniile, ayaa loo soo xiray inuu si bareer ah uu degmadda Daaru-salaam ugu dilay Marxuum Axmed Nuur Tooxoow, Taariikhdu markii ay aheyd Sagaal iyo Labaatankii bishii Afaraad ee sanadkaan 2024.

Marxuumka oo heystay Bastoolad sharciyeysan ayaa isaggoo maraya laamiga Daaru-salaam, gaarina wato waxaa jidka u istaagay Eedeysane Mahad Cali Maxamuud Madoobe, kaasi oo gaariga joojiyey kuna amray inuu Bastoolada soo wareejiyo, balse Marxuumka ayaa ka diiday maadama uu bastooladda u heystay sharciga hubka ee ay bixiso Wasaaradda Amniga, intaas kadibna eedeysanaha ayaa xabado ku furay, halkaasi ayuuna ku geeriyooday Marxuum Tooxoow, isla maalintii uu dilka geystay ayaana lasoo qabtay Eedeysanaha.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Seddex iyo tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Mahad Cali Maxamuud Madoobe dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Axmed Nuur Tooxoow.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.