Xukunka Walaallo wada dhashay……

Garsoor -(Mogadishu)- Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kala duwan kasoo saartay kiiska Daadir Cali Cusmaan & Cabdullaahi Cali Cusmaan oo loo heysto dilka Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale oo ahaa guddoomiyihii deegaanka Mareereey ee gobolka Shabeelada dhexe, falkaasi oo dhacay taariikhdu markii ay aheyd Sodonka Bishii Maarso ee sanadkan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Sodonkii bishii Juun ee Sanadkaan, balse Xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Sagaal iyo Tobanka bishaan Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Daadir Cali Cismaan ayey Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Xuseen Xasan Mool-gale, halka
Cabdullaahi Cali Cusmaan ay Maxkamadu xorriyadiisa dib u siisay.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Xukunka Sarkaal dilay Sarkaal kale…….

Garsoor _ (Mogadishu)- Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida, ayaa xukun kasoo saartay Xidigle Maxamed Xasan Maxamed oo loo heysto inuu dilay Ex-Xidigle Ridwaan Ibraahim Cabdullaahi oo milatariga ay kawada tirsanaayeen, falkaasi oo dhacay Labo iyo tobankii May ee Sanadkaan.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukun ka soo saartay Labaatan iyo afartii bishii May ee Sanadkaan, balse Xeer ilaalinta ayaa racfaan ka qaatay xukunkii lagu riday.

Lixdii Bishaan August Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka Sida oo aqbashay dalabkii racfaanka, iyada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, ayaa ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Xidigle Xoogga Maxamed Xasan Maxamed ayey Maxkamadda sare ku xukuntay inuu Bixiyo Boqol neef oo geel ah oo ah magta marxuum Ex Xle Xoogga Rideaan Ibraahim Cabdullaahi iyo sidoo kale Labo Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sareeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Maxkamadda sare ee ciidamada oo markale xukuntay Qoslaaye iyo kooxdiisii….

Garsoor – (Mogadishu)- Maxkamadda Sare ee Ciidamada QS ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay Taliyihii saldhiga Heliwaa dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo Kooxdiisa oo mid maqane ah uu ku jiro, kuwaasi oo ka wada shaqeeyey dilka Marxuum Abuukar Axmed Kaabax, falkaasi oo dhacay Labaatan iyo Labadii bishii February ee sanadkaan 2024.

Kooxdaan oo kooban Lix qof, ayaa Qoslaaye waxaa ku wehliyey kiiskaan, Dable Bol. Maxamed Cabdi Qoone, Liibaan Maxamed Axmed oo ah Maskaxdii ka dambeysay dilka marxuumka, Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin], Maxamed Cadaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS ayaa codsaday qaadista kiisaskan, fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay kiiskaan Lixdii April ee Sanadkaan, balse xukunsaneyaasha ayaa racfaan ka qaatay xukunadii lagu riday.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda oo aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen xukunsaneyaasha Tobankii bishaan, ayaa waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda, iyaddoo ugu dambeyn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

1- Ex dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo 2- Ex Dable Bol. Maxamed Cabdi Maxamed Qoone, ayey Maxkamadda sare ee ciidamada ku xukuntay dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Abuukar Axmed Kaabax.

3- Liibaan Maxamed Axmed oo maqane ah, ayaa lagu xukumay Xabsi Daa’in, halka 4- Maxamed Cadaawe Cali, 5- Yaasiin Cabdi Jaamac iyo 6- Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] ay Maxkamadda sare ku xukuntay min Todobo sano oo Xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Sarreeye Guuto Liibaan Cali Yaroow Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida.

Xukunka Rag loo haysto Dilka Arday………..

Garsoor – (Mohadishu)- Dable Xoogga Axmed Maxamed Raage (Qataatow) , Dable Nisa Cabdi Axmed Cadow Axmed iyo Dable Nisa Farxaan Aadan Nuur Cilmi, ayaa si wadajir ah loogu soo eedeeyey in ay geeysteen Dilka marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq oo ahaa arday siddeed iyo toban jir ah oo dhiganayey sanadkiisii ugu horreeyey ee dugsiga sare.

Waxaa kale oo diiwaankooda eeda ku jirta Afduub iyo Bur-burinta gaari uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed oo ay ku fureen rasaas.

Eedeysaneyaashaan oo isticmaalayey waxyaabaha maanka dooriya ayaa dilay Marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq oo marayey inta u dhexeyso Deyniile iyo Garasbaaleey, xilli  uu la socday saaxiibadiis oo ay wada saarnaayeen Gaari Propox ah, marxuumka ayaana u geeriyooday rasaas ay eedeeysaneyaasha ku fureen gaariga taariikdu markii ay aheyd Tobankii bisha April ee Sanadkaan  2024.

Ka hor falkaan waxay si khasab ah ku afduubteen Dhibane C/wahaab Siyaad Jamaal oo wade ka ahaa gaari Nooha oo ah kii lagu horjaray gaariga marxuumka uu saarnaa.

Eedeysaneyaasha o baxsaday dhacdadaan kadib, ayaa gacanta Hay’adaha ammaanka oo ku raad-joogay waxay soo galeen maalmo kala duwan oo is xig-xigay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Lixdii Bishaan July.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku  xukuntay, Ex Dable Xoogga Axmed Maxamed Raage “Qataatow iyo Ex Dable Nisa Cabdi Axmed Cadow Axmed dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Cabdullaahi Cabdi Isxaaq, halka Ex Dable Nisa Farxaan Aadan Nuur Cilmi lagu xukumay seddex sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Askari Dil Bareer ah u gaystay……..

Garsoor – (Mogadishu)- Dable Bol Cabdisamad Faarax Nuur “Minishiibiyo”, ayaa loo soo xiray in uu dil kas ah u geystay Marxuum Ex Seddex Alifle Xoogga Maxamed Xasan Maxamuud, Falkaan oo lagu geystay Qori AK47 ah ayaa ka dhacay degmadda Yaqshiid, gaar ahaan halka loo yaqaano Miisaanka dhuxusha taariikhdu markii ay aheyd Kow iyo tobanka bishii afaraad ee sanadkaan 2024.

Marxuumka oo saarnaa mooto Bajaaj, ayna la socdeen Seddex qof, ayaa soo gaaray Bar lagu hubiyo Gaadiidka kala duwan oo Ciidanka Booliska ay ku lahaayeen isgoyska Miisaanka Dhuxusha, xilligaasi oo shaqada uu saarnaa Eedeysane Cabdisamad, baaris kadibna waa la fasaxay Mootada.

Mootadii uu la socday Marxuumka, ayaa markii la fasaxay kadib waxay istaagtay meel aan ka fogeyn Bartii hubinta, si ay u sugaan qof ka degay intay ku jireen Feelka Baarista, Eedeysane Dable Bol. Cabdisamad ayaa u yimid isaggoo ku yiri meeshaan ka taga, kadibna waxaa xigtay in Xabad uu ku soo riday Mootada, taasi oo madaxa ka haleeshay Marxuum Ex Seddex Alifle Xoogga Maxamed Xasan Maxamuud oo mootada gudaheeda fadhiyey, halkaas ayuuna ku geeriyooday.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Afar iyo labaatanka bishii Lixaad ee Sanad 2024.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Dable Bol Cabdisamad Faarax Nuur “Minishiibiyo”dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Ex Seddex Alifle Xoogga Maxamed Xasan Maxamuud.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Askari Xabad afka uga dhuftay Taliyihiisa……..

Garsoor -(Mogadishu)- Dable Xoogga Maxamed Xiireey Maxamuud oo ka tirsan guutada Cali bin abii Daalib, ayaa loo soo xiray inuu dhaawac culus uu u geystay taliye unugiisa oo Xabad uu afka uga dhuftay, kaasi oo lagu magacaabo Dable xoogga Axmed Cabdullaahi Maxamed, falkaan ayaana ka dhacay degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan taariikhdu markii ay aheyd Kow iyo tobanka bishii January  ee Sanadkaan.

Falka kadib Eedeysanaha oo lagu xiray Xabsi ku yaalla Guriceel, ayaa kasoo baxsaday Xabsigaasi, isaggoo soo galay Muqdisho.

waxaana uu si dhuumaaleysiya uu in muddo ah uu ku joogay Tabeelaha Sheekh Ibraahim, Baadi goob kadib gacanta hay’addaha ammaanka ayuu soo galay Afar iyo tobanka bishii afaraad ee sanadkaan. kadib markii ay soo gacan geliyey gabar haasaawe Jaceyl la jishay, isaggoo lagu qabtay Xeebta Liido degmadda Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Seddex iyo tobankii Bisha lixaad ee Sanadkaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda  ayaa ugu dambeyn Maanta Ku xukuntay Ex Dable xoogga Maxamed Xiireey Maxamuud, Magta Dhaawaca iyo bixinta Kharashkii ku baxay, Shan sano oo Xabsi Ciidan ah, waxaana maxkamadda ay ka saartay Xubinnimada Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunka Maxamuud oo Muqdisho Lacagaha Baada ah uga aruurin jiray Khawaarijta…

Garsoore -(Mogadishu)- Eedeysane Maxamuud Maxamed Macalim Maxamuud “Karaama” , ayaa loo soo xiray kamid ahaanshiyaha Khawaarijta, gaar ahaan inuu Qaabilsanaa aruurinta lacagaha baadda ah ee Khawaarijta ay ka qaadaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladda Muqdisho.

Maxamuud oo ku dhashay degmadda Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa Khawaarijta ku biiray dhammaadka sanadkii 2020-ka, waxaana ku tashkiiliyey nin lagu magacaabo Axmed Maxamed oo Khawaarijta ka tirsanaa, kaasi oo ay isku barteen magaaladda Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Eedeysane Maxamuud, ayaa argagixisada u aruurin jiray lacagaha baadda ah, isaggoo Khawaarijta u gudbin jiray xogta dukaamada cusub ee laga furo degmooyinka kala ah Xamar weyne, Xamar Jajab, Waabari, Hodan, Howlwadaag iyo Boondheere, si loo handado goobahaasi ganacsi, loogana qaado lacago baad ah.

Sidoo kale waxa uu Khawaarijta u gudbin jiray Qiyaaata qiimaha hantida taalla goobta ganacsi ee xogteeda uu gudbinayo, Numberka iyo Dukaanka magaciisa, waxaana arrimahaan uu ka shaqeynayey muddo Seddex Sano iyo Lix bilood ah, isaggoo Mushaar ahaan seddexdii biloowdba mar ay Khawaarijtu siin jireen lacag dhan Labo boqol oo Dollar, Gacanta Hay’addaha amnigana waxa uu soo galay Sagaal iyo Laabaatankii Bishii January ee Sanadkaan 2024.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Kow iyo Labaatankii Bishii May ee Sanadkaan 2024.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Maxamuud Maxamed Macalim Maxamuud “Karaama” 8 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Dilkii Maama Khadiija…..

Garsoor – (Mogadishu)- Ibraahim Aadan Maadeey Afgarashadiisuna tahay Cabdiraxmaan, ayaa Khawaarijta kaga biiray degmadd Jillib ee Gobolka Jubbada dhexe, Tabbar gaaban oo dhinaca Dillalka Qorsheysan ah kadib waxaa loo soo diray in Muqdisho uu ka howlgallo, Gaar ahaan Kooxda Dilalka Gaadmada ah fulisa,
isaggoona mushaar ahaan kaga qaadan jiray Argagixisada Lacag u dhaxeysa Todobaatan iyo ilaa Sagaashan Dollar ka mareykanka ah.

Feejignaanta Dheeriga ah ee Ciidamada Aminga darteed Dhowr Shaqo oo la amray fulintooda ayaa fashil ku soo dhammaaday, hasa yeeshee Labada Bisha Koowaad ee sanadkaan marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed oo Afaafka hore ee gurigeeda si wal-wal la’aan ah kula sheekeesaneysay Gabadheeda, kaasi oo ku yaalla Degmadda Hodan Gaar ahaan Waaxda Kacaan ayaa Ibraahim Aadan Maadeey (Cabdiraxmaan) Isaggoo ka faa’iideysanaya naxariisteeda hooyanimmo ayuu ku dagay inuu u baahan yahay Biyo haaraad badanna u hayo, waxaase xigtay uu labo xabadood uu madaxa kaga dhuftay Marxuumad Maamo Khadiijo Siyaad Maxamed.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidmada ayaa codsaday mudeynta kiiskan, waxaana laga ogolaaday kow iyo Tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda  ayaa ugu dambeyn Maanta Ku xukuntay Ibraahim Aadan Maadeey Dil toogasho oo ah qisaastii Marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

 

 

Xukunka Dil ka Dhashay Muran kala Horeyn Timo-jare…..

Garsoor – (Mogadishu)- Daa’uud Bashiir Colow oo ka tirsan Guutada 27-aad, ururka 3-aad ee Abuu-dujaana ayaa loo heystay in uu dil bareer ah u geystay marxuum Sacad Cabdi Muuse, inuu baxsad ka ahaa goobtiisa shaqo oo ah Deegaanka Shabeeloow Gobolka Galgaduud, lunsasho hanti dowladeed, Qalgal gelin Goob ganacsi, Xatooyo Xoolo Ciidan iyo Jabin Xeerka xakameynta hubka caasimadda.

Seddexdii Bisha Afaraad ee Sanadkaan 2024 kaliya muran dhinaca kala horreynta timo jare ayaa keenay in Eedeysane Daa’uud Bashiir uu madaxa xabad kaga dhufto marxuum Sacad Cabdi Muuse, Falkaan ayaana ka dhacay Degmadda Dharkenleey ee gobolka Banaadir.

Todobada bisha shanaad ee sanadkaan 2024 Maxkamdda Darajada kowaad ee Ciidamda Qalabka Sida oo Dhageysatay kiiskaan waqti ku Filanna siisay dhinacyada dacwada ayaa ugu danbeyn Maanta oo ay taariiikhdu tahay sideed iyo Tobanka Bisha May ee 2024 Ku xukuntay Dable Daa’uud Bashiir Coloow Dil toogasho oo ah qisaastii marxuum Sacad Cabdi Muuse.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Xukunka Sarifle jaajuus u ahaa khawaarijta….


GARSOOR – (Mogadishu)- Maxamed Cali Xersi Diirshe, ayaa loo soo xiray Kamid ahaanshiyaha Khawaarijta, gaar ahaan qeybta Jaajuusnimada iyo inuu gacantiisa ku fuliyey Falal agagixisanimo.

Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, ayuu ku lahaa goob uu gabbaad ka dhiganayey oo lagu sarifo lacagaha, isaggoo Khawaarijta uu u gudbin jiray xogaha Ciidanka Muqdisho ka baxa ee ku wajahan Shabeellaha hoose, islamarkaana maraya Wadada Ceelasha Biyaha, tiradooda iyo gaadiidka ay wataan intaba.

Khawaarijta waxuu ku biiray 2012, waxaana ku tashkiiliyey Yuusuf Xasan Ibraahim oo horey Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ay ugu xukuntay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah, isaggoo ku daray qeybta Jaajuusnimada iyo Bombo tuurka, Xogaha uu helana waxaa uu u gudbin jiray Yuusuf Xasan Aadan.

Bishii Lixaad sanadii 2022 waxa uu Bomb gacmeed ku tuuray saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha oo xilligaasi ku sugnaa goob timaha lagu jarto, sidoo kale Goobo kale oo ay kamid yihiin Alnasri 3 iyo Hotel Musdalifo ayuu Bomb ku tuuray.

Falalkaasi argagixisanimo ee uu geystay Maxamed Cali, ayaa waxaa ka dhashay dhaawaca seddex ruux oo labo kamid ah ay ahaayeen Haween.

Maxamed Cali Xersi Diirshe, ayaa u cararay deegaanka Jannaale, kadib markii Ciidanka amniga ay soo qabteen Yuusuf Xasan Ibraahim oo ahaa Horjoogihiisa, Afar bilood kadibna waxa uu kusoo laabtay Ceelasha Biyaha isaggoo sii amba-qaaday dhagartiisa, waxaana markaan horjooge u ahaa nin lagu magacaabo Nabadoonka.

Hay’adaha amniga oo ku raad-joogay Maxamed Cali Xersi Diirshe, ayaa Deeganka Ceelasha biyaha kasoo qabtay taariikhdu markii ay aheyd Kow iyo tobankii Bisha Labo iyo Tobnaad ee 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Q.S ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga oggolaaday Labo iyo Tobankii Bishii seddexaad ee Sanadkaan 2024.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Maxamed Cali Xersi Diirshe 15 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.